(MASQAT): MARAYKANKA IYO IRAAN OO KULMI DOONO AXADA.

(SAWIRKA)-CALAMADA IRAAN IYO MARAYKANKA.

(MASQAT)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Saldanada Cumaan Badr AL-Buseydi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka(X) ku sheegay ka dib isku xirka dawladaha Iraan iyo Maraykanka si loo bilaabo wareega afaraada ee wada hadalka Nukliyeerka Iraan ayaa la qorsheeyey inuu magaaladda Masqat ee dalka Cumaan ka furmo maalinta Axada ah ee soo socoto. Arrintaan ayaa timid ka dib markii dib loogu balamay wada hadaladda u dhexeeyo Maraykanka iyo Iraan kaaso markii hore lo qorsheeyey inuu dhaco maalinta sabtida ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ku tilmaantay wada hadaladda Maraykanka iyo Iraan iney ku socdaan jawi saaxibtinimo oo waxtar leh oo la doonaayo in la isugu soo dhaweeyo fikradaha. Dhinaca kale, ilo ku sugan Washington oo xog-ogaal u ah wada hadaladda oo codsaday inaan la sheegin magacooda ayaa sheegay in ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Gobolka Bariga Dhexe Steve Wikoff uu maalinta Axada ah tegi doono dalka Cumaan si uu uga qeybgalo wareega afaraad ee wada hadaladda. Waxa uu intaas raaciyey”Sidii horeba, waxaanu fileynaa in aanu yeelano doodo toos ah iyo kuwa dadban”sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Press. Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan Cabaas Caraqji ayaa xaqiijiyey in Iraan ey ogolaatay in wareega afaraad la qabto Axada laguna qabto caasimada Cumaan ee Masqat, taaso hogaamineysay dadaaladda dhexdhexaadinta ah muddo todobaadyo ah. “Saaxibadeyna Cumaan ayaa inoo soo jeediyey Axada, waane ku heshiinay”ayuu Caraqji ku yiri muuqaal ey baahisay Warbaahinta Iraan,waxa uu intaa ku daray “Wada xaajoodkii hore waxa ey u socdeen si dabiici ah,inta aanu sii soconane waxaa la kordhinayaa wada tashiyada loo baahan yahay iyo waqti badan ey ergadu u baahan tahay si ey arrimaha dib u eegis ugu sameeyaan”.

ISHA-AA.

Previous
Previous

TRUMP OO BOOQAN DOONO DALALKA KHALIIJKA.

Next
Next

ISRA’IIL OO XIRTAY ISKUULADA QAXOOTIGA FALASTIIN.