ISRA’IIL MAKU GUULEYSAN DOONTAA INEY DADKA REER FALASTIIN DEJISO K/SUUDAAN?
(SAWIRKA)-WASIIR ISRA’IIL AH IYO MW-KIIR.
(SOUTH SUDAN)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday in Xukuumadda Isra’iil ey gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah u diri doonto dalka Koonfurta Suudaan. "Israa'iil waxa ey gargaar bini'aadantinimo oo deg deg ah siin doontaa dadka ugu nugul" ee ku nool Koonfurta Suudaan si wax looga qabto "Cudurka Daacuunka iyo baahidda ba’a," ayaa lagu yiri bayaan. Wasaaraddu waxay sharaxday in gargaarka uu ka koobnaan doono “Sahayda Caafimaadka, Qalabka lagu nadiifiyo Biyaha, Galoofyada iyo waji-xirka, iyo Xirmooyinka nadaafadda gaarka ah ee ka hortagga Daacuunka,” marka lagu daro “Xirmooyinka Cuntada”. Tani waxay imaanaysaa iyadoo Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu sheegay inuu u ogolaan doono dadka reer Gaza haddii ey doonaya iney ka cararaan dagaalka ka socda Marinka iney isaga baxaan Marinka Gaza,isagoo ku nuux-nuuxsaday in dowladdiisu ey wadahadallo kula jirto dalal dhowr ah "kuwaas oo noqon kara kuwa martigeliya dadka reer Gaza." Warar ey heshay warbaahinta ayaa sheegaya in Koonfurta Suudaan ey ka mid tahay dalalka ey Israa’iil ka fikirayso iney u soo wareejiso Falastiiniyiinta, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu barakiciyo dadka deggan marinka Qaza. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Juba ayaa War-saxaafadeed ey horay u soo saartay ku beenisay wararkaas, waxayna ku nuuxnuuxsatay in eedeymahaas ey yihiin "mid aan sal lahayn." Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Israa’iil Sharon Haskel ayaa todobaadkii hore booqasho ku tagtay magaalada Juba, waxayna la kulantay Madaxweyne Salva Kiir. Ku dhawaaqista Isra’iil ee ah iney gargaar u dirayso Koonfurta Suudaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Marinka Gaza ey ka jirto xaalad bini'aadantinimo oo aad u daran oo ey sabab u tahay dagaalka socda in ka badan 22 bilood. Israa'iil ayaa wajaheysa dhaleeceyn sii kordheysa oo caalami ah oo ku saabsan dhibaatada bini'aadantinimo ee Marinka Gaza, iyadoo la xaddiday gelitaanka gargaarka bini'aadantinimo iyo yaraanta biyaha, cuntada, iyo shidaalka, iyo digniinaha Qaramada Midoobay iyo Hay'adaha caalamiga ah ee khatarta macluusha. Isniintii, Amnesty International waxay ku eedaysay Israa'iil iney waddo "siyaasad gaajo oo ula kac ah" oo ka jirta marinka Gaza ee la go'doomiyay iyo kuwa burburay. Koonfurta Suudaan ayaa ka go'day Suudaan sannadkii 2011-kii, waxaana hareeyay xasillooni-darro ka dhalatay dagaal sokeeye oo u dhexeeyay taageerayaasha Madaxweyne Salva Kiir iyo kuwa ey isku hayaan xukunka sida Ku-xigeenkiisa, Riek Machar, intii u dhexeysay 2013 iyo 2018. Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 400,000 oo qof iyo barakaca afar milyan.
XIGASHO AL-CARABIYA.
FALAAGADA RSF OO DUQEYSAY XERYO QAXOOTI OO KU YAAL EL-FASHER.
(SAWIRKA)-CIIDANKA SUDAN.
(PORT SUDAN)-Ciidamada milatariga Suudaan ayaa duqeeyay Waqooyiga Darfur ee caasimadda go’doonsan ee EL-Fasher Sabtidii, halkaasoo ey ku dileen ugu yaraan 17-qof oo rayid ah 25 kalena way ku dhaawacmeen, sida ey sheegeen ilo caafimaad. Isagoo si qarsoodi ah u hadlay sababo dhinaca ammaanka ah, ayaa ilo-wareedka ku sugan Isbitaalka Ceel-fasheer wuxuu sheegay in lambarradan ey yihiin oo keliya kuwa gaaray Isbitaalka, iyagoo intaas ku daray in kuwo kale ey aaseen qoysaskooda, ayna awoodin iney helaan goobo caafimaad, sababo la xiriira caqabado dhanka ammaanka ah oo taagan. Tan iyo bishii Maajo ee sannadkii hore, EL-Fasher waxa ey go’doomiyeen Ciidamada Taageerada Deg dega ah, kuwaasoo la dagaallamaya ciidammada Suudaan tan iyo Abriil 2023. Sida laga soo xigtay guddiga iska caabinta maxalliga ah mid ka mid ah boqollaal kooxood oo mutadawiciin ah oo diiwaangeliyay gabood-fallada intii lagu jiray iskahorimaadka weerarku wuxuu ku lug lahaa madaafiic culus oo ey RSF ku garaacday xaafado badan oo la deggan yahay. Duqeymahan ayaa billowday subaxnimadii hore ee Sabtidii, waxaana ey si wanaagsan u socdeen illaa galabnimadii, guddiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarka uu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhacay magaalada, kaasoo dhaliyay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray hanti iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dhawr kiilo mitir dhanka Waqooyi, ayaa sidoo kale kooxaha hubaysan waxay duqeeyeen xerada barakicinta ee Abu Shook, halkaasoo ey ku dileen dhowr qof oo rayid ah, oo uu ku jiro hogaamiye beeleed, halka ey ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof, sida laga soo xigtay qolka gurmadka deg dega ah ee xerada, kaasoo isku dubariday gargaarka jiidda hore intii uu socday dagaalka. Ka dib guuldaradii RSF ee caasimadda Suudaan, Khartuum, u geysatay ciidanka bishii Maarso, EL-Fasher iyo xeryo barakac oo ku dhow ayaa lala beegsaday weeraro hor leh. Bishii Abriil, weerar weyn oo ey RSF ku qaadday xerada Zamzam ee u dhow ayaa barakiciyey tobanaan kun, kuwaas oo intooda badan magangalyo ka helay EL-Fasher. Dagaallada ayaa sidoo kale sii xoogeystay gobolka ey deriska yihiin ee Kordofan, iyadoo Hay'adda Socdaalka Caalamiga ah ey sheegtay in ku dhawaad 3,000 oo qof ey ka barakaceen magaalada Kadugli ee Koonfurta Kordofan shan maalmood oo keliya usbuucii hore sababo la xiriira rabshadaha socda. Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo jabhada RSF ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun, waxaana barakiciyay malaayiin qof, waxaana uu dhaliyay waxa ay QM ugu yeertay barakaca iyo gaajo heer caalami ah. Colaadda ayaa si wax ku ool ah u kala qaybisay dalka, iyadoo ciidamadu ey ka taliyaan waqooyiga, Bari iyo Bartamaha halka RSF ey haysato inta badan Darfur iyo qaybo ka mid ah Koonfurta. Sannadkii hore, saddex xero oo ku dhow EL-Fasher ayaa lagaga dhawaaqay iney ka jirto macaluul, oo ey ku jiraan Abu Shook iyo Zamzam. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dhibaatadu ey ku fidi doonto magaalada lafteeda bisha Meey, inkastoo xog la'aan ey ilaa hadda ka hortagtay in si rasmi ah loogu dhawaaqo macaluul. Bishan, Barnaamijka Cunnada Adduunka waxa ey sheegtay in kumannaan qoys oo ku go'doonsan EL-Fasher ey "khatar ugu jiraan macaluul."
Sida laga soo xigtay WFP, qiimaha cuntooyinka daruuriga ah sida hadhuudhka iyo sareenka oo loo isticmaalo samaynta rootiga fidsan iyo boorashka ayaa ilaa 460 boqolkiiba ka sarreeya EL-Fasher marka loo eego qaybaha kale ee Suudaan. Suuqyada iyo xarumaha caafimaadka ayaa la weeraray, halka madbakhda bulshada ee markii hore quudin jiray qoysaska barakacay ey inta badan xirmeen sahay la'aan, ayay hay'addu ku dartay. Ku dhawaad 40 boqolkiiba carruurta ka yar shanta sano ee ku nool EL-Fasher ayaa hadda la il daran nafaqo-xumo aad u daran, iyadoo 11 boqolkiiba ey la il daran yihiin nafaqo-xumo aad u daran, sida lagu sheegay tirooyinka Qaramada Midoobay. Nafaqo-xumo ayaa durbadiiba galaaftay nolosha 63 qof oo u badan haween iyo carruur hal toddobaad gudaheed EL-Fasher, sarkaal sare oo caafimaad ayaa sheegay usbuucii hore. Jikada bulshada ugu weyn ee magaalada, qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in carruurta iyo haweenka imaanaya ey muujinayaan calaamado cad oo nafaqo darro ah, oo ey ku jiraan caloosha oo barara iyo indhaha oo go'ay. Dhibaatada bini'aadantinimo waxaa u sii dheer cudurka daacuunka oo ka dilaacay xeryo barakac oo buux dhaafiyay. Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn, ama MSF, ayaa Khamiistii sheegtay in Suudaan uu ka jiro cudurka daacuunka ee ugu xumaa muddo sanado ah, kaas oo ey sii huriyeen colaadaha socda. Sanadkii la soo dhaafay, ku dhawaad 100,000 oo cudurro daacuun ah ayaa la diiwaangeliyay, taasoo keentay in ka badan 2,400 oo dhimasho ah. Xuddunta hadda ka dillaacday waxay ku taal Tawila, oo qiyaastii 70 kiiloomitir galbeed ka xigta EL-Fasher. MSF waxa ey sheegtay in daacuunku uu ugu yaraan 40 qof ku dilay Gobolka Darfur ee dalka Suudaan hal toddobaad gudihiis.
ISHA-AN.
MW-JOSEPH CAWN OO KA HADLAY XIRIIRKA LUBNAAN IYO SACUUDIGA.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA LUBNAAN.
(BEIRUT)-Madaxweynaha Lubnaan, Joseph cawn ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay AL-Carabiya ku sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Raysal Wasaare Maxamed Bin Salmaan uu doonayo inuu nabad ku soo dabbaalo Gobolka, isagoo xusay in Sacuudiga uu gacan ka geystay soo afjaridda mad madowga ka taagan Lubnaan. Waxa kale oo uu xusay in Sucuudigu uu door ka qaatay sidii loo soo dhawayn lahaa farqiga u dhexeeya Suuriya iyo Lubnaan ee dhinaca ammaanka,kaasoo uu ugu dambeeyay shirkii ammaanka ee Riyadh ka dhacay laba toddobaad ka hor. Horaantii, Riyad waxay isugu keentay wafdi Suuriyaan ah iyo wafdi ka socda Lubnaan oo kulan ku yeeshay magaalada Jiddah ee Galbeedka Sacuudiga. Wadahadalkooda ayaa looga hadlay is dhaafsiga xogta amniga ee labada dal, iyo sidoo kale kor u qaadista isku xirka Amniga iyo Calaamadeynta Xuduudaha. Dhanka kale, Joseph Cawn ayaa wareysi gaar ah oo uu bixiyay ku xaqiijiyay in Beyruut eysan waxba u dhimi doonin xiriirka ey la leedahay Riyadh, isaga oo ku macneeyay in xididdada xiriirkan uu soo billowday xilligii uu noolaa boqorkii dhintay ee Abdulaziz bin Abdul Rahman. Dhanka kale waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu hadda horyaalo ey ka mid yihiin sidii uu dalka Lubnaan uga gaari lahaa horumar amni, xasilooni iyo mid dhaqaale, isagoo dhanka kale soo dhaweeyay cid kasta oo doonaysa iney caawiso Lubnaan iyadoo aan la faragelin Arrimaheeda Gudaha. Madaxweynaha Lubnaan ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dalkiisa uu si cad u diidayo dib u dajinta Falastiiniyiinta ee Lubnaan, isagoo sheegay in dagaalka Gobolka iyo tixgelinta Falastiin ey dib u dhigtay hub ka dhigista xeryaha. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in go’aanka hub ka dhigista xeryaha ey qaateen maamulka Falastiin.
ISHA-AL-CARABIYA.
G/MEHRAH EE YEMEN OO LAGU XIRAY GUDOOMIYAHA JAALIYADDA ITOOBIYA,SABABTA?
(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA JAALIYADDA ITOOBIYA.
(YEMEN)-Ciidamada amaanka ee Gobolka AL Mehrah ayaa Sabtida maanta ah sheegay in xabsiga loo taxaabay Madaxii Jaaliyadda dalka Itoobiya ee Gobolkaasi ka dib markii uu cadeeyey inuu ku lug leeyahay Hogaaminta mid ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ee tahriibayaasha sharci darrada ah uga tahriibiya dalka Yemen, una gudba Saldanada Cumaan. Waaxda amniga ee AL Mehrah ayaa hadal kooban oo ey soo saartay ku sheegtay in ciidamada amaanka ee degmada Shaxan ey dharbaaxo culus ku dhufteen Shabakadaha dadka tahriibiya, ka dib markii la xiray (H.KH.N.) oo ah Madaxa bulshada Itoobiya ee Gobolka. Xarigga ayaa daba socday baaritaanno ballaaran oo lagu caddeeyay inuu ku lug leeyahay Hoggaaminta mid ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ee tahriibka ku hawlan. War saxaafadeedka ayaa soo xigtay Rashiid AL-Salaaxi, oo ah Agaasime Ku Xigeenka Amniga iyo Agaasimaha Dembi Baarista ee Agaasinka ayaa sheegay in xariga uu daba socday muddo bilo ah oo ey kormeerayeen goobaha iyo sirdoonnada. Eedeysanaha ayaa ka faa’ideysan jiray xilka uu u hayo bulshada si uu u fududeeyo howlaha tahriibka iyo lacagaha baadda ah ee uu dadka tahriibka ah ka qaato, isagoo qaarkood ugu hanjabay inuu u sheegaayo Hayadaha Amniga si uu dadkaasi uga qaato lacago baada ah. AL-Salaaxi waxa uu xaqiijiyay in baaritaanadu ey caddeeyeen xaqiiqooyin badan oo muujinaya ku lug lahaanshaha Eedaysanaha (abaabulka iyo hogaaminta isku xirka tahriibinta muhaajiriinta, ka faa’iidaysiga jagadiisa Madaxa bulshada Itoobiya si uu u gaaro faa’iidooyin aan sharci ahayn, khatar galinta nolosha muhaajiriinta iyada oo loo marayo waddooyin tahriib ah oo aan badbaado lahayn, ku xad-gudbida shuruucda socdaalka ee dalka iyo tan caalamiga ah, iyo helitaanka baahida tahriibka). Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Booliska ee Shaxan ayaa tilmaamay "in Eedaysanuhu uu hadda xiran yahay inta baaritaanku socdo, ilaa inta uu u gudbinayo, iyo tuhmanayaasha kale, Xafiiska Xeer Ilaalinta si looga qaado tallaabo sharci ah oo lagama maarmaan ah." Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Gobolka Abyan lagu xiray xubno ka tirsan unugyo isku mid ah oo tahriibayaal Afrikaan ah u tahriibin jiray dalka Yemen oo ey ku jiraan Ajaanib. Unugyadan ayaa si firfircoon uga shaqeeya tahriibinta tahriibayaasha Afrikaanka ah oo ey badda ku geeyaan xeebaha koonfureed ee Yemen, ka dibne waxay ka soo qaadaan halkaas waxa eyna geeyaan xuduudka waqooyi ee Sucuudiga. Agaasimaha Amniga Cadan ayaa horey bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey in xogta ey heleen Hay’adaha Ammaanku ey tilmaamayaan in xarunta lagu maamulo Howlaha tahriibinta Muhaajiriinta Afrikaanka ah laga maamulo Gobolka Sacda oo ah xarunta ugu weyn ee maleeshiyada ey ku leeyihiin Waqooyiga Yeman.
XIGASHO-AL-MASDAR ONLINE.
MAAMULKA G/ABYAN OO SOO QABTAY SHABAKADA TAHRIIBISA MUHAAJIRIINTA AFRIKAANKA AH.
(SAWIRKA)-SHABAKADA TAHRIIBKA YEMEN.
(YEMEN)-Hoggaanka Amniga Gobolka Abyan ee dalka Yemen ayaa baahiyay qeyb ka mid ah Qiraalka dhowr xubnood oo ka tirsan shabakadaha tahriibinta Muhaajiriinta Afrikaanka ah, kuwaasoo lagu soo qabtay Howlgal Ballaaran oo dhanka ammaanka ah. Agaasinka ayaa ku nuux-nuuxsaday in daabacaadda Qiraalkan looga golleeyahay in lagu wargeliyo shacabka dadaallada socda ee lagula dagaallamayo dhaqdhaqaaqyada tahriibka ee ka socda Gobolka. Baaritaanadii ugu horeeyay waxay daaha ka qaadeen Qiraal faahfaahsan oo ku saabsan nooca Hawlgalada Shabakadaha iyo doorarka xubnahooda. Eedeysanaha lagu magacaabo Axmed Cabdow Axmed (30 jir, kana soo jeeda magaalada Shuqrah) ayaa ku micneeyay inuu adeegga saadka u fidiyay Shabakadda, oo ey ka mid yihiin iibsashada qalabka ama bixinta Injineerada, isagoo ku beddelay lacago uu u soo marin jiray dhex dhexaadiyeyaal ku kala sugan Goboladda Sacda ilaa Abyan. Sida lagu sheegay warbixin ey daabacday Waaxda Amniga oo ey soo xigatay AL-Masdar Online, Eedeysane kale oo lagu magacaabo Cawad Maxamed Salem (wuxuu ku dhashay Shuqra, waxa uuna ku jiraa sannadkii labaad ee Dugsiga Dhexe), waxa uu qirtay inuu ku lug lahaa Tahriibinta Doonyaha, isagoo xusay in lacagaha uu qaato ey u soo marsiiyaan Shirkado Sarifle oo caan ah oo ka tirsan Dhex-dhexaadinta Sanca iyo Sacdah. Dhanka kale, Eedeysanaha, Adel AL-Caruuni (oo ku jira Labaatan jir, kana soo jeeda Shuqra), ayaa sheegay inuu dhawaan ku soo biiray Shabakadda isaga oo u sii maraya mid ka mid ah Eheladiisa, isla markaana uu qabtay hawl uu ku raacay Tahriibayaasha inta ey dhaq-dhaqaaqa ku guda jireen, si ey u sugaan Ammaanka Waddooyinka Tahriibta, halka Eedeysane, Naasir C/llaahi (oo Shuqra ka yimid, oo aan waxba baran), uu qirtay inuu ka mid ahaa Dirawalkii waday Doomaha Tahriibayaasha keena dhulka Yemen,waxaane la siin jiray lacag yar. Intii uu socday baaritaanka, Eedaysanayaasha ayaa tilmaamay in Hoggaanka shabakadda iyo la socodka howlaha tahriibinta uu hoggaamiyo Saleh Hadi Xarmal oo jooga Sacada, Cusmaan AL-Mushiir, iyo Majid AL-Shayba. Waxa ey cadeeyeen in shaqsiyaadkaasi ey hogaamiyaan howlaha ugu muhiimsan ee Shabakada isla markaana ey hagaan dhaq dhaqaaqyada shaqsiyaadka xiriirka la leh. Taliska Nabad Suggida Abyan ayaa xaqiijiyay in wali ey socdaan baaritaano lagu hayo Maxaabiista harsan, iyadoo ujeedadu tahay in lasoo bandhigo waxyaabaha harsan ee ku xiran Shabakadahan iyo dhinacyadii ka dambeeyay. Waaxdu waxay ku nuux-nuuxsatay in ololaheedu ey sii wadi doonaan baacsiga kuwa ku lugta leh kiisaska tahriibinta iyo yaraynta khataraha amni iyo bini'aadantinimo. Agaasimaha Amniga Abyan Sareeye Guuto Cali Naasir Abuu Mashcal AL-Kaazimi ayaa qoraal uu horey u duubay ku xaqiijiyey in ololaha amnigu uu ka bilowday Zinjibar oo uu ku fidiyey dhanka xeebta ilaa degmada Axwar, iyadoo la gaarey deegaanka AL-Maxfad oo ah goobtii ugu dambeysay ee laga tahriibo ee Gobolkaasi, taasoo natiijo la taaban karo laga gaaray soo qabashada mukhalasiin waa weyn. Abuu Mashcal AL-Kaazimi ayaa ku macneeyay in xaqiiqooyinka iyo baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday dhinacyada ku lugta leh iyo kuwa ka dambeeya oo ey ka mid yihiin kooxo Siyaasadeed oo ka soo horjeeda maamul Goboleedyada Koofurta iyo deegaanada laga xoreeyay, kuwaasi oo ku howlan sidii ey lacago fara badan ugu shuban lahaayeen Ganacsiyo iyo Sariflayaal ku xiran xarumo dibadda ah.
XIGASHO-AL-MASDAR ONLINE.
TAAGEERAYAASHA URURKA XIZBULLAH OO ISUGU SOO BAXAY BANAANBAXYO,SABABTA?
(SAWIRKA)-TAAGEERAYAASHA URURKA XIZBULLAH.
(BEIRUT)-Dhawaaqa hanjabaada ah ee uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Ururka Xizbullah Naciim Qaasim,ayaa waxaa hanjabaadiisa ka mid ahayd dagaal sokeeye haddii la taabto hubkiisa, ayaa waxay sii kordhisay guuxaya ka jira waddooyinka dalka Lubnaan, baraha bulshada, iyo warbaahinta Maxaliga ah. Iyadoo jawaabaha rasmiga ah iyo kuwa Siyaasadeed ey ka soo baxeen Raysal Wasaare Nawaf Salam Wasiiro, Wakiilo, iyo Siyaasiyiin tiro badan, ayaa sidoo kale su'aalo la iska weydiinayay Doorashooyinka Xisbiga iyo tallaabooyinka uu qaadi karo.
“MA LAHA AWOOD”:
Dhanka kale, Xisbiga Xoogagga Lubnaan ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya “ineysan jirin cabsi laga qabo hanjabaadaha Xisbullah sababtoo ah ma laha awood ey wax ku sameyn karaan." Waxa uu sidoo kale tixgeliyey in Xisbigu "uusan awoodin in uu ka jawaabo duqeymaha Isra’iil mana awoodi doono inuu u hanjabo Lubnaan." Mar uu ka hadlayay Cali Larinjani, Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka dalka Iraan, booqashadii Lubnaan ka hor khudbaddii Qaasim, wuxuu sheegay in Larinjani uu la yaabay isku duubnida mowqifka Lubnaan ee faragelinta shisheeye iyo hubka Xisbullah. Dhankiisa, Siyaasiga horena u ahaa Xildhibaan Fares Saciid waxa uu u arkayey kor u kaca Xisbullah iney tahay "buunbuun", oo macnaheedu yahay buuq aan waxba tarayn. Waxa uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xusay in haddii Xisbigu ku abaabulo taageerayaashiisa waddooyinka, waddo kale, oo ka kooban inta badan Lubnaan, ey sidoo kale abaabuli doonto.
“DHIBAATADA KU JIRTA”:
Dhanka kale, Cali AL-Amiin oo falanqeeya Arrimaha Siyaasadda ayaa wareysi uu siiyay shabakadda Wararka ee Tv-ga AL-Carabiya waxa uu ku sheegay in xisbiga ey soo wajahday xaalad cakiran oo ka dhalatay ka guurista Xisbigii milateriga oo u guuray Xisbi Siyaasadeed, inkastoo uu sheegay in lagu heshiiyay heshiis xabbad joojin ah oo si cad u qeexaya arrinta xakameynta hubka iyo arrimo kale. Dadka kale ee u dhuun daloola arrimahan ayaa aaminsan in xisbigu uu ka noqon karo afarta Wasiir ee ku xiran isaga iyo Ururka Amal, isla markaana uu carqaladeeyo shaqada baarlamaanka oo uu ku leeyahay cudud weyn oo ey xulafada yihiin, taasoo jawaab u ah go’aanka hub ka dhigista. Waxa kale oo laga yaabaa inuu doonayo inuu qas iyo qalalaase ka dhex abuuro isaga oo taageerayaashiisa waddooyinka isugu soo ururiya una muuqda mid hubaysan si uu u faafiyo jawi cabsi-gelin ah oo uu ciidanka iskaga hor-yimaado. Laakiin iskahorimaad kasta oo gudaha ah wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa nabadda rayidka wuxuuna u jeedin lahaa aqlabiyadda Lubnaan isaga ka soo horjeeda, gaar ahaan haddii uu ka hortago ciidanka. Xaaladdan oo kale, David Wood, oo ah cilmi-baare Lubnaan ah oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah, ayaa yiri, "Waxaan u maleynayaa in Xizbullah uu rabo inuu yareyo suurtagalnimada iney soo gasho iska horimaad ciidamada intii suurtagal ah, sababtoo ah wuxuu ogyahay in dalka oo dhan uu ka soo horjeedo, marka laga reebo taageerayaashiisa, taasina waxay noqon doontaa masiibo dhab ah oo muuqaalkeeda ah," sida laga soo xigtay Agence France-Presse.
DAGAAL BA’AN:
Intaa waxaa dheer, Xizbullah waxay kordhin kartaa weeraradeeda ka dhanka ah Israa'iil mar kale. Si kastaba ha ahaatee, ku lug lahaanshaha dagaal kasta waxa ey sidoo kale noqon doontaa mid ba'an sababtoo ah ma laha khad sahay ah, iyada oo wax badan ku lumisay burburkii taliskii hore ee Suuriya iyo saameynta ey ku leedahay sirdoonkeeda iyo awoodeeda saadka, sida uu qabo falanqeeye militari Riad Kahwaji. Dhanka kale, Nicholas Blanford, oo ah cilmi-baare ka tirsan Golaha Atlantic Council, ayaa saadaaliyay in Xisbullah ey u badan tahay inay "isku dayi doonto inuu helo waqti" xilliyada soo socda, sababtoo ah "ma dhici doonto iney ogolaato in si buuxda hubka looga dhigo," gaar ahaan marka la eego weerarrada Isra’iil ee socda iyo guul-darrooyinka ciidamada Isra’iil iney ka baxaan buuraha koonfurta Lubnaan Khamiista.
MUUQAALKA UGU NIYADSAN:
Muuqaalka ugu niyadsan ayaa laga yaabaa inuu noqdo in Xisbullah ey aakhirka ogolaato iney hubka ka dhigto oo ey gasho dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed, si la mid ah wixii ey maleeshiyooyin kale sameeyeen intii uu socday dagaalka sokeeye. Qiyaastii laba toddobaad ka hor, dawladda Lubnaan waxay ansixisay in hubka lagu xaddido dawladda, waxayna u xilsaartay ciidanka iney dejiyaan qorshe lagu wareejinayo hubka Xisbullah, oo la soo gudbin doono dhammaadka bishan, lana dhaqangelinayo dhammaadka sannadka (2025). Xizbollah ayaa diiday go’aankaas, waxayna sheegtay iney u aragto “mid aan jirin”. Waxay ku nuuxnuuxsatay ineysan ka hari doonin hubkeeda, eyna u diyaar garoobeen iska hor imaad iyo dagaalo fool-ka fool ah. Dhinaca kale, taageerayaasha Ururka Xizbullah ayaa dhoor maalmood oo kala duwan waxa ey socod ku marayeen goobo kala duwan, kuwaasoo ey ku cambaareeyeen Go’aanka Xukuumadda iyo taageeridda Xisbiga.
ISHA-AL-CARABIYA.
YEMEN OO QABATAY MILKIILIHII SHABAKADA TAHRIIBISA DADKA AFRIKAAN AH.
(SAWIRKA)-MILKIILAHA SHABAKADA TAHRIIBISA DADKA U SOCDO YEMEN.
(YEMEN)-Hawlgal tayo leh oo uu kormeerayey Agaasimaha Amniga ee Gobolka Abyan Sareeya Guuto Cali Naasir Buzayd, ayaa ciidamada ammaanku u suurtagashay iney soo qabtaan mid ka mid ah tuhmanayaasha Caalamiga ah ee ugu khatarta badan ee la raadinaayey, tuhmanahaan ayaa loo heystaa inuu lahaa tahriibinta dadka sharci darrada ah, ka Ganacsiga dadka iyo waxyaabaha kontarabaanka ah. Eedeysanaha oo heysta dhalasho Ajnabi ah, magaciisana loo soo gaabiyo(SSD) ayaa ah Mulkiilaha iyo Maareeyaha Sare ee Xafiiska Caalamiga ah oo ku takhasusay howlaha Tahriibka, waxaana magaciisa lala xiriirinayaa maamulka Shabakadaha Xudduudaha isaga gudba ee Tahriibayaasha Afrikaanka ah isaga kala gudbiya Xeebaha dalka Yemen. Laamaha ammaanka ayaa ku tilmaamay in Eedeysanaha la qabtay markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Cadan Arbacadii 13-kii Ogoosto, iyadoo ey daba socotay dabagal iyo dabagal xoogan oo dhanka ammaanka ah, taasi oo qeyb ka aheyd olole ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayay Shabakadaha wax Tahriibiya ee Abyan, taasoo keentay in la xiro qaar ka mid ah Madaxda shabakadaha. Baaritaanadii ugu horeeyay ee la sameeyay ayaa lagu sheegay in Eedeysanaha uu qorsheynayay inuu shir kula yeesho Xeebta Degmada Axwar tiro Mukhalasiin ah, si uu ugu diyaar garoobo inuu u soo dhaqaaqo caasimadda Sanca, ka hor inta aan la xirin oo qorshihiisa uu fashilmin. Ciidamada amaanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu dhabar jab weyn ku yahay Shabakadaha dambiilayaasha ah ee isaga kala goosha Xudduudaha isla markaana uu muujinayo heerka u diyaarsanaanta iyo feejignaanta amniga ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo amniga maamulka Gobolka loogana hortago dhagarta halista ku ah Xasiloonideeda. Ciidamada amaanka ee Gobolka Abyan ayaa hogaaminayay dadaalo xoogan oo lagula dagaalamayo ka Ganacsiga dadka oo ey ku lug leeyihiin tahriibayaasha Afrikaanka ah ee galay Gobolka Abyan tan iyo markii tobanaan qof ey ku dhinteen doon ku degtay Xeebaha Yemen todobaadyo ka hor. Ciidamada ammaanka ee Gobolka Abyan ayaa la wareegay dhowr goobood oo ey ku noolaayeen dad Afrikaan ah oo si sharci darro ah ku soo galay dalkaasi. Deegaanadan ayaa ku teedsan jiidda Xeebta Bari ee Gobolka.
ISHA-ALAYYAM.
120-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO SI NABAD AH KU GAARAY DALKA YEMEN.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH.
(YEMEN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Booliska Gobolka Shabwa uu sheegay in Doon siday dad tahriibayaal ah oo ku dhawaad gaaraayo ilaa 120 tahriibayaal Afrikaan ah ey si nabad ah ku soo gaartay Xeebta Carqah ee degmada Radhuum ee Goboolka Shabwa,taasoo muujineysa mowjado cusub oo tahriibayaal ah oo soo gaaray Xeebaha Yemen. Booliisku ayaa sheegay in dhammaan dadka tahriibayaasha ah ee cusub ey yihiin Rag dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya, isagoo xusay in la qaadayo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si wax looga qabto isku dayga soo dhex-galka iyo yaraynta khataraha Amni iyo saamaynta xasilloonida Gobolka. Bilihii la soo dhaafay, Xeebaha Gobolka Shabwa waxaa ku soo noqnoqday mowjado Tahriibayaal ah aan caadi ahayn oo ka imanaya Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaas oo la sii marinayo shabakadaha Tahriibinta dhinaca badda. Muhaajiriinta aan sharciga ahayn ayaa inta badan isticmaala Doomo yar-yar oo aad u jilicsan iyagoo isku dayaya iney gaaraan Xeebaha dalka Yemen ka hor inta eysan u sii gudbin Wadamada Khaliijka sida dalka Boqortooyadda Sacuudiga Gobolka Shabwa waa mid ka mid ah maamul Goboleedyada ugu waa-weyn ee mara marinnada tahriibka badda sababo la xiriira deegaan ahaan iyo xeebteeda ku teedsan badda Carabta, taasoo ka dhigaysa xudunta isu socodka dadka iyo Ganacsiga sharci darrada ah.
ISHA-XARAF28.
QM OO SHEEGTAY IN ISRA’IIL EY DISHAY 1,760-REER FALASTIIN OO HUNGURI DOON AH.
(SAWIRKA)SHACABKA REER FALASTIIN.
(QUDS)-Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in ugu yaraan 1,760 Falastiiniyiin ah lagu dilay iyaga oo gargaar u doonanaya Gaza ilaa dabayaaqadii bishii Meey, taasoo kor u kacday dhowr boqol tan iyo markii ugu dambeysay ee la daabacay bilowgii Agoosto. "Laga soo bilaabo 27-kii Meey, ilaa laga gaaray 13kii Agoosto, waxaan diiwaan geliyey ugu yaraan ilaa 1,760 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay iyagoo gargaar raadinayey, 994 ka mid ah ayaa lagu dilay agagaarka goobaha GHF (Gaza Humanitarian Foundation) iyo 766-kalane waxaa lagu dilay iyagoo ku teedsan waddooyinka kolonyada saadka. Taasi waxay la barbar dhigay tirada ah 1,373 oo la dilay sida xafiisku uu sheegay Agoosto kowdeedii. Cusboonaysiinta ayaa timid iyadoo Wakaaladda Difaaca madaniga ah ee Gaza ey sheegtay in ugu yaraan 38 qof ey ku dhinteen weerarada Isra’iil ee dhacay Jimcaha maanta ah, oo ey ku jiraan 12-qofood kuwaasoo sugayay gargaar bini'aadantinimo. Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ey ka shaqaynayaan sidii ey u "kala furfuri lahaayeen awoodaha militari ee Xamaas," isaga oo intaa ku daray in ciidamadoodu ey qaadayaan taxadar "si ey u yareeyaan waxyeelada rayidka." Xayiraadaha warbaahinta ee Gaza iyo dhibaatooyinka gelitaanka dhulalka la haysto ayaa la macno ah AFP iney awoodi waysay iney si Madaxbanaan u xaqiijiso lacagaha iyo faahfaahinta ey bixiyeen Wakaalada Difaaca Madaniga ah iyo millatariga Isra’iil. Arbacadii, Madaxa Guud ee militariga Israa’iil ayaa sheegay in la ansixiyay qorsheyaasha duulaanka cusub ee Gaza, kaasoo looga gol leeyahay in lagu jabiyo Xamaas laguna sii daayo dhammaan la haystayaasha harsan. Milatarigu waxa uu damacsan yahay inuu la wareego magaalada Gaza iyo Xeryaha Qaxoontiga ee ku dhow oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan dhulkaasoo ey burburiyeen dagaallo socday in ka badan 22 bilood. Maalmihii la soo dhaafay, dadka magaalada Gaza ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP duqeymo isdaba joog ah oo dhanka cirka ah oo lala beegsanayo meelaha la deggan yahay, halka horaantii isbuucaan Xamaas ey cambaareysay duulaanka dhulka Isra’iil ee aagga. Jimcaha maanta ah,militariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ey howlgallo kala duwan ka wadeen duleedka magaalada. Qorshaha dowladda Isra’iil ey ku dooneyso iney ku ballaariso dagaalka ayaa dhaliyay qeylo dhaan caalami ah iyo sidoo kale mucaarado gudaha ah. Khubarada ey Qaramada Midoobay taageerto ayaa ka digay macaluul baahsan oo ka jirta dhulkaas, halkaasoo Israa’iil ey si weyn u yaraysay tirada gargaarka bini'aadantinimo oo ey u ogolaatay. Weerarkii Xamaas ee Oktoobar 2023 kaasoo dhaliyay dagaalka ayaa sababay dhimashada 1,219 qof, sida lagu sheegay warbixin ey AFP soo saartay oo ku salaysan tirooyin rasmi ah. Duulaanka Isra’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 61,827 Falastiiniyiin ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ey maamusho Gaza oo Qaramada Midoobay ey u aragto iney tahay mid la isku halayn karo.
ISHA-AN.
HOGAANKA XIZBULLAH OO KA HORYIMID QORSHAHA DAWLADDA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-HOGAMIYAHA XIZBULLAH .
(BEIRUT)-Madaxa Ururka Xisbullah Naciim Qaasim ayaa ku eedeeyay dowladda Lubnaan Jimcaha maanta ah iney "Dalka Lubnaan u gacan gelisay" Israa'iil oo ey dabada ka riixayso in kooxda Xizbullah hub ka dhigis lagu sameeyo, isagoo uga digay iney u dagaallami doonto iney hubkooda sii haysataan. Qaasim ayaa jeediyay qudbad laga sii daayay Telefishinka ka dib markii uu la kulmay Madaxa ugu Sareeyo dhinaca Amniga ee dalka Iran,kaasoo wadankiisu uu taageero kooxda xagjirka ah ee Xizbullah ee dalka Lubnaan muddo tobanaan sano ah. Xizbollah ayaa si xun uga soo baxday dagaalkii sanadkii hore ey la gashay Israa'iil, waxaana dowladda ey ku dadaaleysaa in hubka laga dhigo dhamaadka sanadka. Ururka Xisbullah ayaa si xun uga soo shaac baxay dagaalkii sanadkii hore ey la galeen Israa’iil, waxaana cadaadis Mareykanka uu saaray dowladda Lubnaan ey ku amartay ciidamada iney dejiyaan qorshe hubka looga dhigayo kooxdaasi dhamaadka sanadka. Iran oo waxa loogu yeerto “ dhidibka iska caabinta” ey ka mid tahay Xisbullah, waxa ey sidoo kale la kulantay dib u dhacyo xiriir ah, oo uu ugu dambeeyay dagaalkii ey la gashay Israa’iil oo uu Mareykanku ku garaacay goobahooda Nukliyeerka. "Dowladdu waxa ey fulinaysaa amarka Mareykanka iyo Israa'iil si loo joojiyo iska caabinta, xitaa haddii ey horseeddo dagaal sokeeye iyo colaad gudaha ah," ayuu yiri Qaasim. "Xoogaga iska Caabintu ma dhiibi doono hubkooda inta gardarada ey sii socoto, qabsashaduna ey sii socoto, waana la dagaalami doonnaa... haddii loo baahdo inaan ka hortagno mashruucan Mareykanka iyo Israa'iil wax kasta oo ey ku kacayso," ayuu yiri. Qaasim waxa uu ku booriyay dawladda Lubnaan "In aaney dalka u gacan gelin gardaro Israa'iil ah oo aan la dhayalsan karin ama daalim Maraykan ah oo leh hunguri aan xad lahayn".
ISHA-FRANCE PRESS.
DAWLADDA LUBNAAN OO RUNTA U SHEEGTAY DALKA IRAAN.
(SAWIRKA)-KULANKA LIBNAAN IYO IRAAN.
(BEIRUT)-Booqashada Madaxa Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran Cali Larinjani ayaa timid ka dib markii dowlada Lubnaan ey ku amartay ciidamada iney dajiyaan qorshooyin dhamaadka sanadka 2025 si hubka looga dhigo kooxda Xagjirka ah ee Xisbullah. Ka dib markii uu yimid Beyruut, Larinjani ayaa wacad ku maray in dowladiisa ey sii wadi doonto taageerada ey siiso Ururka Xizbullah, ka dib markii ey muujisay sida ey uga soo horjeedo qorshaha hub ka dhigista Ururka Xizbullah. "Waan diidnay faragelin kasta oo lagu sameeyo Arrimaheenna Gudaha," ayuu yiri Cawn, isagoo intaas ku daray "waa mamnuuc in qof kasta... inuu hub qaato iyo inuu taageero shisheeye u adeegsado awood," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan oo lagu qoray barta X. Iran iyo waxa loogu yeero " dhidibka iska caabinta " ayaa la kulmay dharbaaxo isdaba joog ah oo ku saabsan xafiiltanka dheer oo ey la leeyihiin Isra’iil. Iiraan iyo Israa’iil ayaa dagaal dhex maray bishii June, iyadoo Maraykanku uu muddo kooban u soo istaagay inuu duqeeyo xarumaha Nukliyeerka ee Iran. Xizbullah waxa ey la kulantay khasaare ba’an, oo uu ku jiro geeridii Hoggaamiyahooda Xasan Nasrallah, sannad colaadeed oo ey la galeen Israa’iil oo ku dhammaatay xabbad-joojin bishii November 2024-kii. Bil ka dib, waxaa xukunka laga tuuray Madaxweynihii dalka Suuriya Bashaar AL-asad, taasoo Ururka Xisbullah ka xayuubisay marinkii ugu muhiimsanaa oo ey hubka iyo saadka uga iman jirtay Iran. Iran ayaa ku dhawaaqday iney si adag uga soo horjeedo qorshaha dowladda Lubnaan ey ku doonayso iney hubka uga dhigto Xizbullah , halka xarakada lafteeda ey ku tilmaantay go'aankaas "dambi weyn". Caasimadda Beyruutt, Larinjani waxa uu ka sheegay in aaney quwad shisheeye awaamiir siinin Lubnaan, isaga oo intaa ku daray in aaney Iran ahayn midda faragelinaysa balse uu yahay dalka Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu si maldahan u sheegay in Ururka Xizbullah ey ku sii jirto arrimaha gobolka. "Go'aan kasta oo ey dowladda Lubnaan qaadato iyadoo la tashanaysa iska caabinta waanu ixtiraamaynaa," ayuu yiri Cali Larinjani, isagoo dhinaca kale dhaleeceeyay xilliga kama dambaysta ah ee December ee ciidanka si ey u dajiyaan qorshayaal hub ka dhigis ah oo Xizbollah ah.
“Midka faragelinaayo Lubnaan arrimaheeda,waa kan adiga kuu qorsheynaayo,adigane ku siinaayo jadwal kaa fog kumanaan kiiloomitir. Anigu ku siinmaayo adiga wax qosha ah”.
QABASHADA DACIIFIINTA:
Ka hor dagaalkii ay la galeen Israa'iil, Xisbullah waxaa la aaminsanaa in uu ka hub badnaa militariga Lubnaan.
Waxay muddo dheer ku adkaysanaysay iney haysato hubkeeda si ey Lubnaan uga difaacdo weerarka, laakiin dadka dhaleeceeya waxay ku eedeeyeen iney hubkeeda u adeegsanayso awood siyaasadeed.
Beyruut, Larinjani wuxuu wacad ku maray inuu sii wadi doono taageerada Ururka xagjirka ah ee Xizbullah. "Haddii... dadka reer Lubnaan ey dhibaataysan yihiin, annagu haddaan nahay Iran waxaan sidoo kale dareemi doonnaa xanuunkan, waxaanan garab istaagi doonnaa dadka qaaliga ah ee Lubnaan xaalad kasta," ayuu Larinjani u sheegay suxufiyiinta. Sidoo kale Madaxweyne Cawn iyo Raysal Wasaare Nawaf Salam, Larinjani ayaa lagu waday inuu la kulmo afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri, oo aad ugu dhow Ururka Xizbollah. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo qabriga Nasrallah, kaasoo lagu dilay duqeyn weyn oo Isra’iil ka geysatay Koonfurta Beyruut sanadkii hore. Awooda Ururka Xizbullah ayaa hoos u dhacday tan iyo markii ey xabad joojinta la galeen Israa’iil, waxaana dowladda cusub ee Lubnaan oo taageero ka helaysa Mareykanka ey u dhaqaaqday iney sii xakameyso. “Diidka iska caabinta Iran” waa shabakad ey ku midaysan yihiin kooxaha hubaysan ee Gobolka, oo ey ku jiraan Xamaas ee Gaza iyo fallaagada Xuutiyiinta Yemen, oo u midoobay iney ka soo horjeedaan Israa’iil.
ISHA-QAAHIRA.
DAWLADDA MASAR IYO XARAKADDA XAMAAS OO KA WADA HADLAY XABAD JOOJINTA GAZA.
(SAWIRKA)-XASAN RASHAAD IYO KHALIIL HAYAH.
(CAIRO)-Madaxa Adeega Guud ee sirdoonka dalka Masar(GIS) Xasan Rashaad ayaa Arbacada maanta ah magaaladda Qaahirakula kulmay wafdi ka socdo Xarakadda Xamaas oo uu Hogaaminaayo Khaliil AL Xayi si ey uga wada hadlaan dadaaladda lagu xaqiijinaayo Xabad Joojin ka dhacda Marinka Gaza, sida ilo reer Masar ah ey u sheegeen Warbaahinta AL-Qahira News.Sida laga soo xigtay ilo-wareedka, Xamaas ayaa muujisay rabitaankeeda ah iney dib u billaabaan wada xaajoodka xabbad joojinta iyo sida ey u qadarinayaan dadaalka Masar ee fududaynta gargaarka bini'aadanimo ee Gaza. Ilaha ayaa intaa ku daray in Masar ey "xoojinayso xiriirka ey la leedahay dhammaan dhinacyada" si loo helo xabbad joojin, ugu dambeyntiina loo soo afjaro dagaalka. Wafdiga Xamaas ayaa Talaadadii shalay ahayd soo gaaray Qaahira. Kulankan ayaa dhacay iyadoo wareeg cusub oo wadahadalo xabbad joojin ah oo Gaza ah uu ka furmay Qaahira ka dib markii uu burburay wada xaajoodyadii ugu dambeeyay ee Dooxa usbuucii hore. Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay kanaalka Talaadadii in wadahadalladani ey diiradda saarayaan xabbad joojin ku meel gaar ah oo 60 maalmood ah iyo in Masar ey dadaallo xooggan la sameyneyso dhammaan dhinacyada ey khuseyso si dib loogu bilaabo wada xaajoodka. Dagaalka xasuuqa ah ee Isra’iil ka wado Gaza oo socday muddo laba sano ah ayaa waxa ku dhinta ugu yaraan 61,599 oo Falastiiniyiin ah,waxana uu burburiyay inta badan kaabayaashii dhaqaalaha ee magaalada,iyada oo ey macaluul ka dilaacday Marinka Gaza,ka dib markii la xaddiday gargaarka bini’aadantinimo. Inkastoo ey socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda Gaza, Isra’iil ayaa qorsheyneysa iney ballaariso duullaanka ey ku hayso Gaza si ey u qabsato guud ahaan dhulka Gaza.
ISHA-AL-QAHIRA NEWS.
TURKIGA IYO QADAR OO KA WADA HADLAY XAALADDA MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-WASIRADA ARRIMAHA DIBADA QADAR IYO TURKIGA.
(QATAR)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani iyo dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan, ey ka wada hadleen horumarka Marinka Gaza, dhulka Falastiin ee la heysto, iyo Suuriya, iyadoo ey u dheer tahay arrimo dhowr ah oo labada dhinac ah. Arrintan ayaa ka dambeysay kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar iyo dhiggiisa Turkiga. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona xoojin lahaa. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu soo afjarayo dagaalka bahalnimo ee Marinka Gaza. Marka laga soo tago xaqiijinta joogtada ah iyo qulqulka gargaarka bini’aadantinimo ee Marinka Gaza iyo sii deynta maxaabiista waxa uu carabka ku adkeeyay in Dowladda Qatar ey si buuxda u taageersan tahay dhammaan dadaallada wanaagsan ee loogu talagalay in lagu xalliyo arrinta Falastiin iyadoo loo marayo hab nabadeed iyo hirgelinta xalka labada dal.
ISHA-AA.
QM OO CIIDAMADDA ISRA’IIL KU EEDEYSAY KUFSI IYO GALMO XAD DHAAF AH.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRA’IIL.
(UN)-Madaxa Qaramada Midoobay ayaa uga digay Israa'iil in Qaramada Midoobay ey hayso "xog lagu kalsoonaan karo" oo ku saabsan tacaddiyada Galmada iyo xadgudubyada kale oo ey ciidamada Israa'iil ku hayaan Maxaabiista reer Falastiin ee xiran, taas oo danjiraha Qaramada Midoobay ee Israa'iil uu meesha ka saaray isagoo ku tilmaamay "Eedeymo aan sal iyo raad lahayn." Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad uu u diray Danjire Danny Danon ku sheegay inuu "aad uga walaacsan yahay" xadgudubyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee la sheegay iney ciidamada Israa'iil iyo ciidamada ammaanka ku hayaan xabsiyo dhowr ah, xarun lagu hayo iyo saldhig milateri. Guterres waxa uu sheegay inuu ogeysiiyay ciidamada Israa’iil in lagu qori karo xad-gudubyo warbixintiisa soo socota ee ku saabsan tacaddiyada Galmada ee colaadaha “sabato ah walaacyo la taaban karo oo laga qabo qaababka noocyada xad-gudubyada Galmada ee ey Qaramada Midoobay si joogto ah u diiwaangelisay.” Danon, oo faafiyay warqadda iyo jawaabtiisa Talaadada maanta ah ayaa sheegay in eedeymaha "ey ku jiraan daabacaadyo eex ah."
"Qaramada Midoobay waa iney diiradda saartaa dembiyada dagaal ee naxdinta leh iyo xadgudubyada Galmada ee Xamaas iyo sii deynta dhammaan la haystayaasha," ayuu yiri. Danon waxa uu ula jeeday weerar kedis ah oo kooxda xagjirka ah ey ka geysatay Koonfurta Isra’iil Oct. 7, 2023, halkaas oo ilaa 1,200 oo qof lagu dilay laguna qafaashay 250 qof. Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in haweenka la kufsaday oo la faraxumeeyay. Weerarka Xamaas ayaa dhaliyey dagaalka Gaza ka socda, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 61,400 oo falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, oo aan sheegin tirada dagaalyahannada iyo rayidka ah, balse kala bar ayaa ahaa Haween iyo Carruur. Danon waxa uu carabka ku adkeeyay in "Israa'iil eysan ka xishoon doonin ilaalinta muwaadiniinteeda eyna sii wadi doonto ku dhaqanka sharciga caalamiga ah." Sababtoo ah Israa'iil waxay diiday iney la kulanto kormeerayaasha Qaramada Midoobay, waxay ahayd " caqabad ku ah iney go'aan cad ka gaarto qaababka, isbeddellada iyo isticmaalka joogtada ah ee xadgudubka Galmada ee ciidamadeeda, Guterres ayaa ku yiri warqadda. Waxa uu ku booriyay dawladda Israa'iil "iney qaaddo tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo in si deg deg ah loo joojiyo dhammaan falalka xadgudubka Galmada, oo ey sameyso oo ey hirgeliso ballanqaadyo waqti-xiran." Xoghayaha Guud ayaa sheegay in kuwani ey ku jiraan baaritaanada eedeymaha la aamini karo, amarada cad iyo xeerarka anshaxa ciidamada iyo kuwa ammaanka ee mamnuucaya xadgudubyada Galmada, iyo galaangalka aan la xakameyn ee kormeerayaasha Qaramada Midoobay. Bishii Maarso, khubarada Xuquuqul Insaanka oo ey Qaramada Midoobay taageerto ayaa Israa'iil ku eedeeyay "isticmaalka joogtada ah ee Galmada, taranka iyo rabshadaha kale ee ku saleysan Jinsiga." Guddiga baaritaanka ku sameeyay dhulka la heysto ee Falastiin ayaa sheegay iney diiwaan geliyeen xadgudubyo kala duwan oo lagula kacay haweenka Falastiiniyiinta, rag, gabdho iyo wiilal waxayna ku eedeeyeen ciidamada ammaanka Israa’iil kufsi iyo xadgudubyo dhanka Galmada ah oo ka dhan ah Maxaabiista Falastiiniyiinta. Waqtigaas, Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu dhaleeceeyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, kaasoo u wakiishay kooxda khubarada Madax-bannaan, sida "Surcus-Israa'iil" kaasoo "muddo dheer loo soo bandhigay inuu yahay nacayb, qurun, Argagixisada taageera, iyo hay'ad aan khusayn." Hadalkiisa ma uusan ka hadlin natiijooyinka laftooda.
ISHA-AA.
GEN.XAFTAR OO WIILKIISA SADDAAM U MAGACAABAY KU XIGEENKIISA.
(SAWIRKA)-GEN XAFTAR IYO WIILKIISA SADAAM.
(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in Isniintii shalay ahayd uu Taliyaha Ciidanka Qaranka Liibiya, Gen. Khalifa Haftar uu wiilkiisa, Saddam Haftar uu u magacaabay Ku Xigeenkiisa. Talaabadan ayaa waxaa ka soo horjeestay Golaha Madaxtooyada oo ku dooday in magacaabista ciidamada ey ku kooban tahay iyaga oo kaliya. Isniintii shalay ayuu Xafiiska Warbaahinta ee Taliska Guud bayaan uu soo saaray ku sheegay in go'aanka loogu magacaabay Saddam Haftar inuu noqdo ku xigeenka aabihiis ee taliska ciidanka uu yimaado "si waafaqsan Hiigsiga Taliyaha Guud ee 2030 si loo horumariyo loona wanaajiyo waxqabadka guud ee ciidamada qalabka sida," isagoo xusay in "shaqadan ey ku xigi doonto dhowr shaqo oo muhiim ah maalmaha soo socda." Isaga oo ka jawaabaya hawshan, Madaxweyne ku Xigeenka Golaha Madaxtooyada ee Liibiya, Cabdallah ALlaafi, wuxuu ugu baaqay Golaha Madaxtooyada Talaadada maanta ah iney "qabtaan shir deg deg ah" isaga oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Liibiya. Waxa uu sheegay in abuurista jagooyin kasta oo cusub oo ka dhex jira Xarumaha Milatariga ey tahay "mustaqbalka soo jireenka ah ee Hay'adda sharci-dejinta." Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in magacaabista Hogaanka sare ee Ahraamta hoggaaminta millatariga ey tahay in loo sameeyo "si waafaqsan sharciga iyo go'aan ka soo baxa Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Liibiya, oo uu matalo Golaha Madaxtooyada guud ahaan." ALlaafi wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee Golaha Madaxtooyada iney kulmaan si ay arrintan uga fiirsadaan, "si loo hubiyo ixtiraamka sharciyada lagu dhaqmi karo iyo ilaalinta awoodaha sharcigu tilmaamayo." Waxa uu ka digay in tallaabadan ey ku soo beegantay iyadoo ey jirto xaalad ciidan oo ku saleysan kala qeybsanaan, taasoo u baahan tallaabo culus oo mas’uuliyadeed oo ku saleysan qaabkii lagu heshiiyey ee ciidamada iyo dariiqa amniga” si loo helo hay’ad ciidan oo mideysan oo awood u leh ilaalinta dalka hooyo, iyadoo laga fogaanayo tallaabo kasta oo “ sii qoto dheereysa kala qeybsanaanta ama ka leexaneysa qaab dhismeedka sharciga ee maamulka”. Khilaafyadani waxay muujinayaan qoto dheer ee kala qaybsanaanta hay'adaha ee Liibiya, gaar ahaan kuwa ka dhex jira aasaaska milatariga, inkastoo marar badan lagu baaqay in la mideeyo. Saddam Haftar waa wiilka ugu yar ee Khalifa Haftar, oo ku jira badhtamaha soddonaadyada. Waxaa lagu tiriyaa inuu yahay kan ugu caansan wiilashiisa, siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba, marka loo eego walaalaha kale. Waxa uu hayaa majaraha dhowr faylal oo muhiim ah waxana uu hogaamiyaa wada xaajoodyo Siyaasadeed iyo Militari oo dibadda ah isagoo wakiil ka ah ciidamada Liibiya. Aabihiis waxa kale oo uu hubiyaa in uu joogo inta badan kulammada uu la yeesho saraakiisha Amniga iyo ciidamada shisheeye. Haftar, oo haysta darajada "Lieutenant General" oo ahaa Madaxa Guud ee ciidamada dhulka tan iyo 2024, ayaa saameyn ballaaran ku leh Bariga iyo Koonfurta Liibiya. Sidoo kale waxa uu socdaalo kala duwan ku dhex maraa wadamo uu ugu dambeeyay kulan uu la qaatay Madaxweynaha dalka Jaad Maxamat Idriss Deby oo uu kala hadlay iskaashiga dhinaca amaanka iyo furitaanka xuduudaha u dhexeeyo Liibiya iyo Jaad.
ISHA-AA.
BOOLISKA DALKA URDUN OO SOO XIRAY RAG KA TIRSAN IKHWAAN MUSLIMIIN.
(SAWIRKA)-BOOLISKA URDUN.
(JORDAN)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Urdun ee Camaan ayaa sheegaayo in Ciidamadda Amaanka dalka Urdun ey habeenkii xalay ahaa qabteen dad lala xiriirinaayo iney ka tirsan yihiin Ururka Ikhwaanul Muslimiinka kaaso mamnuuc ka ah dalka Boqortooyadda Urdun,waqtiga la qabanaayey dadkaasi waxa ey ku guda jireen shir iyaga u gaar ah kana dhacaayey mid ka mid ah guryahooda kuna yaalo magaaladda Irbid ee dhacda Waqooyga dalka Urdun. Sida ilo Xog-ogaal ah ey u sheegeen Wakaaladda Wararka u Faafiso dalka Urdun ee Petra,booliska garsoorka ayaa maxaabiista la soo qabtay u gudbiyey Hayadaha Garsoorka ee dalka Urdun,isagoo xusay in kulanku uu ahaa mid ey soo qabanqaabiyeen Ikhwaanka,halka hayadaha Amniga ey la socdeen dhaqdhaqaaqiisa,waxa uuna ahaa kulankaasi mid aan sharci ahayn. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo reer Urdun ah,tan iyo markii la soo saaray xayiraadda la xiriirta kulanada Ikhwwanka,hayadaha amnigu waxa ey dabagal ku haayeen Ikhwaanka waxa eyna ogaadeen iney jiraan isku dayo lagu doonaayo in lagu hareer maro xayiraadda iyagoo shirar ku yeelanaayo guryaha xubnaha caadiga ee Ururka Ikhwaan Muslimiinka Urdun iyadoo lagu hoos qarinaayo kulano bulshadu yeelaneyso. Sannadkaan 2025-ka, masuuliyiinta dalka Urdun waxa ey ku dhawaaqeen mamnuucid guud oo lagu soo rogay Ururka Ikhwan Muslimiin iyagoo ku tilmaamay inuu yahay Urur aan Sharci ahayn,waxa eyna la wareegeen hantidoodii. Arrintaan ayaa ah mid daba socota baaritaano lagu ogaaday in xubno ka tirsan Ururka Ikhwaanka ey ku lug lahaayeen shirqool halis ku ah amniga qaranka. Tan iyo bishii shanaad ee la soo dhaafay,Wasaaradda Horumarinta Bulshada iyadoo loo maraayo gudiga gudaha waxa ey bilaawday iney qaado tilaabooyin lagu raadinaayo lacag kasta ama hanti kasta ey leedahay kooxda Ikhwaanka ka dib markii uu dhammaaday waqtigii kama dambeysta ee shaacinta kaaso ku beegnaay bartamihii bishii Juun-2025-ka.
ISHA-AA.
GOBOLKA MEHRAH EE YEMEN OO LAGU QABTAY 40-TAHRIIBE.
(SAWIRKA)-YEMENIYIIN DADKA TAHRIIBISA.
(AL-MEHRAH/YEMEN)-Wararka laga helaayo Gobolka AL-Mehra ee dalka Yemen ayaa sheegaayo in Ciidamada Ammaanka ee Gobolka AL Mehrah ayaa sheegay in saddex howlgal oo kala duwan oo ka dhacay degmada Shaxan ey ku soo qabteen (38)-Eedeysane. Eedeysanayaasha ayaa ku lug lahaa tahriibinta dadka iyo tahriibinta tahriibayaasha Afrikaanka ah ee sharci-darrada ah ee u kala socdaala dalalka deriska ah, iyadoo ey u sii dheer tahay shaqsiyaadka qaarkood oo ku lug lahaa tahriibinta walxaha mamnuuca ah sida Maandooriyaha. Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalkii ugu horeeyay ee lagu soo qab qabtay ilaa (7)- ruux, halka howlgalka labaadna uu ku lug lahaa hal ruux, waxaana howlgalkii seddexaad lagu soo qabtay (30)-ruux hal mar. Booliska AL Mehrah ayaa xaqiijiyay in dhammaan tuhmanayaasha la xiray inta laga gaarayo dacwadaha sharciga ah, iyagoo carabka ku adkeeyay dadaalkooda joogtada ah ee lagula dagaallamayo ka Ganacsiga dadka, burburinta shabakadaha wax tahriibiya, iyo kor u qaadista Amniga iyo Xasilloonida Gobolka.Yemen ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ey wajahayaan caqabadaha waa-weyn ee la xiriira socdaalka sharci darrada ah iyo ka Ganacsiga dadka. Taasoo ey sabab u tahay deegaanka uu ku yaal dalka Yemen kaaso isku xira Geeska Afrika iyo Jaziirada Carabta, iyadoo ey u sii dheer tahay xaaladda adag oo Amni iyo Dhaqaale ee ka sii daraysa ifafaalaha tahriibka ee dadka iyo tahriibayaasha.Xeebaha Yemen, gaar ahaan Gobollada Lahj, Abyan, Taiz, AL Mehrah, iyo Hadramaut, waxay ka dhigan yihiin marino waa-weyn oo ey maraan shabakadaha wax tahriibiya ee ka faa'iidaysta kontaroolada ammaanka ee daciifka ah iyo xaaladaha bini'aadantinimo ee sii xumaanaya si ey u fududeeyaan tahriibinta muhaajiriinta ka imaanaya wadamada Afrika ee u socdaalaya Khaliijka iyo wadamo kale. Inta badan dadka isaga kala safro Wadamada Khaliijka iyo Yemen ayaa ah kuwa ka yimaado Dalalka Itoobiya,Soomaaliya iyo Eritereeya,waxa eyna uga sii gudbaan dalka Yemen dalka Boqortooyadda Sacuudiga ama Sladana Cumaan iyagoo sii mara Gobolka Mehrah oo Gobolka xuduuda la wadaago Saldanada Cumaan.
ISHA-AL-XARAF.
URURKA XAMAAS MA AQBALI DOONAA HUBKA DHIGIS?
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.
(CAIRO)-Warbaahinta Israa’iil ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in Masar ey u soo bandhigtay Xamaas heshiis dhammaystiran oo dhigaya in la sii daayo dhammaan Maxaabiista Israa’iil iyo hub ka dhigista dhaqdhaqaaqa si ey xabbad-joojin uga hirgasho Marinka Qaza iyo sii daynta Maxaabiista reer Falastiiniyiinta. Maamulka rasmiga ah ee warbaahinta Isra’iil ayaa sheegay in wafdi ka socda Xamaas ey gaareen caasimadda Masar ee Qaahira, si ey uga wada hadlaan hindisaha cusub oo ey ku jiraan heshiis dhameystiran oo lagu sii deynayo 50 Israa’iiliyiin ah (dhammaan Maxaabiis, nool iyo kuwa dhintay) iyo hub ka dhigista dhaqdhaqaaqa Xamaas. Sida laga soo xigtay Maamulka Warbaahinta, " Dhexdhexaadiyayaashu waxay Xamaas u soo bandhigeen hindise cusub oo ah, heshiis dhamaystiran oo ey ku jiraan sii deynta dhammaan shakhsiyaadka la afduubay, kuwa nool iyo kuwa dhintayba, taasoo lagu beddelayo sii deynta Maxaabiista Ammaanka Falastiiniyiinta iyo hub ka dhigista Xamaas." Sida laga soo xigtay maamulka warbaahinta Israa'iil, hindisaha ayaa ku baaqaya qorshe cusub oo milatariga Israa'iil ey uga baxayaan Marinka Gaza, iyada oo ey si wadajir ah u ilaalinayaan Carabta iyo Maraykanka, illaa xal waara laga gaaro hub ka dhigista Xamaas iyo qaabka maamulka ee Marinka Gaza. Iyadoo la tixgalinayo hindisaha cusub, "Xamaas waa iney go'aansato iney qaboojiso dhaqdhaqaaqa garabkeeda milateri iyo hub ka dhigisteeda, iyadoo dammaanad laga helayo dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah," sida ey hay'addu sheegtay. Idaacadda ayaa intaa ku dartay, "Waxaa socda wada xaajoodyo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin joogta ah." Waxay ku andacootay in Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu "in hadda uusan raadin heshiisyo qayb ah, wuxuuna ku dhawaaqay dardargelinta hawlgallada militari ee lagu doonayo in lagu qabsado Gaza si loo soo afjaro dagaalka." Guddigu waxa ey xuseen in kooxda wada xaajoodka iyo dhexdhexaadiyayaasha ey aaminsan yihiin in la soo afjari karo farqiga u dhexeeya labada dhinac, isagoo xusay in Netanyahu uu ku tilmaamay xaaladdii Xamaas intii lagu jiray wareegii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka iney ahaayeen “shuruudaha isu dhiibida” Israa’iil, taasoo wakhtigaas hor istaagtay heshiis. Horumarka la xiriira, Maamulka Warbaahinta Isra’iil ayaa shaaca ka qaaday kala qeybsanaan ka dhex jirta kooxda wada xaajoodka Isra’iil oo ku saabsan suurtagalnimada in laga sii hormaro wada xaajoodyada lagu gaarayo heshiis is dhaafsi Maxaabiis iyo xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza. Maamulka Warbaahinta ayaa sheegay, iyadoo soo xiganeysa ilo xog ogaal ah oo aan la magacaabin, iney jirto "kala qeybsanaan ka dhex jirta kooxda wada xaajoodka ee Isra’iil oo ku saabsan suurtagalnimada in horumar laga gaaro wada xaajoodka xitaa haddii heshiis qayb ah la soo jeediyo." Ilaha ayaa tilmaamay in "ay jiraan kala duwanaansho fikradeed oo u dhaxaysa xubnaha kooxda wada xaajoodka ee ku saabsan suurtagalnimada in horumar laga gaaro marxaladda hadda." Maamulka Warbaahintu ma eysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nuxurka khilaafkan, balse waxay tilmaameen in wafdi ka socda Xamaas ey gaareen Qaahira si ey ugala hadlaan hindise cusub oo ey ku jiraan “heshiis dhameystiran” oo lagu sii deynayo 50 Maxbuus oo Xarakadda Xamaas u xiran iyo in hubka laga dhigo. Xamaas ayaan si deg deg ah uga hadlin booqashada wafdigooda Qaahira iyo hindisaha cusub ee Masar ee xabbad-joojinta Gaza. Xamaas ayaa marar badan diiday soo jeedin kasta oo hubka looga dhigayo ama looga baxayo Marinka Gaza, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in wax kasta oo qabanqaabo ah oo ku saabsan mustaqbalka Marinka ey tahay in lagu sameeyo isfaham Falastiin. Qorshahani waxa uu ku bilaabmayaa qabsashada magaalada Gaza, iyada oo dadkeeda oo ku dhaw hal milyan laga barakiciyey koonfurta, ka dibna la hareereeyo magaalada oo ey duulaan ku qaadeen goobo la degan yahay. Tan waxaa xigi doona wejiga labaad, oo ey ku jiraan qabsashada Xeryaha Qaxootiga ee bartamaha Gaza, oo qaybo badan oo ka mid ah ey burburisay Isra’iil. Maamulka warbaahinta ayaa tilmaamay in dhexdhexaadiyeyaasha la filayo iney kordhiyaan cadaadiska Isra’iil iyo Xamaas si ey ugu soo laabtaan miiska wadahadalka maalmaha soo socda. Isniintii shalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabbdul-caadhi, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dalkiisa oo hoggaaminaya dhexdhexaadinta Dooxa iyo Washington, uu dabada ka riixayo "heshiis buuxa iyo heshiis dhammaystiran" oo lagu soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza. Wasiir Cabdul-caadhi waxa uu sheegay in dalkiisa "uusan joojin dadaallada dhexdhexaadinta ah oo uu kala shaqaynayo dhexdhexaadiyeyaasha si loo soo afjaro heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro Gaza." Waxa uu intaa ku daray, "Waxaan ku riixeynaa in dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadalka ee Gaza, welina waxaa jirta suurtogalnimada, haddii ujeedadu ey wanaagsan tahay oo ey jirto rabitaan siyaasadeed, in la gaaro heshiis dhammaystiran oo soo afjaraya dagaalka Marinka Gaza.
ISHA-AA.
KULAN SEDDEX GEESOOD AH OO KA DHACAY DALKA URDUN.
(SAWIRKA)-SHIRKA URDUN.
(AMMAN)-Dalalka Suuriya,Urdun iyo Maraykanku ayaa kulan ku yeeshay Casimadda dalka Urdun ee Camaan Talaadada maanta ah, kulanka ayaa la isku raacay in la sameeyo koox-shaqaale saddex geesood ah (Suuriya, Urdun, iyo Maraykan) oo ujeeddadoodu tahay in lagu taageero dawladda Suuriya dadaallada ey ku xoojinayso Xabbad-joojinta Gobolka Sweyda iyo soo afjarida xiisadda halkaas ka taagan. Kulanka ayaa laga soo saaray bayaan wadajir ah oo lagu yiri: “Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun ayaa maanta martigelisay kulan wadajir ah oo ey yeesheen wadamadda Urdun-Suuriya iyo Maraykanka si looga wadahadlo xaaladda Suuriya iyo siyaabaha lagu taageerayo geeddi-socodka dib-u-dhiska Suuriya oo saldhig u ah dammaanad-qaadka Amnigeeda, Xasilloonida, Madax-bannaanideeda, Midnimadeeda, iyo faragelin la’aanteeda arrimaheeda, buuxinta rabitaanka shacabka walaalaha ah, iyo ilaalinta xuquuqda dhammaan Suuriya”. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Raysall Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Urdun Ayman Safadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya Ascad AL-Shaybaani, Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Suuriya Thomas Bark, iyo wakiillo ka socday Hay’adaha ey khuseyso ee saddexda dal.
SWEYDA WAA QEYB KA MID AH ISKU DHAFKA SURIYA:
Bayaanka ayaa intaa ku daray in kulanka "uu ahaa sii wadida wadahadaladii ey martigelisay Xukumada Urdun Luuliyo 19, 2025, si looga wada hadlo xoojinta xabbad-joojinta Gobolka Sweyda ee Koonfurta Suuriya iyo xallinta dhibaatada halkaas". "Ka qaybgalayaashu waxay ku nuuxnuuxsadeen in Gobolka Sweyda, dhammaan bulshooyinka maxalliga ah, ey tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, iyo in xuquuqda dadkeeda la ilaaliyo lana ilaaliyo habka dib u dhiska Suuriya cusub si loo helo mustaqbal sugan oo dhammaystiran dhammaan muwaadiniinta Gobolka Suuriya, hubinta iney matalaan iyo ka qaybgalka dhismaha mustaqbalka Suuriya" ayaa lagu yiri bayaanka.
TALAABOOYINKA DAWLADDA SURIYA WAA LA SOO DHAWEEYEY:
Sida lagu sheegay bayaanka, “Urdun iyo Maraykanku waxay soo dhaweeyeen tillaabooyinka ey qaaday dawladda Suuriya”, oo ey ka mid yihiin:
- Samaynta baaritaanno buuxa iyo la xisaabtanka dhammaan dambiilayaasha dambiyada iyo xadgudubyada ee Gobolka Sweyda, marka lagu daro rabitaankeeda ah iney la shaqeyso Hay'adaha Qaramada Midoobay oo ey khuseyso oo ey ku lug yeelato baaritaanka dambiyada iyo xadgudubyada la galay.
- Kordhinta qulqulka gargaarka bini'aadantinimo ee dhammaan aagagga Gobolka Sweyda iyo kor u qaadida socodka, oo ey ku jiraan iskaashiga Hay'adaha Qaramada Midoobay oo ey khusayso.
- Xoojinta shaqada Hay'adaha adeegga si loo soo celiyo adeegyadii ey carqaladeeyeen dhacdooyinka Gobolka.
– Bilaabidda hawlaha dhaqancelinta ee meelaha ey saameeyeen dhacdooyinka Gobolka.
– Soo dhawaynta tabarucaadka beesha caalamka ee taageerta dadaalladan iyo dadaalka dawladda Suuriya ee ku aaddan dib u celinta barakacayaasha deegaannadooda.
– Bilaabida habka dib u heshiisiinta bulshada ee Gobolka Sweyda iyo xoojinta nabadda rayidka.
– Iyagoo muujiyey sida ey u soo dhawaynayaan taageerada iyo taakulaynta Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun iyo Maraykanka ee arrintan la xiriirta.
SAAMEYNTA KOOX SHAAQAALE SEDDEX GEESOOD AH:
"Safadi iyo Barrack waxay ku celiyeen Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka taageerada buuxda iyo garab istaagga Suuriya, Amnigeeda, Xasilloonida, Madax-banaanideeda, Madaxbanaanida dhulkeeda, iyo badbaadada muwaadiniinteeda. Waxa Ey ugu baaqeen beesha caalamka iney la garab istaagto Suuriya dadaalkeeda ku aaddan dib u dhiska aasaaska u dammaanad qaadaya Amnigeeda, Xasilloonideeda, Madaxbannaanideeda, iyo Midnimadeeda, buuxinta rabitaanka shacabkeeda walaalaha ah, lana ilaaliyo xuquuqda dhammaan dadka Suuriyaanka ah” ayaa lagu yiri bayaanka. Waxay ku soo gabagabowday in "Saddexda dhinac ayaa ku heshiiyey iney kulan kale yeeshaan toddobaadyada soo socda si ey u dhammaystiraan doodaha maanta la qabtay, marka lagu daro ka jawaabista codsiga dawladda Suuriya ee ah in la sameeyo koox hawleed saddex geesood ah kana kooban wadamadda (Suuriya, Urdun, iyo Maraykanka) oo looga golleeyahay in lagu taageero dawladda Suuriya dadaalkeeda ku aaddan xoojinta xabbad-joojinta ee Gobolka Sweyda iyo soo afjarida dhibaatada halkaas."
ISHA-SANA.
KOOXDA FALAAGADDA SUUDAAN OO WEERARTAY XERO QAXOOTI.
(SAWIRKA)-DAARFUUR.
(SUDAN)-Wararka laga helaayo dalka Suudaan ayaa sheegaayo in ugu yaraan 40 qof lagu dilay isniinta maanta ah weerar ey Xoogaga Taageerada Deg Dega ah ku qaadeen Xerada Abu Showk taaso ey ku nool yihiin dadka ku Barakacay Gudaha (IDPs) ee duleedka EL Fasher , Darfur, galbeedka Sudan, sida uu sheegay qolka gurmadka ee Xerada Abu Showk. Qolada Gurmadka Deg dega ah bayaan ey soo saareen ayey ku sheegay in 40 qof ey ku dhinteen in ka badan 19 kalena ey ku dhaawacmeen ka dib markii Ciidamada Gargaarka Deg dega ah ey gudaha u galeen Xerada Abu Showk oo ku taalo dhinaca Waqooyi ee Ceel Fasher.
ILAA BISHII MEEY-2024-KII
Waxaa xusid mudan in Bishii April 2024, Ciidamada Taageerada Deg dega ah ey la wareegeen gacan ku haynta Xerada Zamzam oo ey ku nool yihiin Barakacayaasha, taasi oo ku taalla meel u dhow Abu Showk. Tan iyo bishii shanaad ee sannadkii hore, Ciidamada Taageerada Deg dega ah waxay go'doomiyeen Ceel Fasher iyo Xeryaha Qaxootiga ee ku xeeran. Dabadeed, bishii Disembar, ayaa macluusha lagaga dhawaaqay saddex xero oo ey ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo u dhow EL Fasher: Zamzam, Abu Shouk, iyo AL Salam, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay. Weerarka ayaa ku qasbay ku dhawaad 400,000 oo qof iney qaxaan, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay, taasoo si wax ku ool ah u faarujisay mid ka mid ah Xerooyinka ugu waa-weyn ee dalka oo ey ku nool yihiin dad barakacayaal ah. Tan iyo markii ciidanka Suudaan ey dib ula wareegeen gacan ku haynta Khartuum bishii Maarso 2025, Ciidamada Taageerada Deg dega ah waxay hawshooda u wareejiyeen dhanka Galbeed, iyagoo diiradda saaraya Darfur iyo Kordofaan. Waxaa xusid mudan in dagaalka ka billowday Suudaan bishii April 2023 uu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca in ka badan 13 milyan oo qof oo ku nool gudaha iyo dibadda dalkaas, iyadoo Qaramada Midoobay ey ku tilmaantay barakacii ugu ballaarnaa ee adduunka ka dhaca sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France Press.
ISHA-AA.