MARAYKANKA OO JOOJIN DOONO DUQEYNTA XUUTIYIINTA,SABAB?
(SAWIRKA)-CALAMADA USA IYO YAMAN.
(WASHINGTON)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqay in Maraykanka uu joojin doono duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta Yaman ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ey sheegeen “Ineysan dooneyn iney sii dagaalamaan”. Ma aha oo kaliyah iney dagaalamaan”ayuu Trump u sheegay Suxufiyiinta ka tirsan Aqalka Cad. “Ma rabaan oo kaliya…waan sharfi doonaa taas,waane joojin doonaa Qaraxyada”. Trump ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsanaayo Xuutiyiinta ey joogsan doonaansi deg deg ah”. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in shaqada ey tahay in la helo in la joojiyo weerarada Maraakiibta Ganacsiga ee mareeyso Badda Cas. Rubio oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri’ Haddii la joojiyo weerarada Maraakiibta inagane waan joojin doonaa”. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in “War aad u wanaagsan” uu xalay ka yimid “Ilo aad u wanaagsan”,in kastoo Madaxweyne Trump uusan xaqiijin cidda ey tahay. Madaxweyne Trump ayaa yiri”Way Go’aansadeen” waxa uuna raaciyey “Maraykankuna waa uu qaadan doonaa balanqaadkooda”. “Waxay sheegeen ineysan mar kale eysan weerari doonin Maraakiibta”. Taasine waa ujeedada aan u sameeynay weerarada Xuutiyiinta” ayuu raaciyey hadalkiisa isagoo tixraacaayo hawlgaladda dhinaca cirka ah ee Maraykanku ka fuliyey goobaha ey Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yaman. Dalka Maraykanka ayaa tan iyo bishii Maarso-2025-ka waxa uu duqeyey Xuutiyiinta ilaa 800-Bartilmaameed ey leeyihiin Xuutiyiinta,sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM 27-kii bishii Abriil-2025-ka. Dhinaca kale, Saldanada Cumaan ayaa xaqiijisay maanta oo Talaada ah in lagu Guuleystay dadaaladdii dhexdhexaadinta ahaa ee lagu doonaayey in xabad joojin la dhex dhigo Maraykanka iyo Xuutiyiinta Yaman. Arrintaan ayaa daba socoto wada hadallo xiriir ah oo dhawaan dhexmaray Saldanadda Cumaan iyo Maraykanka iyo masuuliyiinta ey khuseyso kuna sugan caasimadda Sanca ee dalka Yeman oo Xuutiyiinta, kuwaaso la doonaayo in lagu dejiyo xaaladda. Dadaaladaas ayaa waxaa ka dhashay xabad joojin ey gaareen labada dhinac ee Maraykanka iyo Xuutiyiinta Yaman.
SB-MEDIA.