WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA SURIYA OO FASHILISAY WEERAR ISMIIDAAMIN AH.

(SAWIRKA)-NAFTII HALIGA LA QABTA SURIYA.

(SYRIA)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqday in xabsiga loo taxaabay labo xubnood oo ka tirsanaa maamulkii hore ee dalkaasi oo qorsheynayay weerar lagu qaado Kaniisad ku taal magaalada xeebta ah ee Tartuus. Wasaaraddu waxa ay bayaan ay soo saartay Arbacada maanta ah ku sheegtay in “Cutubka Hawlaha Gaarka ah, oo si gaadmo ah u qorsheeyey, dabagal, ka dib, ay u suurtagashay iney xiraan laba xubnood oo ka tirsan koox sharci-darro ah oo lala xiriirinayo haraagii taliskii hore . Waxa ay sidoo kale daabacday sawiro muujinaya waxa maxaabiista laga helay oo ay ku jiraan Walxaha Qarxa, warqado ay ku qoran yihiin weero hanjabaad iyo cabsi gelin ah iyo calanka Daacish.

KANIISADDA DIMISHQ:

Bishii Juun ee la soo dhaafay, weerar Argagixiso ayaa lagu beegsaday degmada Duweylacah ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 25 qof. Nin hubeysan ayaa gudaha u galay Kaniisada waxaana uu rasaas ku furay dadkii ku cibaadeysanayay Kaniisada, waxaana xigay mid kale. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xilligaasi shaaca ka qaaday in ragga weerarka geystay ay ka yimaadeen dhanka xerada Al-Hawl oo ay soo mareen saxaraha si ay dambigooda u fuliyaan, waxaana ay xaqiijisay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagixsada Daacish. Waxa ay sidoo kale shaacisay iney gacanta ku dhigtay mid ka mid ah labadaasi canaasiir, xilli uu u socday in uu weeraro ismiidaamin ah ka fuliyo macbadka Sayida Saynab ee ku yaala baadiyaha Dimishiq. Tan iyo markii la riday Madaxweynihii hore ee dalka Suuriya Bashaar AL-Asad December 8, 2024, wadanku waxa uu soo wajahday dhibaatooyin dhanka amaanka ah, gaar ahaan iyadoo ay joogaan “Haraadigii maamulkii Bashaar” oo badan, sida ay ku sifeeyeen maamulada cusub. Intaa waxaa dheer, khatarta kooxda ISIS ayaa sii socota, inkastoo ay si weyn hoos ugu dhacday, joogitaankoodana ay ku kooban yihiin kooxo yar yar iyo Haraadiga Saxaraha Suuriya.

ISHA-AA.

Previous
Previous

250-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO DOON KULA JABTAY XEEBAHA YEMEN.

Next
Next

MADAXA AMAANKA UK OO MW-AL-SHARAC KULA KULMAY DIMISHIQ.