MADAXA AMAANKA UK OO MW-AL-SHARAC KULA KULMAY DIMISHIQ.

(SAWIRKA)-POWELL.

(DIMISHIQ)-Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Suuriya Axmed AL-Sharac ayaa Talaadadii shalay ahayd magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq kula kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka Ingiriiska Jonathan Powell oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo Horumarinta Amniga iyo Xasilloonida Gobolka. Kulanka oo ka dhacay Xafiisyada Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, Ascad AL-Shaybaani iyo Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Xuseen AL-Salama. Wada-hadallada ayaa lagu soo qaaday sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal iyo dib u eegis lagu sameeyo horumarka gobolka iyo kan caalamiga ah. MW-AL-Sharac waxa uu sheegay in Suuriya ay u furan tahay "hal-abuur kasta oo dhab ah oo taageeraya ammaanka iyo xasilloonida gobolka, waase haddii ay ixtiraamto Madaxbannaanida Suuriya iyo go'aannada qaran ee madaxbannaanida". Powell ayaa sidoo kale wadahadalo gooni gooni ah kula yeeshay Dimishiq Wasiirka Difaaca ee Suuriya Marhaf Abu Qusrah. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca iyo xiriirka labada dal. Booqashadan la xiriirta, ergeyga gaarka ah ee Ingiriiska u qaabilsan Suuriya Anna Snow ayaa la kulantay MW-AL-Sharac iyo Wasiir Shaybaani si ay uga wadahadlaan xaaladda gobolka iyo marxaladda ku meel gaarka ah ee Suuriya. Waxay sheegtay in UK "ay garab taagan tahay dadka Suuriya ayna sii wadi doonto arrintaas". Kulamadan ayaa hoosta ka xarriiqay inuu sii kululaanayo xiriirka ka dhexeeya London iyo Dimishiq ka dib dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee bishii hore. Horraantii bishii Luulyo, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska David Lammy wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay ee qabta jagada oo booqda Dimishiq in ka badan 14 sano. Booqashadaas ayaa muujisay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda UK ee ku wajahan Suuriya ka dib sannado badan oo burbur siyaasadeed ka dib kacdoonkii 2011 iyo dagaalka sokeeye. Arrintan ayaa timid ka dib markii UK ay bishii April ka qaaday cunaqabateyntii saarneyd 12 dowladood oo Suuriyaan ah, oo ay ku jiraan Wasaaradaha Difaaca iyo Arrimaha Gudaha, taasoo lagu tilmaamay inay tahay tallaabo lagu taageerayo dib u dhiska ka dib markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad. AL-Asad, hogaamiyaha Suuriya ee ku dhawaad rubuc qarniga, wuxuu u cararay Ruushka bishii Diseembar, isagoo soo afjaray xukunkii Xiabigii AL-BACTHI(Baath Party) oo socday tan iyo 1963. Maamul ku-meel-gaar ah oo uu hoggaamiyo Sharac ayaa la sameeyay bishii Jannaayo iyadoo loo igmaday inuu dalka u jiheeyo xasillooni iyo heshiis siyaasadeed. Isagoo hadlayay ka dib booqashadiisa Luulyo, Lammy wuxuu sheegay inuu "kulan wax ku ool ah" la yeeshay Sharac iyo Shaybaani, kaasoo ay ka wadahadleen xasilloonida, isbeddel siyaasadeed oo daboolaya rabitaanka dadka Suuriya, iyo tallaabooyin wax looga qabanayo khataraha ammaanka ee UK. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la dhimo darawalada socdaalka aan caadiga ahayn iyo hagaajinta xaaladaha u suurtagelinaya Suuriyaanka ku nool UK iyo gobolka in ay ku noqdaan dalkooda. AL-Sharac, oo xilka Madaxtinimada ku meel gaarka ah la wareegay bishii Janaayo ee sanadkan ka dib burburkii taliska Asad, ayaa dowladdiisa u meel dhigay mid u furan dib u dhiska xiriirka dalalka reer galbeedka iyo kuwa gobolka, isagoo ku adkeystay in la ilaaliyo Madax banaanida Suuriya dhammaan wada xaajoodyada. La shaqaynta Madaxda sare ee UK todobaadkan waxa ay soo jeedinaysaa in labada dhinacba ay raadinayaan in ay sii qoto dheereeyaan iskaashiga dhanka amniga, socdaalka, iyo dib u dhiska. Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha diimeed ee ka socda koonfurta dalka Suuriya ee Druze, Suweyda. Iska horimaadyo ayaa bartamihii bishii July ku dhex maray maleeshiyada Druze iyo qabaa’ilka Baadiyaha Sunniga ah, waxaana soo dhexgalay ciidamada dowladda taasoo keentay in dhiig badan uu daato. Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay boqolaal kun, waxaana ku barakacay tobanaan kun, taasoo keentay in diyaaradaha Isra’iil iney duqeymo ka geystaan goobaha ay ku sugan yihiin Suuriya,Lamana oga in Powell uu arrintan ugu yimid MW-AL-Sharac. Bishan Agoosto, mas'uuliyiintu waxay sameeyeen guddi xaqiiqo raadin ah oo baara rabshadaha, iyada oo warar horudhac ah ay muujinayaan in xabbad joojinta si isdaba joog ah loo jebiyey, ciidamada amniga gudahana lagu weeraray tuulooyin dhowr ah. Lama shaacin jadwal kale oo dhexmari doona Powell iyo Sharac, balse mas’uuliyiinta Dimishiq iyo London ayaa ka dhawaajiyay in wada-hadallada ay sii socon doonaan taasoo qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka iyo ka wada shaqeynta xasilloonida gobolka.

ISHA-ARABY JADEED.

Previous
Previous

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA SURIYA OO FASHILISAY WEERAR ISMIIDAAMIN AH.

Next
Next

GAAJO IYO MACLUUL BA’AN OO KA TAAGAN GOBOLKA DAARFUUR.