GAAJO IYO MACLUUL BA’AN OO KA TAAGAN GOBOLKA DAARFUUR.

(SAWIRKA)-EL FAHSER.

(SUDAN)-Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dadka degan EL Faashir, oo ah caasimadda Gobolka Waqooyiga Darfur ee Galbeedka Suudaan, oo ay go’doomiyeen ciidammada Taageerada deg degga ah, ay soo food saartay macaluul aad xoog u leh, iyadoo uu weli dagaalka ka socdo dalkaas. "Qof walba oo ku nool EL Faashir wuxuu wajahayaa halgan maalinle ah si uu u noolaado," ayuu yiri Eric Berdison, Agaasimaha Gobolka WFP ee Bariga iyo Koonfurta Afrika. Waxa uu sidoo kale ka digay in "awoodda u adkeysiga ay gebi ahaanba meesha ka baxday ka dib markii in ka badan laba sano oo dagaal ah, iyo nolosha ay waayi doonaan iyada oo aan si deg deg ah oo joogto ah u helitaan" khayraadka aasaasiga ah, sida ay sheegtay Wakaaladda France-Presse.

KOR U KACA QIIMAHA:

Dhanka kale, waxaa sare u kacay qiimaha badeecadaha aasaasiga ah, sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, iyadoo xustay in haruurka iyo sareenka laga sameeyo rootiga iyo Harisa ay 460% ka badan yihiin Ceel-Fashir. Barnaamijku waxa uu intaa ku daray in suuqyadu ay ku dhow yihiin in ay ka martaan alaabaha, isla markaana ay xirmaan inta badan madbadihii la wadaagi jiray. Waxa uu sidoo kale xusay in qoysaska qaar aysan haysan wax kale oo aan ka ahayn in ay cunaan calafka iyo qashinka, halka nafaqo darada ay gaartay heerkii ugu xumaa ee carruurta. Waxa uu tilmaamay in ku dhawaad 40% carruurta ka yar shanta sano ay la il daran yihiin nafaqo-xumo aad u daran, oo ay ku jiraan 11% oo ay hayso nafaqo-darro aad u daran, sida uu sheegay barnaamijka Qaramada Midoobay.

XERADA ZAM-ZAM:

Sannad ka dib markii macaluul lagaga dhawaaqay xerada ay deriska yihiin ee Zam-zam, EL Fashir ayaa laga joojiyay gargaar bini'aadantinimo tan iyo markii ay go'doomiyeen bishii May 2024 ciidammada Taageerada deg degga ah, kuwaasoo dagaal kula jira ciidammada Suudaan in ka badan laba sano. Waxaa xusid mudan in bishii April ee la soo dhaafay, weerar lagu qaaday xerada Zam-zam uu sababay in dad badan oo rayid ah ay ku soo qulqulaan magaalada Ceel Fashir, oo ah caasimadda kaliya ee ku taal gobolka weyn ee Darfur oo weli ka maqan gacanta Ciidamada Taageerada deg dega ah. Tan iyo markii ay lumiyeen caasimadda Khartoum, dib u qabsashadii ciidanku bishii Maarso ee la soo dhaafay, Ciidamada Taageerada Deg degga ah waxay xoojiyeen weerarrada ay ku hayaan Ceel Fashir iyo Xeryaha Qaxootiga ee ku hareeraysan. Dagaalka oo hadda galay sanadkii saddexaad ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay malaayiin qof, taasoo abuurtay "dhibaatada bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka," sida ay sheegtay Qaramada Midoobe.

ISHA-AA.

Next
Next

NAADIGA AL-HILAL EE SACUUDIGA OO LA GANAAXAY $133-KUN DOOLAR,SABABTA?