WADA HADALADDA QAAHIRA IYO ISMARI WAAGA KA JIRA…

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(CAIRO)-Wararka ka imaanyo caasimadda dalka Masar ee Qaahiro ayaa sheegaayo in wada hadaladdii u dhexeeyey Isra’iil iyo Ururka Xamaas ey dhaqaaqi la’ayihiin sababo la xiriiro kooxda Xamaas. Laba ilo wareed oo dhanka Amniga kana tirsan dalka Masar ayaa Wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Isniinta maanta ah wada xaajoodyadii u dhexeeyey Xamaas iyo Isra’iil ee ka socday Qaahira laguna doonaayey in xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza laga sameeyey horumar aad u weyn. Ila wareedyada ayaa sheegay in la isku raacsan yahay Xabad-Joojin muddo dheer ah oo laga sameeyo Marinka Gaza ee hadda go’odoonsan,laakin qaar ka mid qodobadda ayaa shaki weli ka taagan yahay waxaane ka mid ah Hubka Xamaas. Telefishan Qaranka Masar ee Qaahira New Channel ayaa goor sii horeysay sheegay in Taliyaha Sirdoonka Masar Xasan Maxamud Rashaad la qorsheeyey inuu la kulmo wafdiga reer Isra’iil ee uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Istaraatiijiyadda Ron Dermer maanta oo Isniin ah. Telefishanka Qahira News Channel ayaa intaas raaciyey in kulankan uu ku yimid qaabkii ey dawladaha Qadar iyo Masar ugu dadaalayeen in dib loo bilaabo Xabad joojinta u dhexeysa Xamaas iyo Isra’iil ee Marinka Gaza.

XIGASHO-AA.

Next
Next

GUDIGI XAMAAS OO KA LAABTAY QAAHIRA.