URURKA XIZBULLAHI OO KA HORYIMID HUB KA DHISTA DAWLADDA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-BANANBAXA URURKA XIZBULLAHI.
(BEIRUT)-Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan ayaa Talaadada maanta ah ka digay in haddii Israa’iil ay xoojiso howlgallada milateri ee ka dhanka ah kooxdiisa, in kooxda hubeysan ee ay taageerto Iran ay dib u billaabi doonaan gantaallada ay u ridi doonaan Israa’iil. Hadalka Naciim Qaasim ayaa ku soo beegmay xili Golaha Wasiirada Lubnaan ay ka shirayeen sidii hubka looga dhigi lahaa Ururka Xisbullah. Beyrut ayaa waxaa saaran cadaadis Mareykanka uu ku doonayo inuu hubka ka dhigo kooxdii dhawaan 14-ka bilood ee dagaalka kula jirtay Israa’iil, isla markaana ay aad u wiiqantay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasheeda Siyaasadeed iyo kuwa milateri ay ku dhinteen. Tan iyo markii uu dagaalku ku dhamaaday bishii November xabad joojin uu Maraykanku garwadeen ka ahaa, ayaa saraakiisha Xisbullah waxay sheegeen in aanay kooxdu ka hadli doonin hub ka dhigisteeda ilaa ay Israa'iil ka baxayso shanta buurood ee ay ka maamusho gudaha Lubnaan oo ay joojiyaan duqeymaha maalinlaha ah ee ku dhow duqeymaha cirka ah ee ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen boqollaal qof oo u badan Xisbullah. Isra’iil ayaa ku eedaysay Xisbullah inay isku dayayso inay dib u dhisto awoodeeda ciidan. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in shanta goobood ee Lubnaan ay ku yaaliin meelo faa’iido leh ama ay ku yaallaan meelo ka baxsan bulshooyinka waqooyiga Israa’iil, halkaas oo ilaa 60,000 oo Israa’iiliyiin ah ay ku barokaceen intii uu socday dagaalka. Tan iyo xabbad joojinta,Xisbullah ayaa sheegatay mas'uuliyadda hal weerar oo ka dhacay goob lagu muransan yahay oo ku taal xadka. Khudbad laga sii daayay Talaadada maanta ah, ayuu Qaasim ku sheegay in Xisbullah ay diiday jadwal kasta oo ay ku wareejinayso hubkeeda. "Danta Israa'iil maaha in ay ballaariso gardarrada, sababtoo ah haddii ay ballaariyaan, iska caabintu waa difaaci doontaa, ciidanku waa difaaci doonaa, dadkuna way difaaci doonaan," ayuu yiri Qaasim. "Difaacani wuxuu horseedi doonaa in gantaalada lagu soo rido gudaha Israa'iil." Tan iyo markii uu dagaalka dhamaaday, Xisbullah waxa ay ka saartay inta badan dagaalyahanadeeda iyo hubkeeda deegaanka ku teedsan xudduudda Isra’iil ee koonfurta Wabiga Litani. Toddobaadkii hore, Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Cawn, ayaa ku celceliyay baaqyada ku aaddan in Xisbullah ay ka tanaasulaan hubkooda, taasoo ka careysiisay hoggaanka kooxda. Heshiiska xabbad joojinta ayaa ka dhigay mid aan caddayn sida loola dhaqmo hubka Xizbullah iyo xarumaha millatari ee Waqooyiga Wabiga Litani, isagoo sheegay in mas'uuliyiinta Lubnaan ay burburiyaan xarumaha aan la ogolayn ee ka bilaabanaya aagga koonfureed ee wabiga. XIzbullah ayaa ku adkeysaneysa in heshiiska uu quseeyo oo kaliya aagga koonfurta Liitani, halka Israa’iil iyo Mareykanka ay sheegeen in ay waajib ku tahay hub ka dhigista kooxda oo dhan Lubnaan. Qaasim waxa uu sheegay in Xizbullah ay diiday in dawladdu u codayso hubkeeda, isaga oo sheegay in go’aankan oo kale ay tahay in si wada jir ah ay u taageeraan dhammaan reer Lubnaan. "Qofna kama diidi karo Lubnaan xooggiisa si uu u ilaaliyo madax-bannaanideeda," ayuu yiri Kassem. Hubka Xizbullah ayaa ah arin kala qaybinaysa Lubnaan, iyadoo kooxaha qaar ay ku baaqeen in hubka laga dhigo. Dagaalka Isra’iil iyo Xizbullah waxa uu biloowday maalin ka dib weerarkii Oct. 7, 2023, ee Xamaas ay hogaaminaysay ee Isra’iil kaga soo qaaday Gaza. Waxay sababtay dhimashada in ka badan 4,000 oo qof waxayna sababtay burbur ku kacaya $11 bilyan.
ISHA-FRANCE PRESS.