BANAANBAX KA DHACAY AFAFKA HORE EE AQALKA CAD EE MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-XAALKA CARUURTA GAZA.
(WASHINGTON)-Dhakhaatiirta ka soo horjeeda xasuuqa (DAG) ayaa Khamiista maanta ah ugu baaqay maamulka Trump inuu joojiyo gaajada iyo dilalka ka socda Marinka Gaza. Dhakhaatiir, Kalkaaliyeyaal Caafimaad, iyo Xirfadlayaal kale oo Caafimaad, oo ey weheliso Rep. Rashida Tlaib, ayaa isugu soo ururay Aqalka Saddex-xagalka ee Capitol Hill si ey sidoo kale u dalbadaan in meesha laga saaro Hay'adda Bani'aadamnimada ee Gaza ee uu Maraykanku taageero (GHF). "Waxaan halkaan u nimid inaan idiin sheegno, raali-gelin la'aan, in waxa Gaza ka socda uu yahay xasuuq. Dowladda Mareykankana waxay ka caawineysaa iney ku maalgeliso canshuurta Mareykanka," Dr. Nidal Jboor, oo ah aasaasaha DAG, ayaa ku sheegay shir jaraa'id. Carruur ayaa gaajo loo dilayaa oo rasaas lagu furayaa iyagoo doonaya iney rooti helaan, Kaniisadaha iyo Masaajiddana la duqeeyo, ayuu hadalkiisa ku daray. "Dhakhaatiirta ku sugan Gaza ayaa nooga digaya: boqolaal kun ayaa u dhiman kara macluusha qasabka ah, ee bani'aadamku sameeyay saacado iyo maalmo gudahood. Tani ma ahan qalalaase gaabis ah. Tani waa dhacdo dhimasho badan oo dhacaysa waqtiga dhabta ah," ayuu yiri Jboor. Waxa uu sheegay in GHF aysan ahayn "xarig nololeed, laakiin waa dabin dhimasho." "In ka badan 1000 ayaa la dilay labadii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay," Tlaib ayaa tiri. Waxaa laga bilaabay Marinka Gaza ee go'doonsan May 27, goobaha gargaarka lagu qaybiyo ee GHF, oo sidoo kale haysta taageerada Mareykanka, ayaa lagu tilmaamay "dabinno dhimasho" oo ey dhaleeceeyeen.
'IN GAAJADDA LOO ADEEGSADO HUB DAGAAL WAA DEMBI DAGAAL'
Tlaib, ayaa dhankeeda sheegtay in "maamulka midab-takoorka" ee Israa'iil ey gaajo ku hayso Gaza. "Waxaan u baahanahay inaan hadda wax ka qabanno. In gaajada loo adeegsado hub dagaal waa dambi dagaal," ayay raacisay. Iyadoo ku nuuxnuuxsaday in dhammaan dadka reer Gaza in ka badan 2.1 milyan oo qof ayaa la kulmaaya macluul iyo cudurro, Tlaib waxay sheegay in nus milyan Falastiiniyiin ah ey wajahayaan "heerar masiibo ah oo macluul ah." "Hadda, ciidamada Israa'iil waxay si bareer ah u tooganayaan oo ey gaajoonayaan Falastiiniyiin cunto saf ugu jirta. In ka badan 1,000 ayaa la dilay labadii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay," Tlaib ayaa tiri. Waxay ugu yeertay GHF "kaftan, bini'aadantinimada ka baxsan, (iyo) anshax xumo." "Waa khiyaano dilaa ah, dabin ey taageerayaan dowladda Israa'iil iyo maamulka Trump, Qaramada Midoobay xitaa waxay ku tilmaantay dabin dhimasho," ayey hadalkeeda ku dartay. Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ayaa ku celisay baaqeeda ah in la joojiyo saadka militari ee Mareykanka uu siiyo Israa’iil. Xubnaha DAG ayaa sidoo kale mudaaharaad ka dhigay afaafka hore ee safaarada Masar, safaarada Isra’iil iyo fagaaraha Lafayette ee ka soo horjeeda Aqalka Cad si ey codkooda u daayaan. Israa’iil ayaa marinka Gaza ku dishay in ka badan 59,500 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan Haween iyo Caruur, tan iyo bishii Oktoobar 2023. Ololaha milatarigu waxa uu baabi’iyay deegaannadii, burburiyay nidaamkii caafimaadka, waxana uu horseeday cunto yari daran. Bishii Nofembar ee la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ee ka dhacay Marinka Gaza. Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaysa kiis xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee cadaaladda oo ku saabsan dagaalka ey ku hayso dhulka reer Falastiin.
ISHA-AA.