MW-AL-SHARAC OO AAN KA QEYBGELEYN SHIRKA BAQDAAD.
(SAWIRKA)-MW-AXMED AL-SHARAC.
(SYRIA)-Ilo wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in Isniinta maanta ah la xaqiijiyey in Madaxweynaha dalka Suriya Axmed AL-sharac uusan ka qeybgeli doonin shir Madaxeedka Carbeed ee ka dhici doono dalka Ciraaq. Dhinaca kale, ilo diblomaasiyadeed oo Carab ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press in Madaxweynaha dalka Suriya Axmed AL-sharac inuusan ka qeybgeli doonin Shirka Ururka Jaamicadda Carabta ee sabtida ka furmi doono magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq,ka dib markii uu aqbalay martiqaadka rasmiga ah, laakinse martiqaadka AL-sharac loo fidiyey ayaa la kulmay dhaleeceyn kulul oo kaga timid Siyaasiyiin caan ah oo reer Ciraaq kuwaaso taageersan dawladda Iraan iyo taageerayaashood reer Ciraaq. Ilahan ayaa sharaxay in “Madaxweynaha Suriya Axmed AL-sharac uusan ka qeybgeli doonin shir Madaxeedka 34-aad ee Ururka Jaamicadda Carabta oo la qorsheeyey in lagu qabto caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad taariikhdu markeey tahay 17/5/2025-ka. Waxa uu tilmaamay in “Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suriya Md.Asad AL-sheybaani uu hogaamin doono wafdiga dalkiisa uga qeybgelaayo shirka”. Tan iyo markii la afgembiyey Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-asad, dalka Ciraaq waxa uu si taxadar leh u wajahaayey dalka Suriya,taaso iyadana rajeyneysay iney xiriir dhaw la yeealato deriskeeda. Wafdi ka socdo dalka Ciraaq uuna hogaaminaayo Madaxa Hayadda Sirdoonka Ciraaq Md.Xamiid AL-shadhari ayaa booqasho ku tegay Dimishiq dabayaaqadii bishii hore, waxayna la kulmeen MW-AL-sharac iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda,waxa eyna ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada Amniga,Ganacsiga iyo la dagaalanka Argagixisada. Ciraaq oo ey ka muuqatay xasilooni ka dib afartan samo oo colaad iyo dagaalo ah ayaa dejisay”Qorsheyaal amaan oo dhammaystiran”si loo ilaaliyo Madaxda ka qeygeleyso shir Madaxeedka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Ciraaq Md.C/amiir AL-shamari ayaa ku xaqiijiyey waraysi uu siiyey Tv-ga AL-Carabiya todobaadkii hore. Mar wax laga weydiiyey damaanad qaadka in Madaxweyne AL-sharac ka qeybgelaayo shirka, AL-shamari ayaa yiri”Nama weydiin wax damaanad ah oo Amaankiisa ah,talaabooyinka amaankayaguna waa kuwa dhammaystiran qof walba,dhammaan martidana si isku mid ah ayey muhiim u yihiin”. Isagoo shir Madaxeedkan uu ku soo beegamay,ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq ey sabtidii ku dhawaaqday mamnuucidda banaanbaxyada “Laga bilaabo 11-ka ilaa 20-ka bisha shanaad,iyadoo la ciqaabo doono qof kasta oo isku daya inuu Mudaaharaad sameeyo.
ISHA-AA.