TALIYE C/QANI AL-KIKLI OO LAGU DILAY TRIPOLI.
(SAWIRKA)-C/QANI KIKLI.
(TRIPOLI)-Magaaladda Tripoli ee ah caasimadda dalka Liibiya ayaa maanta oo Isniin ah habeenimadeeda waxaa ka dhacay dagaala adag, ka dib markii ey halkaasi ey qarxeen dagaalo baahsan oo sababay dhimashada C/qani AL-Kikli oo ahaa Taliyaha Qeybta ”Taageerada Xasiloonidda”. iska hor imaadka ayaa socday muddo saacada ah,waxa uuna cabsi ku abuuray dadka rayidka ah. Arrintu waxa ey soo afjarantay ka dib markii Guutada 444-aad ey la wareegeen gacan ku haynta degaanka Abu Saliim oo ah Xarunta Ciidamadda Xasillinta,iyadoo Wasaaradda G/dhiga ee dawladda Liibiya ey ku dhaawaqday iney la wareegtay xaaladda. Taliyaha Guutada 444-aad ee dagaalka Maxamud Xamsa,ayaa u sheegay Tv-RT”Seddex saacadood ayaa ku filan in si guul leh loo fuliyey hawlgal sax ah oo ey hogaaminayaan Guutada 444-aad ee dagaalka iyo Guutada 111-aad ee ka dhan ah dembiileyaasha ugu naxariista daran dalka tan iyo 2011-kii”. Wasaaradda G/dhiga ayaa tiri” Wasaaradda G/dhiga waxay xaqiijineysaa in hawlgalka Mileteri uu si guul ah ku soo dhammaaday”. War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray,”Wasaaraddu waxay siisay awaamiir si ey u dhammaystirto qorshaheeda Gobolka si loo sugo ilaalinta Amniga iyo Xasiloonidda. Wasaaradda G/dhiga ee Xukuumadda Midnimo Qaran ayaa sidoo kale xaqiijisay iney gacanta ku heyso dhammaan xarumaha Hayadda Taakuleynta iyo Xasillinta. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Midnimo Qaran ayaa horay ugu baaqday dhammaan mawaadiniinta ku sugan aaga Tripoli “Iney go’aansadaan iney guryahooda joogaan oo eysan dibadda u bixin,si loo ilaaliyo amaankooda”. Madaxa Xukuumadda Midnimo Qaran,C/xamiid Dabeybah,ayaa ku tilmaamay wixi maanta ka dhacay Tripoli iney tahay guul weyn oo xaqiijineysa awooda Hayadaha caadiga ah ey u leeyihiin ilaalinta dalka hooyo iyo ilaalinta mawaadiniinta iyo talaabo go’aan ah oo loo qaaday sidii loo soo afjari lahaa kooxaha aan nidaamka lahayn. Reysal Wasaaraha Xukuumada Midnimo Qaran ayaa bogaadiyey Wasaaradaha G/dhiga iyo Arrimaha Gudaha, waxa uuna ku amaanay sugidda amaanka iyo soo rogidda awoodo dawladeed ee gudaha caasimadda Tripoli. Wasaaradda G/dhiga ee Xukuumadda Midnimo Qaran ee dalka Liibiya ayaa ku dhawaaqday in si guul ah loo soo gabagabeeyey hawlgalkii Mileteri ee ka socday magaalada caasimadda ah ee Tripoli. Goor sii horeysay, ilo wareedyo Mileteri ayaa xaqiijiyey dilka C/qani Kikli oo ahaa Taliyaha qeybta Taageeradda iyo Xasillinta ee Tripoli. Caasimadda Liibiya ee Tripoli ayaa laga dareemayaa Horumaro dhinaca amaanka ah, iyadoo ey socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ey iska kaashanayan Ciidamada Taageeradda iyo Xasilloonidda ee fadhigoodu yahay Caasimadda iyo Ciidamadda isku dhafka ah ee ka hawlgala magaaladda Misrata.
ISHA-WAKAALADO.