DIYAARADO DRONES AH IYO AGAB CIIDAN OO LAGU QABTAY DEKEDA CADAN.
(SAWIRKA)-DRONES.
(YEmen)-Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee dalka Yemen ayaa fashiliyay isku day lagu doonayay in lagu soo raro shixnad Diyaaradeed iyo agab u badan hubka oo loo waday kooxda Xuutiyiinta. Kunteenaro laga shakiyay ayaa lagu qabtay Markab Ganacsi oo kasoo dagay Dekada Cadan ee dalka Yemen. Hay’adda ayaa warbixin ay soo saartay Arbacadii shalay ku sheegtay in howlgalkan ey iska kaashadeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo sidoo kale ammaanka aagga xorta ah ee dekadda. Koonteenarada ayaa ka koobnaa Diyaarado aan duuliye lahayn, aaladaha Wireless-ka, Unugyo casri ah oo laga hago, iyo qalab ciidan oo kala duwan. Warka ayaa lagu sheegay in Markabka uu ku sii jeeday Dekedda ey Xuutiyiinta maamulaan ee Xudeydah. Doonta ayaa isku badashay jihada Cadan ka dib markii marsada magaalada Xeebta ah ey dhawaan Isra’iil duqeysay. Hay'adaha ammaanku waxay heleen xog sirdoon oo sax ah oo ku saabsan shixnadda, taasoo u baahan in tallaabo sharci oo deg deg ah laga qaado iyadoo ey ilaalinayso Xeer-ilaalinta Dambiyada Gaarka ah. Baaritaanka ayaa dhacay 2-dii bishan Agoosto, waxaana ka qeyb galay kooxo ka kala socday Kastamka iyo Booliska Aagga Xorta ah. Agabka la soo qabtay ayaa waxaa dusha ka ilaalinayay Xeer ilaalinta Qaranka oo baaritaan ku bilowday kiiskan. War saxaafadeedka oo soo xiganaya ilo amni ayaa xaqiijinaya natiijada kormeerka ah in Dekedda Xudeyda loo adeegsado marinka hubka ee Xuutiyiinta, taasoo qeyb ka ah shabakad abaabulan oo keenta qalab casri ah. Xog-wareedkan ayaa bogaadiyay sida ey isku-dubbadareen masuuliyiinta ammaanka ee Dekedda Cadan iyo doorka ey kooxaha kastamka iyo kormeerku ku leeyihiin qabashada shixnadda. Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in baaritaano ey socdaan. Warbixin faahfaahsan oo ey ku jiraan cadeymaha ayaa loo gudbin doonaa guddiga cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ey ku jiraan halka laga keenay shixnadaha iyo dhinacyada ku lugta leh, gaar ahaan kooxda Xuutiyiinta.
ISHA-AA.