MARAYKANKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA KUN JEER.

(SAWIRKA)-SANCA.

(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in dalka Maraykanka uu xoojiyey duqeymaha ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,ilo wareedyo ku sugan gudaha dalka Yeman lana hadlay Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsaday Dekedaha Raas Ciisa iyo Kamaraan ee degmada Saliif ee Gobolka Xudeyda,ilo wareedka ayaa intaas raaciyey in maanta oo Axad ah in diyaaradaha Maraykanka ey duqeyn xoogan la beegsadeen koonfurta magaaladda caasimadda ah ee Sanca. Waqti sii horeeyey ayaa lix weerar oo dhanka cirka ah ayey diyaaradaha dalka Maraykanka la beegsadeen xerooyin tababar oo ey Xuutiyiintu ku leeyihiin degaanka Khamiis bani Sacad ee Gobolka Maxwiit ee dhaca Waqooyi-Galbeed caasimadda Sanca,duqeynta ayaa sababtay dhimasho iyo dhawaaca tobaneeyo maleeshiyaad ah oo ka tirsan Xuutiyiinta. Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee Marinka sannadkii 2023-kii, kooxda Xuutiyiinta ey taageerto Iraan ayaa tobanaan weerar waxa ey ku qaadeen Maraakiibta Ganacsiga ee maraysa Badda Cas iyagoo ku doodaayo iney qalab u daabulayaan Isra’iil,sidoo kale, waxay Xuutiyiintu dhawr jeer ku dhawaaqeen iney Gentaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin iney ku weerareen Isra’iil. Xuutiyiinta ayaa hakiyey weeraradooda ka dib markii xabad joojin looga dhawaaqay Marinka Gaza 19-1-2025-ka ka dibne waxa ey dib u bilaabeen weeraradooda iyagoo kaga jawaabaayo dagaalka dib uga dhex qarxay Isra’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza,heshiiska xabad joojinta ee u dhexeeyey Isra’iil iyo Xamaas ayaa burburay 18-kii Maarso-2025ka,waxa eyna Xuuyiintu wacad ku mareen iney sii xoojin doonaan weeraradooda ilaa inta Isra’iil ey ka joojineyso duqeynta Marinka Gaza. Tan iyo 15-kii Maarso ee sannadkan-2025-ka Maraykanka waxa uu bilaabay olole maalinle ah oo ku dhaw duqeymo ka dhan ah fariisimada Xuutiyiinta Yeman, waxaane lagu soo waramayaa in kooxda Xuutiyiinta iney ku jawaabeen dhawr weerar oo ey la beegsadeen Markab laga leeyahay dalka Maraykanka oo maraayey Badda Cas. 29-kii bishii Abriil-2025-ka,Wasaaradda G/dhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa sheegtay in ciidamadda Maraykanka ey duqeeyeen in ka badan kun bartilmaameed ey leeyihiin Xuutiyiinta dalka Yeman marka laga soo bilaabo 15-kii Maarso ee sannadkan-2025-ka.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SACUUDIGA OO SAARAY GANAAX IYO CIQAAB.

Next
Next

DALKA URDUN OO XUKUN ADAG KU RIDAY DAD LAGU HELAY….