MARAYKANKA IYO IRAAN OO KU KULMAY MASQAT.

(SAWIRKA)-WSIIR CARAQJI.

(MASQAT)-Ka dib markii la soo gabagabeeyey sagaal saacadood oo wada xaajood ah oo ka socday Saldanada Cumaan oo u dhexeeyo Iraan iyo Maraykanka oo ku saabsan arrinta Nukliyeerka ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Cumaan Badr AL-Buseydi ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in wada hadaladda Maraykanka iyo Iraan ey socon doonaan ilaa todobaadka soo socdo. Wasiir AL-Buseydi isaga oo ka hadlaayo wada hadaladda Maraykanka iyo Iraan kuna saabsan Nukliyeerka dalka Iraan ayuu bartiisa X waxa uu soo dhigay qoraal u qoran Sidan:”Wada hadaladda Maraykanka iyo Iraan ayaa maanta xaqiijiyey hamiga la wadaago ee ah in la gaaro heshiis ku saleyan Ixtiraam labada dhinac ah iyo balan qaadyo waara. Mabaadii’ida Asaasiga ah,ujeedooyinka iyo tabashooyinka farsamada dhammaantood waa la xaliyey. Wada hadaladda ayaa sii socon doono todobaadka soo socdo iyadoo shir kale oo heerkiisu sareeyo oo si ku meel gaar ah loo qorsheeyey inuu qabsoomo taariikhdu markeey tahay 3/5/2025-ka”. Dhankiisa,afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Iraan Ismaeil Baqaei ayaa sheegay in wada xaajoodka dadban uu ku dhacay wanaagsan,waxa uuna intaas ku daray in bartiisa X ee horay loogu yaqiin Twitter-ka ku sheegay ka hir inta aan la soo afjarin wada hadaladda Sabtida in labada dhinac(Maraykanka iyo Iraan) ey is weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo fududeyn lahaa cunaqabateynta si ficil ah,loona dhisi lahaa is aaminaad ku saabsan dabeecadda nabadeed ee barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iraan. Waxay sidoo kale ka hadleen ‘Ilaalinta Xaqa ey Iraan u leedahay isticmaalka nabdoon ee tamarta Nukliyeerka”ayuu yiri. Wada hadaladan oo maanta ka furmay magaaladda Masqat ee dalka Cumaan ayaa ahaa kuwa isugu jira farsamo iyo kuwa diblomaasiyadeed. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iraan Cabaas Caqraji ayaa hogaaminaayey wafdiga dalka Iraan,halka wafdiga dalka Maraykanka uu hogaaminaayey ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff. Ergada farsamada ee dalka Iraan ayaa waxaa ka mid ahaa Majeed Takhat Rawaanji iyo Kaadim Qareeb halka wafdiga Maraykanka uu ka koobnaay ilaa iyo laba iyo toban qofood waxaa Madax u ahaa Micheal Anton. Labada dal (Maraykanka iyo Iraan) ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay kulamo ku kala yeeshay magaalooyinka Masqat iyo Romekuwaaso lagu tilmaamay kuwa wax dhisaayo oo togan. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay rajo ka muujiyey in heshiis lala gaaro dalka Iraan kaaso ku saabsan Nukliyeerkeeda.

Previous
Previous

GUDIGI XAMAAS OO KA LAABTAY QAAHIRA.

Next
Next

WEERARADA MARAYKANKA EE XUUTIYIINTA OO NOQDAY JOOGTO.