WEERARADA MARAYKANKA EE XUUTIYIINTA OO NOQDAY JOOGTO.
(SAWIRKA)-SANCA-YEMEN.
(YEMEN)-Mareykanka ayaa sii waday duqeymaha ku dhow maalinlaha ah ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen tan iyo 15-kii bishii Maarso. Xaaladihii ugu dambeeyay, duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanku ka geystay magaalada Sirwah ee Gobolka Ma'arib ee Waqooyi bari Yemen, ayaa Sabtida maanta ah lala beegsaday Gaari siday Shidaal ah oo ay leeyihiin Xuuthiyiinta, sida uu sheegay Wariye ka tirsan Tv-ga AL-CARABIYA. Ilaha AL-CARABIYA ayaa sidoo kale sheegay in shan weerar oo dhinaca cirka ah oo Maraykanku ay la beegsadeen fariisimaha Xuutiyiinta ee koonfurta Sanca. Ilo wareedkeena ayaa ku waramaya in duqeymo dhanka cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyay Xarunta Dhexe ee Amniga iyo Guryaha Hogaamiyayaasha Xuutiyiinta ee Sanca. Sidoo kale duqeynta Mareykanka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin degmooyinka AL-sabciin iyo Bani AL-xarith ee caasimadda dalka Yemen.
GOBLKA SACDA:
Magaaladda Sacda waxaa ka dhacay duqeyn ba’an oo ey diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ey ka fuliyeen,duqeynta ayaa lala beegsaday Bakhaaradda Hubka ee Xuutiyiinta oo ku yaalo degmada Kitaf ee magaaladda Sacda Waqooyiga dalka Yemen. Afar duqeymo oo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa lala beegsaday bakhaarrada hubka ee Xuuthiyiinta oo ku yaalla degmada Kitaf ee magaalada Sacda. Saddex duqeymo oo dhanka cirka ah oo Mareykanka ayaa sidoo kale lala beegsaday fariisimo ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin agagaarka magaalada Sacda.
GOOBAHA IYO XERYAHA XUUTIYIINTA:
Ilo wareedyo AL-Carabiya u hadlay ayaa sheegay shalay in hogaamiyaha Xuuthiyiinta Abu Mohsen AL-Rasas lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Majzar ee Waqooyiga Ma'rib. Waxa ay intaa ku dartay in diyaaradaha Mareykanka ay todobo weerar la beegsadeen xeryaha iyo fariisimaha Xuutiyiinta ee degmada Madghal ee Marib. Waxa ay sidoo kale intaasi ku dareen in weerar kale oo dhanka cirka ah oo Mareykanka uu la beegsaday fariisimo iyo xeryo ay Xuutiyiintu ku leeyihiin degmada Xarib ee Gobolka Marib. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Xerooyinka Xuutiyiinta ee ku yaalla caasimadda Sanca lagu garaacay shan weerar oo dhanka cirka ah, iyadoo tobaneeyo kalena ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen gobolka AL-Maxwit oo ku yaalla Waqooyi-galbeed ee Sanca. Afar weerar oo dhinaca cirka ah ayaa sidoo kale lala beegsaday dekedda Saliida ee Raas Ciise ee Xudeyda, waxaana mid ka mid ah lala beegsaday bakhaarrada hubka Xuutiyiinta ee degmada Saxar ee Sacda, waxaana ku dhintay hal qof oo dumar ah mid kalena waa lagu dhaawacay. Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza, ka dib weerar ay Xamaas billaabeen 7-dii October 2023, Xuuthiyiinta ayaa qaaday tobannaan weerar oo ka dhan ah Maraakiibta mareysa Badda Cas, kuwaasoo ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil. 15-kii Maarso, 2025, Mareykanka ayaa billaabay howlgal milateri oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen si ay u joojiyaan weerarada ay ku hayaan Maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
ISHA-AL-CARABIYA.