WADA HADALADII DOOXA OO MEEL FIICAN MARAYA.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(DOHA)-Ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa shaaca ka qaaday Arbacada maanta ah in Xamaas ay u gudbisay jawaabteeda hindisaha xabbad joojinta ee Marinka Gaza dhexdhexaadiyeyaasha, iyada oo wax laga beddelayo khariidadaha iyo qodobbada gargaarka. Wararka ayaa intaa ku daraya in jawaabta Xamaas ay ku timid codsigii dhexdhexaadiyeyaasha, maadaama ay diideen jawaabtii ugu horeysay ee Xarakada Xamaas oo ay dalbadeen in wax laga beddelo. Waxa ay sidoo kale tilmaantay in wax ka bedelka lagu sameeyay qodobka khariidadaha uu ka mid yahay ka bixitaanka Isra’iil ee 1,200 mitir ee Waddada Philadelphi. Marka la eego qodobka gargaarka, wax-ka-beddelka waxaa ka mid ah gaarsiinta qayb ka mid ah gargaarka Hay'adaha Qaramada Midoobay, sida heshiiskii Jannaayo, iyo qaybta kale iyada oo loo marayo Hay'adda Gargaarka Bani'aadamnimada ee Gaza, sida laga soo xigtay ilo-wareedyada.

JABHADO IYO XAMAAS:

Ila wareedyo ka tirsan TV-ga AL-Carabiya ayaa sidoo kale sheegay in garabyada la tashanaya Xamaas ay diideen dhaq-dhaqaaqa ee ku aadan xabad joojinta. Wararka ayaa intaa ku daraya in dhinacyadu ay ku nuux-nuuxsadeen Xamaas iney tahay iney si dhab ah u wajahaan joojinta dagaalka Gaza. Waxay sidoo kale sharaxday in kooxuhu ay u hoggaansamaan mawqifyada qaran ee mideeya dadka Falastiiniyiinta. 

WITKOFF OO U SOCDAALAY YURUB:

Arrintan ayaa timid iyadoo Mareykanka uu Talaadadii ku dhawaaqay in ergeyga Steve Witkoff uu u safri doono Yurub si uu wadahadalo ugala yeesho sidii loo dhameystiri lahaa marinka gargaarka bini'aadantinimo ee marinka Gaza. Sarkaal Maraykan ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in Witkoff uu todobaadkan u safri doono meel Yurub ka tirsan si uu wadahadalo ugala yeesho Gaza, sida ay sheegtay AFP. Isagoo caddaynaya bayaan hore, wuxuu sheegay in Witkoff laga yaabo inuu aado gobolka ka dib Yurub si uu u sii wado dadaalkiisa diblomaasiyadeed.

"WAXAA JIRTA RAJO WEYN"

Tani waxay timid ka dib markii afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Tammy Bruce uu u sheegay warfidiyeenka in Witkoff uu u safri doono gobolka "Annagoo rajo weyn ka qabna inaan soo jeedin doono xabbad joojin cusub iyo marin bini'aadantinimo oo gargaar lagu gaarsiinayo, taas oo ay labada dhinacba ku heshiiyeen." Si kastaba ha ahaatee, Bruce ma muujin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan booqashadan. Waxay sidoo kale sharaxday in ay xogta ku heshay wadahadal ay la yeelatay Xoghayaha Arimaha Dibada Marco Rubio ka hor shirkeeda jaraa'id.

Waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale Tv-ga AL-Carabiya u sheegtay in Madaxweyne Donald Trump uu rajo weyn ka qabo horumar laga gaaro heshiiska Gaza.

ABAAR:

Waxaa xusid mudan in sida ay Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha aan dawliga ahayn ay sheegeen in macaluul khatar ku tahay marinka Falastiin, kaasoo in ka badan 21 bilood ka socday dagaal u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil. Israa'iil ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay ballaarinayso howlgalkeeda Gaza. Waxay sidoo kale xayiraad adag ku soo rogtay gelitaanka gargaarka ee marinka Gaza waxayna ku eedaysay Xamaas inay ka faa'iidaysato dhibaatada dadka. Tan iyo 6-dii bishii Luulyo, Israa’iil iyo Xamaas waxa ay Dooxa ku lahaayeen wada-hadallo aan toos ahayn oo ay ku doonayeen in lagu gaaro xabad-joojin 60-maalmood ah iyo heshiis lagu sii daayo la heystayaasha.

ISHA-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO QADAR OO KA WADA HADLAY SII XOOJINTA XIRIIRKOODA.

Next
Next

WASAARADDA DIFAACA SURIYA OO BAAREYSA WIXII KA DHACAY SWEYDA.