XUKUUMADDA LUBNAAN IYO URURKA XIZBULLAHI OO ISKU QATAARAN.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA LUBNAAN.
(BEIRUT)- Wasiirka Barakacayaasha dalka Lubnaan Kamaal Shaxaataa ayaa Arbacada maanta ah sheegay in dowladdu aysan dib uga fiirsan doonin go’aanka ay ku xaddidayso haysashada hubka. Waxa kale oo uu Tv-ga AL Arabiya u sharaxay in go’aanka dawladdu uu sugaayo mustaqbalka Lubnaan, isaga oo xusay in “Lubnaan maanta ay si midaysan u aaminsan yihiin in hubka ku jira gacanta malleeshiyooyinka uu waxyeello leeyahay. Ururadda "Xisbullah iyo Amal maanta waxay iska horkeenayaan inta badan Lubnaan," ayuu sii raaciyay. Arrintan ayaa jawaab u ah hadal kasoo baxay Ururka Xisbullah oo ku dhawaaqay in go'aanka xukuumadda Lubnaan ay ku doonayso inay ciidamada ku dajiyaan qorshe dhaqangelin ah oo lagu xaddidayo haysashada hubka ka hor dhammaadka sannadkan uu ahaa khalad weyn. Waxa uu sii watay bayaan uu soo saaray Arbacada maanta ah in go’aamada xukuumadda Nawaf Salam ay yihiin kuwo ka dhashay amarkii ergayga Maraykanka Tom Barrack. Sidoo kale, waxa uu go’aanka xukuumadda Lubnaan u arkay mid xad-gudub ku ah hadalka Wasiirka, isaga oo u arkayay ka bixitaankii Xisbullah iyo Wasiiradda Amal ee fadhigii Golaha Wasiirrada inay muujinayso diidmadooda go’aankaas. Waxa uu sheegay in go’aanka dowladda uu wiiqayo Madaxbanaanida Lubnaan, islamarkaana Israa’iil uu siinayo gacan xor ah. Waxa kale oo uu ku dhawaaqay in uu go’aanka dawladda Lubnaan ula dhaqmi doono sidii mid aan jirin.
FADHI TAARIIKHI AH:
Dowladda ayaa shalay ku dhawaaqday, ka dib fadhi lagu tilmaamay mid taariikhi ah, iney u xilsaartay ciidanka iney dejiyaan qorshe hubka lagu xadidayo ciidamada sharciga ah ka hor dhamaadka sanadkan, iyadoo qorshahana la soo gudbin doono dhamaadka bisha August. Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah, Naciim Qaasim ayaa go’aannada dowladda ka hor-yimid, isagoo ku nuux-nuux saday in jadwal walba oo hub ka dhigis ah oo la soo bandhigo si loo dhaqan-galiyo uusan isaga ogolaan doonin. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dowladda iney dejiso qorshayaal ay kaga hortagayso cadaadiska iyo hanjabaadaha, isla markaana ay ka hortagto, waa sida uu hadalka u dhigaye.
XAYIRAADDA HUBKA:
Waxaa xusid mudan in tiro ka mid ah xulafada Xisbullah ay si cad u caddeeyeen iney taageersan yihiin in hubka lagu xaddido dowladda, iyadoo loo arkayay mid cajiib ah. Waxa ugu cad cad oo ay ka mid yihiin Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Xorta ah oo uu madax ka yahay Wasiirkii hore ee Jubraan Baasil, oo ka mid ahaa taageerayaashii ugu caansanaa xisbiga, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqa AL-Muradah, Xildhibaan Tony Frangieh ayaa sheegay in "qof walba waa in uu ka soo horjeestaa caqli-galnimada dowladda iyo ciidamada," isagoo carabka ku adkeeyay "in ku tiirsanaanta dowladda ay tahay waxa badbaadinaya Lubnaan." Xildhibaanka da’da yar, oo Aabihii, Suleiman Frangieh, lagu tiriyo inuu yahay saaxiibka muhiimka ah ee xisbiga, ayaa yiri, "Waxa aan u baahanahay waa inaan hubka ku koobno dowladda iyo ciidamada." Dhanka kale, xisbigan oo la kulmay khasaare naf iyo maalba leh, intii lagu guda jiray iska-horimaadyadii u dambeeyay ee Israa’iil la galay sannadkii hore, ayaa ku nuux-nuuxsaday in aanay hubkooda dhiibi doonin, haddii aanay Israa’iil ka bixin shanta qodob oo ay weli ka haysato xuduudka Lubnaan iyo Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sidoo kale caddeeyey inuu u furan yahay inuu ka hadlo “istaraatijiyadda difaaca,” oo ah erey ay dad badan oo indha indheeya ku tilmaameen mid aan caddayn, gaar ahaan sannado ka hor markii Madaxtooyadu bilawday wada-hadallo ku saabsan xakamaynta hubka.
ISHA-AA.