XUUTIYIINTA YEMAN OO HANDADAY ISRAA’IIL.

(SAWIRKA)-MALEESHIYADA XUUTIYIINTA.

(SANA’A)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil sannadkii 2023-kii,Isra’iil-ne ey duqeyn aan kala go’olahay ku qaaday Marina Gaza ayey kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman waxa ey bilaabeen iney weeraro culus ku qaadaan Maraakiibta Ganacsiga ee maraysa biyaha Badda Cas,arrintaan ayaa khasabtay in caalamku uu wax ka qabto si Ganacsiga caalamka uu u noqdo mid xor ah. Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa bilaabay iney duqeymo dhinaca cirka ah ku qaadaan goobaha ey ku sugan yihiin Xuutiyiinta gudaha dalka Yeman. Hadaba, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay iney ka shaqaynayaan sidii ey Israa'iil ugu soo rogi lahaayeen "Go'doomin dhinaca hawada ah oo dhamaystiran" iyagoo si isdaba joog ah u bartilmaameedsanaya Garoomadeeda. War qoraal ah oo uu Axada maanta ah soo saaray afhayeenka milatariga kooxda Xuutiyiinta Yahya Sareec ayaa sidaas lagu sheegay, waxa uu intaas ku daray oo uu yiri "Waxaan ugu baaqaynaa diyaaradaha caalamiga ah iney joojiyaan dhammaan duulimaadyada ey ku tagayaan Israel si ey u ilaaliyaan badbaadada diyaaradahooda iyo macaamiishooda." Mar sii horreysay, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa bayaan muuqaal ah oo uu soo duubay ka hor kulanka la filayo inuu fiidnimada caawa ku sheegay in Israa’iil ey tallaabo ka qaadi doonto Xuutiyiinta sidii ey horeba u samaysay. Waxa uu sidoo kale intaasi ku daray in ciidamada Israel ey qaadi doonaan weeraro kale oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta Yemen. Waxa uuna tilmaamay in Israa’iil ey kala shaqeyneyso maamulka Mareykanka tallaabada ka dhanka ah Xuutiyiinta.

KULANKA AMNIGA:

Ilo u waramay TV-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in Israa’iil ey go’aansatay, shir amniga ka dib,iney ka jawaabto gantaalka laga soo riday Yemen. Horaantii maanta, madaxii hore ee shaqaalaha Isra’iil, ahna hogaamiyaha Xisbiga Midnimada Qaranka, Benny Gantz, ayaa ku booriyay mas'uuliyiinta Isra’il iney si toos ah u duqeeyaan Iran si ey uga jawaabaan gantaalka Xuutiyiinta. Hadalkan ayaa ku soo beegmay xili Wasiirka difaaca Israa’iil Yisrael Katz uu wacad ku maray inuu qaadi doono duqeymo laba jibaaran oo ka dhan ah Xuutiyiinta iyo cid kasta oo wax u dhimaysa amaanka dalkiisa. Waxa ey sidoo kale ku soo beegantay iyadoo kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada kaydka Isra’iil loo yeeray si loogu diyaar garoono weerar balaaran oo lagu qaado dhulka burburay ee Falastiin, sida ey masuuliyiin Isra’iil ahi sheegeen. SMaanta oo Axad ah ayey Xuutiyiintu Gantaal ku soo rideen meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa'iil, iyagoo sheegay in weeraradooda ey ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta ku sugan Qaza. Xuutiyiinta ayaa gantaalo iyo diyaarado Drones ah ku garaacay Israa’iil si ey u taageeraan dagaalyahannada Xamaas. Mareykanka ayaa tan iyo 15-kii bishii Maarso-2025-ka duqeymo ka waday goobaha ey Xuutiyiinta ka maamulka dalka Yeman.

ISHA-AL-CARABIYA.

Next
Next

MADAXAD QADAR IYO IMAARAATKA OO KA HADLAY…