NAADIGA AL-HILAL EE SACUUDIGA OO LA GANAAXAY $133-KUN DOOLAR,SABABTA?

(SAWIRKA)-NAADIGA AL-HILAAL.

(RIYAD)-Kooxda AL-Hilaal ee heysata Horyaalka Dalka Sacuudiga waxaa laga mamnuuci doonaa tartanka Saudi Super Cup 2026-27 haddii ay u soo baxaan ka dib markii ay ka hareen tartanka afarta kooxood ee xilli ciyaareedkan, Guddiga Anshaxa ee Xiriirka Kubadda Cagta Saudi Arabia (SAFF) ayaa Talaadada maanta ah sheegay. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii AL-Hilaal ey isaga baxday koobka Super Cup-ka, kaasoo la qorsheeyay in lagu ciyaaro 19-ka ilaa 23-ka August ee sanadkan Hong Kong, iyadoo sabab uga dhigay daalka ciyaartoyga ka dib ololahooda koobka kooxaha aduunka. Waxa ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Fluminense wareega 8da ee July 4. "AL-Hilal waxa uu diiday ka qayb galka koobka Super Cup-ka Sacuudiga ee xilli ciyaareedka 2025-2026 ka dib markii la soo saaray jadwalka rasmiga ah ee tartanka," Guddiga Anshaxa ayaa ku yiri bayaan. "Natiijo ahaan, guddiga ayaa go'aamiyay in AL-Hilaal uu ku xad-gudbay qodobka (59-3) ee xeerarka anshaxa wuxuuna Naadiga ku Ganaaxay 500,000 Riyal Saudi ($ 133,000) si loo siiyo SAFF," ayaa lagu daray bayaanka. Marka laga soo tago Ganaaxa, kooxda ayaa laga mamnuucay ka qeyb galka Super Cup-ka 2026-27 waxaana laga xayuubiyay abaalmarino lacageed oo loo qoondeeyay tartanka xilli ciyaareedkan. Guddiga ayaa sheegay in go’aanka uu yahay mid racfaan laga qaadan karo. Waxa ay ku guuleysteen Super Cup-ka markii ay garaaceen kooxda Al-Nassr xilli ciyaareedkii hore iyaga oo qaaday koob shanaad oo rikoor ah. Koobka Super Cup-ka Sacuudiga ayaa waxaa ku tartamaya kooxda ku guuleysata iyo kaalimaha labaad ee Koobka Boqorka iyo Boqortooyada Sacuudiga. Al-Hilaal ayaa ku dhameystay kaalinta labaad 2024-25 Pro League isagoo ka danbeeyay Al-Itixaad. Al-Hilal, oo lagu waday inay wajahdo kooxda labaad ee koobka King's Cup ee Al-Qadsiyah semi-finalka Super Cup 20ka Agoosto, ayaa lagu bedelay kooxda ku guuleysatay AFC Champions League Al-Ahli. Tan iyo markii Al-Itixaad ay ku guuleysteen Pro League iyo King Cup,booska dheeriga ah ee Super Cup waxaa la gudoonsiiyey kooxda AL-Nasr oo ah kooxda kaalinta seddexaad gashay Horyaalka dalka Sacuudiga taaso u gubi doonto kulanka Semi-final-ka ee dhacaayo 19-ka bishaan Agoosto-2025-ka.

ISHA-AN.

Previous
Previous

GAAJO IYO MACLUUL BA’AN OO KA TAAGAN GOBOLKA DAARFUUR.

Next
Next

URURKA XIZBULLAHI OO KA HORYIMID HUB KA DHISTA DAWLADDA LUBNAAN.