ISRA’IIL OO WEERAR DHINACA CIRKA AH KU QAADAY YEMAN.

(SAWIRKA)-BAABUUR LAGU GUBAY DEKEDA RAAS CIISA.

(HODEIDA)-Israel ayaa weerartay magaalada Xudeydah ee dalka Yemen ka dib markii ciidamada Isra’iil ay sheegeen inay uga digeen dadka degan saddex dekedood oo ay Xuuthiyiinta gacanta ku hayaan inay isaga guuraan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xuutiyiinta Axadii. Duqeymahan ayaa yimid wax yar ka dib markii Israa’iil ay uga digtay dadka deggan Raas Ciisa, Xudeydah iyo degmada Salif inay ka baxaan, iyadoo sheegtay in dekedaha ay adeegsadaan Xuutiyiinta ey Iran taageerto.
Ma jiro war degdeg ah oo ku saabsan weerarkan oo ka soo baxay Israa’iil. Duqeymahan ayaa yimid dhowr maalmood ka dib markii gantaal ay Xuuthiyiintu ku garaaceen Israa’iil la qabtay. Weerarkan ayaa yimid ka hor booqashadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo Bariga Dhexe toddobaadkan. Trump, oo bilaabay olole militari oo la xoojiyay oo ka dhan ah xuutiyiinta Yemen 15-kii Maarso, ayaa ogolaaday heshiis xabad joojin ah oo ay Oman dhexdhexaadineysay kooxda, oo sheegay in heshiiska aysan ku jirin Isra’iil. Xuutiyiinta ayaa gantaalo iyo diyaarado Drones ah ku garaacaya Israa’iil iyagoo sidoo kale weerar ku qaadaya Maraakiibta marta marinka caalamka, olole ay ku sheegeen inuu yahay mid ay ku muujinayaan garab istaaga Falastiiniyiinta ku sugan Gaza. Israa’iil ayaa marar badan duqeymo aargoosi ah ku qaaday bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen.

ISHA-AN.

Previous
Previous

XAMAAS OO SII DEYN DOONTO EDAN ALEXANDER.

Next
Next

ALJEERIYA OO DALKEEDA KA ERISAY LABA SIRDOON OO FARANSIIS AH.