XUUTIYIINTA YEMAN OO DIGNIIN KA SOO SAARAY MARIN BIYOODKA BADDA CAS,SABABTA?
(SAWIRKA)-MARKAB EY GUBEEN XUUTIYIINTA.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda Sanca ee Jamhuuriyadda Yeman ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta Yemen ey Axada maanta ah ku dhawaaqeen iney beegsan doonaan Maraakiib kasta oo ey leeyihiin Shirkadaha Ganacsiga ku leh Dekedaha Israa'iil, iyadoo aan loo eegin dhalashooyinka ey u dhasheen, taasoo qayb ka ah wax ey ugu yeereen wejiga afraad ee howlgallada milateri ee ka dhanka ah Israa'iil. Hadal laga sii daayay Telefishinka iyaga taabacsan ee AL-Masiirah ayuu Afhayeenka Milliteriga Xuutiyiinta kaga digay in Maraakiibta la weeraro, haddii ey Shirkadaha iska dhego-tiraan digniintooda, iyadoo aan loo eegin halka ey u socdaan. "Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen waxay ugu baaqayaan dhammaan dalalka, haddii ey doonayaan iney ka fogaadaan xiisadan, iney cadawga ku cadaadiyaan iney joojiyaan gardarada iyo iney qaadaan xayiraadda marinka Gaza," ayuu raaciyay. Tan iyo markii dagaalka Israa’iil ee Qaza uu billowday bishii Oktoobar 2023, Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa weeraraysay Maraakiibta ey u arkaan iney ku xiran yihiin ama iney xiriir la leeyihiin Israa’iil, taasoo ey ku sheegeen iney yihiin ficillo ey ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta. Bishii Meey ee sannadkaan-2025-ka,Mareykanka ayaa ku dhawaaqay heshiis lama filaan ah oo uu la galay Xuutiyiinta halkaasoo ey ku heshiiyeen in la joojiyo ololaha duqeymaha ka dhanka ah si loo soo afjaro weerarada Maraakiibta, inkastoo Xuutiyiintu ey sheegeen in heshiiska eysan ku jirin in Israa'iil loo turo.
ISHA-AN.