TRUMP OO BOOQAN DOONO DALALKA KHALIIJKA.

(SAWIRKA)-TRUMP IYO MAXAMED BIN SALMAN.

(WASHINGTON)-Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu rajaynaayo inuu booqdo dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Imaaraatka Carabta. Aqalka Cad ayaa horay u mudeeyey 13 ilaa 16-ka bishan Meey-2025-ka in Madaxweyne Trump uu booqan doono Gobolka Bariga dhexe. Dhinaca kale, Shabakada Wararka ee AXIOS lagana leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha Khaliijka ey shir Madaxeed la yeelan doonaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kaaso todobaadka soo socdo booqan doono caasimadda Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Sida laga soo xigtay mareegaha, Trump ayaa soo bandhigi doono aragtida dalkiisa ee ku aadan arrimaha G/Bariga Dhexe inta uu socdo kulanka Madaxda uu la yeelanaayo, sidoo kale, Trump waa inuu cadeeyaa Siyaasadiisa mudnaanta leh ee Gobolka Bariga dhexe. Dhinaca kale, saraakiisha Maraykanka ayaa xaqiijiyey in socdaalka Madaxweyne Trump ee dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Imaaraatka uu diiradda ku saari doono arrimaha labada dal, gaar ahaan Maalgashiga,Iibka hubka iyo Iskaashiga dhinaca sirdoonka Macmalka ah(AI), sida laga soo xigtay Wargayska AXIOS. Madaxweyne Trump ayaa mar kale doortay inuu booqashadiisa dibadda ka bilaabo caasimadda Riyad isagoo dib ugu soo laabtay Boqortooyada Sacuudiga ka dib booqashadiisii hore ee uu ku tegay Madaxtinimadiisii ugu horeysay 2017-kii. Doorashadiisa Sacuudiga ayaa mar kale muujineyso qoto dheeridda xiriirka Istaraatiijiyadeed ee taariikhiga ah ee u dhexeeyo Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya.

ISHA-AA.

Previous
Previous

LUBNAAN OO MEEL ISKA SAARATAY XIZBULLAHI,SABABTA?

Next
Next

(MASQAT): MARAYKANKA IYO IRAAN OO KULMI DOONO AXADA.