MADAXWEYNAHA SURIYA OO GAARAY DALKA FARANSIISKA.

(SAWIRKA)-MW-AL-SHARAC IYO MACRON.

(PARIS)-Wararka laga helaayo caasimadda Faransiiska ee Paris ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Dalka Suriya Md.Axmed AL-Sharac oo ku sugan dalka Faransiiska uu maanta oo Arbaca ah sheegay in dalkiisa uu wada hadalo aan toos ahayn la yeelanaayo Isra’iil si looga hortago iney sii xumaato xiisada dhawaanahan soo korortay. Arrintaan ayaa timid xilli uu Madaxweyne AL-sharac uu khudbad ka jeedinaayey magaaladda baariis booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago Qaaradda Yurub tan iyo markii uu xilka dalka Suriya qabtay bishii Janaayo-2025-ka isagoo doonaayo inuu balaariyo xiriirka uu dalkiisa la leeyahay dalalka reer galbeedka. Isra’iil ayaa todobaadkii hore waxa ey duqeymo is daba joog ah ka fulisay qeybo ka mid ah dalka Suriya iyadoo sheegtay iney uga gol leedahay fal lagu difaacaayo dadka laga tirada badan yahay ee Duruuz-ka ah ee dalkaasi,kuwaaso ey weeraro kala kulmay kooxaha dawladda Suriya taageersan. Madaxweyen Axmed AL-sharac, isagoo Saxafiyiinta kula hadalyey magaaladda Paris ayuu sheegay in wada xaajoodyada lala gelaayo Isra’iil ayuu tilmaamay iney jiraan wada hadallo aan toos ahayn oo dhex-dhexedin ah oo lagu qaboojinaayo xaaladda si eysan u noqon mid faraha ka baxda. Si kastaba ha ahaatee AL-Sharac ma uusan cayimin cidda ey yihiin dhexdhexaadiyeyaasha. Booqashada AL-sharac ayaa ku soo beegantay iyadoo ey dib u soo cusboonaadeen rabshado diimeed ka dhacay dalka Suriya halkaaso Xukuumadda AL-sharac ey awooda la wareegtay ka dib markii jabhadda Xayat AL-Taxriir AL-shaam ey hogaamisay duulaankii xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-asad 8-dii bishii Disemba-2024-kii. Ex-MW-AL-asad oo ka tirsan Qawmiyadda Calawiyiinta ee laga tirada badan yahay ee Suriya ayaa xukunka haayey in ka badan labaatan sano. Midawga Yurub ayaa bilaabay dhimista Cunaqabateynta iyo joojinta talaabooyinka lagu bartilmaameedsanaayo Waaxyaha Saliida, Gaaska iyo Korontada dalka Suriya, iyo sidoo kale Gaadiidka,oo ey ku jiraan duulimaadyadda iyo xayiraad Bangiyadda.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SIRDOONKA TURKIGA OO QABTAY PAGERO U SOCDAY LUBNAAN.

Next
Next

MARAYKANKA OO JOOJIN DOONO DUQEYNTA XUUTIYIINTA,SABAB?