SACUUDIGA OO SAARAY AMARO AAD U CULUS.

(SAWIRKA)-KACBADA.

(RIYAD-KSA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad ayaa sheegaayo in Xukuumadda Sacuudiga ey soo saartay amaro culus kuna saabsan Xajka sannadkan 2025-ka. Iyada oo ey qeyb ka tahay ololaha loogu magac daray”XAJ MA JIRO OGOLAANSHO LA’AAN”. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday ganaax lacageed oo dhan ilaa 20-kun oo Riyaalka Sacuudi ah una dhiganta $5,332.36 doolarka Maraykanka in laga qaadi doono qof kasta oo lagu qabto isagoo gudanaayo amaba isku dayaya inuu Xajiyo fasax la’aan marka laga bilaabo taariikhdu markeey tahay 1/11/1446 kuna beegan (29/4/2025) ilaa 14/12/1446 kuna beegan (10/6/2025)-da. Xadgudubka waxaa sidoo kale ka mid ah dadka haysta dhammaan nuucyada fiisha booqashada ama kuwa isku dayaya iney galaan amaba joogaan magaaladda Makah iyo goobaha barakaysan ee ku dhexyaalo aaga Juqaraafi ee soo socdo”Magaaladda Makah iyo albaabadeeda rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn,aaga dhexe,goobaha barakaysan,saldhiga tareenka ee Xarameyn wadadiisa,marka lagu daro koontaroolada ku meel gaarka ah ee amniga,xarumaha kala soocidda iyo isbaarooyinka”. Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Boqortooyadda Sacuudiga qoraal ey soo saartay laguna daabacay barta X oo horay loo oran jiray Twitter ayaa lagu sheegay in dadka ku dhuunta Xajka ha ahaadeen kuwa degan dalka Sacuudiga ama ha ahaadeen kuwa aan deganeyn Sacuudiga waxaa dalka Sacuudiga laga mamnuuci doonaa iney soo galaan muddo dhan ilaa toban sano,ka dib marka dalka laga tarxiilo.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

DALKA URDUN OO XUKUN ADAG KU RIDAY DAD LAGU HELAY….

Next
Next

MARAYKANKA OO XANUUJIYEY XUUTIYIINTA YEMAN.