ALJEERIYA OO DALKEEDA KA ERISAY LABA SIRDOON OO FARANSIIS AH.

(SAWIRKA)-CALANKA ALJEERIYA.

(ALGERIA)-Mas’uuliyiinta Aljeeriya ayaa eryay laba Sarkaal oo Sirdoon Faransiis ah Axada maanta ah, ka dib markii ey dalkaasi ku soo galeen “Baasabooro dublamaasiyadeed oo Been Abuur ah”, taasoo calaamad cusub u ah xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa labada waddan. Sida laga soo xigtay TV-ga caalamiga ah ee Aljeeriya, oo ah kanaalada wararka ee ey dowladdu maamusho, labada shaqsi waxay ka hoos shaqeynayeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Agaasinka Amniga Gudaha waxayna “ku guuldareysteen iney u Hoggaansamaan Nidaamka Sharciga ah” markii ey soo galeen dhulka Aljeeriya. Warfidiyeenka ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid “Weecasha” ah oo uu soo Agaasimay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Bruno Retailleau. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Faransiiska oo la xiriira cayrintaas. Arrintan ayaa imanaysa toddobaadyo ka dib markii Aljeeriya ey eriday 12 ka mid ah Shaqaalaha Safaaradda Faransiiska horaantii bishii April, taas oo ey uga Aargudanayso xariga shaqaale Qunsuliyadda Aljeeriya ee Paris oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha Afduubka Mucaaradka Aljeeriya. Faransiiska ayaa markii dambe ka jawaabay inuu eryay 12 diblomaasiyiin ah oo Aljeeriyaan ah, wuxuuna u yeeray Safiirkoodii Aljeris si uu wadatashi ula yeesho. Dhaqdhaqaaqyadan Aarsiga xanuunka badan(TIT-FOR TAT)-KA ah ayaa daba socday xiriir kooban oo ah ka dib markii ey wada hadleen Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune iyo dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, dabayaaqadii bishii Maarso, iyo booqasho uu Aljeris ku tagay Wasiiru Dowlaha Faransiiska ee Yurub Jean-Noel Barrot 6-dii Abriil, inta lagu guda jiray labada dhinacba waxay ballan qaadeen iney dib u bilaabayaan habab iskaashi oo laba geesood ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Aljeeriya iyo France ayaa weli ah mid aan hagaagsanayn, gaar ahaan arrimaha aan la xallin ee ka dhashay gumaysigii Faransiiska ee Aljeeriya intii u dhaxaysay 1830 ilaa 1962.

ISHA-AA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO WEERAR DHINACA CIRKA AH KU QAADAY YEMAN.

Next
Next

LUBNAAN OO MEEL ISKA SAARATAY XIZBULLAHI,SABABTA?