LUBNAAN OO MEEL ISKA SAARATAY XIZBULLAHI,SABABTA?
(SAWIRKA)-XASAN NASRALLAH.
(BEIRUT)-Tan iyo markii awooda Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan eyna tageerto Iraan ey hoos u dhacday, ka dib markii khasaaro xoogan ey ka soo gaartay dagaaladdii uu la galay Isra’iil sannadkii hore-2024-kii,ayey masuuliyiinta Lubnaan waxa ey bilaabeen iney xoojiyaan gacan ku haynta garoonada Diyaaradaha dalka Lubnaan. Saraakiisha sare ee Amaanka iyo Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in shaqada laga eryey tobanaan ka mid ah shaqaalaha garoonka Diyaaradaha kuwaaso looga shakiyey iney ka tirsan yihiin Ururka Xizbullahi. Iyadoo la adeegsanaayo Teknoolojiyadda Cusub ayey saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amaanka ey sheegeen in wadanku uu ka shaqeynaayo sidii loo rakibi lahaa Teknoolojiyada cusub oo ilaalin ah oo ey ku jiraan Sirdoonka Macmalka ah(AI),sida uu qoray Wargayska caanka ah ee WALL STREET. Shaqaalaha dhulka ayaa sidoo kale tilmaamay ineysan hadda ka helin amaro Madaxdooda kuwaaso ah in diyaaradaha iyo rakaabka qaarkood laga dhaafo baaritaanka halka duulimaadyada Iraan la hakiyey tan iyo bishii Feberaayo-2025-ka. Dhinaca kale, Reysal Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salaam,ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu dhigay mukhalasiin lana horgeyn doono Maxkamadda sida uu qabo sharciga,”Waxaad dareemi kartaa farqiga u dhexeeyo….Waxaan sameyneynaa horumar xaga la dagaalanka tahriibka markii ugu horeysay taariikhda casriga ah ee dalka Lubnaan”ayuu yiri RW-Nawaaf Salaam. Iyadoo saraakiisha ciidamada Maraykanka iyo Isra’iil ey muujiyeen sida ey ugu qanacsan yihiin talaabooyinka ey Xukuumadda Lubnaan ku xadideyso maamulka Ururka Xizbullahi ee garoonada diyaaradaha kale iyo goobaha kale ee dalka laga soo galo,waxay carabka ku adkeyeen baahida loo qabo dadaaladda dheeraadka ah. Saraakiisha Maraykanka ayaa sidoo kale rajo ka muujiyey in si taxadar leh ey u maamulaan dawlad goboleedyada iyo ciidamada la geynaayo koonfurta. “Waxaa jirto sabab rajo ah”,ayuu yiri sarkaal sare oo Maraykan ah oo xubin ka ah gudiga caalamiga ah ee kormeeraya xabad joojinta koonfurta Lubnaan. “Lix ama todobo bilood kaliyah ayaa laga joogaa,waxaane gaarnay heer aanan markii hore hubin in la gaari doono”. Ciidamadda Amaanka Lubnaan ayaa dhawaan fashiliyey isku day in ka badan 22-kiilogaram oo Dahab ah oo la doonayey in si Tahriib ah Ururka Xizbullahi garoonka looga soo dejiyo,sida uu sheegay sarkaal sare oo dhanka amaanka ah. Waxaa xusid mudan in dawladda Maraykanka ey marar badan ku nuuxnuuxsatay,markii uu booqaday ergayga Maraykanka Morgan Ortagus,baahida loo qabo in la xakameeyo garoonka lagana hortago hub iyo dhaqaale si qarsoodi ah loogu geeyo Ururka Xizbullahi. Sida la wada xusuusto,Ururka Xizbullahi waxa uu lumiyey tobonaan ka mid ah Madaxdiisa sare intii uu socday dagaalka u dhexeeyey iyaga iyo Isra’iil,sidoo kalane,Waxa uu Ururka Xizbullahi lumiyey marin weyn uu hubka sharci darada ah ee uga yimaado dalka Iraan oo sii mara dalka Suriya, ka dib markii uu dhacay afgembigii xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-asad bishii Diseembar-2024-kii. Ururka Xizbullahi ayaa sidoo kale wajahaayo dhibaatooyin la taaban karo oo dhanka tahriibka badda ah taaso adkeyneysa in Ururka Xizbullahi uu dib u dhisto ciidamadiisa iyadoo eysan jirin wax dhaqaale ah.
ISHA-AA.