QAXOOTIGA SUUDAAN OO BILAABAY INUU DIB UGU LAABTO DALKIISA.

(SAWIRKA)CARUURTA QAXOOTIGA REER SUDAN.

(SUDAN)-Qaramada Midoobe ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqday in, in ka badan 1.3 Milyan oo Suudaaniyiin ah ey dib ugu laabteen guryahoodii ka dib markii ey ka barakaceen dagaallada, waxayna Qaramada Midoobe ey ku baaqday in la taageero. Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dawladda Suudaan iyo Xoogaga Taageerada deg dega ah(RSF) kuwaaso soo bilawday bishii April 2023 ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin qof, taasoo abuurtay xiisad ey Qaramada Midoobay ku tilmaantay “Midkii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara caalamka”. Inkastoo ey joogsadeen dagaaladii ka dhacayey deegaanada ey dadka ka barakaceen,hadane dadkii qaxootiga ahaa ayaa bilaabeen iney dib ugu soo laabtaan, walaw xaaladuhu wali ey yihiin halis, sida lagu sheegay War Saxaafadeed ey soo saareen Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee UNDP. "Waxaa jira dad badan oo gudaha ku barakacay...kuwaasi oo go'aansaday in ey ku laabtaan degaanadooda," ayuu yiri Mamadu Diane Balde, oo ah Agaasimaha Gobolka ee Hayadda UNHCR. Isagoo ka hadlayay magaalada Nairobi ee ah caasimadda dalka Kenya,wuxuu intaas ku daray in "Hal Milyan oo qof oo ku barakacay gudaha dalka Suudaan ey dib ugu laabteen guryahooda" bilihii la soo dhaafay. Dhankiisa, Agaasimaha Gobolka ee Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, Cusmaan AL-belbiisi, ayaa sharaxay in Port Sudan ey ahayd halkii "Qulqulka ugu badan uu ka bilaabmay bilowgii sanadka, laakiin qulqulka magaaladda caasimada ah ee Khartoum wuxuu si tartiib tartiib ah u bilaabmay ilaa March." Soo noqoshada ayaa bilaabatay dabayaaqadii 2024-kii, laakiin dadka intiisa badan ayaa soo laabtay tan iyo bishii Jannaayo, sida ey sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. "Qaxootigan iyo barokacayaashan waxay ku noqonayaan guryahoodii iyaga oo aan waxba haysan," Diane Baldi ayaa xusay. Dadka intooda badan ayaa ku laabtay Khartuum, Senaar, iyo AL-Jazeera, kuwaasoo ey si ba’an u saameeyeen dagaal ka socday in ka badan laba sano, sida ey sheegeen Hay’adaha Qaramada Midoobay. Kaabayaasha dhaqaalaha , oo ey ku jiraan iskuullada iyo isbitaallada, ayaa gebi ahaanba burburay ama loo beddelay hooy guud, halka luminta ama burburinta dukumeentiyada aqoonsiga madaniga ah iyo suurtogalnimada beddelka iyaga ey u diidayaan qaar badan oo iyaga ka mid ah iney helaan adeegyo. Dadka soo laabanaya ayaa sidoo kale wajahaya khatarta ah walxaha qarxa oo aan qarxin. Qaramada Midoobay ayaa filaysa in ku dhawaad 2.1 milyan oo qof iney ku noqdaan Khartuum dhamaadka sanadka. "Tani waxay ku xiran tahay dhowr arrimood, oo ey ugu weyn tahay xaaladda amniga iyo awoodda in dib loo bilaabo adeegyada waqtigeeda," Belbeysi ayaa yiri. Marka la eego dhaqaale yarida ba'an ee ka jirta hawlgallada bini'aadantinimo ee gudaha Suudaan iyo dalalka dariska ah ee martigeliya qaxootiga, Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo kordhiyo gargaarka maaliyadeed.

ISHA-AA.

Previous
Previous

KULAN KA DHACAY BAARIIS OO LOOGA HADLAY XAALADDA SUURIYA.

Next
Next

DALKA BILJAM OO XABSIGA U TAXAABAY LABA ASKERI OO ISRA’IIL AH,SABABTA?