DALALKA LIIBIYA IYO GIRIIGA OO ISKU HAYSTA DHUL U DHEXEEYO.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(ATHENS)-Dalka Giriiga ayaa ku casuumay dowladda Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Tripoli si ay u bilaabaan wadahadal ku saabsan calaamadaynta aagagga dhaqaalaha gaarka ah ee badda Mediterranean-ka, Raysal Wasaarah dalka Giriiga Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay goor dambe oo Arbacadii shalay ahayd. Talaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu hagaajiyo xiriirka labada dal ee deriska ah, oo uu xumaaday heshiiskii muranka dhaliyay ee badda ee sanadkii 2019 ay kala saxiixdeen dowladda Liibiya iyo Turkiga, oo ah cadawga Giriigga soo jireenka ah, kaasoo lagu sameeyay dhul badeed u dhow Jasiiradda Giriiga ee Crete. "Waan ku martiqaadeynaa, waxaane u maleynayaa inaad dhawaan arki doonto horumarka aaggan, waxaan ku martiqaadeynaa xukuumadda Tripoli inay kala hadasho Giriiga xaddidaadda la haayo ee qaarada iyo aag dhaqaale oo gaar ah," Mitsotakis ayaa u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Skai. Giriiga ayaa sanadkan bilaabay hindise cusub oo uu ku horumarinayo kheyraadka Haydaro-karboonka ee Jasiiradda Crete, tallaabadaas oo Liibiya ay ka soo horjeesatay, iyadoo sheegtay in qaar ka mid ah baloogyada ay ku xad-gudbeen aagagga badda. Sharciga iyo kala dambeynta Liibiya ayaa daciifay tan iyo sannadkii 2011-kii kacdoonkii lagu riday kaligii-taliyihii Mucamar Qadaafi, iyadoo dalkaas uu u kala qaybiyay colaado kooxeed qaybo Bari iyo Galbeed ah muddo toban sano ka badan. Sidaa darteed, xiriir kasta oo lala yeesho Liibiya ma ahayn mid fudud, ayuu yiri Mitsotakis. Waxa uu tilmaamay in Giriiga ay ka go’an tahay in ay sii wadayaan la hadalida xukuumadda fadhigeedu yahay Tripoli iyo maamulka barbar socda ee fadhigiisu yahay Benghazi. Bilihii la soo dhaafay, Giriiga waxa uu raadinayey iskaashi dhow oo ay la yeeshaan Liibiya si ay gacan uga geysato joojinta qulqulka Muhaajiriinta ka imaanaya dalka Waqooyiga Afrika ee ku wajahan Jasiiradaha Koonfureed ee Giriiga ee Gavdos iyo Crete waxayna soo saartay sharci mamnuucaya Muhaajiriinta ka imaanaya Liibiya ee xagga badda inay magangalyo weydiistaan. Dhacdo horaantii bishan ka dhacday, Guddoomiyaha Socdaalka Midowga Yurub iyo Wasiirro ka kala socday Talyaaniga, Malta iyo Giriiga ayaa loo diiday inay galaan dhinaca Bari ee kala qaybsanaanta Liibiya, wax yar uun ka dib markii ay la kulmeen Dawladda Caalamku Aqoonsan yahay ee maamusha Galbeedka Liibiya.

ISHA-AN.

Previous
Previous

DAWLADDA MARAYKANKA OO CADAYN KA RABTA SURIYA DILKII XUSAAM SARAYA.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO QADAR OO KA WADA HADLAY SII XOOJINTA XIRIIRKOODA.