DALKA URDUN OO XUKUN ADAG KU RIDAY DAD LAGU HELAY….
(SAWIRKA)-BOOLISKA URDUN.
(AMMAN)-Fadhi gaar ah oo qabsoomay maanta oo Arbaca ah, ayey Maxkamada Amaanka ee Dawladda Urdun,waxa ey 4-ka mid ah 16-ka eedeysane oo horay loo soo qabtay ku xukuntay min 20-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed ka dib markii lagu helay eedeymihii lagu soo oogay. Maxkamada ayaa go’aankeeda soo saartay ka dib markii eedeysanayaasha lagu soo qabtay walxaha Qarxa,Hub iyo Rasaas la doonaayey in si sharci dara ah loo isticmaalo isla markaasne ey ku keceen falal khalkhal gelinaayo Amniga iyo Nabadgelyada bulshada,taaso ka hor imaaneysa sida uu dhigaayo sharciga la dagaalanka Argagixisada. Sidoo kale,Maxkamada ayaa cadeysay in eedeysanayaasha lagu soo qabtay agabyo laga sameeyo Qraxyada,Hub iyo Rasaas aad u fara badan,ka dib markii Hayadaha Amaanka ey heleen xog la xiriirta dembiileyaasha waxa eyna sameeyeen hawlgal culus. Maxkamada ayaa ogaatay in walxaha Qarxa ee la qabtay ey ahaayeen walxo uu qaraxoodu aad u sareeyo,loona tixgeliyey iney yihiin kuwa wax burburiya kuna haboon in loo isticmaalo weeraro,isla markaasne waxyeelo u geysan kara nolosha dadka, waxyeeleyn karana hantida dadweynaha iyo amniga guud ee dalka. Maxkamada waxay soo gabgabeysay iyadoo la eegaayo halista falkan wax u dhimaya Amaanka iyo nabadgelyada,khatarna gelinaayo Amaanka bulshada,khatar gelinaayo amaanka guud iyo xasiloonidda,Maxkamdu waxa ey ogaatay iyadoo la raaceyso xaqiiqooyinka laga soo saaray kiiskan,in ciqaabta ka dhanka ah Eedeysanayaasha la kordhiyo si iyaga iyo dadka kale aaney ugu dhiiran iney ku kacaan falalkaan foosha xun,si loo gaaro mabda’a ka hortaga guud iyo ilaalinta gaarka ah ee bulshada reer Urdun. Waxaa xusid mudan in kiiskaan qeyb ka yahay qorshe dhawaan ey dawladda Urdun ku dhawaqday kaaso soo bilawday sannadkii 2021-kii,waxa eyna ciidamada Amaanka soo qabteen eedeysanayaal bartamihii sannadkii 2023-kii,waxaane kiiskaas loo gudbiyey Xeer ilaalinta Qaranka, taaso iyana u gudbisay Maxkamada Amniga Qaranka. Dhegaysiga dacwada ayaa bilawday bilo ka hor,kiisaskii kale ee dhawaan la shaaciyey ey weli horyaaliin hayadaha garsoorka dalka Urdun.
ISHA-AA.