MARAYKANKA OO XANUUJIYEY XUUTIYIINTA YEMAN.
(SAWIRKA)-BURBURKA KA DHASHAY DAGAALKA YEMEN.
(YEMEN)-Tan iyo marka laga soo bilaabo bishii seddexaad ee Maarso ee sannadkan-2025-ka waxaa weeraro aan kala go’o lahayn oo dhinaca cirka ah ey ku socdeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan,weeraradaan ayaa waxaa fulinaayey ciidamadda Cirka ee dalka Maraykanka kuwaaso fadhigoodu yahay Gacanka Cadmeed. Hadaba,ilo wareedyo u waramay Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah uu Maraykanka la beegsaday saldhig ey Xuutiyuuntu ku leeyihiin degmada AL-Xawk ee Gobolka Xudeyda,warku waxa uu intaa ku daray in duqeynta si gaar ah loola beegsaday afar goobood ey Xuutiyiintu ku sugnaayeen. Maqribnimadii shalay oo Isniin ahayd Warbaahinta taabacsan Xuutiyiinta ayaa xaqiijisay in magaaladda caasimadda ah ee Sanca lala beegsaday duqeymo isdaba joog ah oo aan tiradooda la cayimin. Ilo wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya kuna sugan gudaha dalka Yeman ayaa xaqiijiyey in afar duqeymood lala bartilmaameedsaday goobo ey Xuutiyiinta kaga sugnaayeen caasimadda Sanca sida”AL-Nahda,Xerada Ciidamada Qalabka sida ee koowaad ee Waqooyiga-galbeed ee sanca”,waxaane seddex duqeymood lala beegsaday xarunta dhexe ee Ciidamadda mileteriga ee ku taalo Xerada AL-Sawaad ee koonfurta caasimadda Sanca una dhaw suuqa caanka ah ee shumeyla. Dhinaca kale, diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa duqeymo aan hore loo arag ku bartilmaameedsaday fariismo ey Xuutiyiintu ku leeyihiin degaano ku xeeran caasimadda Sanca ey maamulaan Xuutiyiinta. Sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka Xuutiyiinta weeraradaan waxaa ka mid ahaa weeraro xiriir ah oo lala beegsaday batilmaameedyo kala duwan oo ku yaalo degmada Bani-Madhar ee dhacda galbeedka Sanca, iyo weerar kale oo isna lala beegsaday xero ey Xuutyiintu ku leeyihiin degmada Hamdaan ee dhacad Waqooyiga caasimadda,dhammaan degmooyinkaan aan soo sheegnay ayaa maamul ahaan waxa ey hoostagaan Gobolka Sanca. War ey soo saartay Wasaaradda difaac dalka Ingiriiska maanta oo Arbaca ah ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ey ka qeyb qaateen hawlgal Mileteri oo wadajir ah oo Talaadadii shalay ka dhacay dalka Yeman. Warku waxa uu intaas ku daray in weerarku uu dhacay waqti mugdi ah,markii ey yaraatay suurtagaknimada in dadka rayidka ah ey ku sugnaadaan goobahaas,waxa eyna intaa ku dareen in diyaaradaha fuliyey hawlgalka ey si nabad ah ku soo laabteen. Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo kooxda Xamaas ka dib markii Xamaas ey weerartay Israa’iil 7-dii bishii Oktoobar-2023-kii, kooxda Xuutiyiinta ey qaaday tobonaan weerar oo ka dhan ah Maraakiibta mareysa biyaha Badda Cas kuwaaso Xuutiyiintu ey ku sheegeen iney xiriir la leeyihiin Isra’iil. Maarso,15-keedi-2025-ka Maraykanka ayaa bilaabay hawlgal Mileteri oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yeman si loo joojiyo weerarada ey ku hayaan Maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
ISHA-SB-MEDIA.