SOOMAALIYA IYO QADAR OO KA WADA HADLAY SII XOOJINTA XIRIIRKOODA.

(SAWIRKA)-WASIIR BALCAD IYO DHIGIISA QADAR.

(QATAR)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawladda Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Wasiirul dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Qadar Mudane Maxamed Bin C/casiis Bin Saalax AL Khulayfi ayaa maanta oo Arbaco ah la kulmay Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo booqasho ku jooga dalka Qadar. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa masuuliyiinta ay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa, korna loogu qaadi lahaa. Waxa ay sidoo kale ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, marka laga soo tago arrimo dhowr ah oo labada dal dan u wada ah. Mudane Wasiirul dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee DFS ayaa xaqiijiyay in Dowladda Qatar ay taageereyso dadaallada lagu horumarinayo Amniga iyo Xasilloonida Soomaaliya, iyo sidii loo gaari lahaa horumar iyo barwaaqo ay u horseedaan shacabkeeda.

ISHA-QADAR.

Previous
Previous

DALALKA LIIBIYA IYO GIRIIGA OO ISKU HAYSTA DHUL U DHEXEEYO.

Next
Next

WADA HADALADII DOOXA OO MEEL FIICAN MARAYA.