ISRA’IIL OO XIRTAY ISKUULADA QAXOOTIGA FALASTIIN.
(SAWIRKA)-UNRWA.
(QUDUS)-Israa'iil ayaa si joogto ah u xirtay lix dugsi oo Qaramada Midoobay ey maamusho kuwasoo ku yaalla bariga Quddus Khamiista maanta ah, taas oo ku khasabtay ardaydii Falastiiniyiinta inay goor hore ka baxaan, waxayna su'aal geliyeen Waxbarashada in ka badan 800 oo kale. Bishii la soo dhaafay, booliska Israa’iil oo aad u hubeysan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ayaa amar ku bixiyay lix dugsi oo ku yaalla Bariga Quddus in la xiro 30 maalmood gudahood, taaso ku ekeed Arbacadii shalay ahayd. Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ee loo yaqaan UNRWA, ayaa maamusha lixda dugsi. UNRWA waxay kaloo maamusho dugsiyo ku yaal Daanta Galbeed ee ey Israa'iil haysato, kuwaasoo sii shaqaynaya. Afhayeen u hadlay UNRWA ayaa sheegay 8-dii Maajo, ciidamada Israa’iil oo aad u hubaysan, oo ey weheliyaan saraakiil ka tirsan Waxbarashada iyo dawladda hoose, ey xoog ku galeen oo ey xireen saddex dugsi oo UNRWA ah oo ku yaalla Xerada Qaxootiga ee Shucfaad ee la haysto ee Bariga Jerusalem, iyadoo ey casharadu socdeen in ka badan 550 arday. Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa la xiray, qaar kalena waxa lagu amray iney ardayda shaqada ka cayriyaan. Booliiska Israa'iil ayaa sidoo kale la geeyay saddex dugsi oo kale oo UNRWA ah, taasoo keentay in Hay'addu ey u dirto guriga 250 arday oo dheeraad ah si ey ammaan u helaan. Isku soo wada duuboo, ku dhawaad 800 oo caruur ah ayaa hadda wajahaya waayitaanka Waxbarashada , iyaga oo aan haysan wax kale. UNRWA waxay dhaleecaysay xiritaannada iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah iyo diidmo ula kac ah oo Waxbarasho, oo ku xiran sharciga Isra’iil ee lagu beegsanayo Hay'adda. Awaamiirta xiritaanka ayaa yimid ka dib markii Israa’iil ey ka mamnuucday Hay’adda UNRWA iney ka shaqeyso dhulkeeda horraantii sanadkan, taasoo soo afjartay olole dheer oo ka dhan ah Hay’adda oo sii xoogeystay ka dib weeraradii 7-dii Oktoobar. Israa'iil waxay sheeganaysaa in dugsiyada UNRWA ey baraan waxyaabaha nacaybka ah iyo nacaybka Israa'iil, taas oo UNRWA ey beenisay. UNRWA waa bixiyaha ugu weyn ee Waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka ee Qaxootiga Falastiiniyiinta ee guud ahaan Bariga Jerusalem, oo Isra’iil ku qabsatay 1967 dagaal lix maalmood ah. Israa'iil waxay qabsatay Bariga Quddus waxayna u aqoonsan tahay magaalada oo dhan iney tahay caasimad midaysan. Wasaaradda Waxbarashada ee Israa’iil ayaa sheegtay in ardaydaasi la dhigi doono dugsiyada kale ee magaalada Qudus. Laakiin waalidiinta, macallimiinta iyo maamulayaasha ayaa ka digaya in xiritaanka dugsiyada waa-weyn ee Bariga Quddus ey ku qasbi doonto caruurtooda iney maraan jidgooyo ciriiri ah oo halis ah maalin kasta, qaarkoodna aan haysan oggolaansho sax ah oo ey ku gudbaan.Warbixin hore oo ay siisay wakaaladda wararka ee Associated Press , ayay Wasaaradda Waxbarashadu ku sheegtay iney dugsiyadaas u xirtay iney ku shaqeeyaan ruqsad la’aan. Maamulayaasha UNRWA waxay ballan qaadeen iney sii furnaan doonaan dugsiyadu ilaa inta ey suurtogal tahay.
ISHA-AJ.