WADA HADALADII U DHEXEEYEY XAMAAS IYO ISRA’IIL OO MARAYA MEEL WANAAGSAN.

(SAWIRKA)-XAALADDA CARUURTA MARINKA GAZA EE FALASTIIN.

(TEL AVIV)-Afhayeen u hadlay Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay fiidnimada Axada maanta ah iney jiraan calaamado wanaagsan oo ku saabsan in heshiis laga gaaro marinka Gaza. Hani Marzouk ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya in Israa'iil ey sii waddo ogolaanshaha gargaarka ee Gaza. Marzouq wuxuu intaas ku daray, " Maraykanku waxba naguma soo rogin dagaalkan."

"WAXAAN YEELANAY WADAHADALO ADAG."

Dhanka kale, Hoggaamiyaha Ururka Xamaas ee Gaza, Khalil AL--Xayya, ayaa sheegay in wadahadallada xabbad-joojinta ey yihiin kuwo aan macno lahayn iyadoo ey sii socdaan go'doominta iyo gaajada. "Waxaan galnay wadahadallo adag, waxaana soo bandhignay dhammaan dabacsanaan suurtagal ah," AL-Xayya ayaa ku sii waday khudbad la duubay. Waxa uu intaa ku daray, "Waan ku heshiinnay soo jeedintii dhexdhexaadiyeyaasha intii lagu jiray wareegii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka, waxaana la yaabnay wixii xigay."

IN KA BADAN 100-BAABUUR OO GARGAAR AH:

Dhanka kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadantinimada Tom Fletcher ayaa sheegay in Israa'iil ey u muuqato iney fududaysay qaar ka mid ah xannibaadaha dhaqdhaqaaqa Gaza Axadda maanta ah, ka dib markii ey go'aansatay "Iney taageerto ballaarinta gargaarka muddo toddobaad ah," sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Fletcher ayaa bayaan uu soo saaray ku daray in warbixinadii ugu horeeyay ey muujinayaan in in ka badan 100 baabuur oo sidda gargaar laga soo aruuriyay isgoysyada si loogu diyaar garoobo in la geeyo marinka Qaza. "Tani waa horumar, laakiin xaddi badan oo gargaar ah ayaa loo baahan yahay si looga hortago macluusha iyo dhibaato caafimaad oo musiibo ah," ayuu sii raaciyay. Iyada oo wajahaysa cambaareyn caalami ah oo sii kordheysa iyadoo Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay macaluul baahsan oo ka jirta Gaza, Israa'iil ayaa ku dhawaaqday Axadda maanta ah horraantii iney joojin doonto hawlgallada milatari ee 10 saacadood maalintii qaybo ka mid ah Marinka ayna oggolaato marinnada gargaarka cusub.

XAALADDA BINI’ADANIMO OO ADAG:

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli wadahadallada aan tooska ahayn ee Xamaas iyo Israa’iil ey wajaheen turunturooyin ey ku jiraan hawlgallada milatari ee Israa’iil ey ka wadaan meelo badan oo Gaza ka tirsan iyo eedaymaha labada dhinacba ku aadan in aanay dhab ka ahayn wada-xaajoodka. Marinka Gaza waxa ka jiray xaalado bini'aadantinimo oo aad u daran muddo bilo ah, iyada oo ey ka jirto cunto yari daran, dawo iyo shidaal. Go'doominta joogtada ah ee Israa'iil ee isgoysyada waa weyn ayaa sii xumeeyay heerka macluusha iyo nafaqo-xumada, sida ey sheegeen Hay'adaha Qaramada Midoobay.

ISHA-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

REYSAL WASAARAHA CIRAAQ OO LA KULMAY SARAAKIISHA AMNIGA BAQDAAD.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMAN OO DIGNIIN KA SOO SAARAY MARIN BIYOODKA BADDA CAS,SABABTA?