DALKA BILJAM OO XABSIGA U TAXAABAY LABA ASKERI OO ISRA’IIL AH,SABABTA?

(SAWIRKA)CIIDANKA GAARKA AH EE DALKA BILJAMKA.

(BRUSSELES)-Mas’uuliyiinta Biljam ayaa Isniintii ku dhawaaqay in ey muddo kooban qabteen oo ey su’aalo weydiiyeen labo muwaadin oo Israa’iili ah oo dhawaan ka qeyb galay bandhig faneed elegtaroonig ah oo lagu qabtay dalkaas, ka dib markii kooxaha Falastiiniyiinta taageersan ey ku eedeeyeen dambiyo dagaal. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ey heleen dacwado dhanka sharciga ah oo sheegaysa in laba askari oo Israa’iili ah oo mas’uul ka ah "Xadgudubyada halista ah ee sharciga caalamiga ah" ee Gaza lagu arkay xafladda Tomorrowland ee u dhow magaalada Waqooyiga ku taalla ee Antwerp todobaadkii hore. Xafiiska dacwad oogaha dowlada dhexe ayaa sheegay in ey booliiska ka codsadeen in ey soo helaan labada qof ee lagu sheegay cabashada ka dibne iney waraystaan. "Ka dib wareysiyadaas, waa la sii daayay," ayaa lagu yiri bayaan. Xafiisku waxa uu sheegay in uu tallaabo qaaday ka dib markii uu soo gabagabeeyay in Maxkamadaha Biljamku ey leeyihiin awood ka baxsan dhuleed oo ku saabsan dembiyada dagaal ee lagu soo eedeeyay. "Macluumaadka dheeraadka ah laga bixin doono heerkan baaritaanka," ayuu yiri xafiisku. Shakhsiyaadka reer Isra’iil lama magacaabin. Toddobaadkii hore, Hind Rajab Foundation (HRF), oo ah Hay'ad taageerta Falastiiniyiinta Biljam, ayaa sheegtay iney aqoonsatay laba askari oo Israa'iil ah kuwaaso "Mas'uul ka ah dambiyada caalamiga ah ee ka dhacay Marinka Gaza" oo ka mid ah dadkii isugu soo baxay Tomorrowland. Waxa ey sheegtay in koox dhalinyaro ah oo Israa’iili ah lagu arkay goobta xafladda iyagoo lulaya calanka Givati Brigade, oo ah cutub ka tirsan militariga Israa’iil ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda dhulka Falastiin. HRF ayaa sheegtay in markaas ey dacwad u gudbisay Xeer-ilaaliyeyaal xiriir la leh Global Legal Action Network, oo ah koox Qareeno ah oo ku Takhasusay Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha. Isniintii, waxay ku ammaantay xeer-ilaaliyeyaasha iney dabagal ku sameeyeen. "Xilliga ey dowlado badan ka aamusan yihiin, tallaabadani waxay diraysaa farriin cad: caddaymaha lagu kalsoonaan karo ee dembiyada caalamiga ah waa in laga jawaabaa jawaab-sharciyeed ma aha danayn la'aan siyaasadeed," ayey HRF ku tiri hadal ey soo saartay. Mid ka mid ah dabbaaldegyada Muusiga Elegtarooniga ah ee adduunka ugu weyn, Tomorrowland waxay soo jiidataa xiiseeyaal muusig oo adduunka oo dhan ah.

ISHA-DS.

Previous
Previous

QAXOOTIGA SUUDAAN OO BILAABAY INUU DIB UGU LAABTO DALKIISA.

Next
Next

BANAANBAX KA DHACAY AFAFKA HORE EE AQALKA CAD EE MARAYKANKA.