TAHRIIBAYAAL SOOMAALI IYO ITOOBIYAAN AH OO SOO GAARAY YEMAN.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.
(YEMAN)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Yemen ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday iney soo degtay doon sidday 86 Tahriibayaal Afrikaan ah oo si sharci darro ah ku soo gaaray Xeebta Kida ee degmada Radhuum ee Gobolka Shabwa, taasoo ah mowjado cusub oo dad badan oo Yemen ku soo galay dhanka badda. Warbaahinta amniga ee Wasaaradda ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi ey u dhasheen labo dal oo Afrikaan ah. (38)-waa Itoobiyaan ayaa lagu diiwaan galiyay oo ey ku jiraan (30)- Rag ah iyo (8)-Dumar ah iyo (48)-Soomaali ah oo intooda badan ey yihiin rag. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in ciidamada ammaanka ee Gobolka Shabwa ey u wajaheen dhacdadan si waafaqsan nidaamka sharciga ah, taasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu sugayo amniga iyo xasiloonida, loogana hortagayo dhibaatooyinka halista ah ee ka dhashay dhacdadan oo noqotay mid khatar ku ah amniga Qaranka iyo nabadda bulshada. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ugu baaqday hoggaanka sare ee dalka iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka iney si deg deg ah u soo farageliyaan tahriibka ka sii daraya siina kordhaya, kaasoo kasoo qulqulaya dalalka Geeska Afrika ee u soo socda Yemen, iyadoo ey dalka ka jiraan xaalado bini’aadinimo iyo mid amni oo ka dhashay dagaallada socda iyo afgambiga ey maleegayaan Argagixisada Xuuthiyiinta. Wasaaraddu waxay carabka ku adkaysay in qulqulka muhaajiriinta ee sii socda ee sidaan oo kale ah ey culays dheeraad ah ku saarayso ammaanka iyo awoodaha adeeg ee Gobollada xeebaha, waxayna ku baaqaysaa in la qaato mowqif adag oo caalami ah oo lagu xisaabtamayo nooca gaarka ee xaaladda dalka Yeman iyo baaxadda caqabadaha is urursaday kana jira gudaha dalka Yeman. Inta badan dadka u soo tahriiba dalka Yeman ayaa ah kuwa uga sii gudba dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya si ey halkaasi uga bilaabaan nolol ka duwan midii ey ka soo carareen,balse waxaa Yeman ka jira waqtigaan duruufo adag oo dhinaca isu socdka ah waayo dalka Yeman ayaa hadda ah mid kala qeybsan eyna ka jiraan laba maamul oo is diidan,sidaas darteed tahriibku ma aha mid sahlan waqtigaan la joogo dalka Yeman gaar ahaan Gobolada Waqooyi ey Xuutiyiintu maamulaan xuduudna la leh Sacuudiga,laba maalin ka hor ayey ahayd markii meydad Soomaaliyeed laga soo helay Xuduuda Yeman iyo Sacuudiga ka dib markii uu ku habsaday Gentaal ey Isra’iil ku soo riday Xuutoyiinta.
ISHA-SB-MEDIA.
(SURIYA):QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY GUDAHA KANIISAD.
(SAWIRKA)-GUDAHA KANOOSADDA QARAXA KA DHACAY.
(SYRIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in ugu yaraan 20 qof ey ku dhinteen tobanaan kalena ey ku dhaawacmeen ka dib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku dhex Qarxiyay Kaniisadda Maar Elyaas oo ku taal Xaafadda Dweyla ee caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya Axadda maanta ah, sida ey sheegeen maamulka caafimaadka iyo laamaha ammaanka dalka Suriya. Waa Qaraxii ugu horeeyay ee ismiidaamin ah oo ka dhaca Dimishiq tan iyo markii Bashaar AL-Asad ey xoogaga mucaaradka xukunka ka tuureen bishii December. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in qofka is qarxiyay uu ka tirsanaa kooxda Daacish. Waxa uu galay Kaniisada, waxa uu ku furay rasaas ka dibna uu Qarxiyay Jaakadda uu watay,sida ey ku dartay war ay Wasaaradu soo saartay. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suuriya ayaa cambaareysay weerarkan, waxayna ku tilmaantay isku day lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo wada noolaanshaha dalkaas oo ay ku kala nool yihiin qowmiyado kala duwan. Suuriya waxay u aragtaa "Fal dambiyeedkan, oo lagu bartilmaameedsaday xubnaha bulshada Masiixiyiinta ah, isku day quus ah oo lagu wiiqayo wada noolaanshaha qaranka iyo in lagu carqaladeeyo xasilloonida dalka," ayey Wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay bayaan. Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarka, waxa uuna ku tilmaantay fal “Argagixiso”. War qoraal ah oo ey soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa “ku nuuxnuuxsaday diidmada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee weerarrada lagu qaado goobaha cibaadada, Argagaxisada dadka rayidka ah, iyo daadinta dhiigga aan waxba galabsan,” waxayna “xaqiijiysay taageerada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee Jamhuuriyadda Carabta ee walaalaha ah ee Suuriya ka dhanka ah dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada, iyo argagixisada.” Wasaaraddu waxay sido kale “ tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska dhibanayaasha iyo dowladda iyo shacabka Suuriya, iyadoo u rajeysay kuwa dhaawaca ah iney si deg deg ah u bogsadaan.” Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalka Suuriya Tom Barrack ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay fal fulaynimo ah. "Falalkan foosha xun ee fulaynimada ah meelna kuma laha cajaladda cusub ee dulqaadka isku dhafan iyo ka mid noqoshada in Suuriyaanku ey samaynayaan," Barrack ayaa ku dhigay bartiisa X weerarka ka dib. "Waxaan sii wadeynaa taageerada dowladda Suuriya si ey ula dagaalanto kuwa doonaya iney xasillooni darro iyo cabsi ka abuuraan dalkooda iyo gobolka ballaaran." Ilo dhanka ammaanka ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in labo nin ey ku lug lahaayeen weerarka, oo uu ku jiro midkii is qarxiyay. Daacish ayaa tan iyo markii la riday AL-Asad ka dambeysay isku dayo dhowr ah oo lagu qaaday Kaniisado ku yaalla dalka Suuriya, balse tani waxay ahayd tii ugu horeysay ee lagu guuleysto, sida ilo kale oo dhanka ammaanka ah ey u sheegeen Wakaaladda Wararka ee Reuters. Wakaaladda wararka ee Suuriya oo soo xiganaysa Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 52 qof ey sidoo kale ku dhaawacmeen qaraxa. Muuqaal toos ah oo laga soo qaaday goobta difaaca madaniga ah ee Suuriya, Koofiyadaha Cad, ayaa muujiyay muuqaalo burbur ah oo ka yimid gudaha Kaniisadda, oo ey ku jiraan dabaq dhiig leh iyo jeexjeexyo fiiqan iyo dhagaxyo. Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharac, oo hogaaminayay duulaanka ka dhanka ah AL-Asad ka hor inta uusan la wareegin bishii Janaayo ee sanadkan waji ku meel gaar ah, ayaa ku celceliyay inuu ilaalin doono dadka laga tirada badan yahay. "Waxaan si aan leex leexad lahayn u cambaaraynaynaa Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Argagaxisada ahaa ee lagu qaaday Kaniisadda Ortodokiska ee Maar Elyaas ee ku taal magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya," ayey Wasaaradda arrimaha dibadda ee Giriiga ku sheegtay bayaan ey soo saartay. "Waxaan dalbaneynaa in mas'uuliyiinta ku-meel-gaarka ah ee Suuriya ey qaadaan tallaabo deg-deg ah si ey ula xisaabtamaan kuwa ku lugta leh isla markaana ey fuliyaan tillaabooyin lagu dammaanad qaadayo ammaanka bulshooyinka Masiixiyiinta ah iyo dhammaan kooxaha diimaha, taasoo u oggolaanaysa iney ku noolaadaan cabsi la'aan." Daacish ayaa horey u bartilmaameedsatay dadka laga tirada badan yahay ee diimaha, oo uu ku jiro weerar weyn oo lagu qaaday xujeyda Shiicada ee Sayeda Zaynab sanadkii 2016-kii mid ka mid ah qaraxyadii ugu caansanaa intii lagu jiray xukunka AL-Asad. Weerarkii ugu dambeeyay wuxuu hoosta ka xariiqayaa awoodda joogtada ah ee kooxda si ey uga faa'iideysato daldaloolada amniga inkasta oo ey burburtay gacan ku haynta dhulkeeda iyo dadaallada ka dhanka ah Argagixisada.
ISHA AL-CARABIYA.
QAAR KA MID AH WADAMADA CARABTA OO KA WADA HADLAY DAGAALKA IRAAN IYO ISA’IIL.
(SAWIRKA)-AFAR DAL OO KA HADLAY DAGAALKA IRAAN IYO ISRA’IIL.
(CAIRO)-Wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamadda Sacuudi Carabiya, Masar iyo Baxrayn ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay in la dejiyo xaaladda milatari iyo in xabbad joojin laga sameeyo gobolka. Intii lagu guda jiray taleefoon maalintii Axadda ee u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdulcaadhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Baxrayn Abdullatif bin Rashid AL- Zayani, saddexda wasiir waxay ku baaqeen in mudnaanta la siiyo xalalka siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed oo ah dariiqa kaliya ee looga bixi karo qalalaasaha taagan, lana ilaaliyo ammaanka iyo xasilloonida gobolka. Waxa ey sidoo kale carabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa in gobolka uu ku sii socdo fowdo iyo xiisad kale. Wasaarka arrimaha dibadda dalka Masar ayaa sheegay in xiriirka Wasiirradu uu ku dhacay qaab wada tashi iyo isku dubarid ah oo ku saabsan horumarka deg dega ah ee ka socda gobolka, oo ey ugu weyn tahay kororka militari ee u dhexeeya Israa'iil iyo Iran iyo saameynta weyn ee nabadda iyo amniga gobolka. Labada wasiir ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo Madax banaanida dowladaha, mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo Axdiga Qaramada Midoobay. Saacado ka hor, Wasiirada arrimaha dibadda ee Masar iyo Urdun ayaa ku wada hadlay khadka taleefoonka, iyagoo ka wada hadlay dhacdooyinka xawliga ku socda ee gobolka, gaar ahaan xiisadaha militari ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Iran iyo khatarta weyn ee uu ku hayo nabadda iyo ammaanka gobolka. Labada wasiir ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay is-dejinta, is-xakamaynta, iyo raadinta wada-hadalka si looga fogaado dhibaato kale. Waxay caddeeyeen diidmadooda wax kasta oo liddi ku ah mabaadi'da Axdiga Qaramada Midoobay ama qodobbada sharciga caalamiga ah, iyo baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-bannaanida dawladaha. Waxa ey ka digeen khatarta ka dhalan karta in gobolka uu ku sii siqayo fowdo iyo xiisad hor leh iyadoo la eegayo xaaladda cakiran ee hadda taagan. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Masar Abdel Fataax El-Sisi uu taleefoon kula xiriiray Suldaanka Cumaan Haytham bin Tariq Al Sacid oo uu kala hadlay horumarka gobolka. Afhayeenka rasmiga ah ee Madaxtooyada Masar ayaa sheegay in baaqaasi looga hadlay isbedelada gobolka, iyadoo Sisi uu carabka ku adkeeyay muhiimada ey leedahay in laga shaqeeyo sidii loo joojin lahaa xiisada ka dhex aloosan Isra’iil iyo Iran. Waxa uu ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta colaada ku sii fidaya gobolka, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in lagu soo laabto miiska wada hadalka si looga hortago dhiig kale oo daata.
ISHA-AA.
SHIRKADA DIYAARADAHA INGIRIISKA OO JOOJISAY DUULIMAADYADDA…
(SAWIRKA)-SHIRKADA DIYAARADAHA INGIRIISKA.
(LONDON)-Shirkadda Diyaaradaha dalka Ingiriiska ee British Airways ayaa joojisay duulimaadyadii ey ku tagi jirtay magaalooyinka Dubai ee Imaaraatka Carabta iyo Dooxa ee Dalka Qadar, waxaana taasi ey keentay inuu hakad ku yimaado isu socodkii hawada ee gacanka Persia ka dib markii Mareykanka uu duqeeyay saddex goobood oo Nukliyeer ah oo ku yaalla dalka Iran, taasoo keentay in Tehran ey wacad ku martay iney ka aargoosan doonto. Shirkadda duulimaadyada ee fadhigeedu yahay magaalada London ayaa hakisay duulimaadyo dhowr ah oo ey ku tagi jirtay Dubai, waxaana ey u weecisay labo diyaaradood oo ku wajahnaa imaaraatka xilli habeen ah, sida lagu sheegay xogta laga helayo Flightradar24. Hal diyaarad ayaa ka duushay garoonka Heathrow fiidnimadii Sabtida, waxaana loo weeciyay Zurich ka dib markii ey timid hawada Sacuudiga subaxnimadii hore ee Axadda, sida laga soo xigtay goobta la socodka duulimaadka. Diyaarad kale oo ku sii jeeday Dubai ayaa ku laabatay Heathrow ka dib markii ey gaartay Masar, sida laga soo xigtay Bloomberg, warbixin ey aragtay AL-Carabiya Business. Shirkadda ayaa sidoo kale joojisay duulimaadyadii ey ku tagi jirtay caasimadda Qatar ee Dooxa Axaddii, waxayna joojisay duulimaadyadii ey ku tagi jirtay dalka Baxrayn ilaa dhammaadka bishan sababo la xiriira xayiraad dhanka shaqada iyo hawada ah. Dhowr diyaaradood oo Mareykan iyo Yurub ah ayaa hakiyay duulimaadyadii ey ku tagi jireen Imaaraadka iyo Qatar todobaadkii hore ka dib markii Israa’iil ey billowday duqeymo ey ka geysaneyso Iiraan. Shirkada Diyaaradaha ee British Airways ayaa ku dhawaaqday iney wax ka beddeshay jadwalkeeda duulimaadka dhacdooyinkii u dambeeyay si loo hubiyo badbaadada macaamiisha iyo shaqaalaha diyaaradda. Tallaabooyinkani waxay muujinayaan welwelka sii kordhaya oo qayb ka mid ah Bariga Dhexe oo inta badan loo arko iney badbaado tahay oo laga ilaaliyo xasilloonida gobolka. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka ey Axaddii la beegsadeen saddexda goobood ee Nukliyeerka ah ee Iran, wuxuuna ku hanjabay weeraro kale haddii Tehran aysan is dhiibin, isagoo Mareykanka si toos ah u soo jiitay dagaalka dalkaas uu kula jiro Israa'iil inkastoo uu muddo dheer ballanqaaday inuu ka fogaanayo dagaallo cusub. Iran ayaa ku hanjabtay iney weerari doonto saldhigyada Mareykanka ee gacanka Carabta, haddii Washington ey soo farageliso oo ey xirto marin biyoodka Hormuz, oo ah marin biyood muhiim u ah ganacsiga saliidda oo ey xad wadaagaan Imaaraadka iyo Cumaan. Qatar ayaa martigelineysa saldhigga ugu weyn ee Mareykanka uu ku leeyahay gobolka, halka Bahrain ey martigelineyso guutada shanaad ee ciidamada badda Mareykanka. Bahrain ayaa sheegtay Axadii iney u hawlgelinayso shaqo fog 70% dhammaan Wasaaradaha iyo Waaxaha dawladda iyadoo la eegayo horumarka Gobolka Bariga Dhexe.
ISHA-AA.
XUUTIYIINTA YEMAN OO HANJABAAD ADAG U DIRAY MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-MAHDI AL-MASHAADH.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Mahdi AL-Mashaadh, oo ah Madaxa kooxda Xuutiyiinta waxa loogu yeero Golaha Sare ee Siyaasadda, ayaa ku hanjabay iney ka jawaabi doonaan faragelin kasta oo uu Maraykanku ku bartilmaameedsado Iran, isaga oo carabka ku adkeeyay in kooxdiisu ey wajihi doonto wax uu ku tilmaamay “Gardarada ka dhanka ah Iran” si kasta oo sharciga waafaqsan. Bayaanno ey faafiyeen warbaahinta kooxdan fiidnimadii Sabtida oo uu dib u eegis ku sameeysay Warbaahinta maxaliga ah ee Yeman, AL-Mashaadh waxa uu sheegay in Xuutiyiintu ey ka shaqayn doonaan sidii ey uga hortegi lahaayeen cid kasta oo ka qaybqaadanaysa weerarka Iran, isaga oo xusay in "Qof kasta oo ku lug leh ama ka qaybqaata gardarada Israa'iil ey waajib ku tahay iney bixiso qiimaha go'aankooda." Waxa uu intaa ku daray in ka qayb galka Maraykanka ee hawlgal kasta oo militeri oo ka garab socda Israa’iil “eysan waxba ka beddeli doonin marka laga reebo in ey sii hurinayso Washington,” isaga oo ku nuuxnuuxsaday in waxa uu ku tilmaamay “Dabka uu gaari doono waddan kasta” haddii aanay qof kasta u dhaqaaqin sidii uu u joojin lahaa waxa uu u arkay “Qorshaha xadgudubka” oo ey wadaan quwadaha waa-weyn. AL-Mashaadh waxa uu carabka ku adkeeyay in mawqifka kooxdiisa ee ku aadan Iran uu yahay mid adag, waxa uuna intaa ku daray: “Waan ka hortagi doonaa, kana hortagi doonaa fal kasta oo cadowtinimo ah oo lagu beegsanayo Iran, waa mowqif aan horay u shaacinay. Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday galabnimadii sabtida, bayaan rasmi ah oo uu soo saaray afhayeenkooda milatariga, Yahya Sareec , kaasoo uu dib u eegis ku sameeysay warbaahinta maxaliga ah, sida ey diyaarka ugu yihiin iney beegsadaan Maraakiibta Ganacsiga iyo Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee ku sugan Badda Cas, haddii Maraykanku uu ka qayb qaato weerar kasta oo militari oo ey israa'iil ku qaado Iran. Sareec waxa uu sheegay in “Yemen aysan ka istaagi doonin” weerar kasta oo Mareykanka iyo Israa’iil ey la beegsanayaan Iran, isagoo ku nuux-nuux saday in ciidamadooda ey la socdaan dhaq-dhaqaaqyada militari ee gobolka, ayna qaadi doonaan tillaabooyinka sharciga ah ee lagu difaacayo Qaranka,” waa sida uu hadalka u dhigaye.
ISHA-AL-MASHHAD.
URURKA JAAMICADA CARABTA OO BAYAAN KA SOO..
(SAWIRKA)-WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA EE URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(ISTANBUL)-Ururka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyey duqeymaha ey Israa’iil ku hayso Iran Jimcihii, waxayna ku boorisay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka hadda galay maalintiisii 9-aad. Waxay ku booriyeen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago iney sii xumaato oo laga shaqeeyo sidii xabbad-joojin buuxda loo heli lahaa. Wasiirada arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku shiray magaalada Istanbul si ey uga wada hadlaan horumarada la xiriira colaadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan weeraradii Israa’iil ey ku qaaday Iran oo bilowday 13-kii Juun. War-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee la soo saaray shirka deg degga ah ka dib ayaa lagu sheegay in weerarka Israa’iil uu ka dhigan yahay “Xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah Madax-bannaanida dal xubin ka ah Qaramada Midoobay iyo khatar ku ah Nabadda iyo Ammaanka Gobolka.” Waxay ku boorisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iney si deg deg ah wax uga qabtaan oo ey u qaataan mas'uuliyadahooda si loo joojiyo dagaalka, iyadoo ka digtay in haddii taas la sameeyo kari waayo ey gobolka gelin karto xasillooni darri qoto dheer. Wasiirada ayaa ku baaqay in dib loogu laabto wada xaajoodka barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, waxa ayna taageero u muujiyeen dadaalada diblumaasiyadeed ee lagu dhimayo xiisada. Bayaanku waxa uu la xiriiriyay colaaddii u dambaysay oo ey Israa’iil ka waday Marinka Qaza, oo ey ku dalbanaysay in la joojiyo hawlgallada milatari ee Israa’iil, gargaar bini’aadannimo oo deg deg ah oo joogto ah iyo in la joojiyo falalka sharci-darrada ah ee Israa’iil ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto. Wasiirada ayaa ka digay in hab-dhaqanka Israa’iil uu gobolka ku soo dhawaynayo colaad ballaaran. Waxay dib u xaqiijiyeen iney taageerayaan Hindisaha Nabadda Carabta ee 2002 si loo aqoonsado Israa’iil si loogu beddelo dawlad Falastiin oo Madax-bannaan oo ku taal Daanta Galbeed iyo Marinka Qaza. Waxa ey sidoo kale ku baaqeen in la sameeyo dadaallo hor leh oo lagu gaarayo xalka labada dowladood. Waxay ku baaqday "in la cambaareeyo cid kasta oo ku xadgudubta hawada dalalka gobolka, lagana fogaado in la beegsado Xarumaha Nukliyeerka ee hoos yimaada ilaalinta Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee caalamiga ah." Waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen " Sida ey lagama maarmaanka ugu tahay dhammaan dalalka gobolka si ey ugu biiraan heshiiska ka hortagga hubka Nukliyeerka."
ISHA-ANADOLU.
INA ADEERKA BASHAAR AL-ASAD OO LA QABTAY.
(SAWIRKA)-WASEEM ASAD.
(SYRIA)-Iyadoo baacsiga dadka ku lugta leh dambiyada ka dhanka ah Suuriya ey sii socdaan tan iyo markii uu meesha ka baxay nidaamkii hore ee uu madaxda ka ahaa Bashaar AL-asad , ayaa maamulka Suuriya waxa ey xireen Wassim AL-Assad. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ey soo saartay maanta oo Sabti ah ku sheegtay inEy xabsiga dhigtay wiil uu adeer u yahay Bashaar AL-Asad oo ku sugnaa deegaanka Talkalakh ee ku yaalla xadka Suuriya iyo Lubnaan.
HAWLGAL AMNI OO AAD LOO ADKEEYEY:
Waxa kale oo ey xustay in xarigaasi uu qayb ka ahaa hawlgalo ammaan oo aad loo adkeeyey, kaasoo Ciidanka Sirdoonka Guud oo kaashanaya hay’adaha ey khusayso ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ey ku guulaysteen iney soo qbtaan Asad. Maxbuuska ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah kuwa ugu caansan ee ka Ganacsada Daroogada Suuriya ee firfircoon intii uu socday dagaalka oo uu ku lug lahaa dambiyo dhowr ah oo hoos yimaada nidaamkii hore. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku nuuxnuuxsatay iney si weyn uga go’an tahay la dagaalanka dambiyada iyo in la helo cadaalad. Dad badan oo Suuriyaan ah ayaa baraha bulshada ku soo dhaweeyay xariga, iyagoo la wadaagay muuqaalo hore oo Asad uu ugu faanayay qaxootiga ka soo cararay dalka si ey uga baxsadaan dhibaateynta maamulkii hore. Tan iyo bishii Disembar ee la soo dhaafay, mas'uuliyiinta cusub ee dalka ayaa billaabay baaritaanno ballaaran oo dalka oo dhan ah si ey u soo qabtaan wax ey ku tilmaameen "Haraadiga" ku lug lahaanshiyaha dambiyada ka dhanka ah rayidka muddada ku dhow 14-ka sano ee colaadda. Dhanka kale, Guddiga Sare ee Nabadeynta iyo Cadaaladda oo loo sameeyay iney la xisaabtamaan dadka ku lugta leh, isla markaana ey dacwadahooda u gudbiyaan Hay’adaha Garsoorka, ayaa soo uruuriyay cadeymo badan oo ku saabsan Saraakiisha, Askarta iyo dadka kale ee la xiray, iyadoo la sii daayay kumannaan maxaabiis ah oo aan wax dembi ah lagu helin.
ISHA-AA.
FANAANAD CAAN KA AH DALKA KUWEYT OO LAGU QABTAY…
(SAWIRKA)-SHAJUN AL-SHAAHIRI.
(KUWAIT)-Wararka laga helaayo dalka Kuweyt ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ey shaaca ka qaaday in laanta Amniga Dembiyadda oo ey wakiil ka tahay Waaxda Guud ee la dagaalanka Maandooriyaha ey gacanta ku dhigtay Gabar Mawaadin ah oo heysata waxyaabaha Maanka dooriya iyo waxyaabaha dhimirka la xiriira kuwaaso ujeedadoodu tahay isticmaalka Maandooriyaha. Qabashada Gabadhaan Kuweytiyada ah ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ey socdaan dadaallo lagu sugaayo amniga isla markaasne lagula dagaalmaayo Maandooriyaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kuweyt ayaa sheegtay in xariga gabadha uu qeyb ka yahay baaritaano xiriir ah ey Waaxdaasi ku sameysay gabadha. Tuhmanaha ayaa la tuhmay ka dib markii la helay macluumaad muujinaaya iney haysay waxyaabaha Maanka Doorinaayo iyo walxaha dhimirka wax u dhima. Sidaa awgeed iyo iyadoo la raacayo habraacyadda sharciga ah ee la dejiyey, gabadha ayaa la xiray markii lagu helay iyadoo haysata tiro Xashiish ah,Kookayiin,iyo walxo dhimirka waxyeleeyo. Tallaabooyinka waafaqsan sharciga ayaa laga qaaday gabadha waxaane loo gudbiyey hayadaha awooda u leh. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kuweyt waxay cadeysay in ololaha la dagaalanka Maandooriyaha uu si buuxdo u socdo,iyadoo laga duulaayo hab dhaqanka adag ee dhinaca amaanka ah oo looga gol leeyahay dabagalka cid kasta oo wax u dhimi karta amniga bulshada ee ka hortegaayo waxyaabaha Maanka Dooriya. Wasaaraddu waxay ugu baaqday in cid kasta ey la shaqeyso hayadaha amaanka isla markaasne ey soo sheegaan xog kasta oo qeyb ka qaadaneysa Ilaalinta Qaranka iyo Ilaalinta Amaankiisa. Gabadhaan lagu qabtay Maandooriyaha ayaa ah Fanaanad caan ka ah dalka Kuweyt waxaane lagu magacaabaa Shajuun AL-Haajiri,in kastoo Wasaaradda eysan xusin magaca gabadha lagu qabtay Maandooriyaha.
ISHA-ALQABS.
QAXOOTIGA SURIYA OO DIB UGU SOO LAABTAY DALKOODA.
(SAWIRKA)QAXOOTIGA SURIYA.
(BEIRUT)-In ka badan laba milyan oo Suuriyaan ah oo ka qaxay guryahoodii intii uu socday dagaalka waddankooda ayaa dib u soo laabtay tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Assad, Madaxa Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay(UNHCR) Filippo Grandi ayaa sheegay Khamiista, ka hor booqasho uu ku tagayo Suuriya. Dagaalka sokeeye ee Suuriya, oo qarxay 2011-kii oo uu Bashaar Al-Asad caburinta ba’an ku hayo mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo, ayaa barakiciyey kala bar shacabkii gudaha iyo dibaddaba. Hase yeeshee 8-dii December xukunka ka tuuray Asad oo ey gacanta ku hayeen xoogaga Islaamiyiinta ayaa dhalisay rajo ah inuu soo laabto. "In ka badan laba milyan oo qaxooti Suuriyaan ah iyo barokacay ayaa ku soo laabtay guryahoodii tan iyo Disembar," Grandi ayaa ku qoray X mar uu booqasho ku tagay Lubnaan, oo martigelisa qiyaastii 1.5 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, sida lagu sheegay qiyaasaha rasmiga ah.
Waa "calaamad rajo ah iyadoo ey sii kordhayaan xiisadaha gobolka," ayuu yiri. "Tani waxay caddaynaysaa inaan u baahanahay xalal siyaasadeed ma aha mowjad kale oo xasillooni darro iyo barakac." Ka dib 14 sano oo dagaal ah, qaar badan oo soo noqday ayaa la kulma xaqiiqda ah iney heleen guryahoodii iyo hantidoodii oo si xun loo burburiyay ama loo burburiyay. Laakiin iyada oo dhawaan laga qaaday cunaqabataynta reer galbeedka ee Suuriya, mas'uuliyiinta cusub ayaa rajeynaya taageero caalami ah si ey u bilaabaan dib u dhiska, taas oo Qaramada Midoobay ey ku qiyaastay iney ku kici karto in ka badan $ 400 bilyan. Horaantii bishan, UNHCR waxay ku qiyaastay ilaa 1.5 milyan oo Suuriyaan ah oo ka yimid dibadda iyo laba milyan oo gudaha ku barokacay iney soo laaban karaan dhammaadka 2025-ka.
ISHA-AN.
SARKAAL SARE KANA TIRSANAAY CIIDAMDII BASHAAR EL-ASAD OO LA QABTAY.
(SAWIRKA)-S/GUUTO.DAAS XASAN CALI.
(SYRIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in ciidamadda Amaanka ey Xabsiga u taxaabeen Taliye hore lana yiraahdo Daas Xasan Cali Arbacadda maanta ah,sarkaalkan ayaa loo heystaa dembiyo fara badan eyna ka mid yihiin kuwa dagaal,dhaqaale iyo xadgudbyo kale. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suriya bayaan ey soo saartay ayey ku sheegtay in dabagal dheer oo xoogan ka dib ayuu taliska Amniga Gudaha ee Gobolka AL-Laadiqiyah ee Galbeedka Suriya uu Xabsiga dhigay S/Guuto.Daas Xasan Cali oo ahaa Madaxii Laanta Amniga ee Gobolka Diira-El-Zuur bariga dalka Suriya xilligii dawladdii Asad. Wasaaradda ayaa tilmaantay in Daas uu ku lug lahaay dembiyo dagaal,Xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah iyo dembiyo dhaqaale oo ey ugu badan tahay Xatooyadda Shidaalka iyo iibinta xisaabtiisa gaarka ah,Wasaaradda ayaa sharaxday in qofka la qabtay loo gudbiyey Garsoorka awooda u leh si uu talaabo sharci ah uga qaado. Maamulka cusub ee dalka Suriya ee uu hogaamiyo Axmed AL-sharac ayaa dadaal ugu jiro sidii uu u xakamayn lahaa xaaladda Amni ee dalka Suriya,isla markaasne uu uga daba tegi lahaay haraadigii taliskii hore ee qalqalka ku haayey amaanka dalka Suriya gaar ahaan Gobolka Xeebta ah. Taariikhdu markey ahayd 8/12/2024-kii kooxaha Suriya waxa ey soo afjareen gacan ku haynta dalka ee Madaxweyne Bashaar El-asad,waxaane soo dhammaatay xukunkii Xisbiga AL-Cath oo dalka Suriya soo xukumaayey muddo dhan ilaa 61-sanp oo xiriir ah.
ISHA-SB-MEDIA.
JARMALKA: HOOYO LA LA’AA MUDDO BIL AH OO MEYDKEEDII LAGA HELAY KEYNTA.
(SAWIRKA)-IMAN MAXAMED XASAN.
(GERMANY)-Kiiska haweeney u dhalatay dalka Masar oo lagu waayay dalka Jarmalka ayaa dib ugu soo laabatay safka hore ee warbaahinta Jarmalka ka dib markii meydkeeda laga helay meel kayn ah. In ka badan toddobo bilood ka dib markii la waayay, mas'uuliyiinta Jarmalka ayaa Axaddii helay meydka Iman Maxamed Xasan oo 35 jir ah si kedis ah xilli ey raadinayeen ilmo yar oo dhex mushaaxday kaynta u dhow gurigeeda oo ku yaal Bad Eibling, Koonfurta Bavaria. Eey booliis ah ayaa qoday haraagii Iman, waxayna la yaabeen, oo ey soo bandhigeen meydka qof bani’aadam ah. Gabadha la dilay oo lagu magacaabo Iimaan Maxamed Xasan ayaa iyada iyo mid ka mid ah carruurteeda. Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi, waxaana ey ku eedeeyeen inuu dilay xaaskiisa. Carruurta waxaa la geeyey guri lagu koriyo oo ku yaal Jarmalka. Dhanka kale qoyska dhibbanaha ee Masar ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta Jarmalka iyo dhammaan dhinacyada ey khuseyso iney gacanta ku dhigaan saddexda caruur ah ee dhibanaha ah. Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaan ka jawaabin wicitaannadaas, iyadoo la eegayo in saddexda caruur ah ey haystaan dhalashada Jarmalka. Xiisadan ayaa ka bilaabatay markii la waayay Iman Moxamed Xasan oo Jarmalka lagu waayay bishii November ee la soo dhaafay. Gabar la dhalatay haweeneyda la la’yahay ee Masar ayaa ka baxday aamusnaanta, waxayna qaadatay boggaga qurba-joogta Masar ee ku sugan dalka Jarmalka si ey wax uga weydiiso walaasheed. Waxa ey sheegtay in xiriirkii ugu dambeeyay ee qoyskan ey la sameeyaan uu ahaa muddo bil ka hor, wixii xilligaasi ka dambeeyayna ey u suurageli weyday in lala xiriiriyo, isla markaana bogaggeeda baraha bulshada eysan shaqeyn. Gabadha la dilay walaasheed ayaa daaha ka qaaday fal-celinta yaab leh oo ninka uu ka qaaday dhacdada. Ka dib markii ey qoysku la soo xiriireen si ey wax uga weydiiyaan sababta ey u maqan tahay xaaskiisa ayaa sheegay iney bil ka hor ka baxday guriga, dibna eysan u soo laaban, eyna ifka kaga tagtay saddex caruur ah oo ey dhashay oo uu ku jiro ilmo yar oo 7 bilood jira. Si kastaba ha ahaatee, ninka ayaa ku guuldareystay inuu u sheego maqnaanshaha xaaskiisa maamulka Jarmalka. Gabar la dhalatay gabadha la dilay ayaa sidoo kale qoraal ey soo dhigtay ku xaqiijisay in ninka walaasheed uu si caadi ah noloshiisa ugu noolaa, isagoo aan ka walaacin maqnaanshaha lama filaanka ah ee xaaskiisa. Geesta kale, qaar ka mid ah dadka u dhow gabadha la la’yahay ee Iman oo ku sugan dalka Jarmalka, ayaa sheegay in khilaaf soo noqnoqday uu soo kala dhex galay iyada iyo ninkeeda, kuwaasoo sababay iney gabbaad u raadsato hooy ey ku nool yihiin dumarka lagu xad-gudbay dalka Jarmalka, iyada iyo carruurteeda. Muddo ayey halkaa joogtay ka hor inta aaney ku noqon gurigii guurka. Waxay aaminsan yihiin in ninku uu yahay tuhmane la'aanta xaaskiisa.
Warbaahun Carbeed ayaa ogaatay in ninka qabay haweeneyda la waayay uu dhowr jeer soo dhigay qoraalo uu ku weerarayo xaaskiisa, ka dib markii la waayay, isagoo ku eedeeyay fal sharaf dhac ah. Taasi waxay keentay in dad badan oo ey garanaysay ey ka jawaabaan eedaymahaas iyo aflagaadadaas, iyagoo ku nuux-nuuxsaday iney tahay geber akhlaaq wanaagsan oo cid walba laga qadariyo.
ISHA-AA.
IRAAN OO QABATAY LABA XUBNOOD OO LA SHAQEYNAYEY MOSSAD.
(SAWIRKA)-ASTAANTA SIRDOONKA ISRA’IIL EE MOSSAD.
(TEHRAN)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Iraan iyo Isra’iil Jimcihii la soo dhaafay, waxaa soo baxaayey warar hoose oo sheegaayo in Sirdoonka Dibadda ee Isra’iil loona yaqaano MOSSAD uu door weyn ka ciyaaray weerarada Isra’iil ee galaaftay Saraakiil sar sare iyo Aqoonyahano dhinaca Nukliyeerka ah,waxaane shalay ilaa maanta soo baxaayey warar sheegaayo in Sirdoonka Iraan ey ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan dadkii la shaqeynaayey Sirdoonka Isra’iil ee MOSSAD. Dawladda Iraan ayaa soo saartay digniin sheegeysa inaan lala macaamilin cid kasta oo xiriir la leh amaba lagu tuhmaayo iney xiriir la leedahay Sirdoonka Isra’iil ee MOSSAD,booliska Iraan ayaa ku dhawaaqay iney laba qofood ka soo xireen Gobolka Albaraz ee waqooyiga dalkaasi. Bayaan kasoo baxay booliska maanta oo Axad ah ayaa lagu yiri”Waa ey ku mahadsan yihiin dadaalka ey sameeyeen qeybta Sirdoonka booliska ee Gobolka Albaraz, waxaane suurtagashay in la soo xiro laba xubnood oo ka tirsan unugyada Mossad”. Booliska Gobolka ALbaraz ayaa intaas raaciyey in labada qofood ee l soo qabtay ey ku hawlanaayeen sameeynta Bambooyin,Walxaha Qarxa iyo qalab elektaroonig ah oo ku sugnaay goob ey ku dhuumaaleysanayeen taaso ku taalo degaanka Saafojubla’a sida ey ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Tasnem. Hayadda Sirdoonka ee Ilaaladda kacaanka Iraan ayaa shalay ka digtay in iskaashi kasta oo sirdoon oo lala yeesho Mossad ama xiriir lala sameeyo shaqsiyaad lala xiriirinaayo Isra’iil iney ka dhigan tahay dembi Qaran qofkii lagu helana uu muteysan doono ciqaab tan ugu daran. Waxaa kaloo uu bayaanka la soo saaray shalay oo Sabti ahayd uga digay in la fuliyo dhaqdhaqaaqyo dhinaca Warbaahinta ah lidne ku ah Iraan iyo dicaayaddo lagu dhiirigelinaayo weerarka Isra’iil ee dalka Iraan.
ISHA-AA.
WAREEGII LIXAAD EE WADA HADALADA MARAYKANKA IYO IRAAN OO BAAQDAY.
(ASWIRKA)-CARAQJI IYO BADR.
(MASCAT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Cumaan ee Masqat ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimha Dibadda dalkaasi Badr AL-Busaciidi uu shaaca ka qaaday in wareega lixaad ee wada hadaladda Iraan iyo Maraykanka aan lagu qaban doonin magaaladda Masqat berrito oo Axad ah,iyadoo la eegaayo xiisadda weerarka ey Isra’iil ku beegsatay dalka Iraan. Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in Diblomaasiyadu iyo wada hadalku yihiin wadada kaliyah ee lagu gaari karo nabad waarta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Iraan ayaa sheegtay ineysan wax faa’iido ah lahayn “In Maraykanka uu wada hadalo Nukliyeer ah kula yeesho Cumaan xilli dhulkeeda uu ka jiro weeraro uga imaanaya Isra’iil. Afhayeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan Ismaaciil Baqaay ayaa ku sheegay hadal uu soo saaray ka hor wada hadalka,kaaso loo qorsheeyey Axada,iney cadahay in xaaladaan oo kale,ilaa ey joogsato gardaradda Isra’iil ee ka dhanka ah Iraan,ka qeybgalka wada hadal lala yeelanaayo kaalmeeyaha ugu weyn lana wadaago dhibaateynta Iraan si aan macno lahay”. Dalka Iraan ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in wad hadalkii Maraykanka ee ku saabsanaay barnaamika Nukliyeerka ee Iraan uu noqday mid macna la’aan ah ka dib markii Isra’iil ey qaaday weeararkeedii Mileteri ee abid ugu weynaa ee ka dhan ah dalka Iraan. Tehraan ayaa sidoo kale Washington ku eedeysay iney taageerto Isra’iil. Shalay,Axmed AL-meymuuni oo ah Agaasimaha daraasaadka iyo cilmi baarista ee Machadka Rasaana ayaa meesha ka saaray in Tehraan ey ku soo laabato wada xaajoodka ka dib markii ey dhumisay qeyb ka mid ah awoodeedii gorgrtanka,sida uu yiri,iyadoo loo maraayo Operation Rising Lion, oo loo arko mid ka mid ah hawlgaladda ugu weynee Isra’iil ee qarsoodida ah iyo dhagarta. Isla xaaladaan,khudbad laga sii daayey Telefishanka fiidnimada Sabtida maanta ah ayuu Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ku sheegay in Isra’iil ey guulo gaartay oo ey garaacday goobta ugu muhiimsan ee tayeynta Iraan. Waxa uu sheeca ka qaaday in weerarada sidoo kale lala beegsaday kooxda hogaanka Saynisyahanada ee hogaaminaya mashruuca Nukliyeerka isaga oo xusay inuusan faahfaahin dheeri ah ka bixin karin.
ISHA-AA.
JABUUTI IYO YEMAN OO KA WADA HADLAY AMNIGA IYO XASILOONIDA.
(SAWIRKA)-MW-GEELLE IYO MW-RASHAAD.
(ADEN)-Dr. Rashad Maxamed AL-Culeymi ahne Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxweynaha, ayaa maanta oo Jimce ah khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Intii uu socday wad hadalka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyada kala duwan. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka Gobolka iyo arrimaha danta guud. Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxtooyadu isagoo ku hadlaya magaciisa, kan Xubnaha Golaha iyo Xukuumadda, ayaa si weyn ugu mahad-naqay mawqifka ey Jamhuuriyadda Jabuuti ku garab taagan tahay shacabka Yemen iyo hoggaankooda sharciga ah, oo ey ka mid yihiin tas-hiilaadka deeqsinimada leh ee loo fidiyey muwaadiniinta Yemen ee ku nool, kuna sii kala gudba dhulkeeda, taaso ka tarjumaysa xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeyo labada shacab ee walaalaha ah Yeman iyo Jabuuti.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku celceliyay in dalkiisu uu garab taagan yahay Golaha Hoggaaminta Madaxweynaha iyo dawladda Yeman,mowqifka adag ee uu ka taagan yahay garab istaagga shacabka Yemen iyo himilooyinka ey ka qabaan Amniga, Xasilloonida, iyo Nabadda, iyo sida uu dalkiisu u doonayo in la xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah si looga hortago caqabadaha guud iyo sii wadida bixinta dhammaan tasiilaadka suurtagalka ah ee mawaadiniinta Yeman.
ISHA-AA.
ISRA’IIL OO WEERARTAY DHULKA SURIYA MAR KALE.
(SAWIRKA)-BEYT JIN.
(ABU DHABI)-Ciidamada Israa'iil ayaa galay Koonfur-galbeed ee dalka Suuriya saacadihii hore ee Khamiista, waxayna halkaas ka soo xireen dhowr qof oo ey milateriga Israa'iil ku sheegeen iney xubno ka yihiin kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, balse Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa sheegtay iney ahaayeen dad rayid ah. Xariga ka dhacay magaalada Beyt Jin oo qiyaastii 50 kiiloomitir Koonfur-Galbeed kaga beegan caasimadda Dimishiq, ayaa qayb ka ah dib u soo cusboonaada hawlgallada ciidammada Israa'iil ee Koonfurta Suuriya ka dib toddobaadyo xasilloon. Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in howlgalkooda habeenimo ee Beit Jin uu ahaa "Mid ku salaysan sirdoon la ururiyey toddobaadyadii la soo dhaafay" oo horseeday in la xiro "Argagixiso badan oo Xamaas ah" oo qorsheynayay "Qorshooyin Argagaxiso badan" oo ka dhan ah rayidka Isra’iil iyo ciidamada Israel ee Suuriya. Warka ka soo baxay militariga ayaa lagu sheegay iney la wareegeen hub iyo rasaas, waxaana maxaabiista loo gudbiyay Israa’iil si su’aalo dheeraad ah loo weydiiyo. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in "daandaansigan soo noq-noqday ey ka dhigan yihiin xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters in toddobo qof lagu xiray weerarka Beit Jin, balse waxa ey beeniyeen iney ka soo jeedaan Xamaas, isagoo sheegay iney ahaayeen dad rayid ah oo deegaankaas ka soo jeeda. Afhayeenku wuxuu sheegay in hal qof uu ku dhintay dab ka kacay Israa'iil. Mar wax laga weydiiyay in qof lagu dilay weerarkooda, millatariga Isra’iil ayaa u sheegay Reuters in markii mid ka mid ah xubnaha la tuhunsan yahay uu isku dayay inuu baxsado, rasaas ayaa lagu furay waana ey ku dhacday,mana la aqoonsan."Isra’iil ayaa si weyn uga shakisan dowladda cusub ee maamulaysa Suuriya tan iyo markii la riday hoggaamiyihii hore ee Bashaar AL-Assad bishii December, iyadoo sheegtay iney taageeri karto weerar la mid ah duullaankii Xamaas uu hoggaamiyo Oktoobar 7 2023 ee koonfurta Israa'iil. Bilihii hore ee maamulka cusub ee Suuriya, Israa'iil waxay ciidan u dirtay koonfurta Suuriya, waxayna qaadday duqeymo baahsan laakiin ka dib waxay wadahadal toos ah la bilowday mas'uuliyiinta Suuriya si looga hortago colaadda gobolka soohdinta. Xiisadda ayaa dib u soo cusboonaatay horaantii bishii Juun, si kastaba ha ahaatee, ka dib markii gantaalo laga soo tuuray Suuriya oo ku wajahan Israa'iil. Israa’iil ayaa ka aargoosatay weerarkeedii ugu horeeyay muddo bil ku dhow. 8-dii bishii Juun, Israa’iil waxay duqayn ka geysatay duleedka Beit Jin oo ey ku tilmaantay xubin Xamaas.
ISHA-AA.
HOGAAMIYE DAACISH AH OO JARMALKU XUKUMAY.
(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.
(BERLIN)-Hogaamiyihii hore ee Ururka Argagixisada Daacish kuna sugan dalka Jarmalka ABU WALA’A ayaa lumiyey racfaan uu ka qaatay masaafurin dib loogu celinaayo dalkiisa Ciraaq. Arrintaan ayaa timid ka dib markii Maxkamadda Maamulka ee magaaladda Dusseldrof ee galbeed Jarmalka ey diiday racfaanka ABU WALA’A oo 40-tan jir ah. Weli waa uu codsan karyaa ogolaansho si uu racfaan kale uga qaato xukunka. Haweeneyda Garsooraha ah ayaa go’aankeeda faahfaahisay in danta musaafurinta ey ka miisaan badan tahay tixgelinaha kale sababo la xiriiro Amniga Qaranka,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Jarmalka ee dpa.
KHATAR AYAA JIRTA:
Waxay sidoo kale ey sheegtay in ABU WALA’A uusan muujin wax la isku haleyn karo uu kaga tanaasulay xilalkiisii hore markii uu ka tirsanaay kooxda Argagixisada Daacish ama fikirkaas Xagjirka ah,iyadoo la xustay in halistu uu ku soo celin karo falalkisa tahay mid weli taagan. Garsooraha ayaa Go’aamiyey in danta todobada caruurta ah ee uu dhalay ey ka hor mariyaan arrimahaan. Musaafurinta ABU WALA’A waxaa lagu go’aamin doonaa dacwad gaar ah. Musaafurinta ayaa hadda la filayaa iney fashilanto sababo la xiriiro la’aanta ballan qaad diblomaasiyadeed oo ka timid Ciraaq oo ah inaan la dileyn ABU WALA’A marka la keeno Ciraaq. Codsiga megengalyo ee xiga ee ABU WALA’A sidoo kale waa mid go’aan laga gaari doono. Inta lagu guda jiray fadhiga Maxkamadda,ABU WALA’A wuxuu diiday inuu wax hadal ah ka bixiyo xiriirka uu la leeyahay Caruurtiisa ama sida uu hadda u arko dembiyadda uu galay. Qareenkiisa ayaa codsatay in la joojiyo dacwadda,balse codsigeeda waa la diiday.
WAXAA LAGU XUKUMAA 10-SANO..ISAGOO MEGENGALYO DOON AH:
Waxaa xusid mudan in ABU WALA’A oo u dhashay dalka Ciraaq lagu xukumo 10-sano iyo bar oo xariga ah,ka dib markii lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Argagixisada Daacish. Waxa uu sii wadi doonaa xukunkaan ilaa bisha Meey sannadka 2027-ka. Ninkaan ABU WALA’A ayaa Imaam ka ahaa Masjid xiriir la leh Ururka Islaamka ku hadla afka Jarmalkaee HILDESHEIM, waxa uuna dhawaan ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay fikirkii xagjirnimada. Hogaamiyihii hore ee kooxda Daacish ABU WALA’A waxa uu dalka Jarmalka megengalyo doon ku yimid sannadkii 2001-dii,waxa uuna Jarmalka ku heystay todobo caruur ah oo uu dhalay iyo laba xaas.
ISHA-WAKAALADDO.
HAANIBAAL OO QADAAFI OO MAR KALE KA SOOMAY CUNTADA.
(SAWIRKA)-HAANIBAAL IYO SHEEKHA SHIICADDA.
(BEIRUT)-Toban sano ayaa ka soo wareegtay markii Haanibaal Qadaafi lagu xiray dalka Lubnaan isagoo lagu eedeeyey inuu qarinaayo macluumaad ku saabsan halka uu ku dabeeyey Sheekha Shiicada ah ee Imaam Muusa AL-Sadr,iyadoo aan la sii deyn amaba aan la xukumin xukun kama dambeys ahne laga soo saarin. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucamar AL-Qadaafi uu cunada ka Soomay isaga oo kaga soo horjeeda Xabsiga lagu sii haayo. Wararka ayaa sheegaayo in Haanibaal uu mar kale ka Soomaayo Cuntada ka dib markii maamulka Wasaaradda Cadaaladda dalka Lubnaan ey iska dhegatirtay dalabaadka uga yimid Wasaaradda Cadaaladda dalka Liibiya si loo sii daayo Haanibaal Qadaafi,inkastoo ey diyaar u tahay iney bixiso dhammaan macluumaadka ku saabsan Sheekh AL-Sadr,ilo wareedyo ku dhaw Qoyska Haanibaal Qadaafi ayaa sheegay in Qoysku ku yiraahdeen Masuuliyiinta Lubnaan inuu xika saaran yahay Amniga iyo bedqabka Haanibaal Qadaafi.
KIISKA MUUSA AL-SADR.
Waxaa xusid mudan in Haanibaal uu ku dhawaad muddo 10-sano ah uu xabsiga ku qaatay sabab la xiriirta inuu qariyey macluumaadka kiisa AL-Sadr iyo labadiisii saaxib ee lagu waayey dalka Liibiya sannadkii 1978-dii. Waxaa Haanibaal Qadaafi la xiray bishii Diseembar sannadkii 2015-kii,isagoo ku mashquulsanaay sidii uu heli lahaay Aqoonsiga Qaxootinimo oo Siyaasi ah gudaha dalka Suriya ka hor inta laga afduubin halkaasi oo aan loo gacangelin maamulka Lubnaan. Dhawrkii sano ee la soo dhaafay wiilka uu dhalay Korneel Qadaafi ma uusan bixin wax xog ah oo cusub oo la xiriirta halka uu ku dambeeyey hogaamiyihii Shiicada iyo ragii la socday, waxaane baarayaasha Garsoorka dalka Lubnaan uusan weli soo saarin eedeymaha loo haysto Haanibaal Qadaafi,waxa uuna weli ku xiran yahay qol ku yaalo xabsiga Laanta Warfaafinta kaaso ku yaalo Xarunta Taliska Guud ee Nabad Sugidda dalka Lubnaan. Haanibaal Qadaafi ayaa dhawr jeer galay Cunto ka Soomid sannadadii la soo dhaafay isagoo kaga soo horjeedo Xariga joogtada ah ee Hayadaha Garsoorka Lubnaan. Sidoo kale,dhawr jeer ayaa Haanibaal la dhigay Isbitaalka sababo la xiriiro caafimaadkiisa oo sii xumaanaayo.
ISHA-WAKAALADO.
DALKA LUBNAAN OO KA HADLAY CIIDAMADA NABAD ILAALINTA.
(SAWIRKA)-RW-LUBNAAN.
(BEIRUT)-Ra'iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa Talaadada maanta ah dib u xaqiijiyay ka go'naanta Lubnaan ee dib u cusboonaysiinta shaqada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan si ey u taageeraan Qaraarka Qaramada Midoobay 1701 iyo ilaalinta Amniga xuduudaha. Hadalkiisa waxa uu daba socday dhacdo ey ciidamada nabad ilaalinta ee UNIFIL ey ku sheegeen iney iska horyimaadeen shaqsiyaad dhagax-tuur ah oo ey ku guda jireen kormeer ey ku marayeen koonfurta Lubnaan, waxa uuna ku tilmaamay weerarada soo noqnoqda ee ka dhanka ah ciidamadooda kuwa aan la aqbali karin. Salam ayaa dhaleeceeyay weeraradii lagu qaaday UNIFIL, isagoo ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay isla markaana lala xisaabtamo. Waxa uu ka digay in falalkan oo kale ey khatar ku yihiin xasiloonida koonfurta Lubnaan iyo danaha Qaranka, isaga oo faray Hay’adaha Ammaanka iney soo gudbiyaan kuwa weerarka soo qaaday una gacan geliyaan Hay’adaha Garsoorka.
ISHA-AN.
SHAN WADAN OO REER GALBEED AH OO CUNAQABATEYN SAARAY LABA WASIIR OO ISRA’IIL AH.
(SAWIRKA)-WASIIRO ISRA’IIL AH.
(WASHINGTON)-Mareykanka ayaa Talaadad maanta ah dhalleeceeyay cunaqabateynta Britain iyo afar xulafada wadaaga ah oo ka dhan ah Wasiirada midigta fog ee Israa’iil, iyagoo sheegay iney tahay iney diiradda saaraan kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas. "Waxaan u aragnaa iney tahay mid aan faa'iido lahayn.
Britain, Canada, Norway, New Zealand iyo Australia "Waa iney diiradda saaraan dambiilaha dhabta ah, kaasoo ah Xamaas," ayey tiri cunaqabateynta. "Waxaan ka walaacsanahay tallaabo kasta oo Israa'iil ka sii go'doonsanaysa beesha caalamka," ayay tiri.
Shanta wadan ee reer Galbeedku waxay cunaqabatayn ku soo rogeen Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich iyo Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir “huritaanno soo noqnoqda oo rabshado ah” oo ka dhan ah Falastiiniyiinta. Labada Wasiir ayaa la kulmay dhaleecayn isdaba joog ah balse ma jirin cunaqabateyn rasmi ah oo lagu saaray Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden. Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Donald Trump waxa uu wacad ku maray inuu taageero aan kala go’ lahayn u fidin doono Israa’iil. "Haddii xulafadayadu ey rabaan iney caawiyaan, waa iney diiradda saaraan taageeridda wadahadallada ergeyga gaarka ah (Steve) Witkoff iyo taageeridda Mu'asasada Bani'aadamnimada ee Gaza marka ey timaado cuntada iyo gargaarka," ayay tiri.
Hay'adda Gaza Humanitarian Foundation ayaa gargaarka u qaybisay iyada oo la kaashanaysa millatariga Israa'iil, dadaalkaas oo ey dhaleeceeyeen Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka ee muddada dheer soo jiray, kuwaasoo sheegay iney xadgudub ku tahay mabaadi'da bani'aadamnimada.
ISHA-AN.
MARAYKANKA OO LACAG DUL DHIGAY MADAXA AL-QAACIDA EE…
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA AL-QAACIDDA EE AQAB.
(YEMAN)-Hogaamiyaha Ururka AL-Qaacida garabka Yemen ayaa fariin muuqaal ah oo uu soo saaray markii ugu horeysay tan iyo markii ey la wareegay kooxdan sanadkii hore ugu hanjabay labada masuul ee kala ah Madaxweyne Donald Trump iyo bilyaneerka Elon Musk dagaalka Israel ee Marinka Gaza. Fariinta muuqaalka ah ee qaadatay saacad iyo bar ee uu soo saaray Sacad Bin Caadhif AL-Cawlaqi, oo lagu faafiyay internet-ka subaxnimadii hore ee sabtidii oo ey soo gudbiyeen taageerayaasha AL-Qaacidada Jaziiradda Carabta, ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa baaqyo loogu baaqayo dagaalyahannada keligood-wadayaasha ah iney dilaan Hoggaamiyeyaasha Masar, Urdun iyo dalalka Khaliijka Carabta ee qeybta ka ah dagaalka, kaas oo baabi’iyay Gaza. Muuqaalka khudbada AL-cawlaqi ayaa muujinaya sawirada Trump iyo Musk, sidoo kale waxaa ka muuqday Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha difaaca Pete Hegseth. Waxa kale oo ka mid ahaa sawirada calaamadaha Ganacsiyada Musk, oo uu ku jiro baabuur-sameeyaha korontada ee Tesla. "Ma jiraan khad cas ka dib waxa dhacay oo ku dhacaya dadkeena Gaza," AL-Cawlaqi ayaa yiri. "Isku-isdhaafsigu waa sharci."
LAANTA AL-QAACIDA EE DALKA YEMAN AYAA MUDDO DHEER LOO MALAYNAAYEY INEY UGU KHATARSAN TAHAY.
In Kastoo la rumeysan yahay iney wiiqantay sannadihii u dambeeyey dagaaladda dhexdooda ah oo looga shakisan yahay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ey dileen Hogaamiyeyaashooda, kooxdan oo magaceeda loo soo gaabiyo AQAB ayaa lagu tiriyaa iney tahay laanta ugu khatarta badan Ururka AL-Qaacidda oo weli shaqeysa ka dib sannadkii 2011-kii ey dileen ciidamadda Badda Maraykanka Hogaamiyihii AL-Qaacidda Cusaama Bin Laadin kaaso abaabulay weeraradii Sebtembar-2001-kii. Sannadkii 2022-kii, duqeyn ey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa gudaha dalka Afgaanistaan waxaa lagu dilay dhaxal-sugihii Bin Laden, Ayman AL-Zawahiri, kaasoo sidoo kale gacan ka geystay shirqoolkii 9/11. Weeraradii 11-kii Sebtembar ayaa markaas billaabay tobannaan sano oo dagaal uu Mareykanku ku qaaday Afgaanistaan iyo Ciraaq, waxaana uu sii kiciyay kororka kooxda dowladda Islaamiga ah. Dawladda Maraykanka ayaa AL-Cawlaqi waxa ey madaxiisa dul dhigtay 6 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, sida Washington ey sheegtay AL-Cawlaqi “uu si cad ugu baaqay weeraro ka dhan ah Maraykanka iyo xulafadiisa. Wuxuu bedelay Hogaamiyihii AQAP Khalid AL-Batarfi, oo dhimashadiisa ey kooxdu ku dhawaaqday 2024-kii.
DAGAALKA ISRA’IIL AYAA SIDOO KALE DIIRADDA SAARAY XUUTIYIINTA:
Qabsashada AQAP ee dagaalka Israa’iil ee Gaza waxay daba socotaa dadaallada fallaagada Xuutiyiinta Yemen ey ku doonayaan iney sidaas oo kale sameeyaan. Kooxda ey taageerto Iran ayaa weeraro gantaallo ah ku qaaday Israa’iil, waxaana ey beegsadeen Maraakiibta Ganacsiga ee mara marinka Badda Cas iyo sidoo kale maraakiibta dagaalka ee Maraykanka. Ciidamada Badda Mareykanka ayaa ku tilmaamay ololahooda ka dhanka ah Xuutiyiinta inuu ahaa dagaalkii ugu xooganaa oo ey la kulmaan tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka. Maamulka Trump ayaa sidoo kale bilaabay ololihiisa xooggan ee duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, kaasi oo soo idlaaday uun ka hor safarkii Madaxweynaha ee dhawaan uu ku tagay Bariga Dhexe. Xuutiyiinta sumcadooda caalamiga ah ayaa sare u kacday iyadoo kooxda ey weli ku harsan tahay dagaalka Yaman ee mudada dheer hakad ku jira. AL-Cawlaqi ayaa laga yaabaa inuu sidaas oo kale u sharadinayo kooxdiisa, taas oo khubarada Qaramada Midoobay ey ku qiyaaseen inta u dhaxaysa 3,000 iyo 4,000 dagaalyahanno firfircoon iyo xubno aan toos ahayn. Kooxdan ayaa lacag ururinaysa iyagoo dhac u geysta bangiyada iyo dukaamada lagu sarrifo lacagaha, sidoo kale waxay ka ganacsadaan hubka, lacagaha been abuurka ah, waxayna fuliyaan hawlgalo madax furasho ah, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay. Shiicada Zaydi Xuutiyiinta ayaa horey u diiday iney la shaqeeyaan AQAP, oo ah koox Sunni ah oo xag jir ah. Si kastaba ha ahaatee, Bartilmaameedka AQAP ee Xuutiyiinta ayaa hoos u dhacay sannadihii la soo dhaafay, iyadoo Maleeshiyada ey sii wadayaan Weerarada ey ku hayaan Ciiddanka Isbaheysiga ee uu Sacuudiga hoggaamiyo, kuwaasi oo dagaal kula jira Xuutiyiinta. "Iyadoo ey Xuuthiyiintu caan ka noqdeen hoggaamiyeyaasha iska caabinta Carabta iyo dunida Muslimka ee ka dhanka ah Israa'iil, AL-Cawlaqi wuxuu doonayaa inuu ka hor yimaado awooddooda isagoo isu soo bandhigaya inuu si isku mid ah uga walaacsan yahay xaaladda Gaza," ayuu yiri Mohammed AL-Basha, khabiir Yemeni ah oo ka tirsan shirkadda la-talinta khatarta ah ee Basha Report. "Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee beesha sida sii kordheysa uga go'ay Yemen, muuqaalkan waa xasuusin cad: Yemen weli waa arrin dagaal ey ka jirto."
ISHA-WAKAALADO.