XAMAAS OO SII DEYN DOONTO EDAN ALEXANDER.
(SAWIRKA)-EDAN ALEXANDER.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Mareykanka uu ku wargeliyay Israa'iil in Xamaas ay sii dayn doonto la haystaha Edan Alexander "iyadoon wax magdhow ah ama shuruudo ah lagu xirin," iyo si ay u muujiso niyad samida Mareykanka. "Maraykanku waxa uu u gudbiyay Israa'iil in tillaabadan la filayo in ay horseeddo wada xaajoodyo lagu sii deynayo la haystayaal dheeraad ah, oo ku salaysan qaabkii asalka ahaa ee Witkoff - kaas oo Israa'iil ay horay u aqbashay," Xafiiska Reysal Wasaaraha ayaa bayaan ku sheegay, iyada oo tixraacaysa soo jeedinta ergeyga gaarka ah ee Maraykanka, kaas oo bixiya sii deynta ku dhawaad kalabar la haystayaasha nool si loogu beddelo xabbad joojin dheeraad ah. Israa'iil waxay diyaarinaysaa suurtagalnimada in sii daynta la haystayaasha dheeraadka ah ay rumowdo, Xafiiska Reysal Wasaaraha ayaa yiri, iyada oo intaa ku dartay "In si waafaqsan Siyaasadda Israa'iil, Wada-xaajoodyadu waxay ku dhici doonaan dab, iyada oo ay si adag uga go'an tahay in la gaaro dhammaan ujeedooyinka dagaalka." Dhinaca kale, dawladaha Masar iyo Qadar ayaa soo dhaweeyey ku dhawaaqista Xamaas ee ah iney sii deyn doonto la haystaha Isra’iil ee haysto dhaashada Maraykanka Edan Alexander ee lagu haysto Marinka Gaza. War qoraal ah ey si wadajir ah ey soo saareen dalalka Masar iyo Qadar oo uu ku wehliyo Maraykanka ayaa ah dhexdhexaadiyeyaasha Xamaas iyo Isra’iil,ugu yaraan Tusaale niyad wanaaga ah iyo talaabo dhiirigelin ah oo ku wajahan ku noqoshada miiska wada xaajoodka si loo gaaro xabad-joojin Marinka Gaza,sii deynta Maxaabiista iyo in la hubiyo qulqulka gargaarka ee badbaado iyo caqabada la’aan ah si wax looga qabto xaaladaha naxdinta leh ee ka jira Marinka Gaza. Isra’iil iyo Maraykanka ayaa muuqdo iney kala furteen isla shaqeyntii dhinaca Xuutiyiinta iyo la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas.
SHA-IT.