KOOXDA JIHAAD ISLAAMI EE FALASTIIN OO SOO SAARTAY VIDEO…
(SAWIRKA)-ROM BRASLAVSKI.
(GAZA)-Saraya AL-Quds oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaq Islaam Jihaad, ayaa baahiyay fiidnimada Khamiista maanta ah muuqaal muujinaya askari Israa’iili ah oo Maxbuus ah lana yiraahdo Rom Barslavsky, taasoo ay ku tilmaantay "Farriintiisii ugu dambaysay" ka hor inta aan la jarin isgaarsiinta kooxda haysata. Muuqaalkan oo lagu daabacay luuqadaha Carabiga iyo Cibraaniga ayaa muujinaya Barslavsky oo ka daawanaya muuqaal telefishin ah oo muujinaya masiibada bini’aadantinimo ee ay ku sugan yihiin caruurta Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Qaza, kuwaasi oo la il daran macaluul daran oo ka dhalatay go’doominta Israa’iil. Intii ay socotay duubista ayaa waxaa hadlay askariga la Maxbuuska ah isagoo ilmeynaya, isagoo xusay in muddo labo sano ah uu xirnaa. Waxa uu sheegay inuu heli jiray cunto kooban, balse hadda aysan jirin. Waxa uu intaa ku daray inuu dareemayo daal joogto ah, xanuun daran oo ka soo gaaray xubnihiisa, iyo dawakhaad markii uu isku dayay inuu dhaqaaqo ama aado musqusha. Waxa uu sheegay in neefsashada ay ku adkaatay, islamarkaana uu qarka u saaran yahay inuu burburo. Barslavsky waxa uu la hadlay dawladda Israa’iil, isaga oo yiri, “I badbaadi, maxaad ka samaynaysaan Gaza, maxaad cunto u soo gelin weydeen Waxa uu intaa ku daray in markii uu arkay caruurta Gaza oo qalfoof noqday ay isaga ka naxday, isaga oo ku nuux-nuux saday inay arrintaasi tahay mid ka baxsan bini’aadantinimada. Wuxuu sidoo kale mas'uul ka ahaa xaaladdiisa caafimaad iyo mid nafsiyeed Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu. Askariga Maxbuuska ah ayaa sheegay inuu ku dhow yahay inuu geeriyoodo, isla markaana uu qarka u saaran yahay inuu burburo jirka iyo maskaxda, isagoo xusay in taageeradii uu horay uga heli jiray ciidamada Al-Qudus ay ka go’een raashinkii iyo dawooyinkii. Waxa uu intaa ku daray, "Wax naga harin, cunto iyo biyo midna ma haysano, afar bilood ayaan ku jiray xaalad qabri u eg." Barslavsky oo warqadiisa soo gebagebeeyey waxa uu ka codsaday masuuliyiinta Israa’iil iney joojiyaan dagaalka oo ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan dadka rayidka ah, isaga oo yiri, “Haddii aanay caruurta ahayn, ha loo daayo Maxaabiista weli ku jirta Gaza”. Tani waxay ku soo beegantay iyadoo wada xaajoodka u dhexeeya Isra’iil iyo Xamaas uu ku sii socdo gebo-gebo, iyadoo ay sii wiiqmayaan dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin iyo heshiis isdhaafsi Maxaabiista Gaza, iyadoo ay sii adkaanayso mowqifka Isra’iil iyo hadallada sii kordhaya ee Tel Aviv . Fiidnimada Khamiista maanta ah,Channel 12 ee Israa'iil oo soo xiganaayo ilo siyaasadeed ayaa sheegay in fursadaha lagu gaari karo heshiis ay sii yaraanayaan, isagoo carabka ku adkeeyay in aan wax heshiis ah laga gaarin arrimaha taagan tan iyo markii wafdiga Osra’iil uu ka soo laabtaya magaaladda Dooxa ee dalka Qadar.
ISHA-AJ.