KULAN KA DHACAY BAARIIS OO LOOGA HADLAY XAALADDA SUURIYA.

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTA KU KULANTAY BAARIIS.

(PARIS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa wadahadalo hufan oo wax ku ool ah la yeeshay Mareykanka iyo Faransiiska, iyagoo sheegay Jimcaha maanta ah iney hoosta ka xariiqeen muhiimadda ey leedahay xaqiijinta guusha isbeddelka Siyaasadeed ee Suuriya, Midnimada iyo Wadajirka dhuleed. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Ascad AL--Sheybaani, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Jean Noel Barrot iyo Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Suuriya Thomas Barrack ayaa ku kulmay magaalada Paris, maalmo ka dib markii xabad joojin la hakiyay dhiiga ku daadanaya gobolka Koonfurta Suuriya ee Sweyda. Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen iska horimaadka dhexmaray dagaalyahanada Druze, qabiilada Sunniga Bedwiyin iyo ciidamada dowladda, Isra’iil ayaa qaaday duqeymo dhanka cirka ah si ey uga hortagto waxa ey ku sheegtay dilka Druze. War qoraal ah oo ey si wadajir ah u soo saareen saraakiisha Suuriya, Mareykanka iyo Faransiiska ayaa lagu sheegay iney yeesheen "kulan aad daacad ah oo wax ku ool ah xilli xasaasi ah Suuriya." Iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ey leedahay in si deg deg ah looga wada shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa guusha isbadalka Siyaasadeed ee Suuriya ka dib dhicitaankii Madaxweynihii hore Bashaar AL-Asad, waxay sheegeen iney isku raaceen baahida loo qabo in dalalka deriska la ah Suuriya aysan wax khatar ah keenin iyo in Suuriya aysan khatar ku ahayn dalalka deriska la ah. Waxay sidoo kale isku raaceen in la taageero dadaallada lagula xisaabtamayo kuwa mas’uulka ka ah rabshadaha, ayaa lagu yiri bayaanka. Iska horimaadkii todobaadkii hore ayaa hoosta ka xariiqay caqabadaha uu adaxweynaha ku meel gaarka ah Axmed AL-Sharacuu wajahayo xasilinta Suuriya iyo ilaalinta xukunka dhexe, inkastoo uu sii kululaanayo xiriirka Mareykanka iyo maamulkiisa oo xiriir dhanka ammaanka ah ey la leeyihiin Isra’iil.

ISHA-AN.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA YEMAN OO DIGNIIN KA SOO SAARAY MARIN BIYOODKA BADDA CAS,SABABTA?

Next
Next

QAXOOTIGA SUUDAAN OO BILAABAY INUU DIB UGU LAABTO DALKIISA.