XILDHIBAAN LIIBIYAAN AH OO SAWIRO LAGA QAADAY.

(SAWIRKA)-XILDHIBAANKA LA AFDUUBAY.

(TRIPOLI-LIBYA)-Wararka ka imaanayo caaassimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Xukuumadda Midnimo Qaran ey soo saartay bayaan adag ey ku cambaareyneyso wax ey ku Xukuumadu ku tilmaantay “Xirig Bahdi ah kana baxsan Bani’adanimada”oo lagu haayo Xildhibaan Ibrahim Dareesi oo ka tirsan Golaha Wakiiladda, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalo muujinaayo Xildibaanka oo ku jiro xaalad naxdin leh,kuna xiran meel mugdi ah, wejigiisana ey ka muuqato carro, jirkiisuna uu aad u daalan yahay. Dawladu waxa ey cadeysay in waxa dhacay ey u dhigan yihiin ”Xadgudub ka dhan ah sharafta aadanaha iyo weeraro qaawan oo lagu qaaday Qiyamka suuban”,iyadoo ku sifeysay goobta iney tahay mid soo xusuusineyso dhaqamada lagu yaqiinay nidaamka kali taliska ah. Xukuumadda ayaa ku nuux-nuuxsatay in khilaafkeeda kala dhexeeyo Xildhibaanka aanu ka hor istaageyn in Xukuumadu ey cambaareyso waxa loo geystay Xildhibaanka,iyadoo dhacdadani ey ku calaamadaisay “dembi dhammaystiran aan lagu cadeyn karin xaalad kasta ama qoraal kasta”. Xukuumadda Midnimo Qaran waxay si buuxda ula xisaabtamaysaa dhammaan dadkii ka qeybqaatay, qarinaayey,ama wax lug ah ku lahaa dhacdadaas,Xukuumadda ayaa si gaar ah u magacawday “Taliska Guud ee Bariga Libiya”, ka dib markii Xildhibaanka lagu arkay muuqaalka la faafiyey isagoo codsanaayo in la cafiyo. Bayaanka ayaa sidoo kale toos loogu eedeeyey aamusnaanta iyo ka jawaabid la’aanta uu sameeyey Gudoomiyaha Aqalka sare Caaqil Saalax ee la xiriirta xadgudubka loo geystay xildhibaanka,waxaane waxqabad la’aantiisa lagu sifeeyey iney tahay midaan la aqbali karin uuna kaga tegay masuuliyadiisii Siyaasadeed iyo mid Damiir. Xukuumadda midnimo Qaran ayaa ku baaqday in la sameeyo baaritaan caalami ah oo deg deg ah oo madax banaan,iyado uu kormeeraayo gudi xaqiiqa raadis ah si loo soo saaro xaaladaha shilka,loo hubiyo badbaadada Xildhibaanka,iyo in lala xisaabtamo dhammaan dembiileyaasha”Iyadoon loo eegin mansabyada ama waxa ey ka tirsan yihiin”. Xukuumada Midnimo Qaran ayaa ka digtay sii socoshada ku dhaqanka afduubka iyo xadgudubyada Xasaanadda Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka iyadoo aan lala xisaabtamin wax ey halis gelineysaa geedi socodka siyaasadda oo ey geliso jawi isla xisaabtan la’aan ah. Xukuumadda Midnimo Qaran waxay sheegtay in go’aamo kasta oo ka soo baxa Golaha Wakiiladu ey noqdaan kuwa ah “Jawi caga-jugleyn iyo maqnaansho dastuuri ah”aaney sharci ahayn. Waxay Xukuumadda Midnimo Qaran ku boorisay Xubnaha Golaha Wakiiladda iney “ka xoreeyaan rabitaan Golaha gacan ku haynta juqaraafiga Mileteri iyo gudoonka baarlamaanka iyo iney diidaan masuuliyad kasta oo lagu soo rogo go’aamada baarlamaanka ee ka baxsan rabitaanka wakiiladda shacabka”. Xildhibaan Ibrahim Dareesi ayaa la afduubay bishii Meey ee sannadkii hore 2024-kii,waxaane laga afduubay magaaladda Bengaazi ee dhacda bariga dalka Liibiya. Gen.Xaftar oo ey taageerto dawladda Imaaraatka Carabta ayaa gacanta ku haayo Bariga dalka Liibiya eyna mid yihiin magaalooyinka Bengaazi iyo Tabruuk, Generaalka ayaa mucaarad ku ah Xukuumadda Midnimo Qaran ee uu Reysal Wasaaraha ka yahay C/xamiid Dabiibah taaso fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Tripli,waxa eyna gacana saar wanaagsan la leh dalka Turkiga.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

ISRA’IIL IYO MARAYKANKA OO WEERARAY DALKA YEMAN.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMAN OO HANDADAY ISRAA’IIL.