DAWLADDA MARAYKANKA OO CADAYN KA RABTA SURIYA DILKII XUSAAM SARAYA.
(SAWIRKA)-XUSAAM SARAYA.
(SYRIA)-Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Tommy Piggott, ayaa Khamiista maanta ah sheegay in Wasaaraddu ey ku baaqday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dil dhawaan lagu dilay Muwaadin Mareykan ah oo ka dhacay dalka Suuriya, wuxuuna sheegay in arrintan ey si toos ah ugala hadashay dowladda Suuriya. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Wasaaraddu waxay hore u xaqiijisay in Xusam Saraya oo u dhashay Maraykanka lagu dilay todobaadkii hore gobolka Druze ee Sweyda. Saraya, oo da'diisu tahay 35-jir ah kuna noolaa Oklahoma, ayaa dhexda u galay iska horimaadyada Diimeed ee ka dhashay xilli uu booqanaayay qoyskiisa, qaraabada,mas'uuliyiintu waxay dhacdadaan sheegeen Talaadadii. Rabshado ayaa horaantii bishan ka dhacay gobolka AL-Suwayda, oo ey tahay caasimada Gobolka AL-Suwayda, waxaana horaantii bishan ey rabshado u dhexeeyeen xubno ka tirsan bulshada Druze iyo qabiilada Sunniga Bedwiyiinta ee deegaanka, taasoo keentay in ciidamada dowlada Siiriya ey soo farageliyaan. Boqolaal qof oo isugu jira rayid iyo dagaalyahanno ayaa ku dhintay ka hor inta aysan xabad joojin la kala dhexdhigin kooxaha dagaalamay qaboobine dagaalka. Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay(IOM) ayaa sheegtay in in ka badan 130,000 oo qof ey ku barakaceen dagaaladda ka dhacay AL-Suweyda,dagaaladaan ayaa soo bilawday 13-kii bishaan Luuliyo-2025-ka. Xusaam Saraya,ayaa ku noolaay G/Oklahooma ee dalka Maraykanka waxa uuna dhalshada dalka Maraykanka qaatay sannadkii 2023-kii,Xusaam Sraya,walaalkiisa Kariim iyo qaar kale oo qoyskiisa ka mid ah ayaa iyagan la dilay,ehelka jooga Maraykanka ayaa sheegay in wixii rag ahaay dhammaan la wada dilay,waxa ka noolne waa Xaasaskii iyo Gabdhihii. Dilka ayaa dhacay sida ey sheegeen warbaahinta caalmaiga ah 17-kii bishaan Luuliyo-2025-ka ka dib markii uu qarxay iska horimaadka u dhexeey Duruuz-ka iyo badwiyiinta. Xusaam Saraya, waxa uu ka soo jeedaa bulsgada Druz-ka,waxa uuna wax ku baranaayey Oklohama.
ISHA WAKAALADO.