SACUUDIGA OO SAARAY GANAAX IYO CIQAAB.

(ASWIRKA)-KACBADA.

(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan-2025-ka waxa uu soo saaray digniino isdaba joog ah kuna saabsan gudashada Xajka ee sannadkan-2025-ka. Sacuudiga ayaa sheegay in Fiisaha Cumrada bixintiisa ey ku ekeed 13-ka Abriil-2025-ka halka dadka soo galay Sacuudiga iyagoo wata Fiisooyin kala duwan loo qabtay iney dalka isaga baxaan ugu dambeyn 29-ka bisha Abriil 2025-ka,qofkii sii joogane uu muteysan doon ganaax lacageed oo gaaraayo ilaa shan kun oo doolaarka Maraykanka ah iyo tarxiil shan sano iyo ka badan uusan dib ugu soo laaban karin dalka Sacuudiga,hadaba maanta maxaa soo kordhay? Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa xaqiijisay in la ganaaxi doono ganaax dhan 100-kun oo Riyaalka Sacuudiga ah una dhiganta $375,02.49 doolarka Maraykanka ah qof kasta oo gabaad ama isku daya inuu hooy uu galo siiya dadka Fiisaha sita nuucuu doono ha ahaadee,goobaha la sheegay ayaa kala ah”Huteelo,Guryo,Guryo gaar loo leeyahay,Hooyga,Guryaha Xujaayda IWM),qarinta dadka heysto Fiisayaal kale oo aan ahayn Xajka cidii gargaarto amaba ku qariya goobaha barakaysan waa la ciqaabi doonaa. Hawshaan ayaa soo bilaabatay kowda bisha 11-aad ee sannadka Hijriyadda-1446-ka taaso maanta maraysa lix,waxa eyna dhammaan doontaa 14-Carafo-1446-ka,ganaax kasta waxaa lagu dhufan doonaa tirada dadka ku xad gudbay sharciga cusub. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa ugu baaqday cid walba iney u hogaansanto nidaama iyo awaamirrta Xajka,kaaso ujeedadiisu tahay in la ilaaliyo Amniga iyo badbaadada Xujaayda si ey u gutaan cibaadadooda si sahlan oo maskaxi ku jirto.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

MADAXAD QADAR IYO IMAARAATKA OO KA HADLAY…

Next
Next

MARAYKANKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA KUN JEER.