MADAXAD QADAR IYO IMAARAATKA OO KA HADLAY…

(SAWURKA)-HOGAAMIYEYAASHA QADAR IYO IMAARAATKA.

(LONDON)-Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta ee Midoobe iyo Amiirka Dawladda Qadar ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal,kulanka ayaa ka dhacay Qasriga AL-shaadhi ee Abu Dhabi maanta oo Axad ah. Sheekh Maxamed Bin Zayid AL-Nahyan iyo Sheekh Tamim Bin Xamad AL-thani ayaa ka wada hadlay arrimaha Gobolka iyo tan caalamiga ah ee khuseeyo labada dal ee Imaaraatka iyo Qadar,iyagoo si gaar ah diiradda u saaray xaaladihii ugu dambeeyey ee Gobolka Bariga dhexe,waxayna wadageen fikrado ku saabsan dadaaladda wax looga qabanaayo. Hogaamiyeyaasha ayaa sahmiyey habka kor loogu qaadaayo iskaashiga faa’iidada iyo barwaaqada labada dal,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Imaaraatka Carabta. Saraakiil sar-sare iyo Wasiiro ayaa ka qeybgalay kulanka waxaane ka mid ah Sheekh Taxnuun Bin Zayid AL-Nahyan,Ku Xigeenka dhaxal sugaha Abu Dhabi ahne Taliyaha Amniga Qaranka, Reysal Wasaaraha dawladda Qadar ahne Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheekh Maxamed C/raxmaan Bin Jaasim AL-Thani.

XIGASHO-AN.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA YEMAN OO HANDADAY ISRAA’IIL.

Next
Next

SACUUDIGA OO SAARAY GANAAX IYO CIQAAB.