REYSAL WASAARAHA CIRAAQ OO LA KULMAY SARAAKIISHA AMNIGA BAQDAAD.

(SAWIRKA)-XAFIISKA RW-AL-SUDANI.

(IRAQ)-Wararka laga helaayo caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Ciraaq ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Maxamed Shayaac AL-Sudani, ayaa Axadda maanta ah carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in aan laga daalin ilaalinta sharciga iyo ilaalinta Hay'adaha dowladda. Waxa uu ku nuux-nuux saday in eysan jirin cid xaq u leh iney ku bedesho dowladnimada iyo maamulkeeda, isla markaana eysan jirin cid ka sareysa sharciga. Arrintan ayaa timid xilli uu Raysall Wasaaruhu kulan deg deg ah oo Amniga lagu sugayey uu la qaatay Taliye Ku-Xigeenka Howl-gallada Wadajirka ah, Taliyaha Howl-galka Baqdaad, iyo Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee ka jawaabay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Beeraha ee degmada Karakh ee Baqdaad, sida lagu sheegay War ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee AL-Sudani. AL-Sudani waxa uu ku nuuxnuuxsaday, sida uu hadalka u dhigay, “In loo baahan yahay in aan loo dabcin xilka ilaalinta sharciga iyo ilaalinta Hay’adaha dawliga ah, iyo in la sii wado baarista si loo ogaado duruufaha ey kooxaha weerarka soo qaaday soo farageliyeen oo ey u dhaqaaqeen iyaga oo aan oggolaansho ka horaysa amni helin. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dambiilayaasha si sharciga waafaqsan, baaristana lagu sameeyo si xirfad sare leh, iyadoo la raacayo nidaamka ciidamada qalabka sida, isla markaana uu si toos ah ula socdo. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ma jirto cid xaq u leh iney beddesho dowladnimada iyo maamulkeeda, xisbina uusan sharciga ka sareyn”.

"SHIL HALIS AH"

Mar sii horeysay, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in subaxnimadii Axadda ey dhacday dhacdo halis ah oo ka dhacday mid ka mid ah Waaxyaha Wasaaradda Beeraha ee degmada Karakh, taasoo ku soo beegantay xilli uu xilka Agaasime uu la wareegaayey Agaasime cusub, waxaane dhacday in koox hubeysan ey gudaha u soo gashay Xarunta Wasaaradda oo uu shir uga socday maamulka, taasoo argagax ku beertay shaqaalihii oo isla markiina dalbaday ciidamada ammaanka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hadalkeeda ku dartay in “Ciidamada Booliska Federaalka iyo kuwa Gurmadka ee degmada Karakh ey si deg deg ah goobta ugu soo gurmadeen, waxaana ey rasaas toos ah kala kulmeen raggii hubeysnaa,waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac”. Waxa ey sidoo kale cadeysay in eysan ogolaan doonin in lagu xadgudbo Hey’adaha dowladda ama in la sameeyo wax wax u dhimaya sharciga, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in Haybadda dowladnimo iyo sharcigu ey yihiin khad cas oo aan laga gudbi karin.

14-QOF AYAA LA XIRAY:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa intaas ka dib war kale oo ey soo saartay ku sheegtay in tirada dadka la qabtay ey gaarayaan ilaa 14-Maxbuus oo ku lug lahaa weerarka hubeysan. Waxay intaas ku dartay in ciidamada ammaanku ey sii wadaan baaritaannada iyo dabagalka sharciga, “Iyadoo si toos ah ey u kormeerayaan hoggaanka sare, si loo soo qabto dambiilayaasha haray, lana horkeeno sharciga,” iyadoo ku nuux-nuuxsatay in ilaalinta Hay’adaha dowladda iyo sharciga ey sii ahaan doonaan mudnaan gaara leh. Sidoo kale, waxay si cad u sheegtay in ciidamadeeda ammaanku ey si karti iyo xilkasnimo ku jirto u gudanayaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana eysan ka waaban doonin iney wax ka qabtaan isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu huriyo qas ama lagu carqaladeeyo amniga guud. Arrintan ayaa timid ka dib markii sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Ciraaq la dhaawacay, laba tuhmanena la xiray Jimcihii la soo dhaafay, intii ey socdeen iska horimaadyo ka dhashay fulinta amarrada lagu soo xirayo Garsoorka oo ka dhacay degaanka AL-Hadam ee gobolka Maysan, ee bariga Ciraaq.

ISHA-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

HOLLAND OO KU DHEGAN LABA WASIIR OO ISRA’IIL AH,SABABTA?

Next
Next

WADA HADALADII U DHEXEEYEY XAMAAS IYO ISRA’IIL OO MARAYA MEEL WANAAGSAN.