HOGAAMIYE DAACISH AH OO JARMALKU XUKUMAY.

(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.

(BERLIN)-Hogaamiyihii hore ee Ururka Argagixisada Daacish kuna sugan dalka Jarmalka ABU WALA’A ayaa lumiyey racfaan uu ka qaatay masaafurin dib loogu celinaayo dalkiisa Ciraaq. Arrintaan ayaa timid ka dib markii Maxkamadda Maamulka ee magaaladda Dusseldrof ee galbeed Jarmalka ey diiday racfaanka ABU WALA’A oo 40-tan jir ah. Weli waa uu codsan karyaa ogolaansho si uu racfaan kale uga qaato xukunka. Haweeneyda Garsooraha ah ayaa go’aankeeda faahfaahisay in danta musaafurinta ey ka miisaan badan tahay tixgelinaha kale sababo la xiriiro Amniga Qaranka,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Jarmalka ee dpa.

KHATAR AYAA JIRTA:

Waxay sidoo kale ey sheegtay in ABU WALA’A uusan muujin wax la isku haleyn karo uu kaga tanaasulay xilalkiisii hore markii uu ka tirsanaay kooxda Argagixisada Daacish ama fikirkaas Xagjirka ah,iyadoo la xustay in halistu uu ku soo celin karo falalkisa tahay mid weli taagan. Garsooraha ayaa Go’aamiyey in danta todobada caruurta ah ee uu dhalay ey ka hor mariyaan arrimahaan. Musaafurinta ABU WALA’A waxaa lagu go’aamin doonaa dacwad gaar ah. Musaafurinta ayaa hadda la filayaa iney fashilanto sababo la xiriiro la’aanta ballan qaad diblomaasiyadeed oo ka timid Ciraaq oo ah inaan la dileyn ABU WALA’A marka la keeno Ciraaq. Codsiga megengalyo ee xiga ee ABU WALA’A sidoo kale waa mid go’aan laga gaari doono. Inta lagu guda jiray fadhiga Maxkamadda,ABU WALA’A wuxuu diiday inuu wax hadal ah ka bixiyo xiriirka uu la leeyahay Caruurtiisa ama sida uu hadda u arko dembiyadda uu galay. Qareenkiisa ayaa codsatay in la joojiyo dacwadda,balse codsigeeda waa la diiday.

WAXAA LAGU XUKUMAA 10-SANO..ISAGOO MEGENGALYO DOON AH:

Waxaa xusid mudan in ABU WALA’A oo u dhashay dalka Ciraaq lagu xukumo 10-sano iyo bar oo xariga ah,ka dib markii lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Argagixisada Daacish. Waxa uu sii wadi doonaa xukunkaan ilaa bisha Meey sannadka 2027-ka. Ninkaan ABU WALA’A ayaa Imaam ka ahaa Masjid xiriir la leh Ururka Islaamka ku hadla afka Jarmalkaee HILDESHEIM, waxa uuna dhawaan ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay fikirkii xagjirnimada. Hogaamiyihii hore ee kooxda Daacish ABU WALA’A waxa uu dalka Jarmalka megengalyo doon ku yimid sannadkii 2001-dii,waxa uuna Jarmalka ku heystay todobo caruur ah oo uu dhalay iyo laba xaas.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO WEERARTAY DHULKA SURIYA MAR KALE.

Next
Next

HAANIBAAL OO QADAAFI OO MAR KALE KA SOOMAY CUNTADA.