Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LUBNAAN OO MEEL ISKA SAARATAY XIZBULLAHI,SABABTA?

(SAWIRKA)-XASAN NASRALLAH.

(BEIRUT)-Tan iyo markii awooda Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan eyna tageerto Iraan ey hoos u dhacday, ka dib markii khasaaro xoogan ey ka soo gaartay dagaaladdii uu la galay Isra’iil sannadkii hore-2024-kii,ayey masuuliyiinta Lubnaan waxa ey bilaabeen iney xoojiyaan gacan ku haynta garoonada Diyaaradaha dalka Lubnaan. Saraakiisha sare ee Amaanka iyo Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in shaqada laga eryey tobanaan ka mid ah shaqaalaha garoonka Diyaaradaha kuwaaso looga shakiyey iney ka tirsan yihiin Ururka Xizbullahi. Iyadoo la adeegsanaayo Teknoolojiyadda Cusub ayey saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amaanka ey sheegeen in wadanku uu ka shaqeynaayo sidii loo rakibi lahaa Teknoolojiyada cusub oo ilaalin ah oo ey ku jiraan Sirdoonka Macmalka ah(AI),sida uu qoray Wargayska caanka ah ee WALL STREET. Shaqaalaha dhulka ayaa sidoo kale tilmaamay ineysan hadda ka helin amaro Madaxdooda kuwaaso ah in diyaaradaha iyo rakaabka qaarkood laga dhaafo baaritaanka halka duulimaadyada Iraan la hakiyey tan iyo bishii Feberaayo-2025-ka. Dhinaca kale, Reysal Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salaam,ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu dhigay mukhalasiin lana horgeyn doono Maxkamadda sida uu qabo sharciga,”Waxaad dareemi kartaa farqiga u dhexeeyo….Waxaan sameyneynaa horumar xaga la dagaalanka tahriibka markii ugu horeysay taariikhda casriga ah ee dalka Lubnaan”ayuu yiri RW-Nawaaf Salaam. Iyadoo saraakiisha ciidamada Maraykanka iyo Isra’iil ey muujiyeen sida ey ugu qanacsan yihiin talaabooyinka ey Xukuumadda Lubnaan ku xadideyso maamulka Ururka Xizbullahi ee garoonada diyaaradaha kale iyo goobaha kale ee dalka laga soo galo,waxay carabka ku adkeyeen baahida loo qabo dadaaladda dheeraadka ah. Saraakiisha Maraykanka ayaa sidoo kale rajo ka muujiyey in si taxadar leh ey u maamulaan dawlad goboleedyada iyo ciidamada la geynaayo koonfurta. “Waxaa jirto sabab rajo ah”,ayuu yiri sarkaal sare oo Maraykan ah oo xubin ka ah gudiga caalamiga ah ee kormeeraya xabad joojinta koonfurta Lubnaan. “Lix ama todobo bilood kaliyah ayaa laga joogaa,waxaane gaarnay heer aanan markii hore hubin in la gaari doono”. Ciidamadda Amaanka Lubnaan ayaa dhawaan fashiliyey isku day in ka badan 22-kiilogaram oo Dahab ah oo la doonayey in si Tahriib ah Ururka Xizbullahi garoonka looga soo dejiyo,sida uu sheegay sarkaal sare oo dhanka amaanka ah. Waxaa xusid mudan in dawladda Maraykanka ey marar badan ku nuuxnuuxsatay,markii uu booqaday ergayga Maraykanka Morgan Ortagus,baahida loo qabo in la xakameeyo garoonka lagana hortago hub iyo dhaqaale si qarsoodi ah loogu geeyo Ururka Xizbullahi. Sida la wada xusuusto,Ururka Xizbullahi waxa uu lumiyey tobonaan ka mid ah Madaxdiisa sare intii uu socday dagaalka u dhexeeyey iyaga iyo Isra’iil,sidoo kalane,Waxa uu Ururka Xizbullahi lumiyey marin weyn uu hubka sharci darada ah ee uga yimaado dalka Iraan oo sii mara dalka Suriya, ka dib markii uu dhacay afgembigii xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-asad bishii Diseembar-2024-kii. Ururka Xizbullahi ayaa sidoo kale wajahaayo dhibaatooyin la taaban karo oo dhanka tahriibka badda ah taaso adkeyneysa in Ururka Xizbullahi uu dib u dhisto ciidamadiisa iyadoo eysan jirin wax dhaqaale ah.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TRUMP OO BOOQAN DOONO DALALKA KHALIIJKA.

(SAWIRKA)-TRUMP IYO MAXAMED BIN SALMAN.

(WASHINGTON)-Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu rajaynaayo inuu booqdo dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Imaaraatka Carabta. Aqalka Cad ayaa horay u mudeeyey 13 ilaa 16-ka bishan Meey-2025-ka in Madaxweyne Trump uu booqan doono Gobolka Bariga dhexe. Dhinaca kale, Shabakada Wararka ee AXIOS lagana leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha Khaliijka ey shir Madaxeed la yeelan doonaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kaaso todobaadka soo socdo booqan doono caasimadda Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Sida laga soo xigtay mareegaha, Trump ayaa soo bandhigi doono aragtida dalkiisa ee ku aadan arrimaha G/Bariga Dhexe inta uu socdo kulanka Madaxda uu la yeelanaayo, sidoo kale, Trump waa inuu cadeeyaa Siyaasadiisa mudnaanta leh ee Gobolka Bariga dhexe. Dhinaca kale, saraakiisha Maraykanka ayaa xaqiijiyey in socdaalka Madaxweyne Trump ee dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Imaaraatka uu diiradda ku saari doono arrimaha labada dal, gaar ahaan Maalgashiga,Iibka hubka iyo Iskaashiga dhinaca sirdoonka Macmalka ah(AI), sida laga soo xigtay Wargayska AXIOS. Madaxweyne Trump ayaa mar kale doortay inuu booqashadiisa dibadda ka bilaabo caasimadda Riyad isagoo dib ugu soo laabtay Boqortooyada Sacuudiga ka dib booqashadiisii hore ee uu ku tegay Madaxtinimadiisii ugu horeysay 2017-kii. Doorashadiisa Sacuudiga ayaa mar kale muujineyso qoto dheeridda xiriirka Istaraatiijiyadeed ee taariikhiga ah ee u dhexeeyo Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

(MASQAT): MARAYKANKA IYO IRAAN OO KULMI DOONO AXADA.

(SAWIRKA)-CALAMADA IRAAN IYO MARAYKANKA.

(MASQAT)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Saldanada Cumaan Badr AL-Buseydi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka(X) ku sheegay ka dib isku xirka dawladaha Iraan iyo Maraykanka si loo bilaabo wareega afaraada ee wada hadalka Nukliyeerka Iraan ayaa la qorsheeyey inuu magaaladda Masqat ee dalka Cumaan ka furmo maalinta Axada ah ee soo socoto. Arrintaan ayaa timid ka dib markii dib loogu balamay wada hadaladda u dhexeeyo Maraykanka iyo Iraan kaaso markii hore lo qorsheeyey inuu dhaco maalinta sabtida ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ku tilmaantay wada hadaladda Maraykanka iyo Iraan iney ku socdaan jawi saaxibtinimo oo waxtar leh oo la doonaayo in la isugu soo dhaweeyo fikradaha. Dhinaca kale, ilo ku sugan Washington oo xog-ogaal u ah wada hadaladda oo codsaday inaan la sheegin magacooda ayaa sheegay in ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Gobolka Bariga Dhexe Steve Wikoff uu maalinta Axada ah tegi doono dalka Cumaan si uu uga qeybgalo wareega afaraad ee wada hadaladda. Waxa uu intaas raaciyey”Sidii horeba, waxaanu fileynaa in aanu yeelano doodo toos ah iyo kuwa dadban”sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Press. Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan Cabaas Caraqji ayaa xaqiijiyey in Iraan ey ogolaatay in wareega afaraad la qabto Axada laguna qabto caasimada Cumaan ee Masqat, taaso hogaamineysay dadaaladda dhexdhexaadinta ah muddo todobaadyo ah. “Saaxibadeyna Cumaan ayaa inoo soo jeediyey Axada, waane ku heshiinay”ayuu Caraqji ku yiri muuqaal ey baahisay Warbaahinta Iraan,waxa uu intaa ku daray “Wada xaajoodkii hore waxa ey u socdeen si dabiici ah,inta aanu sii soconane waxaa la kordhinayaa wada tashiyada loo baahan yahay iyo waqti badan ey ergadu u baahan tahay si ey arrimaha dib u eegis ugu sameeyaan”.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO XIRTAY ISKUULADA QAXOOTIGA FALASTIIN.

(SAWIRKA)-UNRWA.

(QUDUS)-Israa'iil ayaa si joogto ah u xirtay lix dugsi oo Qaramada Midoobay ey maamusho kuwasoo ku yaalla bariga Quddus Khamiista maanta ah, taas oo ku khasabtay ardaydii Falastiiniyiinta inay goor hore ka baxaan, waxayna su'aal geliyeen Waxbarashada in ka badan 800 oo kale. Bishii la soo dhaafay, booliska Israa’iil oo aad u hubeysan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ayaa amar ku bixiyay lix dugsi oo ku yaalla Bariga Quddus in la xiro 30 maalmood gudahood, taaso ku ekeed Arbacadii shalay ahayd. Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ee loo yaqaan UNRWA, ayaa maamusha lixda dugsi. UNRWA waxay kaloo maamusho dugsiyo ku yaal Daanta Galbeed ee ey Israa'iil haysato, kuwaasoo sii shaqaynaya. Afhayeen u hadlay UNRWA ayaa sheegay 8-dii Maajo, ciidamada Israa’iil oo aad u hubaysan, oo ey weheliyaan saraakiil ka tirsan Waxbarashada iyo dawladda hoose, ey xoog ku galeen oo ey xireen saddex dugsi oo UNRWA ah oo ku yaalla Xerada Qaxootiga ee Shucfaad ee la haysto ee Bariga Jerusalem, iyadoo ey casharadu socdeen in ka badan 550 arday. Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa la xiray, qaar kalena waxa lagu amray iney ardayda shaqada ka cayriyaan. Booliiska Israa'iil ayaa sidoo kale la geeyay saddex dugsi oo kale oo UNRWA ah, taasoo keentay in Hay'addu ey u dirto guriga 250 arday oo dheeraad ah si ey ammaan u helaan. Isku soo wada duuboo, ku dhawaad ​​800 oo caruur ah ayaa hadda wajahaya waayitaanka Waxbarashada , iyaga oo aan haysan wax kale. UNRWA waxay dhaleecaysay xiritaannada iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah iyo diidmo ula kac ah oo Waxbarasho, oo ku xiran sharciga Isra’iil ee lagu beegsanayo Hay'adda. Awaamiirta xiritaanka ayaa yimid ka dib markii Israa’iil ey ka mamnuucday Hay’adda UNRWA iney ka shaqeyso dhulkeeda horraantii sanadkan, taasoo soo afjartay olole dheer oo ka dhan ah Hay’adda oo sii xoogeystay ka dib weeraradii 7-dii Oktoobar. Israa'iil waxay sheeganaysaa in dugsiyada UNRWA ey baraan waxyaabaha nacaybka ah iyo nacaybka Israa'iil, taas oo UNRWA ey beenisay. UNRWA waa bixiyaha ugu weyn ee Waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka ee Qaxootiga Falastiiniyiinta ee guud ahaan Bariga Jerusalem, oo Isra’iil ku qabsatay 1967 dagaal lix maalmood ah. Israa'iil waxay qabsatay Bariga Quddus waxayna u aqoonsan tahay magaalada oo dhan iney tahay caasimad midaysan. Wasaaradda Waxbarashada ee Israa’iil ayaa sheegtay in ardaydaasi la dhigi doono dugsiyada kale ee magaalada Qudus. Laakiin waalidiinta, macallimiinta iyo maamulayaasha ayaa ka digaya in xiritaanka dugsiyada waa-weyn ee Bariga Quddus ey ku qasbi doonto caruurtooda iney maraan jidgooyo ciriiri ah oo halis ah maalin kasta, qaarkoodna aan haysan oggolaansho sax ah oo ey ku gudbaan.Warbixin hore oo ay siisay wakaaladda wararka ee Associated Press , ayay Wasaaradda Waxbarashadu ku sheegtay iney dugsiyadaas u xirtay iney ku shaqeeyaan ruqsad la’aan. Maamulayaasha UNRWA waxay ballan qaadeen iney sii furnaan doonaan dugsiyadu ilaa inta ey suurtogal tahay.

ISHA-AJ.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SIRDOONKA TURKIGA OO QABTAY PAGERO U SOCDAY LUBNAAN.

(SWIRKA)-QARAXII LUBNAAN.

(TURKEY)-ay’adda Sirdoonka Qaranka (MIT) ayaa ka dambeysay howlgal xasaasi ah wax yar ka dib markii la sheegay in Israa’iil ey adeegsatay bogag hub ah oo ey ku dishay ama ku dhaawacdo xubno ka tirsan Xisbullah oo ku sugan dalka Lubnaan. Faahfaahinta hawlgalkii 2024-kii oo uu daabacay Wargeyska Sabah hal sano ka dib ayaa muujinaya 1,300 oo qalab oo pager ah iyo 710 xajiyeyaasha oo lagu rakibay walxaha Qarxa lagu qabtay shixnad ku jirtay garoonka Istanbul oo ku sii jeeday dalka Lubnaan oo ka yimid Hong Kong. Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, Israa’iil waxa ey soo abaabushay Qaraxyo xiriir ah oo ey ku lug lahaayeen aaladaha Isgaarsiineed ee Wireless-ka, oo Ey ku jiraan bogag-yaqaanno iyo sheeko-hadallo ey adeegsadaan kooxda Xisbullah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 51-qof ku dhawaad ​​3,000 oo kalena waa ey ku dhaawacmeen. Ictiraaf naadir ah oo ku saabsan hawlgallada qarsoon ee Hay'adda, Madaxa Sirdoonka Israa'iil wuxuu ku dhawaaqay bishii Febraayo in "hawlgalkii jeexjeexay" ee ka dhanka ahaa Hezbollah "ey u leexisay" kooxda dagaalka ey kula jirto Israa'iil. “Howlgalkani waxa uu calaamad u ahaa isbadalka dhanka waqooyi, inta uu socdayna waxaan u weecannay cadawgeena,” ayuu yiri David Barnea, Madaxa Mossad, oo ka hadlayay shir ka dhacay Tel Aviv. “Khad toos ah ayaa laga soo qaadan karaa hawlgalkii pager ilaa ciribtirka (Xasan) Nasrallah iyo heshiiskii xabad joojinta.Xisbullah waxa soo gaaray dharbaaxo xun oo burburisay niyada ururka” ayuu sii raaciyay isaga oo ka hadlayay dilkii ey Israel u geysatay hogaamiyihii Xisbullah. Bambooyinka ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Lubnaan oo ey ku jiraan dukaamo iyo guryo, waxaana lagu tilmaamay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah Madaxa Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Turk. Maalmo ka dib, 27-kii Sebtembar, Israa'iil waxay ku dishay Nasrallah duqaymo ba'an oo ey ka geysatay koonfurta Beyruut, waxaana si deg-deg ah u xigay weerar dhinaca dhulka ah oo ey Israa'iil ku qaadday saldhigyada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan. Dabayaaqadii bishii November, Israel iyo Hezbollah waxa ey gaareen heshiis xabad joojin ah, kaas oo soo afjaray in ka badan sanad colaadeed. Siidaynta naadirka ah ee xeeladaha Mossad, Barnea wuxuu bixiyay bishii Febraayo tafaasiil cusub oo ku saabsan hawlgalka bogga. Isagoo sheegay in hay'addiisu "ey diyaarisay hab aan caadi ahayn oo ey ku weerarto," Barnea ayaa shaaca ka qaaday in aasaaska hawlgalka uu bilaabmay 2022, iyada oo shixnadii ugu horeysay ee 500 bogag ah ey gaartay Lubnaan toddobaadyo ka hor inta aan Xamaas weerarin Israa'iil Oct. 7, 2023. "Markii ugu dambeyntii la bilaabay howlgalka, 10 jeer tirada Beejrada ayaa la qarxiyey, Benjamin ayaa sheegay in laba jeer la qarxiyey tirada dagaalka ee Ra'iisul Wasaaraha. Netanyahu ayaa si shaqsi ah u ansixiyay howlgalka. "Maalintii ey ku qarxeen kumaankun oo pagers ah oo ku jiray gacanta saraakiisha Xisbullah waxaa lagu xasuusan doonaa iney ahayd waqtigii wax ka beddelay dagaalka," Barnea ayaa ku dhawaaqday. "Waxay ahayd maalin uu khiyaanada dagaalku uu ka awood badan yahay xoog waxshinimo." Astaan ​​astaan ​​u ah qaraxyada ka dib, Netanyahu wuxuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump guddoonsiiyay bog dahabi ah, oo uu ku xusayo saameynta howlgalka uu ku yeeshay Xisbullah. Mossad ayaa lagu soo waramayaa inay adeegsatay aalado ey soo saartay shirkadda Gold Apollo ee fadhigeedu yahay Taiwan, halka shirkaddu ey beenisay inay xiriir la leedahay qorshahan, waxayna markii hore sheegtay in Bac Consulting KFT oo fadhigeedu yahay Hungary uu fasax u haysto inuu isticmaalo astaantiisa ganacsi. Shirkadda Budapest waxay ahayd shirkad horudhac u ah Mossad, sida laga soo xigtay warbixinnada warbaahinta.

Qaraxyada QARSOODI AH:

Markii la ogaaday in shixnad qalab ah ay ka dhici doonto Istanbul si loo geeyo Lubnaan laba maalmood ka dib weerarada, MIT waxay bilowday hawlgal. Mas’uuliyiinta ayaa helay shixnad soo gaartay Istanbul oo ka timid Hong Kong maalin ka hor Qaraxyadii Lubnaan. Shixnaddan oo culeyskeedu dhan yahay 850 kiiloogaraam (1,873.93 rodol) ayaa waxa ey ka koobneed 61 sanduuq, waxaana la qorsheeyay iney ka ambabaxaan Istanbul ilaa Beirut Sebtembar 27, 2024, iyagoo sii mari doona garoonka Istanbul. Shixnadda ayaa lagu soo qaaday magaca shixnad Raashinka lagu googooyo. Gudaha, mas'uuliyiintu waxay heleen 1,300 Gold Apollo pagers summada iyo 710 Chargers. Xafiiska dacwad oogaha Istanbul ayaa amar ku bixiyay in la wareego shixnadda, waxaana shixnadda loo wareejiyay shaybaarka dambiyada si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo tuhunka qalabka bambaanooyinka. Falanqaynta ayaa daaha ka qaaday 3 garaam oo ah walxo qarxa oo cad, oo aan la aqoonsanin oo la dhex dhigay batteriga bog kasta, iyo fiyuusyada qarxinta. Khubaradu waxay ogaadeen in aaladaha lagu rakibo walxaha qarxa lagu qarxin karo meel fog iyadoo la adeegsanayo calaamadaha ama marka la kululeeyo. Isla waqtigaas, mas'uuliyiintu waxay baadheen shixnad kale oo pagers ah oo ey soo dirtay isla shirkad, laakiin markan, mid kale oo ka duwan oo ku sugan Lubnaan mana helin wax raad ah oo walxaha qarxa ah. Falanqaynta waxa ey daaha ka rogeen in pager kastaiyo baytariyada la socday in sidoo kale laga helay walxo qarxa oo midab brown ah oo sida muuqata "ku mudan" jidhka baytariyada iyadoo ey weli ku jirto qaab bir dareere ah. Warbixinta Sabah ayaa lagu magacaabay Guangzhou Maoteng Yu oo ah isha laga keenayo iyo SMT Global Logistics Limited oo ah dallaalka xamuulka ee Turkiye ka hor inta aan la geynin Lubnaan, shirkad lagu magacaabo Trade Mania LLC. Milkiilaha shirkad dillaal ah oo fadhigeedu yahay Istanbul, magaciisana uu u eg yahay SMT, ayaa su’aalo la weydiiyay balse waxaa la ogaaday in shirkadu eysan xiriir la lahayn keenista. Warbixintu waxay sheegtay in hawlgalka MIT uu ahaa ajandaha ugu sareeya ee Ra'iisul Wasaaraha Lubnaan, Najib Miqati, markii uu booqday Turkiga Dec. 18, 2024, oo uu la kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Miqati ayaa uga mahadceliyey Erdogaan howlgalka, sida lagu sheegay warbixinta Sabah. Iyadoo colaadda Falastiin iyo Israa’iil ay cirka isku sii shareereyso, ayaa Turkiga waxa uu daaha ka qaaday dhowr shabakadood oo ay Mossad ku leedahay dalkaas. Daraasiin ayaa la xiray ama la xiray iyaga oo lagu eedaynayo iney xiriir la leeyihiin Mossad iyo iney u shaqeynayeen Siradaha basaaska ee Mossad. Bartilmaameedkooda koowaad waa falastiiniyiinta ku nool Turkiga ama booqanaya dalka, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Xamaas.

ISHA-DS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNAHA SURIYA OO GAARAY DALKA FARANSIISKA.

(SAWIRKA)-MW-AL-SHARAC IYO MACRON.

(PARIS)-Wararka laga helaayo caasimadda Faransiiska ee Paris ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Dalka Suriya Md.Axmed AL-Sharac oo ku sugan dalka Faransiiska uu maanta oo Arbaca ah sheegay in dalkiisa uu wada hadalo aan toos ahayn la yeelanaayo Isra’iil si looga hortago iney sii xumaato xiisada dhawaanahan soo korortay. Arrintaan ayaa timid xilli uu Madaxweyne AL-sharac uu khudbad ka jeedinaayey magaaladda baariis booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago Qaaradda Yurub tan iyo markii uu xilka dalka Suriya qabtay bishii Janaayo-2025-ka isagoo doonaayo inuu balaariyo xiriirka uu dalkiisa la leeyahay dalalka reer galbeedka. Isra’iil ayaa todobaadkii hore waxa ey duqeymo is daba joog ah ka fulisay qeybo ka mid ah dalka Suriya iyadoo sheegtay iney uga gol leedahay fal lagu difaacaayo dadka laga tirada badan yahay ee Duruuz-ka ah ee dalkaasi,kuwaaso ey weeraro kala kulmay kooxaha dawladda Suriya taageersan. Madaxweyen Axmed AL-sharac, isagoo Saxafiyiinta kula hadalyey magaaladda Paris ayuu sheegay in wada xaajoodyada lala gelaayo Isra’iil ayuu tilmaamay iney jiraan wada hadallo aan toos ahayn oo dhex-dhexedin ah oo lagu qaboojinaayo xaaladda si eysan u noqon mid faraha ka baxda. Si kastaba ha ahaatee AL-Sharac ma uusan cayimin cidda ey yihiin dhexdhexaadiyeyaasha. Booqashada AL-sharac ayaa ku soo beegantay iyadoo ey dib u soo cusboonaadeen rabshado diimeed ka dhacay dalka Suriya halkaaso Xukuumadda AL-sharac ey awooda la wareegtay ka dib markii jabhadda Xayat AL-Taxriir AL-shaam ey hogaamisay duulaankii xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-asad 8-dii bishii Disemba-2024-kii. Ex-MW-AL-asad oo ka tirsan Qawmiyadda Calawiyiinta ee laga tirada badan yahay ee Suriya ayaa xukunka haayey in ka badan labaatan sano. Midawga Yurub ayaa bilaabay dhimista Cunaqabateynta iyo joojinta talaabooyinka lagu bartilmaameedsanaayo Waaxyaha Saliida, Gaaska iyo Korontada dalka Suriya, iyo sidoo kale Gaadiidka,oo ey ku jiraan duulimaadyadda iyo xayiraad Bangiyadda.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO JOOJIN DOONO DUQEYNTA XUUTIYIINTA,SABAB?

(SAWIRKA)-CALAMADA USA IYO YAMAN.

(WASHINGTON)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqay in Maraykanka uu joojin doono duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta Yaman ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ey sheegeen “Ineysan dooneyn iney sii dagaalamaan”. Ma aha oo kaliyah iney dagaalamaan”ayuu Trump u sheegay Suxufiyiinta ka tirsan Aqalka Cad. “Ma rabaan oo kaliya…waan sharfi doonaa taas,waane joojin doonaa Qaraxyada”. Trump ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsanaayo Xuutiyiinta ey joogsan doonaansi deg deg ah”. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in shaqada ey tahay in la helo in la joojiyo weerarada Maraakiibta Ganacsiga ee mareeyso Badda Cas. Rubio oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri’ Haddii la joojiyo weerarada Maraakiibta inagane waan joojin doonaa”. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in “War aad u wanaagsan” uu xalay ka yimid “Ilo aad u wanaagsan”,in kastoo Madaxweyne Trump uusan xaqiijin cidda ey tahay. Madaxweyne Trump ayaa yiri”Way Go’aansadeen” waxa uuna raaciyey “Maraykankuna waa uu qaadan doonaa balanqaadkooda”. “Waxay sheegeen ineysan mar kale eysan weerari doonin Maraakiibta”. Taasine waa ujeedada aan u sameeynay weerarada Xuutiyiinta” ayuu raaciyey hadalkiisa isagoo tixraacaayo hawlgaladda dhinaca cirka ah ee Maraykanku ka fuliyey goobaha ey Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yaman. Dalka Maraykanka ayaa tan iyo bishii Maarso-2025-ka waxa uu duqeyey Xuutiyiinta ilaa 800-Bartilmaameed ey leeyihiin Xuutiyiinta,sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM 27-kii bishii Abriil-2025-ka. Dhinaca kale, Saldanada Cumaan ayaa xaqiijisay maanta oo Talaada ah in lagu Guuleystay dadaaladdii dhexdhexaadinta ahaa ee lagu doonaayey in xabad joojin la dhex dhigo Maraykanka iyo Xuutiyiinta Yaman. Arrintaan ayaa daba socoto wada hadallo xiriir ah oo dhawaan dhexmaray Saldanadda Cumaan iyo Maraykanka iyo masuuliyiinta ey khuseyso kuna sugan caasimadda Sanca ee dalka Yeman oo Xuutiyiinta, kuwaaso la doonaayo in lagu dejiyo xaaladda. Dadaaladaas ayaa waxaa ka dhashay xabad joojin ey gaareen labada dhinac ee Maraykanka iyo Xuutiyiinta Yaman.

SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL IYO MARAYKANKA OO WEERARAY DALKA YEMAN.

(SAWIRKA)- DIYAARADDA F-35.

(XUDEYDAH)-Wararka laga helaayo caasimadda Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka dalka Maraykanka ey seddex weerar oo dhinaca cirka ah ey ku qaadeen dekedda Raas Ciisa ee Gobolka Xudeydah,weeraradas mid ka mid ah ayaa lala beegsaday Xerada ciidamada ee Sawaad ee dhacda Koonfurta Sanca. Waqti sii horeeyey oo ah fiidnimada Isniinta ah,ciidamadda cirka ee Isra’iil ayaa sheegay iney duqeymo xagga cirka ah ku qaadeen dekadda Xudeydah ee dalka Yeman,maalin ka dib markii ey Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ey gentaal ku soo rideen meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Bin Guuriyon ee Isra’iil, ciidamadda Isra’iil bayaan ey soo saareen ayey ku sheegeen iney weerareen Argagixisada Xuutiyiinta kuwaso ku sugan Gobolka Xudeydah iyo Nawaaxigiisa. Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Xuutiyiinta Anis AL-Asbaxi ayaa sheegay in weerarada ey ku dhaawacmeen ugu yaraan ilaa 21-qofood, seddex ilo wareed ayaa soo sheegay in kooxda Xuutiyiinta ey xireen dhammaan wadooyinka soo gala Dekedda Xudeydah iyo Warshadda Shamiindada ee Baajil. Ilo wareedyada ayaa sheegay inaan la ogayn khasaaraha soo gaaray dekedda Xudeydah,balse inta uu la eg yahay weerarka iyo dabka uu geystay ayaa waxa uu sababay burbur xoogan oo soo gaaray qeybta Kontenarada. Laba ilood oo kale ayaa ku qiyaasay waxyeelada soo gaaray 70% ee shanta dekedu xirto,bakhaaradda iyo aaga kastamaha. Mid ka mid ah shaqaalaha Dekedda ayaa sheegay in shaqo joojin ey ku timid laba Markab oo kala dejinaayey shixnado isagoo xusay in gaadiidkii u kala gooshaayey uu gebi ahaanba staagay. Weli lama haayo war sugan oo ku saabsan inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarka Isra’iil ey ku qaaday Yeman habeenimada Isniinta,weerarka ayaa waxa ka qeyb qaatay ilaa 20-diyaaradood oo kuwa dagaalka ah,waxaane la soo sheegay in 48 ilaa 50-Gentaal lala beegsaday dekedda Xudeyda.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XILDHIBAAN LIIBIYAAN AH OO SAWIRO LAGA QAADAY.

(SAWIRKA)-XILDHIBAANKA LA AFDUUBAY.

(TRIPOLI-LIBYA)-Wararka ka imaanayo caaassimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Xukuumadda Midnimo Qaran ey soo saartay bayaan adag ey ku cambaareyneyso wax ey ku Xukuumadu ku tilmaantay “Xirig Bahdi ah kana baxsan Bani’adanimada”oo lagu haayo Xildhibaan Ibrahim Dareesi oo ka tirsan Golaha Wakiiladda, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalo muujinaayo Xildibaanka oo ku jiro xaalad naxdin leh,kuna xiran meel mugdi ah, wejigiisana ey ka muuqato carro, jirkiisuna uu aad u daalan yahay. Dawladu waxa ey cadeysay in waxa dhacay ey u dhigan yihiin ”Xadgudub ka dhan ah sharafta aadanaha iyo weeraro qaawan oo lagu qaaday Qiyamka suuban”,iyadoo ku sifeysay goobta iney tahay mid soo xusuusineyso dhaqamada lagu yaqiinay nidaamka kali taliska ah. Xukuumadda ayaa ku nuux-nuuxsatay in khilaafkeeda kala dhexeeyo Xildhibaanka aanu ka hor istaageyn in Xukuumadu ey cambaareyso waxa loo geystay Xildhibaanka,iyadoo dhacdadani ey ku calaamadaisay “dembi dhammaystiran aan lagu cadeyn karin xaalad kasta ama qoraal kasta”. Xukuumadda Midnimo Qaran waxay si buuxda ula xisaabtamaysaa dhammaan dadkii ka qeybqaatay, qarinaayey,ama wax lug ah ku lahaa dhacdadaas,Xukuumadda ayaa si gaar ah u magacawday “Taliska Guud ee Bariga Libiya”, ka dib markii Xildhibaanka lagu arkay muuqaalka la faafiyey isagoo codsanaayo in la cafiyo. Bayaanka ayaa sidoo kale toos loogu eedeeyey aamusnaanta iyo ka jawaabid la’aanta uu sameeyey Gudoomiyaha Aqalka sare Caaqil Saalax ee la xiriirta xadgudubka loo geystay xildhibaanka,waxaane waxqabad la’aantiisa lagu sifeeyey iney tahay midaan la aqbali karin uuna kaga tegay masuuliyadiisii Siyaasadeed iyo mid Damiir. Xukuumadda midnimo Qaran ayaa ku baaqday in la sameeyo baaritaan caalami ah oo deg deg ah oo madax banaan,iyado uu kormeeraayo gudi xaqiiqa raadis ah si loo soo saaro xaaladaha shilka,loo hubiyo badbaadada Xildhibaanka,iyo in lala xisaabtamo dhammaan dembiileyaasha”Iyadoon loo eegin mansabyada ama waxa ey ka tirsan yihiin”. Xukuumada Midnimo Qaran ayaa ka digtay sii socoshada ku dhaqanka afduubka iyo xadgudubyada Xasaanadda Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka iyadoo aan lala xisaabtamin wax ey halis gelineysaa geedi socodka siyaasadda oo ey geliso jawi isla xisaabtan la’aan ah. Xukuumadda Midnimo Qaran waxay sheegtay in go’aamo kasta oo ka soo baxa Golaha Wakiiladu ey noqdaan kuwa ah “Jawi caga-jugleyn iyo maqnaansho dastuuri ah”aaney sharci ahayn. Waxay Xukuumadda Midnimo Qaran ku boorisay Xubnaha Golaha Wakiiladda iney “ka xoreeyaan rabitaan Golaha gacan ku haynta juqaraafiga Mileteri iyo gudoonka baarlamaanka iyo iney diidaan masuuliyad kasta oo lagu soo rogo go’aamada baarlamaanka ee ka baxsan rabitaanka wakiiladda shacabka”. Xildhibaan Ibrahim Dareesi ayaa la afduubay bishii Meey ee sannadkii hore 2024-kii,waxaane laga afduubay magaaladda Bengaazi ee dhacda bariga dalka Liibiya. Gen.Xaftar oo ey taageerto dawladda Imaaraatka Carabta ayaa gacanta ku haayo Bariga dalka Liibiya eyna mid yihiin magaalooyinka Bengaazi iyo Tabruuk, Generaalka ayaa mucaarad ku ah Xukuumadda Midnimo Qaran ee uu Reysal Wasaaraha ka yahay C/xamiid Dabiibah taaso fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Tripli,waxa eyna gacana saar wanaagsan la leh dalka Turkiga.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO HANDADAY ISRAA’IIL.

(SAWIRKA)-MALEESHIYADA XUUTIYIINTA.

(SANA’A)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil sannadkii 2023-kii,Isra’iil-ne ey duqeyn aan kala go’olahay ku qaaday Marina Gaza ayey kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman waxa ey bilaabeen iney weeraro culus ku qaadaan Maraakiibta Ganacsiga ee maraysa biyaha Badda Cas,arrintaan ayaa khasabtay in caalamku uu wax ka qabto si Ganacsiga caalamka uu u noqdo mid xor ah. Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa bilaabay iney duqeymo dhinaca cirka ah ku qaadaan goobaha ey ku sugan yihiin Xuutiyiinta gudaha dalka Yeman. Hadaba, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay iney ka shaqaynayaan sidii ey Israa'iil ugu soo rogi lahaayeen "Go'doomin dhinaca hawada ah oo dhamaystiran" iyagoo si isdaba joog ah u bartilmaameedsanaya Garoomadeeda. War qoraal ah oo uu Axada maanta ah soo saaray afhayeenka milatariga kooxda Xuutiyiinta Yahya Sareec ayaa sidaas lagu sheegay, waxa uu intaas ku daray oo uu yiri "Waxaan ugu baaqaynaa diyaaradaha caalamiga ah iney joojiyaan dhammaan duulimaadyada ey ku tagayaan Israel si ey u ilaaliyaan badbaadada diyaaradahooda iyo macaamiishooda." Mar sii horreysay, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa bayaan muuqaal ah oo uu soo duubay ka hor kulanka la filayo inuu fiidnimada caawa ku sheegay in Israa’iil ey tallaabo ka qaadi doonto Xuutiyiinta sidii ey horeba u samaysay. Waxa uu sidoo kale intaasi ku daray in ciidamada Israel ey qaadi doonaan weeraro kale oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta Yemen. Waxa uuna tilmaamay in Israa’iil ey kala shaqeyneyso maamulka Mareykanka tallaabada ka dhanka ah Xuutiyiinta.

KULANKA AMNIGA:

Ilo u waramay TV-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in Israa’iil ey go’aansatay, shir amniga ka dib,iney ka jawaabto gantaalka laga soo riday Yemen. Horaantii maanta, madaxii hore ee shaqaalaha Isra’iil, ahna hogaamiyaha Xisbiga Midnimada Qaranka, Benny Gantz, ayaa ku booriyay mas'uuliyiinta Isra’il iney si toos ah u duqeeyaan Iran si ey uga jawaabaan gantaalka Xuutiyiinta. Hadalkan ayaa ku soo beegmay xili Wasiirka difaaca Israa’iil Yisrael Katz uu wacad ku maray inuu qaadi doono duqeymo laba jibaaran oo ka dhan ah Xuutiyiinta iyo cid kasta oo wax u dhimaysa amaanka dalkiisa. Waxa ey sidoo kale ku soo beegantay iyadoo kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada kaydka Isra’iil loo yeeray si loogu diyaar garoono weerar balaaran oo lagu qaado dhulka burburay ee Falastiin, sida ey masuuliyiin Isra’iil ahi sheegeen. SMaanta oo Axad ah ayey Xuutiyiintu Gantaal ku soo rideen meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa'iil, iyagoo sheegay in weeraradooda ey ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta ku sugan Qaza. Xuutiyiinta ayaa gantaalo iyo diyaarado Drones ah ku garaacay Israa’iil si ey u taageeraan dagaalyahannada Xamaas. Mareykanka ayaa tan iyo 15-kii bishii Maarso-2025-ka duqeymo ka waday goobaha ey Xuutiyiinta ka maamulka dalka Yeman.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXAD QADAR IYO IMAARAATKA OO KA HADLAY…

(SAWURKA)-HOGAAMIYEYAASHA QADAR IYO IMAARAATKA.

(LONDON)-Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta ee Midoobe iyo Amiirka Dawladda Qadar ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal,kulanka ayaa ka dhacay Qasriga AL-shaadhi ee Abu Dhabi maanta oo Axad ah. Sheekh Maxamed Bin Zayid AL-Nahyan iyo Sheekh Tamim Bin Xamad AL-thani ayaa ka wada hadlay arrimaha Gobolka iyo tan caalamiga ah ee khuseeyo labada dal ee Imaaraatka iyo Qadar,iyagoo si gaar ah diiradda u saaray xaaladihii ugu dambeeyey ee Gobolka Bariga dhexe,waxayna wadageen fikrado ku saabsan dadaaladda wax looga qabanaayo. Hogaamiyeyaasha ayaa sahmiyey habka kor loogu qaadaayo iskaashiga faa’iidada iyo barwaaqada labada dal,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Imaaraatka Carabta. Saraakiil sar-sare iyo Wasiiro ayaa ka qeybgalay kulanka waxaane ka mid ah Sheekh Taxnuun Bin Zayid AL-Nahyan,Ku Xigeenka dhaxal sugaha Abu Dhabi ahne Taliyaha Amniga Qaranka, Reysal Wasaaraha dawladda Qadar ahne Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheekh Maxamed C/raxmaan Bin Jaasim AL-Thani.

XIGASHO-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO SAARAY GANAAX IYO CIQAAB.

(ASWIRKA)-KACBADA.

(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan-2025-ka waxa uu soo saaray digniino isdaba joog ah kuna saabsan gudashada Xajka ee sannadkan-2025-ka. Sacuudiga ayaa sheegay in Fiisaha Cumrada bixintiisa ey ku ekeed 13-ka Abriil-2025-ka halka dadka soo galay Sacuudiga iyagoo wata Fiisooyin kala duwan loo qabtay iney dalka isaga baxaan ugu dambeyn 29-ka bisha Abriil 2025-ka,qofkii sii joogane uu muteysan doon ganaax lacageed oo gaaraayo ilaa shan kun oo doolaarka Maraykanka ah iyo tarxiil shan sano iyo ka badan uusan dib ugu soo laaban karin dalka Sacuudiga,hadaba maanta maxaa soo kordhay? Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa xaqiijisay in la ganaaxi doono ganaax dhan 100-kun oo Riyaalka Sacuudiga ah una dhiganta $375,02.49 doolarka Maraykanka ah qof kasta oo gabaad ama isku daya inuu hooy uu galo siiya dadka Fiisaha sita nuucuu doono ha ahaadee,goobaha la sheegay ayaa kala ah”Huteelo,Guryo,Guryo gaar loo leeyahay,Hooyga,Guryaha Xujaayda IWM),qarinta dadka heysto Fiisayaal kale oo aan ahayn Xajka cidii gargaarto amaba ku qariya goobaha barakaysan waa la ciqaabi doonaa. Hawshaan ayaa soo bilaabatay kowda bisha 11-aad ee sannadka Hijriyadda-1446-ka taaso maanta maraysa lix,waxa eyna dhammaan doontaa 14-Carafo-1446-ka,ganaax kasta waxaa lagu dhufan doonaa tirada dadka ku xad gudbay sharciga cusub. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa ugu baaqday cid walba iney u hogaansanto nidaama iyo awaamirrta Xajka,kaaso ujeedadiisu tahay in la ilaaliyo Amniga iyo badbaadada Xujaayda si ey u gutaan cibaadadooda si sahlan oo maskaxi ku jirto.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA KUN JEER.

(SAWIRKA)-SANCA.

(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in dalka Maraykanka uu xoojiyey duqeymaha ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,ilo wareedyo ku sugan gudaha dalka Yeman lana hadlay Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsaday Dekedaha Raas Ciisa iyo Kamaraan ee degmada Saliif ee Gobolka Xudeyda,ilo wareedka ayaa intaas raaciyey in maanta oo Axad ah in diyaaradaha Maraykanka ey duqeyn xoogan la beegsadeen koonfurta magaaladda caasimadda ah ee Sanca. Waqti sii horeeyey ayaa lix weerar oo dhanka cirka ah ayey diyaaradaha dalka Maraykanka la beegsadeen xerooyin tababar oo ey Xuutiyiintu ku leeyihiin degaanka Khamiis bani Sacad ee Gobolka Maxwiit ee dhaca Waqooyi-Galbeed caasimadda Sanca,duqeynta ayaa sababtay dhimasho iyo dhawaaca tobaneeyo maleeshiyaad ah oo ka tirsan Xuutiyiinta. Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee Marinka sannadkii 2023-kii, kooxda Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ayaa tobanaan weerar waxa ey ku qaadeen Maraakiibta Ganacsiga ee maraysa Badda Cas iyagoo ku doodaayo iney qalab u daabulayaan Isra’iil,sidoo kale, waxay Xuutiyiintu dhawr jeer ku dhawaaqeen iney Gentaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin iney ku weerareen Isra’iil. Xuutiyiinta ayaa hakiyey weeraradooda ka dib markii xabad joojin looga dhawaaqay Marinka Gaza 19-1-2025-ka ka dibne waxa ey dib u bilaabeen weeraradooda iyagoo kaga jawaabaayo dagaalka dib uga dhex qarxay Isra’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza,heshiiska xabad joojinta ee u dhexeeyey Isra’iil iyo Xamaas ayaa burburay 18-kii Maarso-2025ka,waxa eyna Xuuyiintu wacad ku mareen iney sii xoojin doonaan weeraradooda ilaa inta Isra’iil ey ka joojineyso duqeynta Marinka Gaza. Tan iyo 15-kii Maarso ee sannadkan-2025-ka Maraykanka waxa uu bilaabay olole maalinle ah oo ku dhaw duqeymo ka dhan ah fariisimada Xuutiyiinta Yeman, waxaane lagu soo waramayaa in kooxda Xuutiyiinta iney ku jawaabeen dhawr weerar oo ey la beegsadeen Markab laga leeyahay dalka Maraykanka oo maraayey Badda Cas. 29-kii bishii Abriil-2025-ka,Wasaaradda G/dhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa sheegtay in ciidamadda Maraykanka ey duqeeyeen in ka badan kun bartilmaameed ey leeyihiin Xuutiyiinta dalka Yeman marka laga soo bilaabo 15-kii Maarso ee sannadkan-2025-ka.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA URDUN OO XUKUN ADAG KU RIDAY DAD LAGU HELAY….

(SAWIRKA)-BOOLISKA URDUN.

(AMMAN)-Fadhi gaar ah oo qabsoomay maanta oo Arbaca ah, ayey Maxkamada Amaanka ee Dawladda Urdun,waxa ey 4-ka mid ah 16-ka eedeysane oo horay loo soo qabtay ku xukuntay min 20-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed ka dib markii lagu helay eedeymihii lagu soo oogay. Maxkamada ayaa go’aankeeda soo saartay ka dib markii eedeysanayaasha lagu soo qabtay walxaha Qarxa,Hub iyo Rasaas la doonaayey in si sharci dara ah loo isticmaalo isla markaasne ey ku keceen falal khalkhal gelinaayo Amniga iyo Nabadgelyada bulshada,taaso ka hor imaaneysa sida uu dhigaayo sharciga la dagaalanka Argagixisada. Sidoo kale,Maxkamada ayaa cadeysay in eedeysanayaasha lagu soo qabtay agabyo laga sameeyo Qraxyada,Hub iyo Rasaas aad u fara badan,ka dib markii Hayadaha Amaanka ey heleen xog la xiriirta dembiileyaasha waxa eyna sameeyeen hawlgal culus. Maxkamada ayaa ogaatay in walxaha Qarxa ee la qabtay ey ahaayeen walxo uu qaraxoodu aad u sareeyo,loona tixgeliyey iney yihiin kuwa wax burburiya kuna haboon in loo isticmaalo weeraro,isla markaasne waxyeelo u geysan kara nolosha dadka, waxyeeleyn karana hantida dadweynaha iyo amniga guud ee dalka. Maxkamada waxay soo gabgabeysay iyadoo la eegaayo halista falkan wax u dhimaya Amaanka iyo nabadgelyada,khatarna gelinaayo Amaanka bulshada,khatar gelinaayo amaanka guud iyo xasiloonidda,Maxkamdu waxa ey ogaatay iyadoo la raaceyso xaqiiqooyinka laga soo saaray kiiskan,in ciqaabta ka dhanka ah Eedeysanayaasha la kordhiyo si iyaga iyo dadka kale aaney ugu dhiiran iney ku kacaan falalkaan foosha xun,si loo gaaro mabda’a ka hortaga guud iyo ilaalinta gaarka ah ee bulshada reer Urdun. Waxaa xusid mudan in kiiskaan qeyb ka yahay qorshe dhawaan ey dawladda Urdun ku dhawaqday kaaso soo bilawday sannadkii 2021-kii,waxa eyna ciidamada Amaanka soo qabteen eedeysanayaal bartamihii sannadkii 2023-kii,waxaane kiiskaas loo gudbiyey Xeer ilaalinta Qaranka, taaso iyana u gudbisay Maxkamada Amniga Qaranka. Dhegaysiga dacwada ayaa bilawday bilo ka hor,kiisaskii kale ee dhawaan la shaaciyey ey weli horyaaliin hayadaha garsoorka dalka Urdun.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO SAARAY AMARO AAD U CULUS.

(SAWIRKA)-KACBADA.

(RIYAD-KSA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad ayaa sheegaayo in Xukuumadda Sacuudiga ey soo saartay amaro culus kuna saabsan Xajka sannadkan 2025-ka. Iyada oo ey qeyb ka tahay ololaha loogu magac daray”XAJ MA JIRO OGOLAANSHO LA’AAN”. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday ganaax lacageed oo dhan ilaa 20-kun oo Riyaalka Sacuudi ah una dhiganta $5,332.36 doolarka Maraykanka in laga qaadi doono qof kasta oo lagu qabto isagoo gudanaayo amaba isku dayaya inuu Xajiyo fasax la’aan marka laga bilaabo taariikhdu markeey tahay 1/11/1446 kuna beegan (29/4/2025) ilaa 14/12/1446 kuna beegan (10/6/2025)-da. Xadgudubka waxaa sidoo kale ka mid ah dadka haysta dhammaan nuucyada fiisha booqashada ama kuwa isku dayaya iney galaan amaba joogaan magaaladda Makah iyo goobaha barakaysan ee ku dhexyaalo aaga Juqaraafi ee soo socdo”Magaaladda Makah iyo albaabadeeda rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn,aaga dhexe,goobaha barakaysan,saldhiga tareenka ee Xarameyn wadadiisa,marka lagu daro koontaroolada ku meel gaarka ah ee amniga,xarumaha kala soocidda iyo isbaarooyinka”. Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Boqortooyadda Sacuudiga qoraal ey soo saartay laguna daabacay barta X oo horay loo oran jiray Twitter ayaa lagu sheegay in dadka ku dhuunta Xajka ha ahaadeen kuwa degan dalka Sacuudiga ama ha ahaadeen kuwa aan deganeyn Sacuudiga waxaa dalka Sacuudiga laga mamnuuci doonaa iney soo galaan muddo dhan ilaa toban sano,ka dib marka dalka laga tarxiilo.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO XANUUJIYEY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-BURBURKA KA DHASHAY DAGAALKA YEMEN.

(YEMEN)-Tan iyo marka laga soo bilaabo bishii seddexaad ee Maarso ee sannadkan-2025-ka waxaa weeraro aan kala go’o lahayn oo dhinaca cirka ah ey ku socdeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan,weeraradaan ayaa waxaa fulinaayey ciidamadda Cirka ee dalka Maraykanka kuwaaso fadhigoodu yahay Gacanka Cadmeed. Hadaba,ilo wareedyo u waramay Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah uu Maraykanka la beegsaday saldhig ey Xuutiyuuntu ku leeyihiin degmada AL-Xawk ee Gobolka Xudeyda,warku waxa uu intaa ku daray in duqeynta si gaar ah loola beegsaday afar goobood ey Xuutiyiintu ku sugnaayeen. Maqribnimadii shalay oo Isniin ahayd Warbaahinta taabacsan Xuutiyiinta ayaa xaqiijisay in magaaladda caasimadda ah ee Sanca lala beegsaday duqeymo isdaba joog ah oo aan tiradooda la cayimin. Ilo wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya kuna sugan gudaha dalka Yeman ayaa xaqiijiyey in afar duqeymood lala bartilmaameedsaday goobo ey Xuutiyiinta kaga sugnaayeen caasimadda Sanca sida”AL-Nahda,Xerada Ciidamada Qalabka sida ee koowaad ee Waqooyiga-galbeed ee sanca”,waxaane seddex duqeymood lala beegsaday xarunta dhexe ee Ciidamadda mileteriga ee ku taalo Xerada AL-Sawaad ee koonfurta caasimadda Sanca una dhaw suuqa caanka ah ee shumeyla. Dhinaca kale, diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa duqeymo aan hore loo arag ku bartilmaameedsaday fariismo ey Xuutiyiintu ku leeyihiin degaano ku xeeran caasimadda Sanca ey maamulaan Xuutiyiinta. Sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka Xuutiyiinta weeraradaan waxaa ka mid ahaa weeraro xiriir ah oo lala beegsaday batilmaameedyo kala duwan oo ku yaalo degmada Bani-Madhar ee dhacda galbeedka Sanca, iyo weerar kale oo isna lala beegsaday xero ey Xuutyiintu ku leeyihiin degmada Hamdaan ee dhacad Waqooyiga caasimadda,dhammaan degmooyinkaan aan soo sheegnay ayaa maamul ahaan waxa ey hoostagaan Gobolka Sanca. War ey soo saartay Wasaaradda difaac dalka Ingiriiska maanta oo Arbaca ah ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ey ka qeyb qaateen hawlgal Mileteri oo wadajir ah oo Talaadadii shalay ka dhacay dalka Yeman. Warku waxa uu intaas ku daray in weerarku uu dhacay waqti mugdi ah,markii ey yaraatay suurtagaknimada in dadka rayidka ah ey ku sugnaadaan goobahaas,waxa eyna intaa ku dareen in diyaaradaha fuliyey hawlgalka ey si nabad ah ku soo laabteen. Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo kooxda Xamaas ka dib markii Xamaas ey weerartay Israa’iil 7-dii bishii Oktoobar-2023-kii, kooxda Xuutiyiinta ey qaaday tobonaan weerar oo ka dhan ah Maraakiibta mareysa biyaha Badda Cas kuwaaso Xuutiyiintu ey ku sheegeen iney xiriir la leeyihiin Isra’iil. Maarso,15-keedi-2025-ka Maraykanka ayaa bilaabay hawlgal Mileteri oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yeman si loo joojiyo weerarada ey ku hayaan Maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WADA HADALADDA QAAHIRA IYO ISMARI WAAGA KA JIRA…

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(CAIRO)-Wararka ka imaanyo caasimadda dalka Masar ee Qaahiro ayaa sheegaayo in wada hadaladdii u dhexeeyey Isra’iil iyo Ururka Xamaas ey dhaqaaqi la’ayihiin sababo la xiriiro kooxda Xamaas. Laba ilo wareed oo dhanka Amniga kana tirsan dalka Masar ayaa Wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Isniinta maanta ah wada xaajoodyadii u dhexeeyey Xamaas iyo Isra’iil ee ka socday Qaahira laguna doonaayey in xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza laga sameeyey horumar aad u weyn. Ila wareedyada ayaa sheegay in la isku raacsan yahay Xabad-Joojin muddo dheer ah oo laga sameeyo Marinka Gaza ee hadda go’odoonsan,laakin qaar ka mid qodobadda ayaa shaki weli ka taagan yahay waxaane ka mid ah Hubka Xamaas. Telefishan Qaranka Masar ee Qaahira New Channel ayaa goor sii horeysay sheegay in Taliyaha Sirdoonka Masar Xasan Maxamud Rashaad la qorsheeyey inuu la kulmo wafdiga reer Isra’iil ee uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Istaraatiijiyadda Ron Dermer maanta oo Isniin ah. Telefishanka Qahira News Channel ayaa intaas raaciyey in kulankan uu ku yimid qaabkii ey dawladaha Qadar iyo Masar ugu dadaalayeen in dib loo bilaabo Xabad joojinta u dhexeysa Xamaas iyo Isra’iil ee Marinka Gaza.

XIGASHO-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GUDIGI XAMAAS OO KA LAABTAY QAAHIRA.

(SAWIRKA)-KHALID MASHCAL.

(CAIRO)-Wafdi ka socday Xamaas ayaa ka ambabaxay magaaladda Qaahira ka dib markii ey soo dhammaysteen la tashiyo ey la lahaayeen masuuliyiinta Masar oo ku saabsanaay dejinta Marinka Gaza. War qoraal ah oo la soo dhigay barta Telegaraam-ka ee Xamaas ayaa u qornaa sidan:”Wafdigu waxay dib u eegis ku sameeyeen aragtida Xamaas ee ah in la gaaro xabad joojin,maxaabiis isdhaafsi,gargaar iyo dib u dhis. Waxaa la isku raacay in la sameeyo dadaalo dheeri ah lana sii wado xiriirka si loo xaqiijiyo guusha dadaaladaas”. Sida lagu sheegay bayaanka,xaaladda bai’adinimo ee sii xumaaneysa ee Marinka Gaza ka dib laba bilood oo go’doomin ah,iyadoo lagu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in si deg deg ah wax looga qabto xaaladda si loo xaqiijiyo gaarsiinta saadka iyo baahiyaha aasaasiga ah ee dadka degan Marinka Gaza. Bayaanka ayaa lagu sheegay in wafdiga uu ka mid yahay Madaxa Golaha Hogaanka Xamaas, Maxamed Darwiish,iyo xubnaha Golaha ee haray, Khalid Mashcal ,Khalid AL-Xayah, Zahir Jabarin iyo Nizar Cawadallah.15-kii Janaayo,Isra’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey in la sii daayo maxaabiista ku xiran Gaza iyo in xabad joojin lagu soo rogo Marinka Gaza. Heshiiskan oo ka kooban seddex weji ayaa waxaa u dhaqan galay 19-kii Janaayo,wejiga koowaad ee heshiiska ayaa ku ekaa 1-dii Maarso-2025-ka,waxaane lagu weday in wejigiisa koowaad ey ku heshiiyeen sidii loo dhaqan geli lahaa wejiga labaad ee xabad joojinta balse taasi ma eysan dhicin. 18-kii Maarso,Mileteriga Isra’iil ayaa dib u bilaabay hawlgaladoodii dagaalka ee Marinka Gaza, iyagoo bilaabay weeraro xoogan oo ka dhan ah dhulkaas. Xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ayaa ku macneeyey in tani ey sabab u tahay diidamada Xamaas ey diiday soo jeedinta ey soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha iyo Ergayaga Maraykanka Witkoff intii uu socday wada hadalka isagoo xusay in hadafka hawlgalka Marinka Gaza uu ahaa in la sii daayo dhammaan Maxaabiista reer Isra’iil.

ISHA-SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO IRAAN OO KU KULMAY MASQAT.

(SAWIRKA)-WSIIR CARAQJI.

(MASQAT)-Ka dib markii la soo gabagabeeyey sagaal saacadood oo wada xaajood ah oo ka socday Saldanada Cumaan oo u dhexeeyo Iraan iyo Maraykanka oo ku saabsan arrinta Nukliyeerka ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Cumaan Badr AL-Buseydi ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in wada hadaladda Maraykanka iyo Iraan ey socon doonaan ilaa todobaadka soo socdo. Wasiir AL-Buseydi isaga oo ka hadlaayo wada hadaladda Maraykanka iyo Iraan kuna saabsan Nukliyeerka dalka Iraan ayuu bartiisa X waxa uu soo dhigay qoraal u qoran Sidan:”Wada hadaladda Maraykanka iyo Iraan ayaa maanta xaqiijiyey hamiga la wadaago ee ah in la gaaro heshiis ku saleyan Ixtiraam labada dhinac ah iyo balan qaadyo waara. Mabaadii’ida Asaasiga ah,ujeedooyinka iyo tabashooyinka farsamada dhammaantood waa la xaliyey. Wada hadaladda ayaa sii socon doono todobaadka soo socdo iyadoo shir kale oo heerkiisu sareeyo oo si ku meel gaar ah loo qorsheeyey inuu qabsoomo taariikhdu markeey tahay 3/5/2025-ka”. Dhankiisa,afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Iraan Ismaeil Baqaei ayaa sheegay in wada xaajoodka dadban uu ku dhacay wanaagsan,waxa uuna intaas ku daray in bartiisa X ee horay loogu yaqiin Twitter-ka ku sheegay ka hir inta aan la soo afjarin wada hadaladda Sabtida in labada dhinac(Maraykanka iyo Iraan) ey is weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo fududeyn lahaa cunaqabateynta si ficil ah,loona dhisi lahaa is aaminaad ku saabsan dabeecadda nabadeed ee barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iraan. Waxay sidoo kale ka hadleen ‘Ilaalinta Xaqa ey Iraan u leedahay isticmaalka nabdoon ee tamarta Nukliyeerka”ayuu yiri. Wada hadaladan oo maanta ka furmay magaaladda Masqat ee dalka Cumaan ayaa ahaa kuwa isugu jira farsamo iyo kuwa diblomaasiyadeed. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iraan Cabaas Caqraji ayaa hogaaminaayey wafdiga dalka Iraan,halka wafdiga dalka Maraykanka uu hogaaminaayey ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff. Ergada farsamada ee dalka Iraan ayaa waxaa ka mid ahaa Majeed Takhat Rawaanji iyo Kaadim Qareeb halka wafdiga Maraykanka uu ka koobnaay ilaa iyo laba iyo toban qofood waxaa Madax u ahaa Micheal Anton. Labada dal (Maraykanka iyo Iraan) ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay kulamo ku kala yeeshay magaalooyinka Masqat iyo Romekuwaaso lagu tilmaamay kuwa wax dhisaayo oo togan. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay rajo ka muujiyey in heshiis lala gaaro dalka Iraan kaaso ku saabsan Nukliyeerkeeda.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERARADA MARAYKANKA EE XUUTIYIINTA OO NOQDAY JOOGTO.

(SAWIRKA)-SANCA-YEMEN.

(YEMEN)-Mareykanka ayaa sii waday duqeymaha ku dhow maalinlaha ah ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen tan iyo 15-kii bishii Maarso. Xaaladihii ugu dambeeyay, duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanku ka geystay magaalada Sirwah ee Gobolka Ma'arib ee Waqooyi bari Yemen, ayaa Sabtida maanta ah lala beegsaday Gaari siday Shidaal ah oo ay leeyihiin Xuuthiyiinta, sida uu sheegay Wariye ka tirsan Tv-ga AL-CARABIYA. Ilaha AL-CARABIYA ayaa sidoo kale sheegay in shan weerar oo dhinaca cirka ah oo Maraykanku ay la beegsadeen fariisimaha Xuutiyiinta ee koonfurta Sanca. Ilo wareedkeena ayaa ku waramaya in duqeymo dhanka cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyay Xarunta Dhexe ee Amniga iyo Guryaha Hogaamiyayaasha Xuutiyiinta ee Sanca. Sidoo kale duqeynta Mareykanka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin degmooyinka AL-sabciin iyo Bani AL-xarith ee caasimadda dalka Yemen.

GOBLKA SACDA:

Magaaladda Sacda waxaa ka dhacay duqeyn ba’an oo ey diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ey ka fuliyeen,duqeynta ayaa lala beegsaday Bakhaaradda Hubka ee Xuutiyiinta oo ku yaalo degmada Kitaf ee magaaladda Sacda Waqooyiga dalka Yemen. Afar duqeymo oo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa lala beegsaday bakhaarrada hubka ee Xuuthiyiinta oo ku yaalla degmada Kitaf ee magaalada Sacda. Saddex duqeymo oo dhanka cirka ah oo Mareykanka ayaa sidoo kale lala beegsaday fariisimo ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin agagaarka magaalada Sacda.

GOOBAHA IYO XERYAHA XUUTIYIINTA:

Ilo wareedyo AL-Carabiya u hadlay ayaa sheegay shalay in hogaamiyaha Xuuthiyiinta Abu Mohsen AL-Rasas lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Majzar ee Waqooyiga Ma'rib. Waxa ay intaa ku dartay in diyaaradaha Mareykanka ay todobo weerar la beegsadeen xeryaha iyo fariisimaha Xuutiyiinta ee degmada Madghal ee Marib. Waxa ay sidoo kale intaasi ku dareen in weerar kale oo dhanka cirka ah oo Mareykanka uu la beegsaday fariisimo iyo xeryo ay Xuutiyiintu ku leeyihiin degmada Xarib ee Gobolka Marib. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Xerooyinka Xuutiyiinta ee ku yaalla caasimadda Sanca lagu garaacay shan weerar oo dhanka cirka ah, iyadoo tobaneeyo kalena ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen gobolka AL-Maxwit oo ku yaalla Waqooyi-galbeed ee Sanca. Afar weerar oo dhinaca cirka ah ayaa sidoo kale lala beegsaday dekedda Saliida ee Raas Ciise ee Xudeyda, waxaana mid ka mid ah lala beegsaday bakhaarrada hubka Xuutiyiinta ee degmada Saxar ee Sacda, waxaana ku dhintay hal qof oo dumar ah mid kalena waa lagu dhaawacay. Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza, ka dib weerar ay Xamaas billaabeen 7-dii October 2023, Xuuthiyiinta ayaa qaaday tobannaan weerar oo ka dhan ah Maraakiibta mareysa Badda Cas, kuwaasoo ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil. 15-kii Maarso, 2025, Mareykanka ayaa billaabay howlgal milateri oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen si ay u joojiyaan weerarada ay ku hayaan Maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More