250-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO DOON KULA JABTAY XEEBAHA YEMEN.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(YEMEN)-Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo tiradooda lagu sheegay 7-qof ayaa u dhintay gaajo iyo harraad, ka dib markii ay si aan caadi ahayn uga safreen Dekedda Boosaaso ee maamulka Puntland iyagoo ku sii jeeday xeebaha dalka Yemen, ka dib markii doonidii ay la socdeen ay ku ciladowday badda muddo dhowr maalmood ah. Wariye Faris AL-Ximyari oo reer Yeman ah ayaa kasoo xigtay ilo maxalli ah in doonida oo ay la socdeen ku dhawaad 250 tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ay ku jiraan ku dhawaad 90 Haween ah ay ku jabtay badda xili ay ku sii jeeday dhanka Xeebta Gobolka Shabwa ee Koofur Bari Yemen. Warku wuxuu intaa ku daray in doonyaha kalluumaysiga ee deegaanka ay u suurtagashay iney gurmad u fidiyaan oo ay badbaadiyaan tahriibayaasha. Dhacdadan ayaa sababtay dhimashada 7 qof oo gaajo, haraad iyo xaalad adag oo safarka ku jirtay awgeed. Sida warku sheegayo dadkii ka badbaaday shilkan ayaa lagu soo dhoweeyey xeebta degmada Radhuum ee Gobolka Shabwa, halkaas oo la gaarsiiyey gargaar bini’aadantinimo iyo gar-gaar deg-deg ah, waxaana maydadka dadkii dhintay si sharaf leh loogu asturay iska degaanka. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib masiibo noocaan oo kale ah oo ka dhacday xeebaha Gobolka Abyan, halkaasi oo ay ku qaraqmeen 86 tahriibayaal ah ka dib markii ay la qalibantay doontii ay la socdeen, taasi oo ka dhigan mid ka mid ah masiibadii ugu xumaa ee Tahriibka Badda ee gobolkaas ka dhacda sannadihii u dambeeyey.

Previous
Previous

XUKUUMADDA LUBNAAN IYO URURKA XIZBULLAHI OO ISKU QATAARAN.

Next
Next

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA SURIYA OO FASHILISAY WEERAR ISMIIDAAMIN AH.