ISRA’IIL IYO MARAYKANKA OO WEERARAY DALKA YEMAN.
(SAWIRKA)- DIYAARADDA F-35.
(XUDEYDAH)-Wararka laga helaayo caasimadda Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka dalka Maraykanka ey seddex weerar oo dhinaca cirka ah ey ku qaadeen dekedda Raas Ciisa ee Gobolka Xudeydah,weeraradas mid ka mid ah ayaa lala beegsaday Xerada ciidamada ee Sawaad ee dhacda Koonfurta Sanca. Waqti sii horeeyey oo ah fiidnimada Isniinta ah,ciidamadda cirka ee Isra’iil ayaa sheegay iney duqeymo xagga cirka ah ku qaadeen dekadda Xudeydah ee dalka Yeman,maalin ka dib markii ey Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ey gentaal ku soo rideen meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Bin Guuriyon ee Isra’iil, ciidamadda Isra’iil bayaan ey soo saareen ayey ku sheegeen iney weerareen Argagixisada Xuutiyiinta kuwaso ku sugan Gobolka Xudeydah iyo Nawaaxigiisa. Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Xuutiyiinta Anis AL-Asbaxi ayaa sheegay in weerarada ey ku dhaawacmeen ugu yaraan ilaa 21-qofood, seddex ilo wareed ayaa soo sheegay in kooxda Xuutiyiinta ey xireen dhammaan wadooyinka soo gala Dekedda Xudeydah iyo Warshadda Shamiindada ee Baajil. Ilo wareedyada ayaa sheegay inaan la ogayn khasaaraha soo gaaray dekedda Xudeydah,balse inta uu la eg yahay weerarka iyo dabka uu geystay ayaa waxa uu sababay burbur xoogan oo soo gaaray qeybta Kontenarada. Laba ilood oo kale ayaa ku qiyaasay waxyeelada soo gaaray 70% ee shanta dekedu xirto,bakhaaradda iyo aaga kastamaha. Mid ka mid ah shaqaalaha Dekedda ayaa sheegay in shaqo joojin ey ku timid laba Markab oo kala dejinaayey shixnado isagoo xusay in gaadiidkii u kala gooshaayey uu gebi ahaanba staagay. Weli lama haayo war sugan oo ku saabsan inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarka Isra’iil ey ku qaaday Yeman habeenimada Isniinta,weerarka ayaa waxa ka qeyb qaatay ilaa 20-diyaaradood oo kuwa dagaalka ah,waxaane la soo sheegay in 48 ilaa 50-Gentaal lala beegsaday dekedda Xudeyda.
ISHA-SB-MEDIA.