SWEDEN OO KU XUKUNTAY XABSI DAA’IN AH NINKII GUBAY DUULIYIHII URDUN.

(SAWIRKA)-DUULIYIHII URDUN EE NOLOSHA LAGU GUBAY.

(LONDON)-Dalka Urdun ayaa soo dhaweyay xukun ay maanta oo Khamiis ah Maxkamada ku taalo dalka Sweden ku riday xubin ka tirsan kooxda Daacish oo lagu helay inuu ku lug lahaa dilkii foosha xumaa ee loo geystay Duuliyihii ka tirsanaay Ciidamada Cirka ee DALKA Urdun G/dhexe.Mucaad AL-Kasasbeh. Osama Krayem ayaa ku lug lahaa dilka AL-Kasasbeh, oo 26 jir ah, kaasoo nolosha lagu gubay qafis ka dib markii la qabtay 2014-kii ka dib markii diyaaradii uu la socday ay ku burburtay Suuriya xilli uu socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish. Maxammad AL-Momini, afhayeenka dowladda Urdun, ayaa intaa ku daray in Urdun ay si buuxda ugu kalsoon tahay hannaanka sharciga iyo Garsoorka Sweden ee ka dhashay go’aanka. Al-Momini waxa uu sheegay in dadka reer Urdun ay waligood xasuusan doonaan dhacdadan naxdinta leh, isla markaana xukunka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagula xisaabtami doono dhammaan. Krayem oo haysta dhalashada dalka Sweden ayaa horay loogu xiray ku lug lahaanshiyaha weeraro kale oo ka dhacay Yurub, gaar ahaan weeraradii Paris iyo Brussels ee sanadihii 2015 iyo 2016. Dilka AL-Kasasbeh ayaa Argagax galiyay dadka reer Urdun ka dib markii Daacish ay soo bandhigtay muuqaal naxdin leh oo muujinaya isagoo nool oo lagu gubayo qafis. Maxkamadda Sweden ayaa sheegtay in inkastoo cadeymaha ay muujinayaan in qof kale uu shiday dabkii dilay, Krayem ayaa sidoo kale ku lug lahaa dilka.

ISHA-AN.

Next
Next

KOOXDA JIHAAD ISLAAMI EE FALASTIIN OO SOO SAARTAY VIDEO…