Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALALKA SURIYA IYO URDUN OO KU GUULEYSTAY KA HORTAGA TAHRIIBINTA DAROOGADA.

(SAWIRKA)-ILAALADA XUDUUDKA URDUN.

(JORDAN)-Ciidamada qalabka sida ee dalka Urdun ayaa ku dhawaaqay in askartu ay dileen laba dagaalyahan ka dib markii ay fashiliyeen isku day ay ku doonayeen in ay kaga soo gudbaan xadka Suuriya Jimcihii shalay ahaa. Waxa ay sidoo kale bayaan ay soo saartay Sabtida maanta ah ku sheegeen in "Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Gobolka Bari ay u suurtagashay, waaberigii shalay, in ay fashiliyaan isku day ay koox hubaysani ku doonayeen in ay si sharci darro ah uga soo gudbaan xadka Urdun," sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka ee Petra.

RASAAS LA ISWEYDAARSADAY:

Waxay sidoo kale xustay in "shuruucdii wada-shaqeynta la fuliyay ka dib markii la arkay, taasoo keentay dhimashada laba ka mid ah Tahriibayaasha ka dib markii ay rasaas isweydaarsadeen ilaalada Xuduudka,kooxda inteeda kalena ay dib ugu qoto laabteen gudaha dalka Suuriya."Dhowr bilood ka hor, Urdun iyo Suuriya waxay ku dhawaaqeen inay sameysteen Guddi Ammaan oo wadajir ah oo ka hortagaya Tahriibinta, Sugidda Xuduudahooda, iyo la dagaallanka Hubka iyo ka Ganacsiga Daroogada. Ku dhawaaqistan ayaa dhacday intii lagu guda jiray booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Ascad AL-Sheybaani bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

KA HORTAGA ISKU DAYADA TAHRIIBKA:

Waxaa xusid mudan in bilihii iyo sannadihii lasoo dhaafay ay Urdun si isdaba joog ah ugu dhawaaqday in ay fashilisay isku dayo Hub iyo Daroogo oo badan oo ay wadeen dad gudaha u soo galay oo xiriir la leh qaar ka mid ah maleeshiyaadka Iraan ee ku sugan Suuriya ama kooxaha kale ee hubeysan. Taas bedelkeeda, Tehraan waxay beenisay inay wax lug ah ku leedahay Hubka ama Daroogada laga soo Tahriibiyo xadka Suuriya iyo Urdun.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DILAAGII QARSOONAA EE AL-ASAD OO GACANTA LAGU SOO DHIGAY.

(SAWIRKA)-EEDEYSANAHA OO KOR U HAAYO ILKA DADEED UU DILAY.

(SYRIA)-Ciidamada amaanka dalka Suuriya ee ku sugan Gobolka Laadiqiyah ayaa gacanta ku dhigay nin horay uga tirsanaan jiray Nidaamka Bashaar AL-asad oo loo yaqaanay “Sniper’s Asad”.

WAA KUMA MAXAMED DAA’UUD NAASIR?

Ilo maxalli ah ayaa sheegay in Maxamed Daa’uud Naasir, oo lagu naanayso “DILAAGII ASAD”, uu ku shaqayn jiray toogashada ciidamadii taliskii hore, wuxuuna dilay tobanaan qof oo Suuriyaan ah. Dadka u ololeeya arrimaha Suuriya ayaa sidoo kale ku andacoonaya in Daa’uud uu ka mid ahaa cududaha dulmiga ku haya xukuumadda Suuriya ee dembiyada foosha xun ka galay shacabka Suuriya, waxaana lagu daba jiray eedeymo ah in uu galay xad-gudubyo xilligii uu ahaa shiishaha. Dhanaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in Daa'uud uu ka soo shaqeeyay Gobolka Jabal AL-Turkman, ka dibna uu u wareegay tuulada AL-Zuwayqat ee Jabal AL-Akrad oo ku taal buuraha Kabina. Dambiyada uu galay waxaa ka mid ahaa in uu meydka googooyay. Waxay xustay in Daa’uud lagu tiriyo mid ka mid ah hoggaamiyayaasha iyo maskaxdii ka dambeysay “dhacdooyinka xeebaha,” oo ay ku arkeen dagaallo dhiig badan ku daatay iyo dilal diimeed oo Calawiyiin ah oo ka dhacay magaalooyin ku yaal xeebaha Suuriya. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in eedaysanaha uu ku lug lahaa falal Argagixisanimo, maadaama uu mas’uul ka ahaa beegsiga xarumaha ciidamada ammaanka iyo goobaha ciidamada 6-dii bishan Maarso, sidoo kalena uu ahaa hoggaamiyihii kooxda weerartay koontaroolka AL-Zobar ee baadiyaha Laadiqiyah, oo ku taalla wadada aada Jabal AL-Turkman.

"JEES-JEES"

Waxaa xusid mudan in isla markii lagu dhawaaqay in la xiray, ay dadka u ololeeya baraha bulshada ay ku faafiyeen sawirro Da’ud xilligii Asad, isagoo heysta qoriga shiishka. Sawirada qaar ayaa u muuqda in uu jarjarayo meydadka uu dilay. Daa'uud waxa kale oo uu ka soo muuqday mid ka mid ah sawirradii ku xigay dhafoorka dadeed,mid kalena waxa uu ka soo muuqday mayd agtiisa, isaga oo haya mid ka mid ah daanka. Suuriyaanka ayaa baraha bulshada ku faafiyay warka ku saabsan qabashada tuhmanaha iyo u gudbinta baaritaanka. Waxay ku nuuxnuuxsadeen in tallaabooyinkan oo kale ay ballan-qaadayaan mustaqbal wanaagsan, gaar ahaan maadaama ay u taagan yihiin waddada ugu habboon ee loo heli karo caddaalad ku-meel-gaar ah, taas oo ay ku riyoonayaan in la ciqaabo dhammaan haraagii taliskii hore iyo dembiilayaasha ka dib marka la baaro laguna xukumo si waafaqsan habraaca sharciga ah.

ISHA-AA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYDAHA AMNIGA LIIBIYA OO GACANTA KU DHIGAY DAACISH.

(SAWIRKA)-DAACISH.

(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Ciidamada sirdoonka Liibiya ayaa Jimcihii ku dhawaaqay iney burburiyeen saddex unug oo Argagixiso ah oo xiriir la leh kooxda Daacish. Unugyadan ayaa ka hawlgalayey meelo kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan koonfurta, waxaanay xiriir la lahaayeen Hay’adaha caalamiga ah ee Afrika iyo Yurub. Ilo-wareed sare oo dhanka ammaanka ah oo ka tirsan Hay’adda ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Libya in hawlgalkani “uu ku yimid qaab dhismeedka dadaalka dawladda Libya ee la dagaalanka Argagixisada iyo burburinta ilaha dhaqaalaha”.

FAAHFAAHINTA UNUGYADDA:

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in "Qeybta koowaad ay mas'uul ka ahayd qorista dagaalyahanno iyo in xubnaha ISIS ee Waqooyiga Afrika laga soo daabulo Soomaaliya iyo Gobolka Saaxil, iyagoo isticmaalaya baasabooro been abuur ah iyo guryo ammaan ah oo Qarsoodi ah. Qaybta labaad waxay maamulaysay shabakad lacag-dhaqid ah oo aad u badan iyada oo loo marayo shirkado u ekeysiiya hawlahooda "shaqo bini'aadannimo," iyagoo muujinaya taageerada ay u hayaan xubnaha ISIS ee ka soo cararaya xerada AL-Hawl ee Suuriya iyo inay u helaan guryo ay ku leeyihiin Liibiya." Warbaahintu waxa kale oo ay sheegtay in unugga saddexaad loo arko inuu yahay xiriirka ugu khatarta badan, maadaama uu lacagaha ugu xawilo ISIS iyada oo la adeegsanayo shabakadaha caalamiga ah ee loo yaqaan cryptocurrencies oo ay u sameeyeen maal-gashi shaki leh iyaga oo ka wakiil ah kooxda.

HUB AAD U BADAN:

Arrintan ayaa timid maalmo ka dib markii hub badan oo kala duwan laga helay bakhaaro hoos yimaada guri ku yaalla magaalada Sabha ee koonfurta dalkaasi. Hubka la rumeysan yahay inay leeyihiin kooxaha Argagixisada ah ayaa isugu jiray Madaafiic, Bambooyin, Walxaha Qarxa, Rasaasta dhexe iyo kuwa culus iyo Qoryaha lidka Diyaaradaha. Hawlgalladan oo isku mar ah ayaa muujinaya khataraha amni iyo khataraha Argagixisada ee koonfurta Liibiya. Kormeerayaashu waxa ay ka digayaan in maranaanshaha amni ee sii socda iyo qulqulka hubka ee koonfurta Liibiya ay sii hurin karaan kooxaha xagjirka ah iyo shabakadaha wax tahriibiya iyo dhiirigelinta sii socoshada falalka Argagixisada ee Xuduudaha isaga gudba.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LA HAYSTE ISRA’IIL AH OO EY KA MUUQATO MACLUUL DARRAN.

(SAWIRKA)-LAHAYSTE EVYATAR DAVID.

(QUDS)-Wararka laga helaayo Marinkka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in Garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ey sii daysay muuqaal daqiiqado soconaya maanta oo Jimca ah, muuqaalka ayaa waxaa ka soo muuqday nin Israa'iil ah oo lagu haysto Marinka Gaza kaaso muuqaalkiisa loo arkaayey inuu yahay mid daciif ah oo nafaqo darri hayso, kuna dhex jira gudaha god ciriiri ah oo shub ah. Fiidiyowga Guutada Cizadiin AL-Qassam waxa uu muujinayay nin xiiran oo gar leh, Wakaaladda Wararka AFP iyo warbaahinta Israa’iil ayaa ku sheegay inuu yahay Evyatar David, kaasoo la qabtay Oktoobar 7, 2023. Wakaaladda Wararka AFP si madax banaan uma ay xaqiijin karto xaqiiqada muuqaalka. David, oo 24 jirsaday isagoo maxbuus ah, ayaa la afduubay intii uu socday weerarkii Xamaas ee dhaliyay dagaalka Gaza isaga iyo saaxiibkiis Gal Gilboa-Dalal. Labaduba waxay ka qayb galayeen xafladii Muusiga ee Nova ee koonfurta Israa'iil. Waxa ay ka mid ahaayeen 44 qof oo ciidammadii ka soo qayb galay la qabtay. Maleeshiyaadka Falastiiniyiinta ayaa dilay 370. Dabayaaqadii bishii Febraayo, Xamaas waxa ay sii daysay muuqaal muujinaya David iyo Gilboa-Dalal oo gaari ku dhex jira, iyaga oo daawanaya xaflad lagu sii daynayey dhawr mitir (yards). 251 ka mid ah la haystayaashii lagu qafaashay weerarka Xamaas, 49 ka mid ah ayaa weli lagu hayaa Gaza, oo ay ku jiraan 27 ka mid ah ciidammada Israa'iil ayaa sheegay in ay dhinteen. Xayiraadaha Israa’iil ee soo gelitaanka badeecadaha iyo gargaarka ee Gaza ayaa horseeday cunto yari ba’an iyo badeecadaha kale ee muhiimka ah, taas oo dhalisay dalabaadka caalamiga ah ee xabbad-joojinta. Maalmo ka hor ayey ahayd markii kooxda Jihaad AL-Islaam oo sii deysay Viedeo ku saabsan caruurta reer Falastiin ee macluusho hayso u shideen la haystayaal Isra’iiliyiin ah.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SWEDEN OO KU XUKUNTAY XABSI DAA’IN AH NINKII GUBAY DUULIYIHII URDUN.

(SAWIRKA)-DUULIYIHII URDUN EE NOLOSHA LAGU GUBAY.

(LONDON)-Dalka Urdun ayaa soo dhaweyay xukun ay maanta oo Khamiis ah Maxkamada ku taalo dalka Sweden ku riday xubin ka tirsan kooxda Daacish oo lagu helay inuu ku lug lahaa dilkii foosha xumaa ee loo geystay Duuliyihii ka tirsanaay Ciidamada Cirka ee DALKA Urdun G/dhexe.Mucaad AL-Kasasbeh. Osama Krayem ayaa ku lug lahaa dilka AL-Kasasbeh, oo 26 jir ah, kaasoo nolosha lagu gubay qafis ka dib markii la qabtay 2014-kii ka dib markii diyaaradii uu la socday ay ku burburtay Suuriya xilli uu socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish. Maxammad AL-Momini, afhayeenka dowladda Urdun, ayaa intaa ku daray in Urdun ay si buuxda ugu kalsoon tahay hannaanka sharciga iyo Garsoorka Sweden ee ka dhashay go’aanka. Al-Momini waxa uu sheegay in dadka reer Urdun ay waligood xasuusan doonaan dhacdadan naxdinta leh, isla markaana xukunka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagula xisaabtami doono dhammaan. Krayem oo haysta dhalashada dalka Sweden ayaa horay loogu xiray ku lug lahaanshiyaha weeraro kale oo ka dhacay Yurub, gaar ahaan weeraradii Paris iyo Brussels ee sanadihii 2015 iyo 2016. Dilka AL-Kasasbeh ayaa Argagax galiyay dadka reer Urdun ka dib markii Daacish ay soo bandhigtay muuqaal naxdin leh oo muujinaya isagoo nool oo lagu gubayo qafis. Maxkamadda Sweden ayaa sheegtay in inkastoo cadeymaha ay muujinayaan in qof kale uu shiday dabkii dilay, Krayem ayaa sidoo kale ku lug lahaa dilka.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOOXDA JIHAAD ISLAAMI EE FALASTIIN OO SOO SAARTAY VIDEO…

(SAWIRKA)-ROM BRASLAVSKI.

(GAZA)-Saraya AL-Quds oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaq Islaam Jihaad, ayaa baahiyay fiidnimada Khamiista maanta ah muuqaal muujinaya askari Israa’iili ah oo Maxbuus ah lana yiraahdo Rom Barslavsky, taasoo ay ku tilmaantay "Farriintiisii ugu dambaysay" ka hor inta aan la jarin isgaarsiinta kooxda haysata. Muuqaalkan oo lagu daabacay luuqadaha Carabiga iyo Cibraaniga ayaa muujinaya Barslavsky oo ka daawanaya muuqaal telefishin ah oo muujinaya masiibada bini’aadantinimo ee ay ku sugan yihiin caruurta Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Qaza, kuwaasi oo la il daran macaluul daran oo ka dhalatay go’doominta Israa’iil. Intii ay socotay duubista ayaa waxaa hadlay askariga la Maxbuuska ah isagoo ilmeynaya, isagoo xusay in muddo labo sano ah uu xirnaa. Waxa uu sheegay inuu heli jiray cunto kooban, balse hadda aysan jirin. Waxa uu intaa ku daray inuu dareemayo daal joogto ah, xanuun daran oo ka soo gaaray xubnihiisa, iyo dawakhaad markii uu isku dayay inuu dhaqaaqo ama aado musqusha. Waxa uu sheegay in neefsashada ay ku adkaatay, islamarkaana uu qarka u saaran yahay inuu burburo. Barslavsky waxa uu la hadlay dawladda Israa’iil, isaga oo yiri, “I badbaadi, maxaad ka samaynaysaan Gaza, maxaad cunto u soo gelin weydeen Waxa uu intaa ku daray in markii uu arkay caruurta Gaza oo qalfoof noqday ay isaga ka naxday, isaga oo ku nuux-nuux saday inay arrintaasi tahay mid ka baxsan bini’aadantinimada. Wuxuu sidoo kale mas'uul ka ahaa xaaladdiisa caafimaad iyo mid nafsiyeed Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu. Askariga Maxbuuska ah ayaa sheegay inuu ku dhow yahay inuu geeriyoodo, isla markaana uu qarka u saaran yahay inuu burburo jirka iyo maskaxda, isagoo xusay in taageeradii uu horay uga heli jiray ciidamada Al-Qudus ay ka go’een raashinkii iyo dawooyinkii. Waxa uu intaa ku daray, "Wax naga harin, cunto iyo biyo midna ma haysano, afar bilood ayaan ku jiray xaalad qabri u eg." Barslavsky oo warqadiisa soo gebagebeeyey waxa uu ka codsaday masuuliyiinta Israa’iil iney joojiyaan dagaalka oo ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan dadka rayidka ah, isaga oo yiri, “Haddii aanay caruurta ahayn, ha loo daayo Maxaabiista weli ku jirta Gaza”. Tani waxay ku soo beegantay iyadoo wada xaajoodka u dhexeeya Isra’iil iyo Xamaas uu ku sii socdo gebo-gebo, iyadoo ay sii wiiqmayaan dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin iyo heshiis isdhaafsi Maxaabiista Gaza, iyadoo ay sii adkaanayso mowqifka Isra’iil iyo hadallada sii kordhaya ee Tel Aviv . Fiidnimada Khamiista maanta ah,Channel 12 ee Israa'iil oo soo xiganaayo ilo siyaasadeed ayaa sheegay in fursadaha lagu gaari karo heshiis ay sii yaraanayaan, isagoo carabka ku adkeeyay in aan wax heshiis ah laga gaarin arrimaha taagan tan iyo markii wafdiga Osra’iil uu ka soo laabtaya magaaladda Dooxa ee dalka Qadar.

ISHA-AJ.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

(JARMALKA): QAXOOTIGA SUURIYA EE JOOGA JARMALKA OO IS GARAACAY,SABABTA?

(SAWIRKA)-GOBOLKA SWEYDA.

(BERLIN)-Waligeed ma jirin cid Xasan weyddiin jirtay mad-habta uu ka tirsan yahay. 32-jirkan Suuriyaanka ah ayaa tan iyo sannadkii 2015-kii ku sugnaa dalka Jarmalka, isagoo ka soo cararay dagaalladii sokeeye ee dalkiisa ka dhacay oo uu kaga qayb-galayay xoogagga kasoo horjeeda dowladda. Laakiin hadda way sameeyaan. "Heerka aflagaadada iyo hadalada nacaybka ah ee lagu hayo baraha bulshada waa mid aad u daran," Xasan oo ku nool magaalada Berlin ayaa u sheegay DW. Sida qof kasta oo kale oo Suuriyaan ah oo caadi ah oo lagu wareystay sheekadan, ma uusan dooneynin inuu isticmaalo magaciisa oo dhan si uu si furan uga hadlo waxa ku saabsan mowduuca xasaasiga ah ee ka dhex jira Suuriyaanka Jarmalka, iyo dib ugu noqoshada Suuriya . "Waan isku luminaynaa arrintan." “Tani,” Xasan waxa uu ula jeedaa rabshadihii dhawaan ka dhacay Suuriya oo lagu arkay laba bulsho, Druze iyo Bedwiyin-Sunni, oo ka bilaabay dagaalka gobolka koonfureed ee Sweyda bartamihii bishii Luulyo. Rabshadaha ayaa ka billowday afduubyo AARGOOSI ah oo u dhexeeyay labada kooxood, ka dibna sii kordhay. Rabshadihii ka dhacay aagga Sweyda bishii Luulyo ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,000 qof oo halkaas ku sugnaa. Kaliya maaha rabshada beeleed ee Suuriya dhawaanahan. Bishii Maarso, waxaa jiray dagaal u dhexeeya beesha Calawiyiinta Suuriya iyo dadka kale ee Suuriya, ka dib markii la sheegay in kacdoomeen. Labada xaaladoodba, waxaa jiray dil sharci darro ah oo ay geysteen inta badan kooxaha ku lugta leh iyo sidoo kale dhac, afduub iyo rabshado. Sidoo kale, labada xaaladoodba, dawladda ku meel gaarka ah ee Suuriya way awoodi wayday inay sugto ammaanka . Colaadahaas ayaa hadda ku fiday bulshada Suuriya ee Jarmalka. “Dadkii aadka isgu dhowaa hadda waxaad mooddaa in aaney saaxiibo noqon karin sababtoo ah waxaan ahay Sunni,” ayuu Xasan hadalkiisa sii raaciyay. Saaxiibka Xasan, Majid, waa Druze wuxuuna ka soo laabtay Sweyda wax yar ka hor rabshadihii dhowaa. "Waxaan dareemayaa inay dadku aad uga sii daran yihiin arrintan Berlin," ayuu xusay. "Waxay ila tahay inay sabab u tahay dadka halkan jooga qaarkood waxay weli haystaan maskaxdii hore, waxay weli u dhaqmayaan sidii in taliska [Asad] uu xukunka hayo." "In badan oo ka mid ah bulshada Suuriya halkan waxaan dareemayay isbeddelkan," ayuu yiri Razan Rashidi, oo ah agaasimaha fulinta ee kooxda xuquuqda aadanaha, The Syria Campaign, oo xarunteedu tahay Berlin. "Sanadihii ugu horeeyay ee kacaanka, waxaa jiray dareen xoog leh oo halgan la wadaago, dadku marar dhif ah ayay isweyddiin yaa Sunni, Calawiyiin, Masiixi ah, Kurdish, waxaan ka midaysanahay inaan ka soo horjeedno kalitalisnimada iyo baaqyada xorriyadda." "Ujeedka kaliya ee aan waligey ahaa in aan arko dhamaadka nidaamka," Xasan, oo ah nin Suuriyaan ah oo ku nool magaalada Berlin, ayaa sharaxay, isaga oo tixraacaya nidaamka kali-taliska ah ee Suuriya ee Assad.

DAGAAL KA DHACAY SUURIYA OO KA DHACAY JARMALKA:

Laakiin waxaa mahad leh dhacdooyinkii dhawaa, taasi way isbedeshay. 20-kii Luulyo magaalada Dusseldorf, laba kooxood oo dhawr boqol oo mudaaharaadayaal ah ayaa ku kulmay bannaanka xarunta tareenka ee magaalada. Koox ayaa taageersan Kurdiyiinta kooxda kalena waxay taageertay dawladda ku meel gaarka ah ee Suuriya. "Ka dib daandaansi hore oo afka ah,...dagaal baa dhacay," booliska Dusseldorf ayaa sheegay. Laba qof ayaa la qabtay, mid dhaawac ah, waxaana lagu tuuray dhalooyin iyo dhagxaan. Isla dhamaadka usbuuca, mudaharaad ka dhacay Berlin, koox yar oo rag ah oo ku dhow 400 oo qof oo xoog badan ayaa la maqlay iyagoo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Druze iyo Isra’iil. Duqa magaalada Berlin Kai Wegner, oo xubin ka ah Xisbiga muxaafidka ah ee Christian Democrats, ayaa faallo ka bixiyay muuqaalka gaaban ee muuqaalka ah, isagoo sheegay in baaqyada dilka iyo Argagixisada aan la aqbalin Berlin. Boolisk maxalliga ah ayaa baaraya, Wegner wuxuu ku hanjabay inuu masaafurin doono dadka Suuriyaanka ah ee hadalkan sheegay. Suuriya iyo Israa'iil ayaa dagaal ku dhexmaraya sannado badan, duqeyntii ugu dambeysay ee Israa'iil ay ka geysatay Suuriya, oo lagu eedeeyay "difaaca" Suuriya Druze, ayaa sii xoojisay xiisadda u dhaxaysa dadka laga tirada badan yahay ee Druze iyo kuwa kale ee Suuriya. Waxaa socda wada xaajoodyo u dhaxeeya dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya iyo Kurdiyiinta Suuriya, kaasoo ku saabsan in kuwa dambe ay ka tanaasulaan maamulka qeybaha waqooyiga ee dalka oo ay ku biiraan dowladda dhexe iyo militariga. Tusaale ahaan, Axmad, oo ah 30-jir kabalyeeri ah oo ku sugan Berlin, ayaa sheegay in uu dhawaan joojiyay la hadalka saaxiibkii Druze. "Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu hanti ka iibsado Suuriya meel u dhow xudduudda Israa'iil," Ahmad ayaa sharraxay. "Ma aamini kartid dadkan," ayuu si caro leh u yiri, isaga oo tixraacaya dadka laga tirada badan yahay . "Sidee bay ganacsi ula yeelan karaan Israa'iil?" Markaas ayuu dib u garaacayaa. "Uma jeedo Druze oo dhan, kaliya qaar," ayuu markii dambe yiri isagoo raaligelinaya. Inta badan muuqaalada mudaaharaadka Berlin ayaa muujinaya dadka reer Suuriya oo qaadaya heeso kacdoon ah. TV-ga ku hadla afka Carabiga ee Suuriya ayaa wareystay toddobo ka mid ah dibadbaxayaasha. Dhammaantood waxay sheegeen waxyaabo isku mid ah oo ku saabsan dhiirigelinta ay halkaas u joogaan. “Dalkan waa innaga oo dhan, waa inaan dhammaanteen wada noolaannaa,” ayuu mid ka mid ah yiri. “Waxaan u baahanahay inaan is garab istaagno,” ayuu mid kale ku daray. "Waxaan soo qabanqaabinay banaanbaxan oo ka dhacay Berlin si aan u diidno faragelinta arrimaha gudaha ee Suuriya iyo isku dayga lagu abuurayo colaadaha qowmiyadaha iyo kuwa diimeed," ayuu yiri qof kale oo mudaaharaadayay.

ISHA-DW.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA AMAANKA LIIBIYA OO SOO QABTAY HUB KALA DUWAN IYO RASAAS.

(SAWIRKA)-HUBKA LA QABTAY.

(LIBIYA)-Wararka laga helaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in ciidamada Qaranka dalka Liibiya ey Talaadada maanta ah ku dhawaaqeen iney heleen hub aad u badan oo kala duwan kuwaaso lagu aasay Bakhaaro hoos yimaado guri ku yaalo koonfurta magaaladda SABHA,hubkaaso ayaa la rumeysan yahay iney leeyhiin kooxaha Argagixisada. War qoraal ah ayaa lagu sheegay in “Ciidamadda gaarka ah ee ka tirsan ciidamadda dhulka”iyagoo kaashanaayo gudiga dib u habeynta koonfurta ey fuliyeen hawlgal gaar ah oo ka dhacay magaaladda SABHA,waane hubkii ugu balaarnaa oo nuuciisa ah oo muddo sannado ah la soo helay, waxaane halkaas laga soo qabqabtay dad fara badan oo goobta ku keydsanaayey hubka culus iyo kuwa dhexe iyo rasaas kala duwan. Hubka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Mdaafiic, Bambooyin, Walxaha Qarxa,Rasaas dhexdhexaad ah iyo kuwa culus iyo qoryaha lidka diyaaradaha. Hawlgalka ayaa qeyb ka ah dadaaladda ey ciidamadda Qaranka Liibiya ku doonayaan iney dib ugu soo celiyaan Amaanka iyo kala dambeynta koonfurta, gaar ahaan marka la eego kororka dhaqaalaha tahriibka iyo kooxaha sharci darrada ah xilli ey sii kordhayaan colaadaha ka taagan dalalka Liibiya la deriska ah gaar ahaan dalka Suudaan. Tirada hubka la qabtay ayaa muujineysa khatar amni iyo khataraha Argagixisada ee koonfurta dalka Liibiya,halkaaso goobjoogayaashu ey ka digayaan in sii socodka hubka ee gobolka uu gacan ka geysan karo hurinta kooxaha xagjirka ah iyo shabakadaha wax tahriibiyo.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KORDHIYEY LAGTA MADAXIISA LA SAARAY AL-CAWLAQI,IMISA?

(SAWIRKA)-AL-CAWLAQI.

(WASHINGTON)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay kordhisay abaal-marinada la siinayo ciddii keenta xog horseeda soo qabashada Hoggaamiyaha Al-Qaacidada Jaziiratul Carab (AQAP) oo fadhigeedu yahay dalka Yemen. Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bayaan ey soo saartay Talaadada maanta ah ku tiri: "Haddii aad hayso macluumaad ku saabsan Hogaamiyaha Argagixisada Sacad Bin Caadhif AL-Cawlaqi, Hoggaamiyaha AL-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, ee Yemen, noo soo dir, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto abaalmarin dhan $ 10 milyan iyo in aad u guurto meel ammaan ah." Warku waxa uu intaa ku daray in AL-Cawlaqi oo sidoo kale loo yaqaan Sacad Moxammed Caadhif kaaso hogaaminayey weeraro ka dhan ah Maraykanka, isla markaana uu dalka Yemen ka geystay afduubyo loo geystay dad isugu jira Maraykan iyo reer Galbeed. Barnaamijku waxa uu xusay in AL-Cawlaqi uu ku baaqay weeraro ka dhan ah Maraykanka iyo xulafadiisa isaga oo ah Amiirka Al-Qaacida oo ah Urur Argagixiso oo Maraykanku u aqoonsan yahay iyo Amiirkii hore ee kooxdaasi ee gobolka Shabwa ee Koonfur Bari Yemen. Horraantii Noofambar 2022, Maraykanku waxa uu $6 milyan oo abaal-marin ah ugu yaboohay xogaha AL-Cawlaqi. Iyadoo maanta lagu dhawaaqay, yabooh cusub oo gaaraayo ilaa $ 10 milyan. Barnaamijka ayaa lagu yiri, "Waxaan kordhinay abaal-marinaha la siin doono ciddii keenta xog ku saabsan hoggaamiyahan Argagixisada ah, nagu caawi sidii aan u heli lahayn." Horraantii bishii Juun, AL-Cawlaqi wuxuu soo saaray hanjabaad ka dhan ah Madaxweyne Donald Trump, Madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, iyo Maalqabeenka Elon Musk. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la dilo Hogaamiyayaasha Masar, Urdun iyo Khaliijka Carabta, iyadoo la eegayo dagaalka Isra’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza. Waxaa xusid mudan in AL-Cawlaqi uu la wareegay hoggaanka Al-Qaacidada Jaziiradda Carabta tan iyo bishii March ee sannadkii 2024-kii, ka dib markii uu geeriyooday hoggaamiyihii hore ee Ururkaas Khaled Baadhrafi oo muddo dheer la xanuunsanayay cudurro halis ah, sida lagu sheegay bayaan ay hay’addu soo saartay xilligaas.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOLLAND OO KU DHEGAN LABA WASIIR OO ISRA’IIL AH,SABABTA?

(SAWIRKA)-WASIIRO ISRA’IIL AH.

(AMESTERDAM)-Dalka Nederland(Hooland) ayaa ku dhawaaqday Wasiiradda Maaliyadda iyo Amniga Qaranka Israa’iil persona non grata hurinta rabshadaha iyo ku boorinta isir sifeynta Gaza. Bishii Juun, Holland waxay taageertay soo jeedintii Iswiidhan ee fashilantay ee ahayd in Midawga Yurub uu cunaqabatayn ku soo rogo Wasiiradda Maaliyadda Bezalel Smotrich iyo Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir ee Isra’iil. "Waxay si isdaba joog ah u kiciyeen rabshado degeyaal ah oo ka dhan ah Falastiiniyiinta, waxay dhiirrigeliyeen balaarinta dejinta sharci-darrada ah, waxayna ku baaqeen nadiifinta qowmiyadeed ee Gaza," Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Holland Caspar Veldkamp ayaa u sheegay baarlamaanka warqad la sii daayay gelinkii dambe ee Isniintii. Smotrich wuxuu ku jawaabay X, isagoo leh hogaamiyaasha Yurub waxay u hogaansameen "beenta Islaamka xagjirka ah ee la wareegaya" iyo "nacaybka sii kordhaya." Ben-Gvir wuxuu sheegay inuu sii wadi doono inuu u shaqeeyo Israa'iil, xitaa haddii laga mamnuuco inuu soo galo "dhammaan Yurub." "Meesha Argagixisanimada loo dulqaadan karo oo Argagixisada lagu soo dhaweeyo, Wasiir Yuhuudi ah oo Israa'iil ah waa mid aan la rabin, Argagixisaduna waa xor, Yuhuuddana waa la qaadaa," ayuu ku qoray X. Veldkamp ayaa sheegay in Holland ey rabto iney "xakameyso dhibaatada dadka Gaza" waxayna sahamisay siyaabo kale oo ey uga qayb qaadan karto gargaarka bini'aadantinimo. "hawada oo cunto laga soo tuuro waa qaali waana khatar," ayuu yiri.
"Tani waa sababta Holland ey sidoo kale u qaadayso tillaabooyin ey ku taageerayso gaarsiinta gargaarka ku saleysan dhulka." Hoos u dhaca gargaarka ayaa dib uga bilowday Gaza Axadii iyadoo Isra’iil ey ku dhawaaqday iney joojinayso bini'aadantinimo ku meel gaar ah qaybo ka mid ah dhulka go'doonsan. Ku dhawaad 2.4 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza ayaa wajahaya waxa ey Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ka digeen mawjado gaajo iyo nafaqo darro ah oo dilaa ah. Hay'adda Qaramada Midoobay ey taageerto ee isku-dhafan ee Haqab-beelka Cunnada Kala-saarista (IPC) ayaa sheegtay Talaadada maanta ah in macluushu ey ka dhacayso inta badan Gaza, iyada oo marinnada la jebiyey in ka badan 20,000 oo carruur ahna laga daweeyay nafaqo-xumo ba'an tan iyo bishii Abriil. Voldkamp wuxuu sheegay in Holland ey ku riixi doonto iney hakiso qaybta Ganacsiga ee heshiiska Midowga Yurub iyo Israa'iil haddii Israa'iil ey ku guuldareysato iney ka soo baxdo waajibaadkeeda bini'aadantinimo. "U yeerista ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in lagu xasuusiyo Israa'iil iney u hoggaansanto waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada," ayuu yiri. Ka dib markii uu taleefoon kula hadlay Madaxweynaha Isra’iil Isaac Herzog, Raysal Wasaaraha Holland Dick Schoof wuxuu sheegay in mawqifka dowladdu uu yahay "mid cad."
"Dadka Gaza waa in si deg deg ah, oon xannibnayn, si ammaan ah u helaan gargaarka bini'aadanti," ayuu yiri. Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in Wasiirka arrimaha dibadda Gideon Sa’ar uu u yeeray Safiirka Holland Marriët Schuurman oo fadhigeedu yahay magaalada Jerusalem si uu u canaanto galabnimadii Talaadada maanta ah. "Wadahadalku wuxuu dhici doonaa iyada oo la tixgelinayo go'aamada dawladda Holland ee ah iney qaadaan tallaabooyin ka dhan ah Israa'iil, oo ey ku jiraan xuquuqda ey u leedahay iney isdifaacdo iyo ka dhanka ah Wasiirrada dawladeeda," ayay Wasaaraddu ku tiri hadal ey soo saartay. Dagaalka Gaza ayaa ka dhashay weerar ey Xamaas ku qaadday Israa’iil Oktoobar 7, 2023, kaasoo sababay dhimashada 1,219 qof oo u badan dad rayid ah, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP oo ku salaysan tirooyin rasmi ah. Ololaha aargoosiga ah ee Isra’iil ayaa dilay 59,921 Falastiiniyiin ah, oo sidoo kale u badan rayid, sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

REYSAL WASAARAHA CIRAAQ OO LA KULMAY SARAAKIISHA AMNIGA BAQDAAD.

(SAWIRKA)-XAFIISKA RW-AL-SUDANI.

(IRAQ)-Wararka laga helaayo caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Ciraaq ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Maxamed Shayaac AL-Sudani, ayaa Axadda maanta ah carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in aan laga daalin ilaalinta sharciga iyo ilaalinta Hay'adaha dowladda. Waxa uu ku nuux-nuux saday in eysan jirin cid xaq u leh iney ku bedesho dowladnimada iyo maamulkeeda, isla markaana eysan jirin cid ka sareysa sharciga. Arrintan ayaa timid xilli uu Raysall Wasaaruhu kulan deg deg ah oo Amniga lagu sugayey uu la qaatay Taliye Ku-Xigeenka Howl-gallada Wadajirka ah, Taliyaha Howl-galka Baqdaad, iyo Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee ka jawaabay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Beeraha ee degmada Karakh ee Baqdaad, sida lagu sheegay War ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee AL-Sudani. AL-Sudani waxa uu ku nuuxnuuxsaday, sida uu hadalka u dhigay, “In loo baahan yahay in aan loo dabcin xilka ilaalinta sharciga iyo ilaalinta Hay’adaha dawliga ah, iyo in la sii wado baarista si loo ogaado duruufaha ey kooxaha weerarka soo qaaday soo farageliyeen oo ey u dhaqaaqeen iyaga oo aan oggolaansho ka horaysa amni helin. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dambiilayaasha si sharciga waafaqsan, baaristana lagu sameeyo si xirfad sare leh, iyadoo la raacayo nidaamka ciidamada qalabka sida, isla markaana uu si toos ah ula socdo. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ma jirto cid xaq u leh iney beddesho dowladnimada iyo maamulkeeda, xisbina uusan sharciga ka sareyn”.

"SHIL HALIS AH"

Mar sii horeysay, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in subaxnimadii Axadda ey dhacday dhacdo halis ah oo ka dhacday mid ka mid ah Waaxyaha Wasaaradda Beeraha ee degmada Karakh, taasoo ku soo beegantay xilli uu xilka Agaasime uu la wareegaayey Agaasime cusub, waxaane dhacday in koox hubeysan ey gudaha u soo gashay Xarunta Wasaaradda oo uu shir uga socday maamulka, taasoo argagax ku beertay shaqaalihii oo isla markiina dalbaday ciidamada ammaanka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hadalkeeda ku dartay in “Ciidamada Booliska Federaalka iyo kuwa Gurmadka ee degmada Karakh ey si deg deg ah goobta ugu soo gurmadeen, waxaana ey rasaas toos ah kala kulmeen raggii hubeysnaa,waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac”. Waxa ey sidoo kale cadeysay in eysan ogolaan doonin in lagu xadgudbo Hey’adaha dowladda ama in la sameeyo wax wax u dhimaya sharciga, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in Haybadda dowladnimo iyo sharcigu ey yihiin khad cas oo aan laga gudbi karin.

14-QOF AYAA LA XIRAY:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa intaas ka dib war kale oo ey soo saartay ku sheegtay in tirada dadka la qabtay ey gaarayaan ilaa 14-Maxbuus oo ku lug lahaa weerarka hubeysan. Waxay intaas ku dartay in ciidamada ammaanku ey sii wadaan baaritaannada iyo dabagalka sharciga, “Iyadoo si toos ah ey u kormeerayaan hoggaanka sare, si loo soo qabto dambiilayaasha haray, lana horkeeno sharciga,” iyadoo ku nuux-nuuxsatay in ilaalinta Hay’adaha dowladda iyo sharciga ey sii ahaan doonaan mudnaan gaara leh. Sidoo kale, waxay si cad u sheegtay in ciidamadeeda ammaanku ey si karti iyo xilkasnimo ku jirto u gudanayaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana eysan ka waaban doonin iney wax ka qabtaan isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu huriyo qas ama lagu carqaladeeyo amniga guud. Arrintan ayaa timid ka dib markii sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Ciraaq la dhaawacay, laba tuhmanena la xiray Jimcihii la soo dhaafay, intii ey socdeen iska horimaadyo ka dhashay fulinta amarrada lagu soo xirayo Garsoorka oo ka dhacay degaanka AL-Hadam ee gobolka Maysan, ee bariga Ciraaq.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WADA HADALADII U DHEXEEYEY XAMAAS IYO ISRA’IIL OO MARAYA MEEL WANAAGSAN.

(SAWIRKA)-XAALADDA CARUURTA MARINKA GAZA EE FALASTIIN.

(TEL AVIV)-Afhayeen u hadlay Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay fiidnimada Axada maanta ah iney jiraan calaamado wanaagsan oo ku saabsan in heshiis laga gaaro marinka Gaza. Hani Marzouk ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya in Israa'iil ey sii waddo ogolaanshaha gargaarka ee Gaza. Marzouq wuxuu intaas ku daray, " Maraykanku waxba naguma soo rogin dagaalkan."

"WAXAAN YEELANAY WADAHADALO ADAG."

Dhanka kale, Hoggaamiyaha Ururka Xamaas ee Gaza, Khalil AL--Xayya, ayaa sheegay in wadahadallada xabbad-joojinta ey yihiin kuwo aan macno lahayn iyadoo ey sii socdaan go'doominta iyo gaajada. "Waxaan galnay wadahadallo adag, waxaana soo bandhignay dhammaan dabacsanaan suurtagal ah," AL-Xayya ayaa ku sii waday khudbad la duubay. Waxa uu intaa ku daray, "Waan ku heshiinnay soo jeedintii dhexdhexaadiyeyaasha intii lagu jiray wareegii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka, waxaana la yaabnay wixii xigay."

IN KA BADAN 100-BAABUUR OO GARGAAR AH:

Dhanka kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadantinimada Tom Fletcher ayaa sheegay in Israa'iil ey u muuqato iney fududaysay qaar ka mid ah xannibaadaha dhaqdhaqaaqa Gaza Axadda maanta ah, ka dib markii ey go'aansatay "Iney taageerto ballaarinta gargaarka muddo toddobaad ah," sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Fletcher ayaa bayaan uu soo saaray ku daray in warbixinadii ugu horeeyay ey muujinayaan in in ka badan 100 baabuur oo sidda gargaar laga soo aruuriyay isgoysyada si loogu diyaar garoobo in la geeyo marinka Qaza. "Tani waa horumar, laakiin xaddi badan oo gargaar ah ayaa loo baahan yahay si looga hortago macluusha iyo dhibaato caafimaad oo musiibo ah," ayuu sii raaciyay. Iyada oo wajahaysa cambaareyn caalami ah oo sii kordheysa iyadoo Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay macaluul baahsan oo ka jirta Gaza, Israa'iil ayaa ku dhawaaqday Axadda maanta ah horraantii iney joojin doonto hawlgallada milatari ee 10 saacadood maalintii qaybo ka mid ah Marinka ayna oggolaato marinnada gargaarka cusub.

XAALADDA BINI’ADANIMO OO ADAG:

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli wadahadallada aan tooska ahayn ee Xamaas iyo Israa’iil ey wajaheen turunturooyin ey ku jiraan hawlgallada milatari ee Israa’iil ey ka wadaan meelo badan oo Gaza ka tirsan iyo eedaymaha labada dhinacba ku aadan in aanay dhab ka ahayn wada-xaajoodka. Marinka Gaza waxa ka jiray xaalado bini'aadantinimo oo aad u daran muddo bilo ah, iyada oo ey ka jirto cunto yari daran, dawo iyo shidaal. Go'doominta joogtada ah ee Israa'iil ee isgoysyada waa weyn ayaa sii xumeeyay heerka macluusha iyo nafaqo-xumada, sida ey sheegeen Hay'adaha Qaramada Midoobay.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO DIGNIIN KA SOO SAARAY MARIN BIYOODKA BADDA CAS,SABABTA?

(SAWIRKA)-MARKAB EY GUBEEN XUUTIYIINTA.

(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda Sanca ee Jamhuuriyadda Yeman ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta Yemen ey Axada maanta ah ku dhawaaqeen iney beegsan doonaan Maraakiib kasta oo ey leeyihiin Shirkadaha Ganacsiga ku leh Dekedaha Israa'iil, iyadoo aan loo eegin dhalashooyinka ey u dhasheen, taasoo qayb ka ah wax ey ugu yeereen wejiga afraad ee howlgallada milateri ee ka dhanka ah Israa'iil. Hadal laga sii daayay Telefishinka iyaga taabacsan ee AL-Masiirah ayuu Afhayeenka Milliteriga Xuutiyiinta kaga digay in Maraakiibta la weeraro, haddii ey Shirkadaha iska dhego-tiraan digniintooda, iyadoo aan loo eegin halka ey u socdaan. "Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen waxay ugu baaqayaan dhammaan dalalka, haddii ey doonayaan iney ka fogaadaan xiisadan, iney cadawga ku cadaadiyaan iney joojiyaan gardarada iyo iney qaadaan xayiraadda marinka Gaza," ayuu raaciyay. Tan iyo markii dagaalka Israa’iil ee Qaza uu billowday bishii Oktoobar 2023, Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa weeraraysay Maraakiibta ey u arkaan iney ku xiran yihiin ama iney xiriir la leeyihiin Israa’iil, taasoo ey ku sheegeen iney yihiin ficillo ey ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta. Bishii Meey ee sannadkaan-2025-ka,Mareykanka ayaa ku dhawaaqay heshiis lama filaan ah oo uu la galay Xuutiyiinta halkaasoo ey ku heshiiyeen in la joojiyo ololaha duqeymaha ka dhanka ah si loo soo afjaro weerarada Maraakiibta, inkastoo Xuutiyiintu ey sheegeen in heshiiska eysan ku jirin in Israa'iil loo turo.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KULAN KA DHACAY BAARIIS OO LOOGA HADLAY XAALADDA SUURIYA.

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTA KU KULANTAY BAARIIS.

(PARIS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa wadahadalo hufan oo wax ku ool ah la yeeshay Mareykanka iyo Faransiiska, iyagoo sheegay Jimcaha maanta ah iney hoosta ka xariiqeen muhiimadda ey leedahay xaqiijinta guusha isbeddelka Siyaasadeed ee Suuriya, Midnimada iyo Wadajirka dhuleed. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Ascad AL--Sheybaani, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Jean Noel Barrot iyo Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Suuriya Thomas Barrack ayaa ku kulmay magaalada Paris, maalmo ka dib markii xabad joojin la hakiyay dhiiga ku daadanaya gobolka Koonfurta Suuriya ee Sweyda. Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen iska horimaadka dhexmaray dagaalyahanada Druze, qabiilada Sunniga Bedwiyin iyo ciidamada dowladda, Isra’iil ayaa qaaday duqeymo dhanka cirka ah si ey uga hortagto waxa ey ku sheegtay dilka Druze. War qoraal ah oo ey si wadajir ah u soo saareen saraakiisha Suuriya, Mareykanka iyo Faransiiska ayaa lagu sheegay iney yeesheen "kulan aad daacad ah oo wax ku ool ah xilli xasaasi ah Suuriya." Iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ey leedahay in si deg deg ah looga wada shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa guusha isbadalka Siyaasadeed ee Suuriya ka dib dhicitaankii Madaxweynihii hore Bashaar AL-Asad, waxay sheegeen iney isku raaceen baahida loo qabo in dalalka deriska la ah Suuriya aysan wax khatar ah keenin iyo in Suuriya aysan khatar ku ahayn dalalka deriska la ah. Waxay sidoo kale isku raaceen in la taageero dadaallada lagula xisaabtamayo kuwa mas’uulka ka ah rabshadaha, ayaa lagu yiri bayaanka. Iska horimaadkii todobaadkii hore ayaa hoosta ka xariiqay caqabadaha uu adaxweynaha ku meel gaarka ah Axmed AL-Sharacuu wajahayo xasilinta Suuriya iyo ilaalinta xukunka dhexe, inkastoo uu sii kululaanayo xiriirka Mareykanka iyo maamulkiisa oo xiriir dhanka ammaanka ah ey la leeyihiin Isra’iil.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAXOOTIGA SUUDAAN OO BILAABAY INUU DIB UGU LAABTO DALKIISA.

(SAWIRKA)CARUURTA QAXOOTIGA REER SUDAN.

(SUDAN)-Qaramada Midoobe ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqday in, in ka badan 1.3 Milyan oo Suudaaniyiin ah ey dib ugu laabteen guryahoodii ka dib markii ey ka barakaceen dagaallada, waxayna Qaramada Midoobe ey ku baaqday in la taageero. Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dawladda Suudaan iyo Xoogaga Taageerada deg dega ah(RSF) kuwaaso soo bilawday bishii April 2023 ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin qof, taasoo abuurtay xiisad ey Qaramada Midoobay ku tilmaantay “Midkii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara caalamka”. Inkastoo ey joogsadeen dagaaladii ka dhacayey deegaanada ey dadka ka barakaceen,hadane dadkii qaxootiga ahaa ayaa bilaabeen iney dib ugu soo laabtaan, walaw xaaladuhu wali ey yihiin halis, sida lagu sheegay War Saxaafadeed ey soo saareen Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee UNDP. "Waxaa jira dad badan oo gudaha ku barakacay...kuwaasi oo go'aansaday in ey ku laabtaan degaanadooda," ayuu yiri Mamadu Diane Balde, oo ah Agaasimaha Gobolka ee Hayadda UNHCR. Isagoo ka hadlayay magaalada Nairobi ee ah caasimadda dalka Kenya,wuxuu intaas ku daray in "Hal Milyan oo qof oo ku barakacay gudaha dalka Suudaan ey dib ugu laabteen guryahooda" bilihii la soo dhaafay. Dhankiisa, Agaasimaha Gobolka ee Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, Cusmaan AL-belbiisi, ayaa sharaxay in Port Sudan ey ahayd halkii "Qulqulka ugu badan uu ka bilaabmay bilowgii sanadka, laakiin qulqulka magaaladda caasimada ah ee Khartoum wuxuu si tartiib tartiib ah u bilaabmay ilaa March." Soo noqoshada ayaa bilaabatay dabayaaqadii 2024-kii, laakiin dadka intiisa badan ayaa soo laabtay tan iyo bishii Jannaayo, sida ey sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. "Qaxootigan iyo barokacayaashan waxay ku noqonayaan guryahoodii iyaga oo aan waxba haysan," Diane Baldi ayaa xusay. Dadka intooda badan ayaa ku laabtay Khartuum, Senaar, iyo AL-Jazeera, kuwaasoo ey si ba’an u saameeyeen dagaal ka socday in ka badan laba sano, sida ey sheegeen Hay’adaha Qaramada Midoobay. Kaabayaasha dhaqaalaha , oo ey ku jiraan iskuullada iyo isbitaallada, ayaa gebi ahaanba burburay ama loo beddelay hooy guud, halka luminta ama burburinta dukumeentiyada aqoonsiga madaniga ah iyo suurtogalnimada beddelka iyaga ey u diidayaan qaar badan oo iyaga ka mid ah iney helaan adeegyo. Dadka soo laabanaya ayaa sidoo kale wajahaya khatarta ah walxaha qarxa oo aan qarxin. Qaramada Midoobay ayaa filaysa in ku dhawaad 2.1 milyan oo qof iney ku noqdaan Khartuum dhamaadka sanadka. "Tani waxay ku xiran tahay dhowr arrimood, oo ey ugu weyn tahay xaaladda amniga iyo awoodda in dib loo bilaabo adeegyada waqtigeeda," Belbeysi ayaa yiri. Marka la eego dhaqaale yarida ba'an ee ka jirta hawlgallada bini'aadantinimo ee gudaha Suudaan iyo dalalka dariska ah ee martigeliya qaxootiga, Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo kordhiyo gargaarka maaliyadeed.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA BILJAM OO XABSIGA U TAXAABAY LABA ASKERI OO ISRA’IIL AH,SABABTA?

(SAWIRKA)CIIDANKA GAARKA AH EE DALKA BILJAMKA.

(BRUSSELES)-Mas’uuliyiinta Biljam ayaa Isniintii ku dhawaaqay in ey muddo kooban qabteen oo ey su’aalo weydiiyeen labo muwaadin oo Israa’iili ah oo dhawaan ka qeyb galay bandhig faneed elegtaroonig ah oo lagu qabtay dalkaas, ka dib markii kooxaha Falastiiniyiinta taageersan ey ku eedeeyeen dambiyo dagaal. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ey heleen dacwado dhanka sharciga ah oo sheegaysa in laba askari oo Israa’iili ah oo mas’uul ka ah "Xadgudubyada halista ah ee sharciga caalamiga ah" ee Gaza lagu arkay xafladda Tomorrowland ee u dhow magaalada Waqooyiga ku taalla ee Antwerp todobaadkii hore. Xafiiska dacwad oogaha dowlada dhexe ayaa sheegay in ey booliiska ka codsadeen in ey soo helaan labada qof ee lagu sheegay cabashada ka dibne iney waraystaan. "Ka dib wareysiyadaas, waa la sii daayay," ayaa lagu yiri bayaan. Xafiisku waxa uu sheegay in uu tallaabo qaaday ka dib markii uu soo gabagabeeyay in Maxkamadaha Biljamku ey leeyihiin awood ka baxsan dhuleed oo ku saabsan dembiyada dagaal ee lagu soo eedeeyay. "Macluumaadka dheeraadka ah laga bixin doono heerkan baaritaanka," ayuu yiri xafiisku. Shakhsiyaadka reer Isra’iil lama magacaabin. Toddobaadkii hore, Hind Rajab Foundation (HRF), oo ah Hay'ad taageerta Falastiiniyiinta Biljam, ayaa sheegtay iney aqoonsatay laba askari oo Israa'iil ah kuwaaso "Mas'uul ka ah dambiyada caalamiga ah ee ka dhacay Marinka Gaza" oo ka mid ah dadkii isugu soo baxay Tomorrowland. Waxa ey sheegtay in koox dhalinyaro ah oo Israa’iili ah lagu arkay goobta xafladda iyagoo lulaya calanka Givati Brigade, oo ah cutub ka tirsan militariga Israa’iil ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda dhulka Falastiin. HRF ayaa sheegtay in markaas ey dacwad u gudbisay Xeer-ilaaliyeyaal xiriir la leh Global Legal Action Network, oo ah koox Qareeno ah oo ku Takhasusay Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha. Isniintii, waxay ku ammaantay xeer-ilaaliyeyaasha iney dabagal ku sameeyeen. "Xilliga ey dowlado badan ka aamusan yihiin, tallaabadani waxay diraysaa farriin cad: caddaymaha lagu kalsoonaan karo ee dembiyada caalamiga ah waa in laga jawaabaa jawaab-sharciyeed ma aha danayn la'aan siyaasadeed," ayey HRF ku tiri hadal ey soo saartay. Mid ka mid ah dabbaaldegyada Muusiga Elegtarooniga ah ee adduunka ugu weyn, Tomorrowland waxay soo jiidataa xiiseeyaal muusig oo adduunka oo dhan ah.

ISHA-DS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BANAANBAX KA DHACAY AFAFKA HORE EE AQALKA CAD EE MARAYKANKA.

(SAWIRKA)-XAALKA CARUURTA GAZA.

(WASHINGTON)-Dhakhaatiirta ka soo horjeeda xasuuqa (DAG) ayaa Khamiista maanta ah ugu baaqay maamulka Trump inuu joojiyo gaajada iyo dilalka ka socda Marinka Gaza. Dhakhaatiir, Kalkaaliyeyaal Caafimaad, iyo Xirfadlayaal kale oo Caafimaad, oo ey weheliso Rep. Rashida Tlaib, ayaa isugu soo ururay Aqalka Saddex-xagalka ee Capitol Hill si ey sidoo kale u dalbadaan in meesha laga saaro Hay'adda Bani'aadamnimada ee Gaza ee uu Maraykanku taageero (GHF). "Waxaan halkaan u nimid inaan idiin sheegno, raali-gelin la'aan, in waxa Gaza ka socda uu yahay xasuuq. Dowladda Mareykankana waxay ka caawineysaa iney ku maalgeliso canshuurta Mareykanka," Dr. Nidal Jboor, oo ah aasaasaha DAG, ayaa ku sheegay shir jaraa'id. Carruur ayaa gaajo loo dilayaa oo rasaas lagu furayaa iyagoo doonaya iney rooti helaan, Kaniisadaha iyo Masaajiddana la duqeeyo, ayuu hadalkiisa ku daray. "Dhakhaatiirta ku sugan Gaza ayaa nooga digaya: boqolaal kun ayaa u dhiman kara macluusha qasabka ah, ee bani'aadamku sameeyay saacado iyo maalmo gudahood. Tani ma ahan qalalaase gaabis ah. Tani waa dhacdo dhimasho badan oo dhacaysa waqtiga dhabta ah," ayuu yiri Jboor. Waxa uu sheegay in GHF aysan ahayn "xarig nololeed, laakiin waa dabin dhimasho." "In ka badan 1000 ayaa la dilay labadii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay," Tlaib ayaa tiri. Waxaa laga bilaabay Marinka Gaza ee go'doonsan May 27, goobaha gargaarka lagu qaybiyo ee GHF, oo sidoo kale haysta taageerada Mareykanka, ayaa lagu tilmaamay "dabinno dhimasho" oo ey dhaleeceeyeen.

'IN GAAJADDA LOO ADEEGSADO HUB DAGAAL WAA DEMBI DAGAAL'

Tlaib, ayaa dhankeeda sheegtay in "maamulka midab-takoorka" ee Israa'iil ey gaajo ku hayso Gaza. "Waxaan u baahanahay inaan hadda wax ka qabanno. In gaajada loo adeegsado hub dagaal waa dambi dagaal," ayay raacisay. Iyadoo ku nuuxnuuxsaday in dhammaan dadka reer Gaza in ka badan 2.1 milyan oo qof ayaa la kulmaaya macluul iyo cudurro, Tlaib waxay sheegay in nus milyan Falastiiniyiin ah ey wajahayaan "heerar masiibo ah oo macluul ah." "Hadda, ciidamada Israa'iil waxay si bareer ah u tooganayaan oo ey gaajoonayaan Falastiiniyiin cunto saf ugu jirta. In ka badan 1,000 ayaa la dilay labadii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay," Tlaib ayaa tiri. Waxay ugu yeertay GHF "kaftan, bini'aadantinimada ka baxsan, (iyo) anshax xumo." "Waa khiyaano dilaa ah, dabin ey taageerayaan dowladda Israa'iil iyo maamulka Trump, Qaramada Midoobay xitaa waxay ku tilmaantay dabin dhimasho," ayey hadalkeeda ku dartay. Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ayaa ku celisay baaqeeda ah in la joojiyo saadka militari ee Mareykanka uu siiyo Israa’iil. Xubnaha DAG ayaa sidoo kale mudaaharaad ka dhigay afaafka hore ee safaarada Masar, safaarada Isra’iil iyo fagaaraha Lafayette ee ka soo horjeeda Aqalka Cad si ey codkooda u daayaan. Israa’iil ayaa marinka Gaza ku dishay in ka badan 59,500 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan Haween iyo Caruur, tan iyo bishii Oktoobar 2023. Ololaha milatarigu waxa uu baabi’iyay deegaannadii, burburiyay nidaamkii caafimaadka, waxana uu horseeday cunto yari daran. Bishii Nofembar ee la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ee ka dhacay Marinka Gaza. Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaysa kiis xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee cadaaladda oo ku saabsan dagaalka ey ku hayso dhulka reer Falastiin.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA MARAYKANKA OO CADAYN KA RABTA SURIYA DILKII XUSAAM SARAYA.

(SAWIRKA)-XUSAAM SARAYA.

(SYRIA)-Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Tommy Piggott, ayaa Khamiista maanta ah sheegay in Wasaaraddu ey ku baaqday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dil dhawaan lagu dilay Muwaadin Mareykan ah oo ka dhacay dalka Suuriya, wuxuuna sheegay in arrintan ey si toos ah ugala hadashay dowladda Suuriya. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Wasaaraddu waxay hore u xaqiijisay in Xusam Saraya oo u dhashay Maraykanka lagu dilay todobaadkii hore gobolka Druze ee Sweyda. Saraya, oo da'diisu tahay 35-jir ah kuna noolaa Oklahoma, ayaa dhexda u galay iska horimaadyada Diimeed ee ka dhashay xilli uu booqanaayay qoyskiisa, qaraabada,mas'uuliyiintu waxay dhacdadaan sheegeen Talaadadii. Rabshado ayaa horaantii bishan ka dhacay gobolka AL-Suwayda, oo ey tahay caasimada Gobolka AL-Suwayda, waxaana horaantii bishan ey rabshado u dhexeeyeen xubno ka tirsan bulshada Druze iyo qabiilada Sunniga Bedwiyiinta ee deegaanka, taasoo keentay in ciidamada dowlada Siiriya ey soo farageliyaan. Boqolaal qof oo isugu jira rayid iyo dagaalyahanno ayaa ku dhintay ka hor inta aysan xabad joojin la kala dhexdhigin kooxaha dagaalamay qaboobine dagaalka. Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay(IOM) ayaa sheegtay in in ka badan 130,000 oo qof ey ku barakaceen dagaaladda ka dhacay AL-Suweyda,dagaaladaan ayaa soo bilawday 13-kii bishaan Luuliyo-2025-ka. Xusaam Saraya,ayaa ku noolaay G/Oklahooma ee dalka Maraykanka waxa uuna dhalshada dalka Maraykanka qaatay sannadkii 2023-kii,Xusaam Sraya,walaalkiisa Kariim iyo qaar kale oo qoyskiisa ka mid ah ayaa iyagan la dilay,ehelka jooga Maraykanka ayaa sheegay in wixii rag ahaay dhammaan la wada dilay,waxa ka noolne waa Xaasaskii iyo Gabdhihii. Dilka ayaa dhacay sida ey sheegeen warbaahinta caalmaiga ah 17-kii bishaan Luuliyo-2025-ka ka dib markii uu qarxay iska horimaadka u dhexeey Duruuz-ka iyo badwiyiinta. Xusaam Saraya, waxa uu ka soo jeedaa bulsgada Druz-ka,waxa uuna wax ku baranaayey Oklohama.

ISHA WAKAALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALALKA LIIBIYA IYO GIRIIGA OO ISKU HAYSTA DHUL U DHEXEEYO.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(ATHENS)-Dalka Giriiga ayaa ku casuumay dowladda Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Tripoli si ay u bilaabaan wadahadal ku saabsan calaamadaynta aagagga dhaqaalaha gaarka ah ee badda Mediterranean-ka, Raysal Wasaarah dalka Giriiga Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay goor dambe oo Arbacadii shalay ahayd. Talaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu hagaajiyo xiriirka labada dal ee deriska ah, oo uu xumaaday heshiiskii muranka dhaliyay ee badda ee sanadkii 2019 ay kala saxiixdeen dowladda Liibiya iyo Turkiga, oo ah cadawga Giriigga soo jireenka ah, kaasoo lagu sameeyay dhul badeed u dhow Jasiiradda Giriiga ee Crete. "Waan ku martiqaadeynaa, waxaane u maleynayaa inaad dhawaan arki doonto horumarka aaggan, waxaan ku martiqaadeynaa xukuumadda Tripoli inay kala hadasho Giriiga xaddidaadda la haayo ee qaarada iyo aag dhaqaale oo gaar ah," Mitsotakis ayaa u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Skai. Giriiga ayaa sanadkan bilaabay hindise cusub oo uu ku horumarinayo kheyraadka Haydaro-karboonka ee Jasiiradda Crete, tallaabadaas oo Liibiya ay ka soo horjeesatay, iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah baloogyada ay ku xad-gudbeen aagagga badda. Sharciga iyo kala dambeynta Liibiya ayaa daciifay tan iyo sannadkii 2011-kii kacdoonkii lagu riday kaligii-taliyihii Mucamar Qadaafi, iyadoo dalkaas uu u kala qaybiyay colaado kooxeed qaybo Bari iyo Galbeed ah muddo toban sano ka badan. Sidaa darteed, xiriir kasta oo lala yeesho Liibiya ma ahayn mid fudud, ayuu yiri Mitsotakis. Waxa uu tilmaamay in Giriiga ay ka go’an tahay in ay sii wadayaan la hadalida xukuumadda fadhigeedu yahay Tripoli iyo maamulka barbar socda ee fadhigiisu yahay Benghazi. Bilihii la soo dhaafay, Giriiga waxa uu raadinayey iskaashi dhow oo ay la yeeshaan Liibiya si ay gacan uga geysato joojinta qulqulka Muhaajiriinta ka imaanaya dalka Waqooyiga Afrika ee ku wajahan Jasiiradaha Koonfureed ee Giriiga ee Gavdos iyo Crete waxayna soo saartay sharci mamnuucaya Muhaajiriinta ka imaanaya Liibiya ee xagga badda inay magangalyo weydiistaan. Dhacdo horaantii bishan ka dhacday, Guddoomiyaha Socdaalka Midowga Yurub iyo Wasiirro ka kala socday Talyaaniga, Malta iyo Giriiga ayaa loo diiday inay galaan dhinaca Bari ee kala qaybsanaanta Liibiya, wax yar uun ka dib markii ay la kulmeen Dawladda Caalamku Aqoonsan yahay ee maamusha Galbeedka Liibiya.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SOOMAALIYA IYO QADAR OO KA WADA HADLAY SII XOOJINTA XIRIIRKOODA.

(SAWIRKA)-WASIIR BALCAD IYO DHIGIISA QADAR.

(QATAR)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawladda Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Wasiirul dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Qadar Mudane Maxamed Bin C/casiis Bin Saalax AL Khulayfi ayaa maanta oo Arbaco ah la kulmay Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo booqasho ku jooga dalka Qadar. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa masuuliyiinta ay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa, korna loogu qaadi lahaa. Waxa ay sidoo kale ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, marka laga soo tago arrimo dhowr ah oo labada dal dan u wada ah. Mudane Wasiirul dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee DFS ayaa xaqiijiyay in Dowladda Qatar ay taageereyso dadaallada lagu horumarinayo Amniga iyo Xasilloonida Soomaaliya, iyo sidii loo gaari lahaa horumar iyo barwaaqo ay u horseedaan shacabkeeda.

ISHA-QADAR.

Read More