GUDIGI XAMAAS OO KA LAABTAY QAAHIRA.

(SAWIRKA)-KHALID MASHCAL.

(CAIRO)-Wafdi ka socday Xamaas ayaa ka ambabaxay magaaladda Qaahira ka dib markii ey soo dhammaysteen la tashiyo ey la lahaayeen masuuliyiinta Masar oo ku saabsanaay dejinta Marinka Gaza. War qoraal ah oo la soo dhigay barta Telegaraam-ka ee Xamaas ayaa u qornaa sidan:”Wafdigu waxay dib u eegis ku sameeyeen aragtida Xamaas ee ah in la gaaro xabad joojin,maxaabiis isdhaafsi,gargaar iyo dib u dhis. Waxaa la isku raacay in la sameeyo dadaalo dheeri ah lana sii wado xiriirka si loo xaqiijiyo guusha dadaaladaas”. Sida lagu sheegay bayaanka,xaaladda bai’adinimo ee sii xumaaneysa ee Marinka Gaza ka dib laba bilood oo go’doomin ah,iyadoo lagu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in si deg deg ah wax looga qabto xaaladda si loo xaqiijiyo gaarsiinta saadka iyo baahiyaha aasaasiga ah ee dadka degan Marinka Gaza. Bayaanka ayaa lagu sheegay in wafdiga uu ka mid yahay Madaxa Golaha Hogaanka Xamaas, Maxamed Darwiish,iyo xubnaha Golaha ee haray, Khalid Mashcal ,Khalid AL-Xayah, Zahir Jabarin iyo Nizar Cawadallah.15-kii Janaayo,Isra’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey in la sii daayo maxaabiista ku xiran Gaza iyo in xabad joojin lagu soo rogo Marinka Gaza. Heshiiskan oo ka kooban seddex weji ayaa waxaa u dhaqan galay 19-kii Janaayo,wejiga koowaad ee heshiiska ayaa ku ekaa 1-dii Maarso-2025-ka,waxaane lagu weday in wejigiisa koowaad ey ku heshiiyeen sidii loo dhaqan geli lahaa wejiga labaad ee xabad joojinta balse taasi ma eysan dhicin. 18-kii Maarso,Mileteriga Isra’iil ayaa dib u bilaabay hawlgaladoodii dagaalka ee Marinka Gaza, iyagoo bilaabay weeraro xoogan oo ka dhan ah dhulkaas. Xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ayaa ku macneeyey in tani ey sabab u tahay diidamada Xamaas ey diiday soo jeedinta ey soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha iyo Ergayaga Maraykanka Witkoff intii uu socday wada hadalka isagoo xusay in hadafka hawlgalka Marinka Gaza uu ahaa in la sii daayo dhammaan Maxaabiista reer Isra’iil.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

WADA HADALADDA QAAHIRA IYO ISMARI WAAGA KA JIRA…

Next
Next

MARAYKANKA IYO IRAAN OO KU KULMAY MASQAT.